Bukaanada u Adkeysta Dawadda oo ku badanayo Soomaaliya!

Khayre

SOOMAALIYA: Bukaanada u Adkeysta Dawadda Cudurka Qaaxada oo ku badanayo!

June 2014 – Adkeysi jeermiska sababa cudurka qaaxada ee u yeesha daawada ayaa si aad uga baahayo dalka Soomaaliya sida ay tilmaameyso daraasad ee sameeysay Hey’ada Caafimaadka Aduunka.

Cudurka qaaxada waa cudur uu sababo jeermis loo yaqaanno “Mycobacterium” oo badanaa ku dhaca sanbabada iyo xubno kale ee jirka. Jeermiskaan sababa cuddurka qaaxada ayaa adkeysi u yeesha labada daawo ee ugu awooda badan safka horana kaga jira daaweynta cudurka kuwaas oo kala ah “isoniazid iyo rifampin.”

Tayada daawada, daawada aan la dhameysan iyo aqoonta daryeel bixiyaasha, arrimahaas ayaa saameyn ku leh Adkeysi jeermiska sababa cudurka qaaxada ee somaaliya.

Baahsanaanta qaaxada u adkeysata daawada waa mid aad u weyn, daraasadaan ayaa lagu ogaaday 500 qof oo adkeysi u leh daawada ay ku sugan yihiin dalka Soomaaliya, 5.2% dadkaan ayaa dhowaan laga helay cudurka qaaxada. halka 40.8% hore looga daaweeyay cudurka.

Adkeysiga daawooyinka cudurka qaaxada waxaa loo arkaa walaac ka soo shaac baxaysa somaaliya marka lala barbardhigo daraasad laga sameeyey dalka deriska nala ah Ethiopia iyo dalalka gobolka bariga Mediterranean. Sanadkii 2005, dalka ethiopia adkeysiga daawadda cudurka qaaxada ayaa gaaray 1.6% dadka dhowaan laga helay Cudurka iyo 11.8% kuwa hore looga daaweeyay cudurka. dhinaca kale daraasad laga sameeyey dalalka gobolka gobolka bariga Mediterranean ayaa xuseysa qiyaasta tirada 3.4% dadka dhowaan laga helay Cudurka iyo 29.9% kuwa hore looga daaweeyay cudurka.

Habka ugu muhiimsan ee looga hortago Adkeysi jeermiska keena cudurka qaaxada waa in ay bukaanda u qaadaan dhammaan daawooyinka sida uu qoray daryeel bixiyaasha caafimaadka iyo in daawada la dhameysto oo aan lagala goyn .

1 Xarun oo lagu baaro laguna daaweeyo bukaanada u adkeysta daawada ayaa ku taalo somaaliya, hadaba dowladda somaaliya ayaa looga bahaanyahay in tallaabooyin deg-deg ah ka qaadato arintaan si bukaanada u hellaan daawo iyo baaritaan. sidoo kale waxaa muhim ah helitaanka safka laabaad ee daawada cudurka qaaxada iyo in la tababaro daryeel bixiyaasha caafimaadka kuwaaso caawin kara si looga hortago Qaaxada daawada u adkeysata.

Hassan Kheyre.

Twitter: @Hassankheyre

SHEEKOOYIN