DAACADNIMO DILLAANIMO KU DAMBAYSAY! Qore Mohamed Musa Sh. Noor

Nor1

DAACADNIMO DILLAANIMO KU DAMBAYSAY!

Daarta aad maanta ku harsanayso in ay noqonayso midda aad bari ku dhiman doonto iyo in ay noqon doonto mid aadan calfan oo aad uga haajiri doonto Daar kale taas ogaanteeda waxaa ku shaqa leh Allaha ku abuurtay, waana wax ka wayn Qaddarta Bani Aadamka in ay ogaadaan.

Waxay ahaayeen laba dhalin yaro ah oo isku degaan kusoo koray, balse ku kala duwanaa dhanka Akhlaaqda, hadana sidaas ay tahay ma ahayn kuwa ku kala tagay kala duwanaanta dhaqankooda, waxay ahaayeen runtii Saaxiibo ilaa yaraantoodii, qof walbana qofka kale wuu ku qaddarin jiray heerka uu markaa Nolosha ka taagnaa.

Waa Ilyaas iyo Shucayb magacyadooda, waa Dad ay midaysay deegaanka ama xaafadda ay markaa ku dhasheen islana ahaa kuwa wada ciyaaraa Kubad wax walba oo dhalinyaranimo lagu qaybsan jirayna soo qaybsaday.

Dariiqa koowaad ee marka ay noloshu billow tahay la wada maro ma ahan mid mar walba dhib badan oo lagu saadaalin karo waxa ay labada qof wada noqon doonaan aakhirka noloshooda, nolosha ayaasa ah mid Marxalada badan wada marta.

Shucayb waa Wiil Agoon ah oo dhib badnaa oo Xaafadda dhan aanan laga jeclaan jirin, tuuryada, dhagax tuurka guryaha xaafadda ku yaal iyo dagaalka uu mar walba la dagaali jiray dhalinta xaafadda yar iyo wayn joogta ayay u ahayd.

Runta marka laga hadlana Shucayb astaanta uu xaafadda ka lahaa ma ahayn astaan wanaagsan, qof walba waa inkaari jiray, qof walbana aragiisa kuma farxi jirin oo xaafadda kuma jirin qof uusan wax yeelo u gaysan.

Sidaas ay tahay ciyaalka xaafadda ayaga oo jeclayn ayay hadana ciyaarta la wadaagi jireen shucayb, sababta ay sidaas u sameenayeena waxay ahayd shucayb oo ku wanaagsanaa dhanka kubad dheelka, waxaa kaloo taas usii dheerayd kooxda uu marka shucayb la jiro in ay ahayd koox mar walba aan lagu soo dag dagin hujuumiddeda, micnaha sharwadaha kooxda ka difaaco sharta kuwa kale ayuu ahaa.

Qolo walba oo shucayb wadata Axsaan ama Arxan iyo jacayl ay u qabaan uma qaadan jirin shucayb, dhan walba wuu ka aradnaa dhanka Dabeecadda wuu ka xumaa, dhanka gacan qaadka wuu ku fududaa, dhanka aaminaadda kuma wanaagsanayn qof walbana dhibaato ka carar ayuu uga leexan jiray, ee ma ahayn Xoog waynin uu dadka dheeraa.

Ilyaas wuxuu ahaa mid ka tirsan dhalin yarada ku noolayd Xaafadda uu shucayb ku dashay, waxayna ahaayeen ayaa la dhihi karaa shucayb ninka kaliya ay mar walba isku dhawaayeen oo ay wax wada qaybsan jireen.

Ilyaas wuu ogaa in Farqiga u dhaxeeya isaga iyo saaxiibkii shucayb uusan isku dhawayn, hadana sidaas ay tahay waa la isla socday oo intii la isku fahmi karo ayaa la iskula socday, waana wax runtii lagu daydo oo maanta tusaala u noqon lahayd dhaqanka Soomaalida badan ee ku kala irdhoowday Dalka, Danaha ka wada dheaxeeyana garan waayeen.

Waxaa jiray Xifaaltan ama is foorjayn mar walba dhex mari jirtay labadooda taas oo aad u darnayd, oo mararka qaar xitaa gacanta la iskula tagi jiray, hadana ma ahayn arintaas mid sii kala gaysay oo ay ku kala go’aan.

Waxaa jirtay maalin si gaar ah la iskugu faagtay oo ilyaas ku tilmaamay shucayb Nin aad u xun oo aan la jaan qaadi Karin nolosha degaanka uu ku noolyahay, ama dadka ku xeeran ee asxaabtiisa ah, taas oo uu u tusiyay sida in uu yahay nin aan aragtidiisa iyo joogistiisa uu xaafadda joogo aan lagu faraxsanayn, qof walba oo arkana uu mar uun ku hamminayo in shucayb Xaafadda ka haajiro.

Shucayb aad uguma farxin arinkaas kadib markii dhalin badan oo xaafadda ka tirsan ay muujiyeen in fikirka ilyaas ay la qabaan oo ay jeclaan lahaayeen shucayb oo aan ka tirsanayn ama lagu tirin xaafaddooda.

Shucayb maalintaas kalimad ayuu yiri taas oo ahayd in ay ku tilmaami karaan dhalinta xaafadda Xumaan kaste, balse isagu uu hubo in uusan noqon doono Dilaa ama mid dadka xaafadda Waddada u galo oo waxa ay haystaan ka qaata.

Shucayb hadalkiisa isaga oo sii wato ayuu yiri shan sano kadib waan is waraysan doonaa dhalinta xaafadda, wixii maanta ka dambeeyana shucayb idinma dhibi doono wax uu idinla wadaagayana ma jiri doonto, xitaa kubadda idinlama ciyaari doono, wuxuuna sheegay in uu ka gaabsan doono xaafadda iyo dhaq dhaqeeda, marba Dareenka Dadka Xaafadda hadii uu ahaa sida ay ayagaba tilmaameen.

Shucayb wixii markaa ka dambeeyay wuxuu bilaabay is baddal aad u balaaran wuxuu noqday mid ku xiran Masjidka, wuxuu bilaabay in uu kitaabada raacdo, Akhlaaqdiisa hagaajiyo, kubadda xitaa marka uu ciyaarayo wuxuu goostay in uu la ciyaaro dhalin yaro kale oo ka kala yimid Xaafado kale oo ay macriifo ahaayeen.

Sidaas ay tahay shucayb ma uusan wada goyn dhalinta xaafaddiisa, inta u timaado oo doonaysay hadalkiisa ama taladiisa sidaas ayuu ku caawin jiray, wuxuuna samaystay runtii asxaab kale oo cusub, hadalkaas uu maalintaa ku dhahay shucayb wax badan oo dhaqankiisa ah ayuu ka baddalay, balse waxaa jirtay isla maalintaa nafteeda in uu hadal isla meeshii ka yiri oo ahaa “Ilyaas waa lagugu tilmaami karaa maanta qofka xaafadda ugu wanaagsan, balse mid ogow in tilmaanta aad maanta sidatid ay noqon karto mid igu soo wareegto, ama kasii wanaagsan la igu mannaysto, maxaa yeelay qof walba camalkiisa Alla ayaa og iyo sida uu ku dambayn doono, lagana yaabee in ilyaaska aad maanta tahay aadan barri noqon”

Muddo sadex sano ah kadib waxaa Alla qoray in shucaybna uu noqdo imaamka Masjid ku yiil xaafaddooda oo laga haybeesto, shucayb dhib badane haddii shalay la dhihi jiray maanta waa sheikh shucayb.

Ilyaaa wuxuu isku baddalay Ganacsade, maadaama uu awalba Aabihii ahaa nin ganacsada ah, shaqada aabihii ayuu dhinac ka galay taas oo runtii la oran karay wax badan wuu kusoo kordhiyay Mas’uulnimadana wuu ku bartay.

Ilyaas waligiisba xumaan ma uusan lahayn Xaas iyo caruur ayuu samaystay wuuna shaqaysan jiray, waxaa jirtay Cid ka tirsan Dadka Dariska Xaafadda ah oo wada mucjiso ahaa, maxaa yeelay adooga iyo habartaba waxay ahaayeen wada indhoole, ilmaha ay wada dhaleena indhoolayaal ayay ahaayeen marka laga reebo hal Wiil, kaas oo ahaa Curadka Qoyskaas.

Sheekada reerkaas kuma fogaanayo maadaama aysan ahayn muhiimadda mowduucayga,waxaa dhacday in maalin ilyaas oo gaarigiisa ku dhex wata xaafaddiisa uu si lama filaan ah ugu soo baxay wiilkaa ay dhaleen Waalidka indhoolayaasha ahaa, ilyaasna markaa wuxuu ku hadlayay Taleefon oo ismaba lahayn waddadaas ayaa si fudud qof kusoo galayaa, balse qof Malakulmoot wata waa ka gooni dadka kale, ilyaas isaga oo aan iska jirin ayuu gaarigii qaadsiiyay wiilkii indhaha u ahaa ciddaas wada idhoolayaasha ahayd

Shucayb oo ka mid ah dadkii kusoo baxay shilkaas gaariga ayaa maydka meesha ka qaaday oo dhinac ka saaray Gaariga ilyaas, ilyaas oo aad u argagaxsana ku dajiyay in arinkan uu yahay Qaddar Eebe oo dhacday lana doonayo in wixii lagu xalin lahaa laga fakaro dhacdadan.

Maydkii waa la aasay labadii ehelna sida ay ku heshiin karaan ayay ku dhamaysteen arrinkoodii, muddo kooban kadib ayay isku yimaadeen shucayb iyo ilyaas sheekooyin gaabana ayaa dhex maray, taas oo runtii u badnayd xifaalo ka imaanaysay markaas dhanka shucayb, isaga oo ku dhahayay ilyaas saaxib ma taqaanid waxa aad tahay balse hadda waad is ogtahay.

Haddii shalay uu shucayb ahaa midka loogu necebyahay xaafadda maanta waa Sheekha xaafadda loogu jecel yahay, shalay meeshii ay qof walba ka yahaysan jirtay aragtidayda maanta cid walba waxay ku taamaysaa in aan wax la wadaago.

Ilyaaskii shalay wanaagsanaa maanta wali sidii ayuu u wanaagsan yahay, balse waa Dilaa gacantiisa uu ku baxay mid ka tirsan dhalinta Xaafadda, waasa Qaddar Eebe, tilmaanta dhabta ah ee inoo dhaxaysa labadeena, ilyaas adiga Alla wuu qaddaray in aad Dilaa noqoto, oo Qof Muslim ah gacantaada uu sababsado, anigase maya waasa Allah mahaddii.

Ilyaas oo hadlaya ayaa yiri doorashada Alla waan ku qanacsanahay kamana xumi arrinka uu allah ii doortay waansa ka xumahay in ciddaas Masaakiinta ah murugadooda aan qayb ka noqdo, waansa aqbalay wax walba.

Hadaba qof walba waxa uu yahay isma oga, adiga Qoraalkan aqrinayana ma taqaanid waxa aad tahay runtii, maxaa yeelay waxaa wax ku qiimayn kartaa Waqtiga aad taagan tahay, marka qofku wuu oran karaa waxaan aqaan waxa aan hadda ahay oo kaliya, ee aqoon dheeraad ah naftayda uma lihi, sidaa darteed, ha ku dag dagin xukminta qofka aad ku xukmisid wax aadan ogaal u lahayn.

W/Q: Mohamed Musa Shiikh Noor

ekiyare@hotmail.com

xabuu8@hotmail.com

 

 

 

SHEEKOOYIN