Sooyaalka Noloshii Sillooneyd Q14AAD

Sooyaalka Noloshii Sillooneyd Q14AAD

 Samatar

Goor galaba, ayaa Ilbir, oo fadhiya gurigiisa gaarka ah, oo aan ka dheerayn xerada ciidanka, waxaa loo sheegay, in bannaanka marti u joogto. isagoo aan garan cida ay tahay martidu oo guntan macawis funaanad qaar ka sare ugu jirto, ayuu bannaanka u soo baxay, mise, waxaa taagan gaadhi Landcruiser ah. Hadduu u soo dhawaaday waxaa qaybta dambe fadhida Hodan.

Ilbir oo arrinkii kedis ku noqday, ayaa isku dhex yaacay maleeysana waayey in Hodan booqasho ugu timid, isagoo dhoola caddeynaya ayuu yidhi:  “Miyaa laysa soo gaadaya, maxaad iisoo wargelin weyday inaad ii imaneyso, Hodan oo qoslaysa ayaa tidhi:

“Ma bannaanka ayaa laysku horjoogsanayaa miyaan soo degaba lays odhanayn” ka dib kaftan goos goos ah, wuxuu ka codsadey iney soo degato, waanna ka aqbashay isagoo soo dhaweeyey iyada iyo wiilashii illaalada ahaa ee la socday.”

 Waxay fadhiisteen beerta bannaanka barando ku taal, oo si qurux badan u dhisan, qaabka Mutullaha “Mudulka” oo ubaxyo ku hareeraysan yihiin. Hodan ayaa ku tidhi:“Ma meeshan ayaad keligaa ka soo toostaa, adigoon wax lammaane ah lahayn?.”

Ilbir oo aan ka jawaabin, weydiintii Hodan ayaa u yeedhay, gabdho guriga joogay kana codsadey, inay cabitaan kulayl iyo qaboow leh u keenaan martida u t wiilasha oo qayilayey ayaa kuraas inta meel loo dhigay shaah iyo cabitaan loo geeyey , Ilbir ayaa ku yidhi:“iska nafisa” baabuurkiina gudaha ayaa loo soo geliyey.

Ilbir iyo Hodan oo hadallo isku tuurtuuray ka dib, ayay tidhi:“Ilaa maalintii aan is baraney, waxaa xasuustayda ka go’i la’ kaftankaagii iyo sheekadaadii. Waan garan la’ ahay arrinkan markaan u dhabbogalayna, waxaa ii soo baxday in dareen jiro!”

Ilbir oo arrinkani oo jikaaraya ayaa yidhi:“ DAREEN? ma qof aan dareen lahayn baa jira?”

Hodan oo aan cabsi iyo xishood midna ka muuqan ayaa tidhi,“Dareenkaygu waa mid kalgacal iyo rabitaan, kaasina qof walba ma galo, ee qofku waxaa uu u gala qofka uu calmaday”

Ilbir af kala qaad ku noqotay weedha dambe ee ay bixisay Hodan, ayaa isagoo xeerinna inay gurigiisa joogto, oo aan hadallo karoox iyo diidmo ah u muujin karin, dhinaca kalena lexojeclo weyni kaga jirto, ayaa yidhi:“Waxaad tahay qof kaftan badan, qofka aan ku aqoonna waa ku sirmayaa, hadalladaada qaarkood!” Hodan oo fahantay inuu is diidsiinayo ayaa tidhi:

“Waan ogahay inaad is weydiinayso, sidee ku dhici kartaa, xaas la qabaa, inay kaala hadasho arrimo jacayl iyo dareen! Waa dhab taasi, waa mid aan kula dareemayaa, balse, ogoow in qalbiga wax jeceli aanu arkin, hog iyo haaddaan kasta, jacaylkuna yahay dareen ka xoog badan qofka, oo ku qasba inuu helo ama raadiyo qofka uu jecelyahay” waxay ku luuqeysay hees.

Nin jacayl darderay

Dadka miyuu maqla

Diigoo ciyaayaan

Ku daydayaa

Dadkoo i dili

Baan ku dayn karayn.

Ilbir oo markan arka in runta kama raysa tahay ayaa yidhi:

“Sidee ayay ku suuragelaysa adigoo marwo nin qaba ah, in xidhiidh ina dhexmaro, mase, kula tahay inay suuragal tahay? Waayo, hadda anigu xaas ma lihi, haddaanse idhaahdo waxaan u magac bixinayaa una wanqalayaa wiilka ii dhalandoona, waxay noqonaysaa riyo, xidhiidhkeenuna sidaas oo , ayuu iila muuqdaa, maadaama, aad tahay marwo nin qabo, sidoo kale, oo madaxeeda ku jiro gacan nin kale, oo xitaa haddey furriin dalbato aysan suuragal ahayn iney hesho!”

Hodan oo ka niyadjabsan, ayaa tidhi:“Inteynaan taas ka doodin, aniga ayaa aqaan sida aan xorriyaddeyda ku helayee, adigu ma tahay mid aan ku xisaabtami karo, ama aan dhankiisa u soo go’i karo? Waxaanse ku weydiiyey; ma jiraa, haba yaraadee, dareen rabitaan ama filasho aad aniga ii haysaa inaan xidhiidh kula yeesho?”

Ilbir ayaa su’aaliba su’aasha ka dambaysa kaga sii adkaatey, ka dib intuu yaabay, oo waayey qaab uu mareeyo ayaa yidhi:“Waan ka soo tashanayaa, haddana, kulama wadaagi karo, dareenka qalbigayga waayo, xayndaab ayaa inagu kala xidhan. Midda kale, keligaa ma maxaad iigu iman weyday, saw arrinkani kuma habbooneyn qarsoodi iyo in aan la ogaan cida aad u tagtey iyo meesha aad tagtay , sababtoo ah waxaa kula socda ilaaladii iyo shaqaalihii ninkaaga!”

Hodan oo dareentay inay jirto rajo wanaagsan, ayaa tidhi:

“Kuwan wax ka galay arrimahayga ma jiraan. Waa niman shaqaale ah, oo dantooda eeganaya, waxbana kama gelin meesha aan tegayo iyo meesha kale, balse, maanta ka dib, iyadoo layla socdo kuu iman maayo, waxaanse kaa codsanayaa inaad markaad go’aan gaadho isoo wacdo, oo isoo wargeliso”.

Ilbir ayaa ka ballanqaaday, isagoo arrintii madaxiisa ka weynaatey, ayay uga sheekaysey nolosheeda iyo cidhiidhiga ay ku jirto.iyadoo wejigii quruxda badnaa murugo dabooshay oo tiiraanyooneysa ilmona ku soo taagantahay, indhaheeda aad moodo kuwii xuuralcaynta ayay tidhi;

“Waxaad tahay rajadeyda keliya, ee aan kaga bixi karo xaalladan adag, anigoo aan weligay waxna shukaansan, noloshana macaankeeda arag, oo ardayad ah, ayaa madax lay geliyey odaygan, weligay xidhiidhka ninka iyo naagta nama dhexmarin, wax badan ayuu isku dayey inuu i qasbo, waan diidi jiray!

Waxaa dhacdey, inuu dhawr jeer i xaday isagoo ii adeegsaday shaqaalaha guriga oo uu lacag siiyey, oo kiniiniyo hurdo iigu daray cabitaanka, haddana, anigu waxaan u arkaa uun kufsi iyo tacaddi uu ii geeystay, waayo, ilaa maanta qalbigayga iyo dareenkaygu waa mid ka oodan Barroow!” markaasay ilmo ka soo daadatay!

Ilbir oo isku naxay, ayaa ilmadi ka timid ka xumaaday, iskuna dayey inuu ka tirtiro, balse, iyadaa safaleeti ay gacanta ku haysatey iskaga tirtirtay, ka dibna wuxuu isku qanciyey inuu ka dhegaysto, wuxuuna ka soo dabcay, go’aankii ahaa waan ka soo tashanayaa, isagoo u sheegay, inuu garabkeeda taaganyahay, balse, ay iyadu leedahay hawsha ah inay isa soo barraxdo, oo ay soo madax bannaanato, inta ka horreysona, xidhiidhkooda barasho iyo wada sheekaysi sii socon doona.

Ilbir ayaa uga sheekeeyey aragtida uu ka qabo guurka, inuu ka didsanyahay. Wuxuu ugu sheekeeyey noloshiisa iyo dhibkuu soo maray. Sidoo kale, wuxuu ku dheeraaday, sheekada guurkii aabbihii iyo hooyadii iyo dhibkii hooyadii soo martey, isagiibaa markan muragadii ku soo wareegtay, iyadiina af kala qaad baa ku dhacay, waxayna la yaabtay qalbigiisa sida uu wanaagsan yahay iyo nolosha uu soo maray.

Hodan oo aad u faraxsan, ujeedkii ay u soo baxdayna 50%filasho wanaagsan ka qabta, soona carbuunatey Ilbir, iskuna afgarteen xidhiidh iyo wada sheekaysi dhexmara, inay dhagax dhigaan jacayl qarsoodi ah, maadaama, uusan u saamaxayn dhaqanka bulshada ay ku dhex noolyihiin, keenina karo, colaad iyo dhibaato baaxadeeda leh.

Hodan markay albaabka ka baxday, ayaa waxaa soo dhacay telefoonka Ilbir, waxaana loo sheegay, koox dhallinyaro ah, oo uu ku jiro Samatar saaxiibkii, inay Korneylka xabbado ku dhufteen oo carareen.

Ilbir oo naxdin dhaqaaqi waayey. waayo, war loo soo sheego waa kii ugu naxdinta badnaa, ayaa yidhi:

“Aaway Hanad iyo Doolli?” Waxaa loo sheegay inay sii jeedka maqaaxi ah fadhiyaan, ka dib, markay u yimaadeen gaadiidkii oo diyaarsan, ayuu labadoodiiba laba dible u xidhay, waxaana lagu dhextuurey gaadhi Zug ah, oo meesha taagnaa, iyadoon waxba loo sheegin.

Waxaana loo jiheystay, dhinaca gurigii Korneylka oo in cabbaar ah jira.

La soco Qaybaha dambe.

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

SHEEKOOYIN