Feejignaanta Faca Soo socoda Laga Rabo. W/Q: Cabdicasiis Shidane

July-Blog

Si loo baddalo hoggaanka gaboobay ee dalka iyo dadka hor taaggan, waxaa lama huraan ah, in la helo fac cusub, oo ku qalabaysan aragti iyo ogaal fog, kana duwan kii soo jireenka ahaay. Dhallin rag iyo dumar is kugu jirta, kuna hadlaysa af ka gaddisan kii dhaqan ahaan la maqli jiray. Jiil dhaliisha iyo gorofeynta aragti kasta adeegsanaya, waxna aan is ku qarin, wax kastana ka fiirinaya danta dalka iyo dadka. Barbaar xor ka ah legdan diineed ka dhex aloosan kooxaha yaacaya ee ku guuldarreystay in ey dalka samata bixiyaan. Dhallinyaro ka fog luqad beeleedka iyo danaha naf lacaariga ah ee ku eg deegaan gaara. Dhallin hankoodu yahay badbaadinta dalka si guud. Haddaba si loo helo dhallintaas diyaarsan, waa in aan ku dadaalnaa ka fogaanshada wax kasta oo keeni kara qoqob iyo kala dhantaalidda bulshadaan sii hoobanaysa.
Caadifadda iyo laablakucu waa astaanta guuldarrada, sidaas darteed waa in jiilka cusubi yeeshaan dhaqan laga dhadhansan karo dareen dadnimo, xaqsoor, sinnaan, hufanaan iyo xalaalmiirasho. Adkeysi iyo dhabar adeeg waa in aan yeelannaa, maxaa yeelay fikrad kasta oo cusub waxay la kulantaa diidmo iyo la colleytan, ilaa marka dambe loo aayo, wax badanna lagu dheefo. Waa in aan ciyaarta qayb ka noqonnaa, si aan sadkeenna u helno, oo aan qaadannaa halbeeg kasta oo xitaa noqon kara mid aan maangal ahayn, si aan u tiigsanno dano qaran oo istaraatiijiyad fog leh, kana gudubnaa fara is ku taagtaagga iyo anigaa qurac ah iyo adigaa qansax ah. Waxa hareeraheenna ka dhacaya waa tusmo buuxda. Waa in aan naqshadda iyo dhagarta siyaasadeed ka barannaa casharro dhaxal-gal ah, si aan ula jaanqaadno kolonyada xawliga ku socota, ee ku legdamaysa awoodda dunida, ugana kaaftoonno dawarsiga iyo ducufnimada daashatay dalka, diinta, dadka iyo deegaan intaba.

Qorshahaasi wuxuu ku taabba-gali karaa kolkii aan jeexanno dhabbo cusub, kuna tillaabsanno kacdoon dhinac walba taabanaya, fikir, dhaqan, siyaasad, dhaqaale, dalxiis iyo ganacsi. Runtii waa habka qura ee aan uga badbaadi karno siriqyada sida aad ah u maleeggan ee daadsan bar kasta oo dunida ka mid ah maanta. Aad ayaan uga xumaadaa markaan arko bulshadeennii oo dareemaysa tarar iyo tabar-darri ku aaddan doc kasta, ilaa ey na la gaartay in aan ka shakinno heebteennii Soomaalinimo. Maanta waxaan taagannahay waddada kala badhkeeda, waa in aan doorannaa dhinaca guushu naga xigto, haddii kale waxaan la mid noqonaynaa macmacaan yaroo miiska bangiyada caalamka saaran, oo hadba qayb la jarto. Aan jabinno darbigaan adag ee ku kala dhex teedan bulshadeenna; qabyaalad, is-quursi, musuq, fikir diineed foolkiis gubtay iyo siyaasad fadhiid ah. Waa in aan garannaa xanuunka na haya, si aan u helno daawo raagta, dhammaanteen waxaan nahay bukaan, waxaan u baahannahay bogsasho iyo fiyoobi dagdagga.

W/Q: Cabdicasiis Maxamed Shidane. shidane05@hotmail.com

SHEEKOOYIN