Sooyaalka Noloshii Sillooneyd Q16AAD.

Sooyaalka Noloshii Sillooneyd Q16AAD.

 Samatar

Hanad iyo Doolli daqiiqad salka dhulka may dhigin, ka dib ayay soo heleen, xaaskii iyo wiilkii Salmaan meesha ay ku nool yihiin, waxaanay labadoodiiba u soo afduubteen, xeradii ciidanka ee Ilbir, iyada oo la doonayo inuu yimaado Abuu Salmaan oo lugihiisa ku soconaya.

Muddo ku dhaw toddobaad ayaa lagu daba jirey Abuu Salmaan, gabadha uu qabay ayaa sheegtay, ineysan muddaba wax dhaqan ah ka dhaxeynin, ayna u baahantahay in layska fasaxo. Ilbir ayaa arrintaa ka yeelay, isagoo diiddan inuu dhibaateeyo, qof dumar ah, yidhina:

“Maaha dhaqankayga inaan dumarka iyo carruurta dhibaateeyo, inaan u hiilliyo maahine. Intaad nala joogtay ma dhib ayaad nagala kulantay, aan ahayn inaan xorriyadda kaa qaadney, taasoo ninkaaga aannu rabnay inaan dabin uga dhiganno, iyadana waa kaa raalligelinaynaa, waxaanna ku siinayaa xaalmarin?.”

Xaaskii Abu Salmaan ayaa iska ooyday oo tidhi:

“Ilbir waxaa ku dhalay adeerkay, saw ma tihid, wiilka Shiikh Xasan Shiikh Qaasim?” markaasuu yidhi Ilbir:

“Haa ninkaasi waa i dhalay, magaciisa ma aqaanee, balse, Sheekh Qaasim waa awoowgey!”

Sacdiyo waa xaaska Abu Salmaan, waxaana ku daray aabbaheed oo ka mid ah, kooxdii soo xerogelisay Abu Salmaan waa Cabdi Shube. Sacdiyo waxay ahayd, gabadh wax baratey, markii dambena ku shaqaynaysay Kaaliye Dhakhtar “Nursing” waxaana dhalay Xuseen, oo ku mataansan Ilbir aabbihii.

Waxay uga sheekaysay nolosheeda oo dhan, waxayna u sheegtay inay taqaannay weligeed magaciisana maqli jirtey, hase yeeshee, looga dhigay wax aan bani Aadam ahayn, haddana, waxay isaga qarineysay cabsi ay ka qabtey inuu dilo.

Ilbir ayaa aad uga xumaaday, wuxuu uuna siiyey 500 Doollarka Mareykanka ah, wuxuuna yidhi:

“Gurigaagii baa lagugu celinayaa” markay Sacdiyo hadalkaa maqashay ayay isku duubtay Ilbir , iyadoo oohintii kor u qaadday, oo barooraneysaya ayay tidhi:

“Alla walaal Alla walaal waa ku baryayaa, ee haygu celinin ninkaas, ma dooran mana rabin, sida addoon oo kale ayuu iila dhaqmi jirey, habeena farxad kuma hoyan, inaad na disho ayaa noo dhaanta intaad noo celin lahayd ninkaas, waayo, haddaan hadda guriga tago, waxaa iigu diyaarsan ciidankiisii, meeshuu jooga laygu geynayaa, ninkaasna ma rabo, intaan silic iyo saxariir ku jiri lahaa, inaad i dishaa iiga roon!”

Ilbir xaaddaa istaagtay, wadnahaa garaacmay, dareenkiisa oo dhan ayaa isbeddelay, waxaana u muuqday inuu mar labaad dambi galay, markii hore wuxuu dambi ku galay inuu hooyo iyo ubadkeeda u qabsaday dhagar uu falay qof kale, isagoo taas ka tiiraanyeysan, ayuu haddana wuxuu galay, dambi labaad oo ah, walaashii oo afduub lagu haystay inuu dambiile dhagarqabe ah u gacan geliyo. Xaalkaa ku xumaaday, ka dib intuu lacagtii gacanta u geliyey, ayuu yidhi:

“Waxaad xor u tahay inaad halkan joogto, oo aan laba qol kuu banneeyo dabaqa sare adiga iyo wiilkaaga ama inaan guri kale kuu ijaarato, oo aan halkaas kaaga war hayo” waxay tidhi Sacdiya:

“Waxaan halkan joogayaa, inta aad ka soo qabanayso ama aan geeridiisa maqlayo, waxaanna doonayaa, maalinta aan ninkaas ka xorroobo, inaad dalka igaga ambabixiso, oo aad dibadda ii dirto, waddan aaney aabbahay iyo kooxda Abuu Salmaan igu waxyeellayn karayn oo aan kaga badbaadayo, waayo, haddana, Amiir kale ayuu i siinayaa, aniguna waxba ugama duwani aabbahay inuu ii bixiyo sida qof xoolaha kuu xareysan, aad neef ka siisay oo kale, haddana, goobtan gurigaagu waa meesha keliyaata ee aan ku nabadgelayo”.

Ilbir wuxuu qaadan waayey, ninka walaashii sidan u bahdilaya, ee gunnimada iyo garaaca ku haya, haddana, inuu damac ka soo galo, inuu gacan iyo u gaysto dil saraakiishiisa sarsare. Inta Sacadiyo hortaagan, ee ay barooranayso, niyadda ayuu iskala hadlayaa, oo arrimo is diiddan, een isu qabanayn hadba mid is hordhigayaa!

Qof kalaba ha ku soo hunguriyeeyaa, maanta ma waxaa ku soo gunriyeynaya, nin marna walaashaa xoog ku haysta iyo xargo been ah, marna mooryaan hore iyo dilaa ahaa. “Shan beri Shiikh laguma noqdo!” maahmaahdii eheed, ayuu soo xasuustay, markaa ayuu Sacadiyo ku yiri:

“Iiga sheekee, Abuugiiga ma aqaane, waa nin caynkee ah, dhaqankiisa, dabcigiisa iyo aragtidiisa nololeed?” markaa ayey ku yiri;

“Kaas wax ha iga weydiin, yaanan maraaro dillaac iyo dhumin naxdine! Waxaan ku faraxsanahay, in uusan maanta iga soo hor baxayn, iga soo ag kacayn, iina soo hoyanayn!”.

Ilbir ayaa la hadlay gabdho guriga joogay oo caawiya, isaguna uu caawiyo. Waa Gabdho uu Korneyl Cirfiid adeerro u yahay iyo kuwa kale oo ehel la ah. Gabdhahan ayaa ah kuwo uu weheshado Ilibir, maadaama uusan lahayn hooyo, walaal iyo xaas midna. Way jiraan walaallo aabbihiis dhalay iyo kuwa hooyadiis dhashay, balse, meel ma wada joogaan xidhiidhna kalama dhexeeyo kuwa aabbihiis dhalay. Gabdhahani waa kuwo iyaguna u baahan ilaalintiisa iyo iney ka dhigtaan gabbaad ay cadowga ka galaan. Sidoo kale, waxay haystaan nolol wanaagsan, oo qaarkood waa ganacsato suuqa Bardaaley ku leh Bacdalayaal iyo dukaamno. Gabdhahan walaalnimaa ayaa kala dhaxaysa iyaga iyo Ilbir, dhammaan adeegga nololeed, cunto karin, guri haggaajin, dhardhaqid iyo daryeelba iyagaa u sameeya, waxayna wada noolyihiin muddo dheer.

Gabdhihii ayuu uga warramay xaaladda Sacdiyo, oo horeba u xannaaneyey una sheegay iney tahay walaashiis oo uusan ogeyn, sidoo kale, ay u baahantahay xannaano iyo xil iska saarid, haddii ay bannaanka aadeysona in la raaco, oo xaalkeeda laga warhayo. Xaddiyo oo gabdhaha ugu roon, ayaa shafka u garaacdey iney ilaalin doonto, uuna ka werwer la’aado.

Ka dib wuxuu aaday dhinaca isbitaalkii Korneylku jiifay, markuu albaabka ka soo galayna wuxuu arkay Hodan oo ag fadhida Korneylka. Ilbir ayaa wada salaamay, ka dib, Ilbir ayaa korneylka waxoogaa xaal wareystay, Korneylkuna wuxuu u soo bandhigay arrin ay soo jeedisay Hodan oo ah, in Isbitaal gaar ah oo iyada iyo qolyo kale shuraako ku yihiin lagu daweeyo, sidoo kalena ay dalbeyso, dhakhaatiir Jarmal ah oo qalliin ku sameeya, qalabkoodana la iman doona.

Ilbir ayaa aad ula dhacay dedaalka Hodan, waxaana laysku raacay in isla galabta laga saaro. Hodan ayaa aad ugu faraxdey sida uu u aragtideeda u qiimeyey weliba uga mahadceliyey, waayo weligeed odaygeeda talo ay soo jeedisay kuma raacin, umana arkayn iney tahay qof talo soo gudbin karta, mana dhicin weligeed waxay ka codsatey uu ka yeelay iyo waxay kula talisay, oo mahadcelin iska daaye uu kala dooday ama ka dhegaystay.

Waxaa u sawirmay Hodan iyadoo saygeeda kala talineysa noloshiisa, isaguna dhegaysanayo, waana arrin farxad gelin lahayd! Waxay u noqotay niyad dhis iyo dhiirragalin, ay ku hirgelin karto go’aankeeda ah, in ay Ilbir nolo la wadaagto, kuna tartarsiinaysa, in ay si dhaqso ah iyo degdeg isaga furto ganacsade Barrow.

La soco qaybaha dambe.

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

SHEEKOOYIN