Banii’adamku ma kala qaalisan yahay? Qore; Bashir Hashi Dhore

Banii’adamku ma kala qaalisan yahay?

qormo

Markii Urur Diimeedka   Boko Haram ay afduubeen Boqollaal gabdho schoolley ah, ayaa adduunka oo dhami Muslim iyo gaalba afka wada furteen, waxayna ku baaqeen in Nigeria ciidammo Un-ka ka socda loo diro, si loo soo badbaadiyo Gabdhahasi la afduubay.

Waddamo badan oo carabta ka mid ah ayaa waxay America ugu baaqeen in ay tallaabo sharci ah ka qaaddo Boko Haram, isla markaasna ay Ciidammo soo furta u dirto Nigeria, waliba shuruud la’aan, sidoo kale, waxay caddeeyeen in afduubashada gabdhahaasi ay ka soo horjeeddo dhaqanka suubban ee diinta Islaamka ayna meel ka dhac ku tahay sharafta diinta.

shabakadaha Facebook iyo twitter ayaa waxa buux dhaafiyay malaayiin ruux oo u olaleynaayay in gabdhahas la sii daayo waxayna sameeyeen #tag lagu magaaabay  #bringourgirlsback kaas oo ay kor u dhaafeen dadka soo booqday Malaayiin ruuux.

Afduubashada loo geystay gabdhahaas sidoo kale waxaa dhaleeceeyay Xoog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon oo ku baaqay in gabdhahas si deg-deg ah oo waliba shuruud la’aan ah dib  xornimadooda loo siiyo.

Banii’aadamka ma kala Fadli badan yihin? bal ila dhugo waxa ay haddana dhigaan Kuwii shalay u ololeynaayay in gabdhaasi la sii daayo iyaga oo ku andacoonaayay in afduubashadoodu ka sooo horjeeddo xuquuqda Banii’aadamnimada, hadde waa afduubasho kaliya oo arrintu dhimasho iyo xasuuq ma aysan gaarin!

Muddo haatan laga joogo hal usbuuc ayey ciidama cirka ee Israel waxay weerar xasuuq ah ku qaadeen Marinka Gazza, oo ay maamulan Xarakada Xamaas, dad rayid ah oo carruur iyo waayeel u badan ayaa ku naf waayay weerraradaasi wuxuushnimada ah.

Ra’iizal wazaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa mar uu la kulmay Wakiil ka socday Wasaaradda arimaha dibadda ee waddanka Mareykanka wuxuu si cad ugu sheegay in ay isku dayi doonaan in ay yareeyaan dhimashada dadka rayidka ah, hadde ma ahan in ay joojiyaan ee waa in ay kaliya yareeyan Tirada dhimashadda, halkii ay 100 maalintii dili jireen waxay hadda kadib dili doonaan 50 ama 60 haddba sidii ay doonan.

Wuxuuna intaas sii raaciyay in ay fiican tahay in America iyo international community-gu ay fahmaan arrintaan, hadii ay fahmi waayaana aysan Israel ku qasbaneyn in ay u sharraxdo.

Macnaha fad ama ha fadine waa lagu fadsiin, oo ah wiixi an rabo ayaan sameyneyna ku farxa ama haku farxina!

Bal Carabtiina!

Aan ku hor marnee saxaafadda waddamada Carabta ayaa indhaha ka xirtay xasuuqa Gazza ka socda, iyaga oo inta badan daawadayashooda u sii daaya filimmo musalsallo ah ama taxanne ah si aanba loo ogaan waxa halkasi ka socda.

Ururka jaamacadda Carabta ilaayo hadda lagama haayo wax dhaafsiisan dhaleeceyn oo waliba aashuun lagula addimay. Waddamadda Carabta ugu dhaqdhaqaaqa  badan sida Qatar, Saudi Arabia iyo UAE afkii ayaa jabaqda gabay, oo waxba lagama haayo.

Waxaan maqli jiray “ka daroo dibi dhal” waddanka Masar ayaa isagu kuwaas oo dhan kasii daray oo wuxuu xiray halkii jid ee u furnaa dadka dhibaateysan ee rer Falastiin. Saxaafadda laga leeyahay dalkasi Masar gaar ahaan kuwa gaarka loo leeyahay ayaa waxay ku boorriyeen Isreal in ay si fiican u leyso canaasirta ururka Xamaas, Masaarida koox ka mid ah ayaa waxay aaminsan yihin in ciidammo aan tiro yareyn oo labo mar lagu kala dilay xuduudda Masar iyo Falastiin in ay ka danbeeyeen ururka Xamaas.

Dilka dadka rayidka ah, carruurta iyo dadka waayeelka ah Carabeey Ban’iiadamnimadu maxay ka qabtaa?

In ummad dhan waddankoodii lagu gumaado lana xasuuqo banii’aadamnimadu maxay ka qabtaaa?

Waxaan isleeyahay su’aashas in jawaab fudud loo heli karo, marka arrintu ku saabsan tahay Muslim Gaal dhibaateeyay, laakiin, marka ay tahay gaal muslim xasuuqay  jawaab si fudud loogama bixin karo oo waxaa habboon in laga wada aamuso!

Bal adba is weydii  ban’iidamku  ma kala naf qaalisan  yihin?!

Qore; Bashir Hashi Dhore

 

SHEEKOOYIN