Riyadii Wiiqantay W/Q: Iqra Cabdirashiid.

 

Australia Celebrates Baby Boom

Cambaro waxa ey ku nooleyd magaala madax Soomaaliya Mugdisho. Waxaa muddo ka dhex guuxeysay riyo aad u weyn, oo ah, in ey mar tagto dalalka Yurub, si ey u sameysato nolol cusub, ka na macaan oo ka xasilloon tan ay ku haysato dalka Soomaaliya. Riyadaasi wey farxad galin jirtay, sida ay dhammaan inta la midka ah u farxad galiso. Waxaa u suurta gashay, in ey isku daydo suurtagalinta riyadeeda, iyada oo billaawday socodkii dheeraa ee ku wajahnaay dallaka Yurub, taas oo ka diga tahriib.

Waxey si nabad ah uga soo gudubtay dalalka kala ah Soomaliya iyo Itoobiya, marka laga reebo xabsiyo dar-xumo, in la lugeeyo iyo wiix la mid ah. Waxay soo gaartay magaalada Khartuum ee caasımadda dalka Suudaan, iyada oo nin muqallas ah gaari uga keenay magaaalada Gadaarif ee ku taalla isla dalka Suudaan. Wuxuu ku wareejiyay muqallas kale oo arxan-laawe ah, oo Soomaaliya. Wuxuu dajiyay mid ka mid ah guryaha ku yaalla duleedka magaalada khartuum oo ma naxayaashu u adeegsadaan meelo ey kaga qariyaan dadka booliska dalka.
Waxay isku fahmeen in ay hoos iska mehersadaan intii ay sugeysay lacagtii ay ku tagi leheyd, muddo ka dib gabadhii waxaa ku soo baxay uur, iyada oo wali ku nool is la gurigii tahriibayaasha. Ninkii falkiyey falgalkaas aan fayoobitad ku dhisnayn wuxuu ku qasbanaaday in uu iska hor-wareejiyo gabadhii oo wallac iyo walwal la liidata, wuxuuna geeyay aqal ay laheyd gabar qabiilkiisa ah, oo iyadu si arxan darri ah ula dhaqantay gabdhii, marna uma eysan turin, oo ma eysan dareemin inay labo nafley tahay, ilaa ay gabdhii xanuunsantay, mana helin daryeel iyo dugaal midnaba.

Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa waxaa dhacday in gabadhii ey u dulqaadan kari weyday xanuunkii, xaalkeedana waxaa ogaaday qabiilkii ey ka dhalatay, oo iyagu geeyay hosbitaal, ka dib saddax maalmood oo ey isbitaalka taallay, waa la badbaadin waaayay gabdhii iyo cunugii caloosheeda ku jiray. Uur-jiifku wuxuu ahay toddobo bilobo, gabadhiina wey geeriyootay, oo sidaas silaca ah ayey ku umul-raacatay. Booliska dalka ayaa dalbaday waraaqihii guurka iyo ninkii qabay gabdha, ka dib markuu dhuuntay ninkii qabay ayaa Soomaalidii oo musuqmaasuq ab iyo isir u leh ku doodday in wiilka gabadha lug-gooyay haddii la sheego uu waynayo jaamacaddiisa, maadaama uu arday yahay, sidaas daraadeed looga gudbin Booliska. Waalli iyo iska daba wareeg ka dib, booliskii waxaa lagu qanciyay in meydkii gabadha la duugo, Soomaalidii meesha is kugu soo baxdayna waxay u kala safteen labo qabiil oo iyagu halkaas ka ka sii waday dagaalkii ku dhisnaay qabyaaladda iyo qurunkeeda. Dayuuskii la yiri gabadhuu qabayna halkas ayuu kasii dhammeystirtay howlihii ka qabyada ahaa, marxuumaddiina Ilaahay ayay dacwo la hortagtay, Ilaahay ha u naxariisto. Sheekadaan waxaan soo xasuustay aniga oo ku sugan magaalada “Ismiir” ee dalka Turkiga, oo ah magaalada ay ka tahriibaan Soomaalida kusii wajahan dalka Giriigga, oo lagu gaaro inka yar saacad iyo bar doomaha dheereeya.

Magaaladaan xabsiyada waxaa ku jira boqollaal Soomaali ah, waddooyinkana waxaad ku arkaysaa dhallinyaro Soomaali ah, oo iyagu xambaarsan boorsooyin, gaar ahaan kuwa la adeegsado xilliga kuleelaha, oo ah xilliga baddu kulushahay. Habeen hore waxaa gaari ila soo raacay hooyo Soomaaliyeed, oo iyadu wadato caruurteedii kuna wajahan dalka Giriigga. Maalin kastana waxaa badda gala boqollaal iyada la mid ah.

W/ Iqra Cabdirashiid

iqra39@hotmail.com

SHEEKOOYIN