Heesta: Qarax! Curiye: Bashiir M. Xersi

11754241_925728737472858_4962731740247435521_n

Heesta: Qarax!

Ummad qalan
Bulsho qaaran
Qooro beeshay
Qolalkooda
Qolqolkooda
Qaarodkooda
Qaraddooda
Ka qixiye
Qar ka tuure
Kaam qaxooti
Ku qubaaye.

Qarxi dadka
Qumbalado
Miino qucle
Qajajacle
Qababacle
Qac ku siiye
Qandac kulul
Qaacya uuro
Qaylodhaanta
Is qabsata
Ku qoslaaye
Nafta qale
Qoor ka gooye
Qatli gayste
Qaarijiye
Qulubqulub
Qulqulato
Qalalaase
Qas abuure.

Qof naftiisa
Qarxinaaya
Nafti qale
Qof kaleeto
Uma qiilsho
Ka qafiifi
Dhibya qaxar
Kama qaabsho.

Qaadir Eebbe
Qawl Rasuul iyo
Qaanuun celsha
Ooba qabta
Looga quusay!

Kali Quraanle
Qormo beena
Qoraal jaban
Isu qore
Isu qire
Isla qumman
Isla qaable
Isla qable
Isla qorane
Aan la qaban
Mar qalloocan
Ma qaldame
Qadaf caaye
Qun u socon
Qibrad yare
Qilaaf keene
Dadka qancin
Ooba qasba
Qasaariyo
Qarrib iyo
Quus ku beere.

Qaran dumay
Qab la aasay
Qawm dulloobay
Qabiil raacay
Qabqableeye
Qabyaaladda
Ku qaraabta
Ku qisaasta
Qaan ku doonta
Qaaddi diida
Ab qiyaano
Ma qabowdo!

Qadka hore
Qiiradiisa
Qilaafada
Ka qaawafoo
Qiyaar yeelo
Qoomamada
Wax ka qumman
Waa qiyaase
Nafta qabbir
Qoolna ku xir
Qalbigaaga
Quruxdaada
Qammuntaada
Qandigaaga
Qasnaddaada
Qarashkaaga
Hayska qarin
Hayska qubin
Yaan qaadan!

Dhammaad.
26/07/2015

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

SHEEKOOYIN