Maanasada: Shululuga Curiye: Maxamad Xuseen Faarax

MXF

Maansada: Shululuga maanso

 

Shalalaba adduunyadu

Maxay shuqullo badan tahay!

Maxay shaamareertaa

Maxay been shukixisaa

Run maxay ku shabisaa

Maxay shaarar xirataa

Shanleey soo huwhuwataa

Qurux maxay shaldhaaddaa

Kolba midab shuxleysaa

Maxay kala shubtaa nolol

Dib maxay ka shuuqdaa

Maxay layrar shidataa

Shucaac maxay ku qarisaa

Maxay shumacya daartaa

Shuux maxay ku damisaa

Farxad maxay shaxleysaa

Caro maxay shariigtaa

Maxay sheed ka booddaa

Halkay joogtay shalagalab

Shishay maxay ka aaddaa

Shululugo wareegtaa

Meel kale ka shidantaa!

 

Shululugo adduunyadu

Shamal iyo shareeriyo

Shaanus iyo shandhalatiyo

Shax maxay cayaartaa

Maxay shabakad dhigataa

Shamaag maxay war-warata

Shilal maxay ku waabtaa

Shirqool maxay maleegtaa

Maxay shuutisaa dhagar

Maxay shaambisaa hagar

Nimay geysey shaarica

Shabaq maxay ka eegtaa

Shiish maxay ku qabataa

Shuqulkiisa aragtaa

Shuufnaa tiraahdaa!

 

Shululugo adduunyadu

Maxay duul shukubisaa

Sharraxdaa shabkixisaa

Waayo sharaf u yeeshaa

Hawada u shareertaa

Dhabannada ka shumisaa

Shuushuu la hadashaa

Waxaan jirin u sheegtaa

Shilis maxay u loogtaa

Shix baruura siisaa

Markuu shaarib leeftamo

Shurug maxay tiraahdaa

Dabadeed shul hoosiyo

Shalaw maxay ka tuurtaa

Sheekadiisa laabtaa!

 

Shalalaba adduunyadu

Maxay duul shidaysaa

Shakar iyo dhib marisaa

Shirmo xiran ku ooddaa

Shushullada ka dabartaa

Markuu samir shallaytamo

Maxay dabin shakaalkiyo

Shakadaha ka goysaa

Shixnaddaa wad-wadataa

Sheeg-sheegid badisaa

Sharabaado dheer iyo

Shuko maxay u gelisaa

Shaal xariira saartaa

Wuxuu sheegto siisaa

Markuu waayo shuluqtamo

Shil maxay dhextaagtaa

Shanshadheer ka jebisaa

Shaamuug la raacdaa

Shiraab maxay tiraahdaa

Sharqantiis la waayaa!

 

Afartaas sha’ iyo woow

Shimbaqaan ku laabiyo

Sharraxeeda garataye

Shalalaba aduunyada

Wax kaa shaafiyaa jira

Shareecada Ilaahay

Nabigeennu shaaciyey

Furqaan shaqalladeedii

Bismillaahi shaafiin

Haddii aan shuban lahayn

Sharba maynu aragneen!

 

Shacabow dadweynow

Buuggaan shirkiga badan

Oo Shuuciga kufaarkiyo

Shaydaanku soo qoray

Oo shahaada suurkuna

Ku dar-daray shiddada kale

Dastuurkan shuhubadaa

Shifo miyaan ka dhigannaa?

 

Shiddo kale waxay tahay

Shanti horaa shan lagu daray

Shakigiinna sii koror

Waa la kala shirshirayaa

Keenyaati shirifliyo

Shamaaqille Axmaar baa

Nabad laga shinsanayaa!

 

Shilaabiyo Shinniiliyo

Xadkii Sheeg Gaduud iyo

Shirmadii Wajeer iyo

Shilantii Libooyiyo

Intay hor u shaxaysten

Ayaa laba shaxaad kale

Badda sheemaddeediyo

Webigii Shabeelliyo

Loogu daray Shalaanbood!

 

Shiinka kale wuxuu yahay

Shaloongooyin lacag iyo

Shilimaad ma raacnoo

Shisheeyaha ma tuugnoo

Cadaw ma u shirabannahay?.

 

Sharaftii ma luminnoo

Sheex li’i ma soconnaa?.

 

Ceeb ma shalaqsanaynaa

Ma sharaabnay xaaraan

Shaamshaam ma nala tegey?.

 

Afartaa shiraacaye

Aan mid kalena shaaciyo.

 

Shaacirow abwaanow

Shafka owrki beeloo

Shicir nabar ka gaaraa

Shaw iyo horaad iyo

Dambeed shuban ma qadaa?.

 

Shardigeedu wuxuu yahay;

Shaacirow abwaanow

Nin qabiil la shiidoo

La shirshira shan hayb la ah

Sharaftiisi dhaawacay

Qaran ma u shaqeeyaa?.

Shacab ma u adeegaa?.

 

Shiddo kale waxay tahay;

Shaacirow abwaanow

Nin Alle u shariigoo

Shirki soo bandhigayoo

Shaydaan u yahay sheekh

Nabi ma u shafeecaa?.

 

Sha’da kale waxay tahay;

Shaacirow abwaanow

Baar sheekadeydoo

Shaa shiin ku godan alif

Shaqaldheerta shiday wow

Shibbanaha bal eegoo

Ba’da sharraxa laba dhigan

Xuruuftay la showrtiyo

Raadi waxa la sheerkaa.

 

Maarso, 2015

 

Curiye:

 

Maxamad Xuseen Faarax

SHEEKOOYIN