Maansada: “I SU DARAN!” Curiye: Maxamad Xuseen Faarax

I su daran

Maansada: I SU DARAN!

 

Indhowaydba DEELlEEY

Ma daalacan, ma aan deyin

Ma dallicin, ma dawdabin

Dibnahayga uma furin

Ma haaneedin Dowriyo

Sidigtaydii Dacarreey

Inta deebsho gaawaha

Ma dambarin dambeeddada

Faraskaygi Doollaal

Isna dabarka kama furin

Ha yeeshee, dakaan iyo

Doobba gorayna maan noqon

Durdurkii murtida iyo

Ma da’ gurin xusuustii

Dararkiina maan gabin

Anaa dooq qiyaarkeey

Daaqaddeeda laabaye

Egan dooray maan noqon.

 

Afartaa da’ iyo woow

Waa dan iska sheeggeey

Kaa degteye, ka digarogo

Mid kalena ku soo durug.

 

Suugaantu waa degel

Dun xariira weeyaan

Waa derejo qaali ah

Waa waxaan digtor dhigin

Dugsi macallin laga baran

Lagu gadin dukaammada

Dayn amaah dad kuu siin

Dardar lagula soo bixin

Dagaalxoogle lagu dhicin

Dalab kalena lagu helin

Waa deeq Ilaahey

Qofkuu doono siiyaa

Waa dabaqad sare iyo

Dargo hoose dhexe oo

Dadka uma sinnaatee

Sida duunyadoo kale

Ruuxba doobi haystaa.

 

Mid kalena ku sii daro

Suugaantu waa dawo

Cudurrada dikaamiyo

Lagu duro xanuunnada

Hadday dawga seegtoo

Qalindalab hinnaastana

Sunna wayba daacdaa.

 

Suugaantu waa danab

Waa qarax dabbaabaad

Dumbuq iyo rasaas iyo

Warmo laysku dooxiyo

Aalad lagu dagaallamo.

 

Marna waa durraamiyo

Nabad daaddahaysiyo

Dugsi loo hiloobiyo

Wanaag lagu dabaashaa.

 

Isku duub daliilaha

Suugaantu waa dahab

Iyo dallad ammaanoo

Rabbi kagu duljoogoo

Kagu daba gelaayaa

Haddaad dulum ku hurisana

Dimbiyaal ka dhaxashaa

Haddaad khayr ku dalabtana

Xasanaad ka daahiro

Waa docdaad ka eegtiyo

Hadba daniyo xeeshaa.

 

Afartaasi waa deleb

Deyr gogoldhig suugaan

Iyo deelka arartee

Iyadana ka digarogo

Mid kalena ku soo durug.

 

Aan daaro maansada

Dawankiina aan ruxo

Doorbinkii barshiishkana

Diiraddiisa aan saxo

Digba waa digteedee

Aan dubeeyo deelleey

Maruu xalay daruurtiyo

Xidigaha dawaafiyo

Deegaanta daawaday

Diiriye wuxuu yiri:

Alle Daa’im weeyoo

Deeqdiisa hodonkaa

Markii uu isagu dano

Degdegsiimo bixiyee

Inaan kaaga deyriyo

Qorshahayga kuma darin

Ha yeeshee, daraasada

Xilli deban qiyaaseed

Saddex bilo diraaceed

Saxal dirir la xeragalay

Dayax shaniyo tobankii

Naafaha ka dabamaray

Dibbad laba habeenkana

Rugta daalalood degey

Saadaal de’mada roob

Kicin dadab hillaaciyo

Dayr xumaatay ii sheeg?.

 

Afartaasi waa dood

Waa sarbeeb dalaaliman

Iyadana ka digarogo

Mid kalena ku soo durug.

 

Dulmigaan dunuub koray

Dulmigaan daguug baxay

Dulmigaan dibbiro karay

Dulmigaan dulmiga dhalay

Halka uu dugsado iyo

Halkuu daaq u doontiyo

Daldaloolladuu galo

Aan ka qaado daahyada

Godob dedan dabool rogo

Mid dahsoon daleed waro

Dadban leexsan daaloco

Dhagar daban dillaaciyo

Dabin xiran dekaan furo

Dammuumane ha eegtoo

Ha ka boodo doqonkuye

Aan dakano xusuusiyo

Waxaan uga dan leeyahay;

Arrintaan dildilodheer

Ee dibqaanta waayadan

Oo daar lagu gufeeyiyio

Loo waayey daadcelin

Halka dalacda laallaad

Dalcad foorar kaga jiro

Ama deridu kaga taal

Aan dibadda soo dhigo

Ha daliigo shacabkuye.

 

Afartaasna waa derin

Dul ka hooryo maansada

Hordhac loo diyaarshee

Iyadana ka digarogo

Dulucdana ku soo durug.

 

———————————

 

Dadweynahakan dood iri,

Dibutaati dood iri,

Dawladdaanna dood iri,

Waxaan iri dadweynaha;

Soomaaliya damiirlaay

Isu daran is duugaay

Dawdaba durduriyaay

Darmad duufwareeraay

Damagsada dayoobaay

Iska dida dareeraay

Nabad dayr ka xooraay

Balaayada daneeyaay

Is dagaala diriraay

Midka dila difaacaay

Ka daryeela dooxaay

Dagaal ooge raacaay

Haldoorkeeda dubataay

Dabadeed dalaabaay

Dawarsiga ku faanaay

Laysku diid is diidaay

Is dulleeya daalaay

Iska daba wareegaay

Caku dawdawdaadiyo

Dareen gaabnidaadiyo

Damac waallidaadee

Illaa daa’im abidkaa

Dulligaan ku haystee

Deegtiyo docaha iyo

Daamankiyo dibnaha iyo

Inta doobta kagu dhegay

Ku dameero dhuujiyey

Mici daqayda kaa suray

Kaa durduurtay dhiiggii

Jiirtaada dalamsadey

Ku del-deley ku dabatiray

Lafahaaga duur qubay

Oo weli dafliyo orod

Ugu jira darxumadaas

Inuu kaaga sii daro

Miyeydnaan ka diireeyn?.

 

Dacwad kale waxay tahay

Miyeydnaan dareemeeyn

Illaa daa’in abadkiin

Dogobbada magmaaggiyo

Hiishaan digo hulaaqdiyo

Dambaskaad ku gubatiyo

Dabka waayo kugu shidan

Cidda door afuuftee

Dunka cawsya xaabkiyo

Sii dulsaarta damallada

Mahmaah durugsanbaa tiri;

“Duunyadii did moog iyo

Ummaddaan dareen qabin

Daanno kama badbaaddoo

In la dooxo wow halis!”

 

Dibadyaal Hadraawina

Markii uu duleed iyo

La hadlaayey doqonkii

Dad iyo duunyadiisii

Damdaguugan laga dhigay

Wuxuu yiri; dulmanidaa

Haddana gacan degganidaa

Anna dawgan maantaya

Waxay doodi iga tahay

Dadweynahakan soomaal

Duudsi iyo daraabiyo

Dibindaabyo hoosiyo

Maxaa daqarro lagu dhigay

Haddana diirrimaad iyo

Damqashiyo didmala’aa!

Dawba waa dadkiisiyo

Dhaqan daadahdiisee

Su’aalaha dul iyo hoos

Erayada ku daabacan

Haddii aadan dadweynow

Jawaab deeqda heli karin

Oo dabar go’aagiyo

Daaduunka cararkiyo

Duluglaha saboolkiyo

Doox-dooxa kagu yaal

Garan duulki kagu dhigay

Anaa deexanaayee

Dulka dhegaha ii furo

Illaa sanadkii duumada

Iyo diraacdi Dabadheer

Iyo gugii Dabaaldhiig

Iyo xagaagii Daardhuuq

Iyo dayrtii Dagagara

Iyo dawgan kala guur

Uga dare xil kama degin

Doolaalna muu bixin

Alle dooriyaashiyo

Dooraalayaashii

Wali ways dugsanayaan.

 

Afartaas ku deeqdaye

Mid kalena ku soo durug.

 

Waxay doodi leedahay

Duulyohow dammuumani

Daawad Dalawadiinnii

Madidii dambeedda cad

Sidigtii dir Maandeeq

Sidii loogu deeddamay

Ama loo dil qaybsaday

Ama loo dubaax qalay

Ama cadawgu ugu diqay

Daaha aan ka qaadoo

Xaqiiq idin durduurshee

Qof walbow dareenkaa

Adigiyo dadnimadaa.

 

Iyadoo diraac dhala

Dambarkiina naasaha

Afartuba difqahayaan

Digtatoor lugaha dabar

Dabadhilifna dacayeey

Damagsade middida daab

Dhuunidoon durbaba leged

Dawarsade dibnaha qabay

Damiirxume hunguri daqar

Dibusocod calool doox

Duf ku bexe daqaya siib

Duurgale qoryaha doon

Doogsade dabkii huri

Dabatoob dhardhaar duug

Dagagare digsiga saar

Ducfiliid ku dalaqsii

Dareerleef dabool qaad

Dafaqsade daldalid bixi

Afdabeyl dudummo fuul

Dayday iyo dubaabiyo

Dulli duufka cuna iyo

Doorshaan isugu yeer

Diirte waaxyeheedii.

 

Afartaa diyaarshaye

Aan tusaale daba dhigo.

 

Ari jooga deexleey

Iyo doox waqooyaad

Oo duul ilaalshiyo

Aan lahayn dad daajiya

Oo daleed bannaankiyo

Cidlo waayo degeshaday

Ayaa Tuke damaaciyey

Wuxuu dooqaneeyoo

Hadba dacal ka raacoo

Daymada u badiyaba

Dirqin xoog la dibirshiyo

Mici dooxda mooyee

Inaan eegmo dilin arag

Ha yeeshee, shaxbuu degey

Duulimaadna sii haad

Wuxuu sii dafleeyoo

Kaymaha dawaafoo

Hadba geed ku sii dego

Wuxuu soo duljoogsaday

Dunji habar dugaagoo

Ku shiraysa duur howd.

 

Wuxuu yiri; dugaagoow

Xoolaha dibboodkaa

Oo laayac dalaglaha

Aayda carar dabayshada

Adinkaa daneeyoo

Xuqooqdooda u doodoo

Dugsi nabad gelyale iyo

Daryeel wacan u fidiyee

Dohda bari dalkaa xiga

Duunyadii ku noolayd

Ariba ha u darnaadee

Diqsi iyo duraay iyo

Takar diiranaysiyo

Shillin duudka xagatiyo

Jirri naasa damaq iyo

Dhamiijaa dam siisaye

Gurmad mowgu deeqdaan

Cayayaanka dabarjaray

Ka difaaca daylada.

 

Qosol diririg badan iyo

Faraxdeeddan dabadeed

Waxay qalin ku duugeen

Ma dakaamihii Weer

In loo diro dalkii bari

Waxay kula dardaarmeen

Dulmadoobe Weeroow

Danaystow duqiiyoow

Doolaala dheeroow

Dafar deris u roonoow

Tukaha dayradiisiyo

Qaylada darxumadiyo

Damqashada xanuunkale

Daah kaama saarroo

Doodda waad maqlaysaa

Adigaa dabriyo orod

Daalaynin socodkoo

Dariiqyada la mara iyo

Dawga kale yaqaannee

Aan kuu ducaynnoo

Derejiyo amaal iyo

Billad dahab ku siinnee

Durba sii kac sii daa

Degdegsiimo sii bood

Daamankaaga kala qaad

Afka laba dabool ka dhig

Deeleeyso miciyaha

Doonka bari ku daayacan

Cayayaanka daashaday

Orodoo ka dabaqabo.

 

Wuxuu yiri duqii Weer:

Dayrada dalkaas bari

Laga keenay dawgaan

Dugaag aan israacniyo

Dooxataan u waayaye

Illaa daa’in abidkeey

Anigu wow dareenqabay

Sidaas iyo daraaddeed

Doorashada diraalkiyo

Doc codaysigiinniyo

Xilka daacadnimadoo

Dusha iiga tuurteen

Marna diidin mahayoo

Waan aqbalay dabuubtaas

Waxse aan danniyayaa

Arrintaan dul iyo hoos

Dulucdiyo ujeedkeed

Waa dan naga dhexaysee

Adinkuna dadaaloo

Soo diyaar garooboo

Iga daba imaadoo

Dusha iga ilaaliya

Deyrkana ka sii bood.

Wuxuu sii durduriyaba

Markuu gaaray doonkii

Waa dabeecaddiisiyo

Da’dii lagu yaqaannaye

Iska daaq sidii doog

Midba dilay markuu dano.

 

Daliishiyo tusaalaha

Waxaan uga danleeyahay

Dembi iiga raacayn

Deegaanka soomaal

Dacal iyo illaa dacal

Dadabtiyo dugsiga guri

Iyo dayrka gogoleed

Waxa jiif dangiigsiga

Barkimaha dargaystaye

Dildillaan rogmanayee

Inta daaqay dhaylada

Dhereg daacsanaayee

Loo daddaabo xiran yahay

Dalqaweeyne Aar iyo

Shabeel dool ku yimid iyo

Daan ku guudle Weeriyo

Daacuflihii Dhurwaagiyo

Yeey iyo Dawaco iyo

Sow daadufleey iyo

Dibqalloocyo may aha

Difqinaaya waabaay?!

 

—————————–

 

Afartaa ka digarogo

Mid kalena ku soo durug.

 

Dawlad sheegte waxaan iri:

Duullimaadka dibaddiyo

Damaashaad dalxiis iyo

Hadba dawlad gaarkiyo

Shir u sii dareerkiyo

Soo degtiyo dakayntiyo

Daarta hoos ka xiradkiyo

Derbi ciid ku dhoobkiyo

Difaac yuurar mooyee

Dantii guud xilkeediyo

Aaway dowladnimadii

Sowkan calanki daayacan?.

 

Afartaa dallaalimay

Mid kalena u daadegay.

 

Waxay doodi leedahay

Haddii duhur dharaareed

Hoggaan dowladnimo iyo

Dalka dib u dhiskiisiyo

Laydiin doortay howlaha

Waa maxay Denmak iyo

Dalalkaa shisheeyiyo

Shirka dibadda loo tegay?.

 

Afartaa dallaalimay

Mid kalena u daadegay.

 

Waxay doodi leedahay

Arrimahaan darjiirkaa

Daguuggiyo duddumintaa

Kala maan durduradaa

Iska doogsi orodkaa

Is mucaarad dirirkaa

Idaacado ka danankaa

Darandoorri murankaa

Ka dar Dibi dhal hadalkaa

Daawdhaafka qaladkaa

Miyaan sharci daweeyiyo

Xeer lagu dabaaliyo

Dastuur qeexayaa jirin?!

 

Afartaa dallaalimay

Mid kalena u daadegay.

 

Waxay doodi leedahay

Haddii aad dagaasheen

Isku duubni wayseen

Misna kala diqooteen

Dawo yeelan wayseen

Iska daba wareegteen

Dulliyohow is doortaa

Oo misana is diidaa.

 

Waxay doodi leedahay

Dareen oogayaashiyo

Dableeydii hubaysnayd

Ee tobanka dayrood

Iyo sanado lagu daray

Dagaallada qabiillada

Ku danaysan jirayoo

Durbaannada u tumi jirey

Oo dalal shisheetiyo

Afrikaanka deriskaa

Sidii derinti Soodare

Ama dowladdaa Masar

Ama Dooxo iyo Qadar

Ama degelki Eeldoor

Shirka diradiraalaha

Hadba duul u qabanjirey

Maxaad uga duwantihiin?!

 

Dacwad kale waxay tahay

Dalka qaybi degel degel

Kala daadi gobollada

Degmo degmo u kala goo

Midba dowlad gaariyo

Deegaan u magacaw

Deriskiyo sokeeyaha

Dhalashada durriyaddiyo

Diintaba walaal ku ah

Dudo beelo wada dega

Danwadaata kala sooc

Dirdir laysku laayiyo

Sababeey dagaallada.

 

Duulyohow dawarayaa

Waxay doodi kugu tiri

Ma dhiigga daadanaayiyo

Maydka wadar la duugiyo

Qaxootiga dagaagiyo

Kuwa duurka tuban iyo

Habaqlaha is daba yaal

Ayaad dabar go’oodiyo

Sii dabaylin raacdada

Dayn ku qaadataanoo

Barakaca dardhoodiyo

Dhaawacaad dullaashaan?!

 

Afartaa dallaalimay

Mid kalena u daadegay.

 

Waxay doodi leedahay

Waadinkaan dayooboo

Dariiqii midnimadiyo

Dawgii ka leexdoo

Cidlo damagsanaayoo

Hadba derbi cuskanayoo

Dirgan waayey socodkee

Howshaan idinla daaddaye

Hadba sii dillaantaye

Buuraraha ka degataye

Soo dabaali wayseen

Halka uu daguuggiyo

Deelqaafku uga jiro

Maydnaan dareemine

Ma ogtihiin damanayaal?.

 

Waxa labada dacal iyo

Daraf iyo illaa daraf

Duluc iyo illaa duud

Duudduub isigu xiray

Dabray xaajadiinnii

Inuu yahay dastuurkaan

Derbiyada shisheeyaha

Lagu soo diyaariyey

Dulka xaasid soo qoray

Dib ka naaxu daabacay

Dhagarqabe ku diirsaday

Iyo khaayin duugane

Maydnaan dareemine

Ma ogtihiin damanayaal?.

 

Afartaa dallaalimay

Mid kalena u daadegay.

 

Waxay doodi leedahay

Gumaystahan Dijaalkaa

Doofaar Yuhuudkaa

Doorawayne gaalkaan

Falastiin deldelayee

Ciraaq duullan aadaye

Ka duldhacay Afgaankii

Duqaynaaya Suuriya

Dam ka siiyey Liibiya

Dabka huriyey Yamantii

Isku diray Tuniisiya

Masar duurka wada tubay

Dirqinaaya Suudaan

Dulminaya Marookaan

Eeraan ku dabajira

Dalalkaa Islaamka ah

Wada dooxateeyaye

Ku dabreeyey gebigood

Oo weli dardaarwerin

Daandaansigii wada

Daryel miyaad ka sugataan?.

 

Waxaan uga danleeyahay

Dowladaha la weeraray

Adoo diin wadaag la ah

Ka xamaasad durug badan

Difaac iyo awood ka yar

Daayacan dhulkaa yahay

Dihan ciidda yuurara

Duruuf baahi dalaglaa

Ogaalkuna dam kaa yahay

Doofilkaan dayuuskaa

Hadduu dagatin kaa helay

Ma ku daysan karayaa

Daacad miyad ka dhowrtaan?.

 

Daba orod la socoshada

Iyo hiil duggaashigan

Danta aad ka leedihiin

Waan dareemi weynnaye

Na deeqsiiya sheekada?.

 

——————————–

 

Afartaa ka digarogo

Mid kalena ku soo durug.

 

Dibutaati waxaan iri:

Dayrabiga sixirkiyo

Diiwaannada gumaystaha

Kuwa duud xamaalee

Hadba dacal ka rogayee

Ka soo daabacguuriyey

Dabinnada shirqoollada

Ee kala diqoodkiyo

Sumadaha dirsoociyo

Dalka kala jarkiisiyo

Afar delebka qaybtiyo

Feedaraalka dulunkaa

Ku qorqoray dawaaddow

Waxay doodi leedahay

Qalin duurayaashow

Dalamsiga yarkaa iyo

Daqliyaad u xilate’e

Marna miyaad ka doodden

Waxaad daabacaysaan

Amaad daabulaysaan

Duugga nolol dambeetiyo

Dib ka dhaxalka aayaha

Waxay daaci doontoo

Adinkiyo durriyaddiin

Berri degashan doonaan?.

 

Mahmaah durugsan baa tiri;

“Geelii ay duqdiisii

Duhurkii durdurisaa

Aarankaa ka daranoo

Ku dibbada dafliyo orod”

Waxaan ugu danleyahay

Mar haddii duqowdiyo

Dibutaatiyaashiyo

Madaxdii la doortaba

Illaa sebenki duumada

Iyo waagi dabar furad

Dakanadii qabiilkiyo

Dubaaqooyinkii hore

Dib u soo naqlinayaan

Mooryaan dullowdiyo

Dablay maxad u mooddaa?.

 

Gaarriyaa dabuub gabay

Deelleey ku soo daray;

“Doqonyohow abtiriyaa

Armaad dogobka qiiqa leh

Derintaad ku jiiftiyo

Dushaada uun ku hurisaa”

Dulucdiyo ujeeddada

Ceelka dowlis dheerkaa

Hoostana duntada ka ah

Wadaamaha daroorta leh

Kuwa doojinaayoow

Codka diilalyadaliyo

Heesta dabacsan maqalnoo

Dhegeheenna kuma duxin.

 

Ducfiyohow duryamayaa

Waxay doodi kugu tiri:

Nabsi waa madaalee

Dabinnada qayaaniyo

Dalluuntaad qodaysaan

Armaad daqal tiraahdaan.

 

Mid kalena ku soo durug

Dabuubtii Cabdulle hoo

Deelleey wuxuu yiri;

“Hadallada diciifkaa

Dibbaa loo naqdinayaa

Sheekada ma lagu daray?”.

 

Mid kalena ku soo durug

Duul hore ayaa yiri:

“Hashu laanta daraygiyo

Doogga muuqda aragtaye

Loollida dahsoon iyo

Dululubada ma ogtahay?”.

 

Isku duub daliilaha

Dulucdiyo ujeeddada

Waxaan uga danleeyahay

Xaajadan delegantaa

Daacadnimo ka duruggaa

Beenta daabac qoriddaa

Dabci waalli dhaqankaa

Duudsi damac hungurigaa

Daahiil horsocdkaa

Qabiil dabo la geliddaa

Daalinnimo digdigadkaa

Iyo luuqda dalabta leh

Kuwa doobbinaayow

Waxay doodi leedahay

Dacaam sooryo raacde’e

Armaad duumo laacdaan

Cudur daanka gelisaan

Aayihiinna dubataan

Adduunkana dufowdaan

Aaqirana dab mudataan?!

 

Afartaa dallaalimay

Mid kalena u daadegey.

 

Waxay doodi leedahay

Allahayow dallaganaa

Caqligooduu dedenaa

Damiirkoodu liitee

Nabad dib u heshiin iyo

Isku dumid rag loo diray

Iyo dowlad qarannimo

Ee dulmiyey dadkoodii

Mar labaadna kala diray

Allahayow ka daranaa

Nin ka duday dalkoo idil

Isku duubnidiisiyo

Dunbuluugle calankiyo

Magicii dir Soomaal

Oo misana ka doorbiday

Degmo maamul gobol iyo

Deegaan xudduudeed

Dagaal oogayaal iyo

Rag dantood u dhaansaday

Deyrlaan u bixiyeen.

 

Allahayow ka daranaa

Daash qabyaaladeed iyo

Nin qabiil dugsanayoo

Hammi dowladeed qaba

Oo kala diiqid go’idiyo

Dariiq kala xirxirashada

U dabbaaldegahayoo

Farxad iyo damaashaad

Faan la doobbinaayoo

Inuu guul u daaddegay

Isku deexday kaligiis.

 

Allahayoow ka daranaa

Doollar iyo dacaam soor

Nin la yiri dalkaagii

Hooyoo ku soo dumi

Dabadeedna soo noqo

Aan dullaal ku siinniyo

Daaro aad ku hoyatide

Ee damac hungurigii

Dalkiisii ku doorsaday

Daqli deeq asaaggiis.

 

Afartaa dallaalimay

Mid kalena u daadegey.

 

Waa eheb dardaarana

Waa digniin ogeysiis

Waa waano daahira

Iyo kama dambeys hadal

Xil dayece dukaanloow

Haddii aad damiir iyo

Dadnimiyo dux hoosiyo

Damqashiyo dareen iyo

Dhiig dareera leedahay

Haddaad doorashada iyo

Duubka laydin saartiyo

Xilka dowladnimadiyo

Derajada u qalantaan

Haddii aad dar Eebbiyo

Deelkii Qur’aankiyo

Digniintii Rasuulkiyo

Diin Islaam ku dhaqantaan

Qof cuntuu dareensaday

Ama cudurka duraygiyo

Daacuun ku sababsaday

Mar labaad dabiib iyo

Dawo looma siiyoo

Jeenan uma durduurtee

Iimaan diciif yahay

Waxay doodi leedahay

Dambaskiyo dacaradiyo

Dhuunkaasha duban iyo

Dililiqa mariidyada

Eed nagu dalqamisaan

Misna nagu duraysaan

Horeey noo dilootoo

Ku dawoobi maynnoo

Waa dabar go’eennee

Naga daaya sun daratada.

 

Dacwad kale waxay tahay

Maanta yaan dib loo noqon

Shalay yaan la dabagelin

Darraad yaan la soo celin

Boogihii dawoobiyo

Yaan la riixin daqarrada

Nabarrada damqanayiyo

Yaan la taaban doogaha

Daxashii qabowdiyo

Dacar yaan la soo kicin

Dulmi yaan la dabarfurin

Xaqa yaan la dabamarin

Nabad yaan la dabagurin

Dareen yaan la ololeyn

Belo loo durbaan tumin

Dadka yaan la kala didin

Duul diin wadaagiyo

Waa duriyad walaaloo

Waa dirkii soomaalee

War hooy yaan la kala dilin.

 

Afartaana daabacay

Mid kalena u daadegay.

 

Su’aal diirranoo kulul

Aan hordhigo dadweynaha

Lugo nabad ka daal jaban

Dagaalkana durduro xula

Gacmo shaqo dudduuc ka ah

Dawarsina u doog fida

Dhego waano daar cuban

Dulmigana u daahfuran

Indho qayrka laga deday

Balaayadana lagu dayo

Carrab sami damiin ka ah

Xumaantana dunuunuca

Caqli daaman weheshada

Ra’yi gowso deris la ah

Damiir dalqo ku foorara

Xil hunguri ku daabacan

Dibno aan hambaynoo

Af dallacan duggaashada

Qaaxo sii dalooshiyo

Calool aan wax deeqayn

Dub qabiil ku xiran iyo

Hammi dooranuugsiya

Intaas oo dabeecado

Xildhibaan duxlaawaha

Daatadiisu ay tahay

Ma dadbaa ma duunyaa?

Ma duurjoog dugaagbaa?

Ma Daanyeer silloonbaa?

Ma Eey dibad wareegbaa?

Ma Dameer rarooybaa?

Ma Yaxaas af doogtiyo

Dac ku dhuuntayaalbaa?

Ma baqti duugtayaal iyo

Xuunsho xaar daldalataa?

Ma arah dubayo goobtiyo

Doograac hayaanbaa?

Ma madiidin deegiyo

Jundi dawarsanaayaa?

Ma dulli gaajo dilatoo

Nasabkooda doorshaa?

Ma danjire shisheeyiyo

Wax la soo dirsaday baa?

Ma cillanaad dudumayiyo

Jinni midab dad yeeshaa?.

 

Isku duub su’aalaha

Doorshaanta Yeeydaa

Ficil doogsigoodaan

Ma dareemin aniguye

Duur xulkooda yaa garan?!

 

Afartaa dallaalimay

Mid kalena u daadegay.

 

Waxaan dooddi kaga baxay

Awrkii dabarka lagu cunay

Wuxuu dood shallaaytada

Dib u gocashadiisii

Nafta kula dacwiyey ciil;

“Haddaan xarig ku duubnayn

Inaan bahalku dooxeen”

Anna Daahir Caliyoow

Darxumadaan la yaabkale

Waxaa ii diyaafaday

Oo la iigu dawgalay

Amaan sababta daannada

Duudduub u eersiga

Dembi godob u haystaa

Xildhibaan duxlaawaha!

 

Dhamaad

Axad 30.11.2014

Curiye:

Maxamad Xuseen Faarax

SHEEKOOYIN