Sooyaalka Noloshii Sillooneyd Q17AAD.

Sooyaalka Noloshii Sillooneyd Q17AAD.

Samatar

Markii laysla meeldhigay, xannaanada iyo daaweynta Korneylka, ayaa waxaa isku soo hadhay Hodan iyo Ilbir. Markii ugu dambaysay, Hodan waxay go’aan kama dambays ah ka sugeysay Ilbir, balse, hadda waxba ma weydiin karto, waayo, marxalad ka culus baa taalla.

Waxaa iyadoo meeshii la joogo, Isbitaalkii cusbaa subaxnimadii dambe si kedis ah u yimid Barrow, oo ciidan badan waardiyeynayaan. Waxaa halis isu galay ciidankii Ilbir, oo meesha ku wareegsan, jid walbana baabuur u taallo iyo ciidammadii Barrow. Ciidankii Ilbir, ayaa joojiyey kuwii Barrow, weydiiyeyna cidda ay yihiin, ka dib Barrow oo baabuurkiisu dhexda ku jirey ayaa weydiiyey illaaladiisa: “Waayo cida naa hor taagan?”

 

Markaasaa loo sheegay in ciidamadii Ilbir joogaan meesha, iyagoo badan, markaasuu soo degay, wuxuuna weydiiyey sababta keentay taliye Qaarre, oo qaabilsanaa illaalada korneylka ayaa yidhi:

“Waxaa meeshan lagu daweynayaa Korneyl Cirfiid, oo dhawaan dhaawac kooxo hubeysani gaadhsiisey, iyo dhakhaatiir gaar ah, oo Imaaraadka looga keenay, labadaas ayaan ammaankooda sugeynaa, ee mudane soo gudub”

Barroow ayaa yidhi:

“ Waan ka xumahay waan maqlay arrinta Korneylka, waa inaan soo booqdaa” markuu gaadhiga ku noqday oo yidhi:

“Sidee baad ku oggolaateen inay waxan oo ciidana xadkeenna la soo galaan? Saw ma ogidin iney na sahansan karaan? Maxaadse iigu soo sheegi weydeen, in ciidanka intaa le eg joogo dhexdeena?

Cannaan ayuu uga qaadqaaday, markaasuu ugu jawaabay, taliye Cali Jirdac oo yidhi:

“ Mudane marwadaada ayaa ka damiin ahayd, oo iyadaa keentey ciidanka gudahana la hadashay, marka waxaanba u maleeynayey inaad wax ka ogtahay!”

Ganacsade Barrow ayaa yidhi:

“Marwadeyda iyo Korneyl Cirfiid!” qosol cadho ku ladhantahay, ayuuna ku dhuftay. Siina raaciyey;

“oo maxaa isu keenay, xaggeyse iska soo galaan? Ma ogi cidina iima sheegin, arrintaasi waa qalad, marwadeydu ciidanka masuul kama aha, taladana waxba kuma laha, waxay ahayd inaad toos iila socodsiiso!”

Taliye Jirdac ayaa yidhi:

“Mudane anigu waxaan u maleynayey ilaa iyo qabashadii wiilkii yaraa ee Samatar xidhiidhkeennu waa soo wanaagsanaanayey, waayo, hadda qashqashaad la’aan ayaan dhex marnaa, sidoo kale, marwada ayaa dhawr jeer tagtay, xeryahooda, waxayna ku soo booqatey, Isbitaal kale iyadaana keentay dhakhaatiirta caddaanka ah, Ilbir iyo iyaduna maba kala hadhaan!”

Markuu Ganacsade Barroow warkaas maqlay, ayuu ku laba jeer celiyey, Ilbir iyo iyadaa aa?!

“War heedheh maxaad iigu sheegi wayday, in lay dhaxal wareejiyey! Waxaa aad sheegayso waxba kama ogi, oo haddii habeen madoow laygu bireeyo guriga, ma waxaad odhan lahayd, Marwadaa waddey? Saw ma ogid, Ilbir inta hoggaamiye ee uu ka taqalusay, oo ay ugu dambeysay, Maxkamaddii Dheryaaley. Ilbir wuxuu doonayaa inuu dhammaan magaalada gacanta ku dhigo, arrintanina waa ii dhuumatey!”

Ganacsade Barroow oo hiinraagaa cadho daraaddeed, ayaa yidhi:

“Waxaan doonayaa, tallaabo kasta oo ay qaaddo naagtaydu, inaad ii soo sheegtaan, daqiiqad walbana waa in aad ciidan gaar ah oo aaney aqoon daba dhigtaa. Arrintaas adigaan kuu xil saaray, sidoo kale waa inaad la socotaan, dhaqdhaqaaqa ciidammada Ilbir, caawana waa inaad la shirtaan oo u sheegtaan, ineysan agagaarka Isbitaalka dhaafi karin, una gudbi karin xaafadaha kale, sidoo kale u sheeg in laga soo cawday oo ay gabdho kufsadeen xalay, baadhitaana la wado, dadna la baadhay, xaafaddana aan hore waxaas looga aqoon!”

Taliye Cali Jirdac waa nin dhib jecel, wuxuu aad ula dhacay xasaradda masuuliyaddeeda loo dhiibay, sidoo kale wuxuu aad ula dhacay, dacwadda beenta ah, ee lagu soo oogey ciidanka Ilbir, arrinkaasoo ka cadheysiin doona Ilbir, keeni karana isku dhac iyo iska hor imaad labada dhinac ah.

Ganacsade Barrow gudaha ayuu soo galay, isagoo wax walba ka dheregsan, mise, wixii ugu horreeyey ee indhihiisu qabtaan, waa Hodan iyo Ilbir oo meel yar barande ah, dalladda cadceedda laysaga dhigaana surantahay ku qaxweynaya, si fiicanna sheekada isula helaya. Ilbir ayaa kacay oo si fiican u gacan qaadey, isaguna si waxoogaa debecsan ayuu uga qaaday. Ganacsade Barroow oo iska dhigaya warma qabto ayaa yidhi:

“Maanta ma dhaawac baad keentay, maxayse tahay, ciidammadan badan ee ku gadaaman xaafadda?”

Ilbir oo moodaya inay ka dhabtahay ayaa ugu jawaabay;

“ Maya adeer, oo Korneyl Cirfiid ayaa kooxo dableey ah oo aannaan garaneyn dhaawaceen, markaasaanu meesha keenay, sidoo kale, Ilaahay khayr ha siiye, Hodan ayaa naga caawisay dhakhaatiir caalami ah iney noo dalabto, sidaasaanu halkan u keennay, hadda waa fiican yahay, lsla berrina inaan ka saarno ayaa laga yaabaa, waayo, xabbadihii waa laga wada saaray, waxoogaa baxnaano ah keliyaa u dhimman”

Ganacsade Barroow ayaa yidhi:

“Ma maqal, waase dhibaato baaxaddeeda leh, maxaad deegaanada aad ka talisaan uga samayn weydeen, isbitaallo dadka u adeega” haddana isaga oo aan sugin jawaabtii ayuu yidhi:

“Ma mooryaan iyo dableey baa taqaan isbitaal sameeya iyo bulsho u gargaar iney gubaan mooyaane! Waa ayaandarro. Adeer dhulkani waa ammaan, ee markuu ninka aad sheegaysaa bogsado, ilaa berri ciidamada meesha kala baxa, waxba isuguma keen darsana, xadna waynu kala leenahay, waxaanan ogeyna kama samayn kartaan meeshan!”

Ilbir oo yaabban, hadalkuna sida dhimbilaha ugu dhacayo, ayaa waxaa ka hor daftay jawaabtii Hodan oo tidhi:

“Barroow, Korneylku waa saaxiibkaa, ma intaad soo booqan lahayd ayaad siyaasad iyo ciidamo arrinkooda nala gashay? Maxaase ku jaban, annaga ganacsigayagu waa daaweynta iyo daryeelka bukaanka magaca iyo muuqa uu doona ha lahaadee. Saw maaha cid walba oo adeeg nooga baahata inaan ku qaabilno xaruntayada? Mise adigaa ruqsad kaa soo qaadannaa?”

Markey intaasi afkeeda ka soo baxday, ayuu ganacsade Barroow dhirbaaxo intuu qaadey, dhegaha ku dhuftay, oo ay istaagga ka faniintay, Ilbir, oo qaadan waa iyo la noqotay yaab, ayaa isagana fara gorgor ku dhuftay, maadaama dhaqankiisu yahay inaan dumar lagu hor xumeyn.

Waxaa markiiba qoryo isula baxay ciidammadii ay kala wateen. Nasiibdarro waxaa hubka laga dhigay, kuwii Ganacsade Barroow, waayo, isagii ayaaba Ilbr dhafoorka wuxuu ka saaray bastoollad, ciidamo dabaqyada saarnaana waxay ku wada qabteen liif, xaaladdii faraha ayay ka baxday.

Markiiba hallow hallowda waxaa lagu sheegay in gudaha laysku gacan qaaday, Taliye Qaarrena wuxuu isku gadaamay taliye Jirdac, oo laba baabuur watey, labadiina mid gudaha galay oo ilaalladiisi la tegay, hubkaa laga dhigay. Nin fakfakadeyna waa la dilay, markii rasaastu dibadda ka dhacdey, ayaa waxaa Isbitaalkii soo buuxiyey ciidankii Ilbir, waxayna keensadeen laba bus oo ay ku qaateen korneylkii iyo dhakhaatiirtii, sidoo kale iyagoo faramadhan ayaa hubkii iyo gaadiidkii lagala tegay ganacsade Barroow, balse, lama dilin.

Hodan waxay oogtey colaad hor leh, iyadana godkeedaa biyo ugu galeen. Barroow waxaa u yimid ciidankiisii oo gurmada, waxaana baabuur la saaray, Hodan oo loo sameeyey ilaalo gaar ah oo ilaalisa, waxaana lagu wargeliyey inaysan albaabka ka deign karin.

 

La soco qaybaha dambe

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

 

SHEEKOOYIN