Sinnaanta RAGGA iyo DUMARKA maxaa hortaagan?! W/Q; Ramieza Mahdi

11815805_10153191219439495_447514636_n

Sinnaanta RAGGA iyo DUMARKA maxaa hortaagan?!

 

In badan waxaad maqleysaa, haweenku waa laf-dhabarka bulshada, balse, waxa loola jeedo Laf-dhabar ma fahmin, marba haddaan loo oggoleyn qaddarin iyo ixtiraam banii Aadamnimo iyo iney yihiin dumarku, tiro ahaan kuwa la tartami kara ragga. Maxaa keenay, in la fududeysto tiro intaas la eg, lana duudsiiyo xaqooda?.

Waxaan dareemaa culeys weyn, mar walbo, oo aan isku dayo, inaan kala doodo ragga, xuquuqda dumarka! Waxaan is dhahaa; ma dhab bey ka tahay, sida aay u hadlayaan, mise, adiga bay kugu xumeynayaan, oo sidaas awgeed, ayuu gaf iyo xadgudub ugu geysanayaa; hooyadiis, walaashiis, habaryar, eeddo, xaaskiisa iyo gabadha uu dhalay? Markaan ku doodno caddaaladdarrada ay kula dhaqmaan dumarka, isla markiiba. waxay billaabayaan iney difaac galaan, oo ay soo daliilsadaan Aayaadka Eebbe, ayagoo raba, iney i aamuusiyaan. Hadde ogoow, ragga soo daliilsanaa Aayaadaha Quraanka, kama ahan diin jeceylee! Waa nin raba, inuu isku difaaco iigana adkaado doodda.

Waxaa dumarkii hore looga adkaan jiray aqoondarrada xagga diinta, lama bari jirin Quraanka iyo Axaadiista. Looma sheegi jirin xuquuqda ay siisay diinteenna dumarka iyo dowrka weyn, ee saxaabiyaadkii ka qaateen halganka diinta.

Haddii gabadha xaqiiqdii si wanaagsan u barato Aayaadka ka hadlaya dumarka iyo axaadiista ka sheekeyneysa xuquuqdooda, laguma harawsadeen sheeko aan jirin iyo war rag samaystay.

Diintu dumarka waa sharaftay, oo waliba xuquuqdooda ayey la sintay midda ragga, inta aan ka aheyn Aayadaha dhaxalka ka sheekeynayo iyo magta. Ayadahaasna sababo awgeed ayaa loo soo dajiyay, oo ma ahan in Ilaah naga kiin fadli badiyay, oo annagana aannan wax xuquuq ah Ilaah xaggisa ka leheyn.

Xuquuqda dumarka diintu waxay sheegeysaa inuusan ninku dhar xiran karin, asagoo aan marwadiisa u labbisin marka hore, inuusan waxba cuni karin ayadoo gabadha uu qabo baahan tahay, laakin, waxaan wada ogsoonnahay, xaalka maanta sida uu yahay. Waxaan aragnaa rag soo daliilsado Aayado ka sheekeyneyo in ragga dumarka ka sarreeyaan, Aayadasi ma waxay quseeysaan xagga qoyska, mise ,waxaa micnaheedu yahay, in nin walbo iga sarreeyo?.

Aan u soo laabto midda maaddiga ah, mar haddii xagga diinta aan isla fahamnay, in dumarka xuquuq badani ay ku leeyihiin diinta dhexdeeda, sharafna Ilaah siiyay. Maxaa u diidaya, iney kula qabato howlaha adduunyada? Waxa maanta wada ordaa, oo shaqeynaa, oo ilmo waxbaraa, oo waddanka dhaqaale ka soo saaraa, sow ma ahan dumarka? Haah.

Waxaan arkaa, in badan iyo mar walbaba raggu ineysan ayaga is xisaabin, cadaabta Eebbe isa soo xasuusin, iska reebin fawaaxishta, loogu bishaareeyo xumaanta, uu geysto, oo lagu yiraahdo; nin rag ah ayaad tahay, oo hooyadaa geesi beey dhashay!

Ragga kan ugu xun, ugu aqlaaq liita, tuugga ah, dhiigyacabka ah, beenaale aan hadal xalaal aqoon ah, inkaari ku dhacday, familkiisa oo ka kooban 15 ciyaal ah soo dayacay, aan aqoon mid adduun iyo mid aakhiraba laheyn, markii uu xil inuu qabto doondoono, cid ka celisaa ama Ilaah u laabo tiraahdo ama u naseexeeyo maxaan u arki waayay? Mid yiraahdo, Ilaah ka baq, oo carruurtaada gaalada ka cesho ama xaaskaada la kori ilmaha, oo ayadaa kaalmo kaaga baahan, nin yiraahdaa maxaan u maqli waayay?.

Raggu jinsi ahaan waxay is moodeen, iney ka sarreeyaan haweenka (aka Patriarchate) taasina waxay dhibaato ku tahay bulshadeenna. Marka ay ummaddeennu dumarka ka faalloonayaan, dhaliil waxay ka dhigaan dumaar baad tahay! Ma garan kartaa xaqiraadda ku hoos duugan iyo fikirka ay xambaarsanyihiin ereyadaas?.

Marka lagu yiraahdo, adigu ragga lama tartami kartid dumar baad tahay, isla markaasna, laga yaabe in aad ka aqoon iyo karti badan tahay kan ragga ah, ee kula tartamay, maxaa loola jeedaa? Micnaha, ma waxaa waaye, dumarnimada ayaa ducfi ah, oo jinsi ahaan dumarka waaba kuwa liita, oo aan waxba galin, intaan ka aheyn GALMO iyo DHALMO?.

Awoodda iyo kartidu ma waxay ku jirtaa, in labo xaniinyo la leyeeyahay, mise, waa u dhalasho, hibo Ilaah bixiyo iyo la imaanso dedaal dheeraad ah? Ma sidaasbaa kala sarreynta ay diinta sheegtay? Mayee, waa wax ragga jeebkoodu kala soo baxeen, cabsi ay ka qabaan dumarka. Cabsida ay ka qabaan dumarka ayaa ah, marka naag ay wax barato, iney mar walbo ka hormarsantahay ninka dhiggeeda ah caqliyaan iyo aqoonba. Marka si aysan dhicin, waxaa gabdhihii laga hor istaagay, oo laga luggooyay waxbarashadii. Waxaa loogu sheekeeyay iney diintu sidaa tiri. Waxaa laga dhaadhiciyay iney ragga ka liidataan ama ka maskax xunyihiin, oo sidaas awgeed, aysan wax darajo ah, oo leeyihiin lahayn aysan jirin. Waxaa loogu sheekeeyay iney heybad u tahay u nacamleeyska ragga.

Nasiib darradan na heysta ayaa ka mid ah, in dumar badan, oo laga soo dhaadhiciyay waxyaabaha kor ku xusan, ineysan dareensaneyn caddaalad darrada lagu hayo iyo xaqa ka maqan, maadama aysan kala aqoon xuquuqdooda iyo waajibaadkooda. Tarbiyada guriga ayaa ka qeyb ah, iney gabadha karti yeelato, marka hooyo jahligaas u saaxiib ah, ee aan kala garan waxa saxa ah iyo waxa qaladka ama aan ayada caqliyan cabbiran karin, waxa ku habboon nolosheeda iyo sida ay rabto iney u noolato, marka ay gabar dhasho. macquul ma tahay iney gabadhii waxbarto? Wacyigalinna siiso gabdhaheeda, si aay uga hortagto Yeeyda rag isku sheegga ah, iney siticmaalaan, ayagoo u isticmaalaya danahooda gaarka uun kali ah?.

Bal u fiirso! Ninka Soomaliga ah marka uu damco, inuu guursado waxa uu raadiyaa gabar yar, oo uu asaga maskaxda ka qabsado, kana dhigto waxa ay ku sheegaan raalliyo iyo rabbaayad. Waa dhif iyo qaliil kuwa facooda raadsado, oo waliba aqoonta u saaxiibka ah. Waxay ku andacoodaan inaan gabadha caqliga u saaxiibka ah, aan la qayaami karin ama lagu dulsocon karin ama laga dhaadhicin karin fikirka ah iskuma filnid, ee ani sax iyo qaladba iiga danbee anaa KUU TALIYEE. Balse waxaad ogaataa, in gabar walbo oo hore warmoog u eheed, ee ninka siduu rabo ka yeelan jiray, marka ay caqliyeysato, ee ay dareento, in wax ka maqan yihiin, oo ay indha furato, iney si xun u caarooto, oo waliba wax badanaa suurtogal noqoto iney qarribto sada qoyska oo fashil ku dhamaado.

Ujeedku ma ahan, in ay raadinayaan gabar raalliya ah, oo saygeeda maqasha, balse, waxay raadinayaan gabar ay addoonsadaan, oo iyaga u ah hayin, aan hadal ku soo celin, madaxana ka haystaan

Guntii, isku day, lab ama dheddig midkaa tahayba, in aad garawysato, waxa ragga guba, marka laga hadlayo, sinnaanta xuquuqeed, ee ragga iyo dumarka ku saabsan; waxbarasho, shaqo, nasiino, xilqabasho, iwm. Mar walba, oo mawduucani yahay, mid tabbu ah, oo aan laga hadli karin ama sida looga hadlo ay tahay, sii xoojinta maqnaashaha iyo fogeynta xuquuqda dumarka, waxay hoos u sii dhacaysaa, in hormar iyo hagid fiican aan helno.

 

W/Q; Ramieza Mahdi

ramkaxaaji@gmail.com

SHEEKOOYIN