Nin Aabbe ma noqdo!!

10672300_634722843313928_1169928553380477306_n

Nin Aabbe ma noqdo!!

Akhirstoow, ma la yaabtay cinwaanka qormadayda? Malaha way isu kaa diidday oo waad is qabadsiin wayday weedhan oranaysa “Nin Aabbe ma noqdo”. Oo haddaa ma Naag baa Aabbe noqota? Haa waa is waydiinta ay durbaba maskaxdaadu soo tufi karto. Waa sax,anigaa ku idhi waa sax, Nin Aabbe ma noqdo! Haddaa yaa noqda Aabbe? Anigaa kuu sheegi doona ee bal aan in yar qormadan horay usii galno.

Eray walba oo Luuqad ay umadi ku hadasho ku jira waxa uu leeyahay macne ama Eray bixin. Qof aan si dhab ah u garan macnaha eraygaasna waa ay ku adag tahay adeegsigiisa. Haddii uu adeegsadana waa hubaal in uu khaldayo.

Ninku waa bani aadamka Labka ah ee kasoo horjeeda qofka dheddig oo naag ama dumar loo yaqaan. Nin ahaansho ama ninnimo waxaa lagu cabbiraa tayada ama awoodda jinsi ee uu qofka ninka ahi leeyahay, waxaana inta badana lagu macneeyaa awoodda xagga galmada ama hawaysashada ruuxa dheddig ee Dumarka loo yaqaan.

Ilahay waxa uu Nin iyo naag ama Rag iyo Dumar u sameeyay in ay ahaadaan labada jinsi ee dunidan ku nool oo iyaga is kaashigooda ay adduunyadu ku taagan tahay. Xikmad alle ayeeyna ku ahaatay in uu ninku u baahdo naag si ay isugu noqdaan laba gacmood oo wada jir u qabta howl kasta oo dunida taalla.

Marka aan usoo noqdo cinwaanka qormadayda ee ah (Nin Aabbe ma noqdo), waxaa hubaal ah in wada-jirka Nin iyo Naag ama Rag iyo Dumar uu Ilahay ku ahaysiiyo qoys, kaas oo ah halka ay ka aas-aasanto bulshadu. Bulsha-na ma dhisanto illaa ay labada Lammaane ee labada jinsi kala ahi isu tag damac jinsi ahi ku jiro sameeyaan, markaas oo uu Alle u hibeeyo caruur kordhisa tirada qoyska, halkaasna waxaa ka billowda kororka tirada bulshada.

Marka laga hadlayo billowga dhismaha qoyska iyo dhalashada caruurta, waxa ay dadku wada ogsoon yihiin in dareenka ragganimo ama damaca jinsi ee ninka ku jira iyo midka naagta ama dumarka ku jira ay labada ruux u hoggaamiyaan isu tag loo yaqaan (Galmood), kaas oo haddii uu alle ogolaado sahlaya in ubad lagu dhex abuuro ilma-galeenka hooyada. Halkan waxa ay dadku ku qirsan yihiin in raganimadu ay tahay tan ubadka dhasha oo la fal gasha qoka dumarka ah ee iyadana naagnimada ama awoodda jinsi Eebbe siiyay.

Raganimadu waxa ay ninka dhaxashiisaa Ubad uu isagu dhalay, laakiin awooddaasi kaligeed kuma filna in uu ninku Aabbe noqdo. Haddaa ma nin wax dhalay oo aan Aabbe ahayn baa jira? Haa. Ninnimo Aabbe laguma noqdo, Aabbenimase nin waa lagu noqdaa!! Waxaan kaloo anigu aaminsan ahay in Aabbe la noqon karo iyada oo aan Ilma la dhalin! Oo sidee ah? Haa, Aabbuhu ma aha kan ilma dhala uun!!

Aabbe waxaa lagu noqdaa u diyaar garow iyo in uu qofka ragga ahi yeesho caqliyad ogsoon mas’uuliyadda iyo xilka saaran Aabbe. Waa in ay caqliyaddan iyo dareenkeeda mas’uuliyadda lihi hoggaamiyaan qofka ragga ahi ka hor inta uusan damcin ama u hawoon fal-galka galmoodka ah ee uu lammaantiisa la kaashanayo. Waxaan doonayaa in aan idhaa (Waa in aad galmood hawaysataa adiga oo Aabbe ah, halkii aad ka hawaysan lahayd adiga oo Nin ah ama rag ah).

Shakhsiga Aabbe noqda isaga oo aan wax dhalin, waa kan Lammaantiisa kusoo xusha maskax iyo caqli ka fekeraya natiijada ka dhalan doonta xulshadaas. Sidoo kale, shakhsiga Aabbe noqda isaga oo aan wax dhalin, waa kan hawooda fal-gal jinsi ah isaga oo leh caqliyad iyo maskax ka fekeraysa natiijada ka dhalan doonta fal-galkaas. Qofkaasi waa kan habeenka ugu horreysa ee guurkiisa aqalka soo gala isaga oo Aabbe ah.

Aan ku waydiiyo akhirstoow, ma tahay Aabbe? Inta aadan ii jawaabin, bal is waydii oo is eeg in aad horay u samaysa ama awood u leedahay in aad hadda samaysid arrimaha soo socda:

1. Wali ma dhacday, mase dhici kartaa hadda in aad Ilmahaaga Saxarada ka dhaqdo? Su’aashan waxa aan kuu waydiinayaa in ay rag badan aaminsan yihiin in saxara ka dhaqidda caruurta ay tahay howl u gaar ah Hooyada.

Daryeelka Ubadka waa mid ka mid ah waajibaadka saaran waalidka. Sidoo kalena, waa naxariis iyo farxad uu dareemayo qofka ay niyaddiisu ku qanacsan tahay in uu wanaag u sameeyo Ilmihiisa. Sidaas darteed, haddii uu qof kugula doodo ama kugula taliyo Ubadka saxara ka dhaqidooda iyo nadiifintooda u daa hooyadood, haka yeelin, waayo kaasi wuxuu kugula talinayaa in aad ka dheeraato Ilmahaada oo aad seegto farxadda iyo naxariista qabliga gasha ee laga helo u nuglaashaha iyo wanaag u samaynta ilmahaaga. Ilmahaaga ka dhaq saxarada, hana u dheg taagin doodda ragga ka yaqyaqsada wasakhda caruurtooda. Kuwaasi waa Niman. Mase aha Aabbeyaal!!

2. Wali ma dhacday, mase dhici kartaa hadda in Haweeneyadaada oo seexatay aad Habeen barkii soo kacdo si aad u hubsato in Cunugaaga yar ee sariirta saaran uu nabad qab ku hurdayo? Ilmaha dharabta ku jirta waxaa badan in ay si lama filaan ah isugu geddiyaan oo wajiga iska saaraan Dhar ama wax kasta oo halka ay jiifaan ka dhaw. Waa suurtagal in uu cunugga naqaska ku dhego. Adiga Aabbe ilmihiisa jecel marka aad tahay, hurdadu kaamasoo dhacayso mar allaale oo aad soo xusiisato halista ilmahaagan yar soo food saari karta. Markaa waad ku qasban tahay in aad laxawsi iyo jacayl dartiis usoo toosto oo aad hubiso in uu cunugaagii yaraa kuu nabad qabo. Intaas aan kuu sheegayo qaar baan samayn oo habeenkii iska hurda. Kuwaasi waa Niman. Mase aha Aabbeyaal!!

3. Wali ma dhacday, mase dhici kartaa hadda in Cunugaaga oo aan socod gaarin aad lacag tira badan ugusoo iibisay Kabo, sidoo kalena usoo iibisay qalab uu ku ciyaaro adiga oo ku fekeraya in aanay Ilmahaagu ka farxad yaraan caruurta kale. Haddaa ogaaw ilmahaagu wali waa ay yar yihiin oo farxad iyo murug xilligeediiba ma aysan gaarin. Sidaas oo ay tahay, niyadda kugu jirtaa waa ay kaa diidday in iyada oo nin caruur dhalay oo qayrkaa ahi lacag badan ku bixinayo farxadda ilmihiisa aad adiguna taada bakhaylato. Waad baxday oo waxaad soo iibisay intii uu kan kula mid ahi ilmihiisa usoo iibiyay, qalbigaaguna wuu xasilay markii aad hubsatay in cunugaaga aan socodka wali gaarin uu heysto Kobaha ay haystaan Ilmaha kale ee cararaya. Waxa ay naftaadu kugu tidhi (Cunugaaga oo farxad uusan garanayn sariirta la jiifa ayaa ka roon adiga oo farxad u heli waayay). Marka ay garashadaadu intaa ku haleeshiisay oo aad sidaasi samaysay, ogaaw rag baa jira ku doodaya (Ilmo sariir jiifa maxay farxadka garanayaan?). Kuwaasi waa Niman. Mase aha Aabbeyaal!!

Inta aan sheegay iyo ka badan-ba waxa ay rag badani u arkaan daciifnimo iyo in aanay ahayn howlaha nimanka loogu tala galay. Waa runtood, ma aha howl nin loogu tala galay. Se waa howl Aabbe loogu tala galay. Ninna Aabbe ma aha. Aabbe ayaase nin ah!!

Ugu dambeyntii, kuwa iyaga oo Niman ama Rag ah caruurta dhala, waxa ay la mid yihiin xoolaha is hawooda ee damaca jinsiga ahi uun ku kulma. Sida aad og tahay oo aan anigu og ahay dhammaanteenna wada og nahay, isu tagga jinsi ee Xoolaha waxaa ka dhasha ilmo aanay cidina daryeelin oo iska yaaca. Xayawaanka Lab waa kan awooddiisa jinsi ku rima tira badan oo Dheddig ah, mase aha mid yeesha awood uu ku daryeelo ubadka ay dheddiggaasi ku dhalaan galmoodka ay isaga la sameeyeen.

Ninku waa kan dhalay Derbi jiif oo ah Wiilka yar ee markuu daryeelkii waalid seegay usoo baxay banaannada si isaga oo wali caruur ah uu ugu babac dhigo nolosha adag ee hardanka iyo halaagga wadata. Laakiin Aabbe, waa kan dhalay wiilka ku guulaystay noloshiisa ee isku howlay in uu daryeelo ilmaha dayacan oo u samafalo inta danta yar ee bulshada ka tirsan.

Ninku waa kan dhalay Wacal oo ah ilmaha yar ee ay hooyadiis Bac madoow kusoo ridday oo banaanka usoo tuurtay markii ay u adkaysan wayday ceebtii ka raacday galmoodka ninnimada iyo naagnimada uun ku salaysnaa oo natiijadiisu ay noqotay naftan nool ee inta ay ifka joogto xambaarsanaan doonta magac ceebeedka ka soocaya asaageed. Balse Aabbe waa kan Islaantiisii dusha ku xambaaray oo geeyay Isbitaalka si ay u dhasho wiilkiisan caloosha ku jira, markii la dhalay ka dibna ilmaha yar iyo hooyadiis oo sariirta jiifa dul yimid si uu ugu akhriyo Aayada qur’aan ah, uguna duceeyo inuu dhallaankan cusub noqdo midkii kheyr la dul jooga ifka.

Ninku waa kan dhalay Mooryaan oo ah wiilka ka weecday dhabbaha ay qayrkiis u qaadeen goobtaanka hormar iyo nolol hagaagsan, isaga oo isku howlay wax kasta oo dhib iyo dhantaal u ah bulshada. Aabbe se waa kan dhalay Wiilka hoggaanka u ah bulshada ee kartidiisa qofeed iyo dadaalkiisa lagu xaqiijiyo baraare nololeed oo ay bulshadu gaarto.

Ninku waa kan ogaaday ubadkiisa markii ay ifka usoo baxeen. Laakiin Aabbe, waa kan ogaaday ubadkiisa isaga oo aan wali calool gelin, ee habeenkii ugu horreysay guurkiisa ba lasoo aqal galay maskax ka fekeraysa ubad san.

Guurso adiga oo Aabbe ah, si ay ubadkaagu ugusoo hirtaan hadhka aabbenimo oo hanfi iyo kulaylba uga hiillin doona.

Maxamed Cabdullahi Abukar (Dhaaley)

Email: mohammed_dhaley@hotmail.com

Facebook: https://www.facebook.com/mohamed.dhaaley

Mogadishu-Somalia

SHEEKOOYIN