Maansada: Xarigjiid! Curiye: Bashiir M. Xersi

tartan6

Maansada: Xarigjiid!

 

Xorriyaddu macaanaa

Xarragadu qurxoonaa

Xaas heliddu wacanaa

Xurmo yeelo fiicnaa

Xigtaduna habboonaa

Xigaaladu dhib badanaa.

Xilkasnimadu fiicnaa

Xalaal quudku roonaa

Xaaraan cun daranaa

Xakaarkuna lur badanaa.

Xaasidnimadu daranaa

Xiqdi dulunku badanaa

Xaqiraaddu dilanaa

Xariir duugan badanaa

Xaqdarrooyin badanaa

Xaqiiqadu dhib badanaa

Xaqood raacdo fiicnaa

Xaalin li’idu daranaa.

 

Xumo doonku badanaa

Xuurto waalli badanaa

Xifaaliyo war badanaa

Xin iya loollan badanaa

Xan la sheego badanaa

Xamxam hoose badanaa

Xukun leexsan badanaa

Xil ka qaadis badanaa

Ka xayuubi badanaa

Xilka kororso badanaa

Xaakin tuuga badanaa

Xeer qalloocan badanaa

Xaajo gurracan badanaa

Xanxantooyin badanaa

Saxiix xaashi badanaa

Bad xaraasha badanaa

Dhul xuduudo badanaa

Xarun tuulo badanaa

Xero oodan badanaa

Xatooyadu xuf badanaa

Xashin buuxsi badanaa

Iska xaabso badanaa.

 

Xisbi beena badanaa

Xayn danleeya badanaa

Xoolo gurasho badanaa

Xisaab la’aani badanaa

Xis daboolan badanaa

Xabad aasan badanaa

Laab xaaran badanaa

Xariir liicsan badanaa

Xusul duugan badanaa

Xarigjoogsi badanaa

Xaglo laaban badanaa

Xibno jajaban badanaa

Xishmad qaaran badanaa

Xishood laalan badanaa

Xeerin weecsan badanaa

Xeelad gaabni badanaa

Xoog wiiqsan badanaa

Xul shisheeye badanaa

Xin sokeeye badanaa

Xiriir jariddu badanaa.

 

Xaarxaariyo dir badanaa

Xurguf beelo badanaa

Dakaniyo xaf badanaa

Xaniin taabad badanaa

Kibir xuuxin badanaa

Xabbad wiifle badanaa

Xanuunkeedu daranaa

Xinjir daadin badanaa

Xiinfaniinku badanaa

Xaax taahu badanaa

Xoor qaniinyo badanaa

Xamaaratooyin badanaa.

Kala xawawar badanaa

Xash ku dhuumad badanaa

Xagar fuulid badanaa

Xanan waabid badanaa

Xakaar loollan badanaa

Xol-xoleeysi badanaa

Xodxodoshooyin badanaa

Xal-xal leefid badanaa.

Xanaf maanso badanaa

Xarfo shiilan badanaa

Xaraf dacarle badanaa

Xariif miiqan badanaa

Xaniif aamus badanaa

Xays rafasho badanaa

Dhul xalanayn badanaa

Xareed dhiiqo badanaa

Xabag qallqalan badanaa.

 

Kitaab xoorku badanaa

Xadiis beena badanaa

Aayad xeela badanaa

Xalqo dacara badanaa

Xerow dilaaya badanaa

Xer hubaysan badanaa

Xersi gumaca badanaa

Xagjir xawilan badanaa.

Oday xaaran badanaa

Dumar xamille badanaa

Rag xanaaqsan badanaa

Xubbi dooxan badanaa

Xabiib cadawa badanaa

Xiiso beena badanaa

Xilo ceyrin badanaa

Ilmo xiiqsan badanaa

Ubad xooran badanaa.

Xorriyaddii macaaneed

Ka xayuubi badanaa

Xarig jeelal badanaa

Xabsi hoose badanaa

Ku xabeebi badanaa

Yuu xor noqonnin badanaa.

Waa xaal adduunyee

Xaashaa Lillaahiye

Xalay soo ma noqotee

Xarigjiidku badanaa!

 

07/ 2015

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

SHEEKOOYIN