Heesta: Qarax! Curiye: Bashiir M. Xersi

11754241_925728737472858_4962731740247435521_n Heesta: Qarax! Ummad qalan Bulsho qaaran Qooro beeshay Qolalkooda Qolqolkooda Qaarodkooda Qaraddooda Ka qixiye Qar ka tuure Kaam qaxooti Ku qubaaye. Qarxi dadka Qumbalado Miino qucle Qajajacle Qababacle Qac ku siiye Qandac kulul Qaacya uuro Qaylodhaanta Is qabsata Ku qoslaaye Nafta qale Qoor ka gooye Qatli gayste Qaarijiye Qulubqulub Qulqulato Qalalaase Qas abuure. Qof naftiisa Qarxinaaya Nafti qale Qof kaleeto Uma qiilsho Ka qafiifi Dhibya qaxar Kama qaabsho. Qaadir Eebbe Qawl Rasuul iyo Qaanuun celsha Ooba qabta Looga quusay! Kali Quraanle Qormo beena Qoraal jaban Isu qore Isu qire Isla qumman Isla qaable Isla qable Isla qorane Aan la qaban Mar qalloocan Ma qaldame Qadaf caaye Qun u socon Qibrad yare Qilaaf keene Dadka qancin Ooba qasba Qasaariyo Qarrib iyo Quus ku beere. Qaran dumay Qab la aasay Qawm dulloobay Qabiil raacay Qabqableeye Qabyaaladda Ku qaraabta Ku qisaasta Qaan ku doonta Qaaddi diida Ab qiyaano Ma qabowdo! Qadka hore Qiiradiisa Qilaafada Ka qaawafoo Qiyaar yeelo Qoomamada Wax ka qumman Waa qiyaase Nafta qabbir Qoolna ku xir Qalbigaaga Quruxdaada Qammuntaada Qandigaaga Qasnaddaada Qarashkaaga Hayska qarin Hayska qubin Yaan qaadan! Dhammaad. 26/07/2015 Bashiir M. Xersi brdiraac@hotmail.com https://bilediraac.wordpress.com/

         

Top