Intii xabsiga la igu KUFSAN lahaa guri ha la i geysto!‏

Intii xabsiga la igu KUFSAN lahaa guri ha la i geysto!

11846169_10203133268971935_96507284_n

Waxbarashadeedii jaamacadeed ka dib, ayaa calafku isku guri geeyey, wiil ay isku fasal ahaayeen, xilligii jaamacadda. Laba sano ka dib, waxey isku dhaleen gabar, laakin, ka saqiiray!

Intey ku jirtay Farxiyo ummushii, ayuu xanuunsaday saygeedii, oo waxaa ku soo booday, xanuun uu isbitaal la galay. Farxiyo saygeedu wuxuu xanuunsaday maalmihii ay Farxiyo fooshu heysay, seddex maalin kadib markii Farxiyo seygeeda isbitaalka la dhigay ayaa iyadana fooshu qabatay, oo seygeeda isbitaalka ayaa loogu sheegay, in xaaskisii gabar meyd ah dhashay. Sidaas ayaa labadoodii midna isbitaal jiifay midna guri jiifay, oo telefoonka iska wareysanayeen.

Markii ugu horreysay, ee ay Farxiyo is tiri waad socon kartaa, waxey ahayd galab jimca ah. Waxey isku diyaarisay iney isbitaalka ku soo booqato saygeeda. Isbitaalku wax badan uma jirin gurigooda. Waxaa loo diyaariyey casho, ay u qaaddo gacalkeeda, iyaduna waxey u labisatey iney u socoto saygeeda, oo aysan muddo arag.

Cashadii ayey qaadday, bacdal casir ayeyna guriga ka tagtay, una dhaqaaqday dhanka isbitaalka. Waa ummul oo si fiican uma socon karto, laakin, waxaa wada, kalgacaylka iyo xiisaha ay u qabto saygeeda, oo isbitaal aan ka fogeyn ku jira, aysanna awoodin hadda ka hor iney soo arragto.

Waxey gaartey isbitalkii, waxaana loo gudbiyey qeybta bukaan jiifka, halkii uu kaga jiray saygeedu. Salaan, caafimaad wareysi, isla shakeysi dheer, oo dadkii kale isaga taggeen, kadib, waxey ka soo tagtay qorax-dhicii ama 11-kii galabnimo iyo weliba bar.

Intii ay Farxiyo iyo saygeedu sheekeysanayeen, ayaa mar qarax dhacay, oo jug culus yeertay, laakin, iyaga xoogaa ka fogeed. Farxiyo markii qaraxu dhacayey. Waxyar ka hor ayaa telefoon u soo dhacay, aan wax badan dhicin, iyaduna maadaaba ay gacalkeeda la joogtay, danba kama ay galine, hadduu go’ay wey iska deysay.

Isbitaalka ayey ka soo baxday, iyadoo luudeysa ayey xaggaas iyo gurigeeda u soo dhaqaaqday. Isbitaalka hortiisa ayey waxey ku aragtay gabar kale, oo dariska ah oo iyadana isbatalka bukaan uga jiro.

Qaraxu wuxuu ka dhacay hotel ka mida kuwa magaalada ugu weyn, baabuur ayaana isku qarxiyey uu ruux naftii halig ah waday. Qofkii baabuurka waday intaanu is qarxin, wuxuu wacay telfoonno dhowr ah. Telefoonnada uu ruuxaasi wacay kii ugu dambeeyey wuxuu ahaa midka Farxiyo, oo telefoonkii halka mar soo dhacay ee anay Farxiyo ka jawaabin ahaa.

Markii qaraxii dhacay ee wixii dhici lahaa dhaceen, goobta waxaa yimid ciidamada nabad sugidda oo nuuc kasta leh. Baaritaanku intuu socday, oo howsha lagu gudajiray, ayaa waxaa laga helay meelihii baabuurkii firirkiisu gaaray telefoonkii ruuxa is qarxiyey. Amar Ilaahey telfoonku wuuba shaqeynayey, kelliya wuu kala faniinay.

Ciidankii haddeyba soo qabteen, teelfoonkii wuuba shaqeynayaa, laakiin, waa telefoonnadii hore, ee qoslaayaha la oran jiray. Waxey baareen nambarraddii ugu dambeyey ee uu wacay iyo kuwii soo wacay, ujeedkeenu waa halkaane, ciidankii waxey billaabeen iney numberradii dib u wacaan, kii ugu dambeyey ayeyna ka billaabeen.

Wiil ka mida ciidanka oo is dajinaya ayaa wacay nambarkii Farxiyo, markey ka qabatayna wuxuu war uga billaabay:

“Xaggee joogtaa? Waxeyna ugu war-celisay:

“Waxaan joogaa isbitaal hebel hortiisee, waayo adiga?” wuxuu ku yiri:

“Waa saldhigga dagmadee, dambi ayaa laguu heystaaye meshaad joogto ha ka dhaqaaqin!” Waxyar kadib waxaa meeshii soo buxiyey ciidankii nabadsugidda, halkaas ayeyna gabadhii ka kaxeysteen. Markii la geeyey meelihii dadka raadka nucaan ihi soo galo la geyn jiray, meeshii ugu adkeed, uguna fogeed ayaa Farxiyo la tusay, telefoonkii, waxaana la weydiyey, iney taqaan, waxey tiri ma aqaan telefoonkaan iyo numberkan midna.

Telefonkeeda ayaa laga tusay wicitaanka numberkan la isla hayo, waxeyna isla qireen in numberkaan waqti yar ka hor soo wacay. Waxaa lagu wargaliyey in numberkan uu watay ruux is qarxiyey waxyar ka hor halkaasna, laga soo raadraacay, sidaas darteed, ay tahay eedaysane la mid ah ruxii is qarxiyey, haddii la qaban lahaa.

Waxey ku andacootey in numberkan aysan garaneyn sida muuqatana aysan ka jawaabin, oo usan waxbadan dhicin xitaa, magacna ugu qorneyn, weligeedna aysan wicin hadda ka hor, asna soo wicin, laakin, wixii meel kale ka qoran ay tahay gooni.

Waxaa loo shegay in kiiskeeda la galinayo baaritaan adag. Nin odey ah ayaa loo geyey, si uu uga qoro waxa la yiraahdo OB, ka dibna waxaa lagu xereyey qol. Raadka gabadha soo galay raad-yar ma ahan, kurbo, walwal iyo cabsi is huwan ayaa hal mar u soo howday. Maqrib ayaa laga sii gudbayaa, oo habeen ayey sii noqoneysaa. Meeshu waa cabsi, layr iyo iftin ma leh.

Waa qolal safan oo iska soo horjeeda, qol kastana koox ayaa ku jirta, xoogaa kala dambi sarreeya, laakin, ka siman in maalin uun la wada dili doono ama ay ku xukuman yihiin waqti dheer, oo aan dil waxba u dhaamin.

Waxyar ka diba baabuur Toyata ah” Nooca loo yaqaan Qabaal ama Cabdibille” ayaa si xoog iyo dhawaq badan ku soo galay daaradda xabsiga, ninka odeyga ah ee meesha heysta ayuu la hadlay, dhowr ciidan ahna wuu keenay, kuwana wuu qaaday.

Ciidanka baabuurku ka tago qolalka ayey soo hor marayaan waxyar ka diba, iyagoo leh qolkaan waxaa ku jira kii hebel dilay, kaasna kuwii hebel dilay, kanna kuwii dagaalkas lagu qabtay. Farxiyo dhagta ayey ka maqashaa hadalka nimanku ku celcelinayaan, markey meesha soo maraamba. Farxiyo waxey xabsilayda dheer tahay, waa marka kobaade waa dumar, waa ummul, waxa lagu heystana waxey maleyn karto xitaa ma ahan. Waa la iga gardaran yahay si ay u tiraa ma taqaan, cid ay la hadasho ma taqaan, telefoonkeedii waxaa qaatay ciidankii keenay, meeshaan, markii ay ninka odeyga ah u dhibeen ayaana ugu dambeysay.

Mar ay seddex saac oo habeennimo ay tahay, ayaa waxaa yimid ciidan kale, oo kuwii hore u joogay meesha ka badan, oo casho meesha ka soo doontay iyo kuwo xabsileyda casho siinayey. Farxiyo cambuulo ayaa loo keenay, waxey ka codsatey ruuxii u keenay inuu biyo u keeno, markuu biyihii u keenay iyo intuu ugu maqnaaba, wuxuu ciidankii mesha ka casheynaayey gaarsiyey in maxbuus cusub oo dheddig ahi ku soo biiray caawa xabsileyda. Ciidankii meesha ka casheynayey, kuwii cashada keenay mid kasta wuxuu u soo ordey qolkii gabadhu ku xirneed. Toosh ayaa indhaha looga qabtaa; naaya sii jeeso, soo jeeso, yaa tahay? Ma lagu qabaa? Xaggaa lagaa soo qabtay? Waxey ugu jawaabtaa su’alaahaas sidii in la deynaayo, waase lagu qoslaa, oo hadallo niyad jab ah, cabsigalin ah ayey ka dhaxashaa marka ay tiraahdo ruxii is qarxiyey galabta ayaa i soo wacay! Inta lagu qoslo, lagu maadsado ayaa la yiraahdaa; sii dardaaran! Haddana kuwo cusub ayaa u yimaada intiina ugu celiya.

Farxiyo waa gabar qurux u dhalasho ah leh. Waa gabar cad, dheer, oo soo jiidasho dabiici ah leh, labbis fiicanna soo xiratay, markii gurigeeda ugu dambeysay, oo ahayd maalintey booqaneysay saygeeda.

Ciidankii markey gabadhaan arkeen waa u cuntami weysay in gabadhan meesha laga saaro iyagoona arag, ama rag kawaaweyni helaan, sidaas darteed, habeenkii markey casheeyaanba, iyadey u soo falaad tagaan, cabsigalin iyo caga jugleyn waxaan aheyba ugama shekeeyaan. Markii dambe waxeyba billaabeen iney qolka ay ku jirto hor fariistaan oo ay ka sheekeeyaan gabar sidaan oo kale meesha lagu soo xiray, oo niman koox ahi kufsadeen, mid inta lala baxay la dilay, mid inta meelahaas lagu kufsaday laga tagay.

Qoyskii Farxiyo way daaleen sidey u taagnaayeen saldhigyada iyo maxkamadaha, waxaana lagu cabsi galiyaa gabadhiinna haddaan la toogan ayaad nasiib leedihiin. Farxiyo iyadoo noloshii nacday, sugeysa uun maalinta la dhihi doono berri ayaa lagu dillayaa, ama habeenka ay inta kooxi u timaad sidii nimankii sheegayeen, ay soo kufsan doonan, dharkii ku uray, aaney nadaafadi jirin, ummul eheed oo u baahneed awalba in la baaniyo, ayey xabsigii dhex jiiftaa. Dhowr habeen ka dib, ayaa waxaa xabsigii yimid nin xil sare ka haya dhanka ciidanka iyo ammaanka dalka. Ninkii waxaa la tusay gabadhii, waxaana loo sheegay kiiska gabadha lagu heysto. Ninkii taliyaha ahaa wuxuu codsaday in gabadha loo keeno. Gabadhii ayaa loo keenay, meel gooni ah ayuu la istaagay, su’aalihii iska caadiga ahaa ee maalin kasta la weydin jiray ayuu weydiyey, iyaduna sidii caadada u eheed ayey uga jawaabtay.

Ninkii wuxuu Farxiyo u sheegay inay ku jirto dambi la mida, dambiga uu geystay ninkii is qarxiyey dadkii uu laayeyna ay lug ku leheed iyo dhibaatadii dhacday, aysanna jirin xal u furan oo an dil aheyn, laakin, laga fakari doono uun marka la dilayo, hadda waxa ay sugeysaana uu yahay dil, haddii xitaa ay dhacdo iney badbaaddana ay wajihi doonto xabsi aan dil waxba u dhaamin oo 20-sano ah ugu yaraan, sidaas darteedna ay tahay sababta ay meshaan ugu xiran tahay, oo meshaan dadka ku xiran ay yihiin dad dil sugayaal ah iyo kuwo waqti dheer xukuman oo keliya.

Farxiyo hadalkaas maqalkiisu kuma cusba, weyna la qabsatay in intaas la yiraahdo, sidaas iyada lagu yiri oo kale ayaana lagu yiraahdaa qoyskeeda markasta oo ay helaan cid la hadasha. Taliyihii Farxiyo wuxuu u sheegay inuu jiro xal kaliya oo isaga gacantiisa ku jira, uuna yahay kan keliya ee ay ku badbaadi karto, bannaankana ugu bixi karto, xalkaasina waa in isagu si kasta oo ay ku qaadato meesha ka saaro, ka dibna ay is guursadaan, sidaasna ay ugu guri galidoonto, si bilaa shuruud iyo hadal la’aan ah.

Wuxuu ku yiri, hadda ha ii jawaabin, seddex habeen ka dib ayaan ku imanayaa, jawaabta markaas aan kugu immaado. Uma maleynayo inaad hadal ka soo celin doonto, waxaan kale oo kuu sameynayaa in xukunkaaga laguu soo dadajiyo, haddii habeenka aan ballansannahay aadan guurka oggolaan, si aan habeenki xiga kuugu keeno wixii lagugu xukumo dil ama xukun dheer. Farxiyo, intii ay xabsiga ku jirtay waa habeenkii ugu horreeyey ee ay maqasho hadal ka duwan murugadii iyo calool xumadii ay maqli jirtay intii ay meesha joogtay. Waxaa lagu celiyey qolkii ay ku xirneed, wey iska seexatay, habeenkaas, iyadoo fakareysa, fikir dheer, waa xaas, ninkeedu isbitaal jiifo, aysan dhex oollin wax xummaato ah, weliba jeceshahay, ehelkii ugu dambeyey ee ay aragtana ahaa, laakin, hadda meesha jacayl ma yaal, ee waa dil iyo meshaan jiif inta nolosha kaaga dhimman.

Subixii ayey soo toostay iyadoo xoogaa yididiilo muujineysa, qolkii ayey ku dhex warwaregeysaa, marada ayaa dhexda ugu xiran, oo xoogaa waxey iska dhigeysa qof ad adeyg bartay. Qolka ay ku xiran tahay markii la soo xiraayo iyada waxyar ka hor, waxaa ku xirnaa niman la dilay, waxeyna darbiyada qolka ku qoreen, qoraal ay ku dardaarmeen oo goosgoos ah, waxaana ka mida; taarikhda maalintii lagu soo xiray iyo maalinta laga saray qolkaan, oo ah maalinta la dilay, ahna asbuuc ka hor, maalintii iyada la soo xiray.

Qoraalka Farxiyo indhaheedu ay sida fiican u qabteen, ee ay nimankaasi darbiga ku qoreen waxaa ka mida: “Madaxweyne waxaan xisaab tami doonna, maalinta la wada qaawan yahay, annaka iyo adiguna aan caddaaladda u siman nahay, xaakimkuna yahay Allaha innaga sarreeya!”.

Farxiyo, waxey yaqiinsatey ineysan jirin rajo uga sokeysa sidii taliyuhu usoo jeediyey, sidaas darteed ay qaadato, go’aan ah iney yeesho taladii talliyaha. Darbigii ayey iyaduna markeeda, waxey ku qortay; “Madaxweyne haddaan ka badbaaday kufsigii xoogga ahaa, hadda ayaa la i kufsunayaa, kufsi nolosheyda qeyb ka noqon doona, qaylin karin, kana dhiidhin karin, weliba kufsi laga yaabo inaan weligey ku jiro, illaa iney cadaaladdu iga soo gaarto ma ahane!”.

Habeenkii ballanku ahaa ayuu u yimid taliyihii, waxeyna u shegtay iney diyaar tahay, isla habeenkii ayuu ka saaray xabsigii, meel ay seexatana geeyey, subixiina waa lagu mehriyey taliyihii gabadhii umusha aheyd, sidaas ayaana loo kufsanayaa habeen kasta, kufsi ay iyadu oggashahay oo aney la hadli karin!

 

W/D: M.A.C

 

SHEEKOOYIN