Gabayga: Kediso! Curiye: Maxamad Faarax Xuseen

MXF

Gabayga: Kediso!

Indhowed ka’dii gabay ma tiring, koobna maan darine

Kelmo waaxid waayahan ma oran, kololo deediiye

Kariim mahade kaar cudur ma qabin, mana kadiidyoone

Ma kalaami wayn ee murtida, waan u kaadiyaye

Kol kastaba kis qaataa tirshiyo, kuray carruureede

Goortii kalkeed soo galaan, abid kormeeraaye

Ha yeeshee, xaleytaa kulmiye, kool isoo wacaeye

Wuxuu yiri: Ka toos koorta bixi, waa dareen kulule

Mar kaas baan anoon kayrar gelin, aayar soo kacaye

Dabadeedna kataarkii qabsaday, iyo kabannadydiiye

Kulmis hooya kaafleey kammilan, kaaha iyo layra

(1) Bashiirow kitaab gabay adaa, kaydin jirey waaye

Adigaa qoraa kaabayiyo, koonto u ahaayde

Bal maantana kistaan iga guddoon, igana kowkoobi

Kulammada abwaankiyo dhexgee, kaalinkii golaha

Ka ilaahi kaynbaasyadiyo, dhaqan kutaanleyda

Way karaama dilayaan murtida, koona eegyaduye

Ku sin gabaga kacdoonnada waddani, ee kabaya suuganta

Haddaad kibirto, kedisada adduun, waa ku kicisaaye

Kolba meel ayey kaa riddaa, kaafaf badanleeye

Kohsi iyo dhibaad muujisaa, kahankah quureede

Hadba duul ayaad kababaxyada, koodka jebisaaye

Kulligood Addoomaha ayaad, Jiir ku kama’daaye

Nabaddaad karaahdaa colaad, koora ruxataaye

Nin kaabaanka kuu xoodayaad, laba karbaashtaaye

Kabarrada ayaad kaga muddaa, kaysin warankiiye

Ka kac baa tiraahdaa dhulkii, uu kor soconaayey

Waxaadse kaabadeysoo dulmiga, waayo korisaaba

Midkii aad karaantiil in badan, koomo gelineysey

Kalxamaha mar buu kaaga kabi, maar kuleeyl badane

Haddii muruqu kiilaad ku yahay, eed kadle u roorto

Kun jibbaar miduu kiish yuhuu, kaa kor ridayaaye

Dadoow kaadso aashaa kal soco, kelina hays moodin!

Weligiis ninkay kedo waddaa, waa kurboon jiraye

Kuragii Hitleeyr baad ogtahay, kaalintuu galaye

Kobro duusha, kaaraha waxdila, kolonyo gaadiida

Seeyruuq kun mayl gaarayiyo, miig kaleetinaya

Artaliri kammilin iyo nugnayr, koranto tuureyso

Kuruus dhacaya, kartatooyo iyo, kulli dabbaabaadyo

Kaamirooyin, kaymaha sahmiya, koona gaar hagaya

Kabtan taliye, kornayl koofidheer, jananno kaar qaatay

Kumbad ciidan, kumaandoos kablayn, kaarto iyo weerar

Markii uu intaas kulansadee, aragti koolkoolshey

Kelyo dirir kalsoonida, waa kii sii kallahateeyey

Aadmiga inuu keena suro, kaafirkii damacye

Kashkiisana ma gelin duul kalaa, keebka kuu qabane

Waxse kadabki go’ay maalintuu, kiciyey baaruude

Kob la dhigay, kurtiisii la waa, koonka dunidaan

Haddii muruqu kiilaad ku yahay, eed kadle u roorto

Kun jibaar miduu kiish yuhuu, kaa kor ridayaaye

Dadoow kaadso, aashaa kal soco, kelina hays moodin!

Waarsaba kabeey iibsataa, suuqda koofura’e

Kalaash koof raggiisii wa kaa, kuug maqaayadahe

Kansal la gadhig, aakuhuu kab-kabay, kuunto waynuhuye

Korawashiyiyo Boosniyiyo, Kuubbo iyo Moosko

Xulufadii kubbaysnayd wa taa, kaawo loo dhigaye

Kiyaawaha wa taas lagu furfuray, kaarto Ruushiyo’e

Waa kaas Yugrayn laga kakabin, loona kuurgalaye

Waa kaas sidii kuuligii, kooy la leeyahaye

Baadda kirada waa kaas haddeer, keen la leeyahaye

Waa kaas kor laga eegayaa, kelebya wayntiiye

Haddii muruqu kiilaad ku yahay, eed kadle u roorto

Kun jibaar miduu kiish yuhuu, kaa kor ridayaaye

Dadoow kaadso, aashaa kal soco, kelina hays moodin!

Adigoon kadeed lagugu hayn, aad kakaban wayso

Kooraha fardaha kaariyoow, koowda lama saaro

Kufri iyo Islaam, lama kulmiyo, karah colaadeede

Kufkay ma ihid, rag kulan luguma dhoho, lamana kuur-kuuro

Lama kiciyo, balaayada kambalan, lamana kaaweyo

Lama kariyo, kulaamaha nabsiga, lamana kaydkaydsho

Kaftan iyo cayaar looma dhaho, kelimo liidliid ah

Anaa kana, adaa kaasa iyo faan, lama kabiixo

Kacdin hore, kubbadda guusha timid, laguma kaaftoomo

Kaambiyoon wax baa loo dhigaa, soo kaarar celine

Inay koorno kugu laabataa, kaatib la arkaaye

Haddii muruqu kiilaad ku yahay, eed kadle u roorto

Kun jibaar miduu kiish yuhuu, kaa kor ridayaaye

Dadoow kaadso, aashaa kal soco, kelina hays moodin!

Afartaa sidii dayax kubbaxa, kaah ma ku caddeeyey

Kayse-keyse roobiyo sidii karar, ma soo daadshey

Ma kutubiyey, koorsooyin gabay, kaafna ma hikaadshey

Ma kasbeeyey, bayd gaabku waa, karid habaabaaye

Kumbaddii Cabdille Tarawal iyo, kayd ma soo bixiyey

Kulan iyo sidii Faarax iyo, Khayrre ma u kaabay

Ka’dii Raage, karooskii Qamaan, kaafidii Hadraawi

Sida kaamishii ina Suldaan, KEDIS ma faallooday

Afar kalena aan kala baxshoo kariyo taariikhda

Soomaali waxa kuurbadiyo, kayn ku kala ooday

Oo beladu uga kici la’dahay, maydin kadabsiiyo?

Kaahin feleg, kulhaan kowshad faal, sixir Ibliis keenay

Kud iyo kaar, dhukaan kuudadshiyo, koolbo uu galiyey

Kulligeed kolkii uu ku dhacay, bay kadaalidaye

Dabadeed kasxumo waallidii, waxay kalaam dodday;

Kur iyo buuro, karkoorkiyo bankiyo, kaxo-kaxooleyda

Kob bannaan kariiriga dushiyo, kaalimmada xeebta

Keli webiga kaadkiisa iyo, boqol kannaalleyda

Dhirta komoshka laga soo gurtiyo, kaabadaha beerta

Waa kashkaashyadii aan lahayn, taniyo Koosfaare

Waa Koofil meeshuu ku mudey, kuud calaamada’e

Waana ciiddi reer Kaarshe iyo bah ina kuukaaye

Inay maanta soo kuudadaan, koror rag doonahaya

Oo ay kabaannada dhigtaan, waa karaam li’iye

Kacoo hooya kuuryaamadiyo, kayb wax laga taabto

Kurta gooya, reer Kediye Cali, kaad ka aragtaanba

Ku kawiya intaad kari kartaan, maar la kululeeyey

Dumarkiyo carRuurtana kambala, oo kelyaha dooxa

Ku kabdhooda kulLigood runtii, waa kufaar cadawe

Soo kaxaysta koromMada rarkiyo, kadimadii geela

Ariga kaale soo dhaha, lo’dana, gebigeed soo kiisa

Duulba kaalka waabaayadaa, maalmo soo kariye

Dabadeedna kii kale kursada, kaalintiis bogaye

Ilaa saaka labo kawtankaas baa, la kudayaaye

Kashifkiyo wareerkuna sidii, buu u kow yahaye

Kasina waaye karaamada midnimo, kala tag mooyaane!

Kaafka xiga kawaawida labaad, maydin kadabsiiyo

Kursi taliska kabo hirigtankaa, layska koran waaga

Ka degtiyo anaa kali ahaan, abid kulaalahaya

Kala baxa qabiil kaalaydiyo, iiga kiciyaayda

Karid iyo karkabo loollankiyo, kaadsi kari waaga

Ku dil iyo, dagaal ka baxtankiyo, duullan kaba siibka

Konton duugga, kun xabaaliddiyo, qolo karantiilka

Nimba kaalka waabaayadaa maalmo, soo kariye

Dabadeedna kii kale kablaha, soo karaar orodye

Ilaa saaka labo kawtankaas baa, la kudayaaye

Kashifkiyo wareerkuna sidii, buu u kow yahaye

Kasina waaye karaammada midnimo, kala tag mooyaane!

Kaafka xiga kasxumadeeda kale, maydin kadabsiiyo

Qaliil baa la kaam-kaamayaa, loo kadlinayaaye

Qaranbaa kur laga tuurayaa, kayle loo qodiye

Nin dantiis kadaaliyey, ayaa lala kurboodaaye

Markuu kalaxa waabaay u daro, ee kebbiyo maarta

Ee kooxo laayee kumaan, barakac kaynaansho

Ayaa kaalmo laga raadiyaa, belada kii keenay!

Waxba gabagu yuu ila kicine, waxan ku soo koobay

Kal iyo laab haddaan daacadnimo, samaha loo koodin

Oo aan siqiir iyo kabiir, loo kallihin QARANKA

Qof waliba intuu karo, intuu kaabi karo khayrka

Haddii uusan kubbayn iyo dawaba, kaalintiis gudannin

Oo aan karaankuraha jaban, kabidda loo toosin

Way koora badisaye haddaan, meel laysugu keenin

Oo aan Korow KALIGITALIS, kadinka loo diidin

Oo aan ninkii kaafin kara, talada loo kaadin

Oo aan kalsoonida la siin, kii kasbada GUUSHA

Soomaliyey kifaax nabad ha sugin, iyo wanaag kaaha!

Dhammaad

16/07/2015

(1) Bashiir M. Xersi

Curiye:

Maxamad Faarax Xuseen

SHEEKOOYIN