Maansadda Sir gemboon‏

Maansadda Sir gemboon‏ Daadir

Maansadda, waxaa la yiraahdaa, “Sirgemboon” Maansaddan waxaan igu dhaliyey curinteeda, inaad raadraac ku sameeyo, sababihii dhaliyey burburka iyo dhibaatada jirta, aas aaskeeda, anigoo bidhaaminaya, meelaha aan is leeyahay waa laga daarey, haddaba aqriste adigoo heli doono, dulucda waxaad ka heli doontaa dhexdeeda., bogasho wacan:

Shaxdu Waa ga’a leeydii

Nin godlani furfuri jiray

God ka furan shilbaa xiga

Waa daamo geesuhu

Haddii guul lagaa helay

Ameey guda xanibantahay

Inaad gurato Waa daw.

Gudbay Oo Haddana raray

Weli geediyaan ahay.

Gocoshada dareenka leh

Wuxuu maan ku guuxaba

Waxaan guda ku heeystoon

Afka gebi ka saaraba

Caawaa shinkii galay.

Nin ugaar genaayaa

Gebgebtuu ka dhoowraa

Hadba gaatin Socod iyo

Wuxuu geed ku dherersado

Gumacuu la helayaa

Aniguna gedaasaan

Gaangaabiyaayoo

Haadiyo gariirkaan

Gembisada ku sabayaa.

Haruurkiyo galeeydaan

Hadba gees u dhigayaa

Xeesheeydu Waa gaar.

Gorgor baan dirsanayaa

Isagaan go’dooniyo

Garbahoo cuslaadiyo

Gaajiyo haraad iyo

Sina daal ku gaarine

Gudbay Oo Haddana raray

Weli geediyaan ahay.

Gor gor yahoow farriintiyo

Oraahdeeydan gaarka ah

Gunud weeye ee qabo.

Fulay Waa gediisee

Intaad fuusho geedaha

Guradooda how tiring.

Ganuun weeye xoor lehe

Gobol gobol u gaarsii

Guryahoodad ugu gee

Ku garaac albaabada

Ka qudbeey gidaarada

Inuu guurtigeeduba

Yahay kii arlada gubay

Geeraarkan ugu sheeg

Gudbay Oo Haddana raray

Weli geediyaan ahay.

Go’i Waa dadkeeygoow

Maxaad geesi liideen

Nacas aad garbeeyseen

Hadba kii go’ Shaaliyo

Sita sabarta giirani

Ma gudoonshihiibaa?

Haddii goodka halista ah

Muska reerka gaardiyo

Ma dhulkaan ka guuraa

Iyana Waa gedaan rabo

Talo gaasa bixinteed.

Go’i Waa dadkeeygoow

Shalay geedigeenii

Sahankii u goobee

Gal xareed leh nagu furay

Oo aan gu’ iyo deyr

Nimco aan guureyn

Ciirtiyo garoorkaba

Gariinkeeyna saarneyd

Waa tuu gadoodee

Yiri weey guracantahay

Xaajadan gar adagta ah

Anigaa gorfeyn kara

Abwaan guuna baan ahay

Waad gama’santiinee

Goofkiinibaa dhacan

Galdaloolo badan iyo

Gaawa buuxsi baa jira.

Guni waa ma hubisee

Durba galawgi aadaar

Gabay baasna loo tiri

Marna saar gunuunaca

Heesaha gurbaanka leh

Xanta leeysku gaarsii

Misna garay nin doorkii

In gadaalu mereg tahay

Gosha bahal kasoo ciyay

Gocor maaha coon ehe

Duqi gogol nabdeed baaq

Ger castiina loo yeer

Loo goowrac oowrkii

Geelaba u weeynaa

Kolki goowska loo dhigay

Miidina la gororsaday

Geesigi la xaajoo

Wefdigii gabbaaraa

Godob iyo manaba sheeg

Yiri mee intaan guday

Ama aan idiin galay

Ma hiishoo gubyootaa?

Wefdigii gondaha laab

Guul darona usoo fooc

Garka iyo salaax timo

Goonyaha la eeg eeg

Hadba kii gol roonaa

Haf lasoo dheh guuleed.

Runi been ma gaartee

Galadaadu waa libin

Hadaladan guracanee

Guudkaaga lagu milay

Ma geeydaan ku leenahay

Gacalnimo u dhalashee

Ina saamax goor uun

Aqbal yiri gudoonshuhu

Gudbay Oo Hadana raray

Weli geediyaan ahay.

Doqonkiyo gudaalihi

Durba xarigi soo goo

Makastiyo gibbaanadi

Gaargaarka loo shiri

Bello leeysku geegaar.

Gumac leeysku eeyfaad

Gaban iyo duq leeys doox

Gabdhihii la kala boob

Geenyada fardood iyo

Geelii la kala qaad

Haddii goodir duuqdana

Danbeetada la sii goo

Wirwirkiyo gubtaanyadi

Gebgebtiyo shalaaytadi

Tusmo laguma goosane

Maantana gedii horre

Ma usoo galiin baa

Gudbay Oo Haddana raray

Weli geediyaan ahay.

Gorgoryahoow u sheego

Gacalka iga gaarsii

Salaadiintaan guuxdaa

Talo gaasir mooyee

Xal inooma gooyaan

Haddii leeys gam siiyana

Gennigooda boow dana

Gorgoryahoow usheego

Gedigoodba gaarsii

Gabayaagaan taahaa

Uubtiyo godkaan qodan

Waa kii inagu guray

Oo Weli guduudane

Ama aar gaboodya leh

Gibilkeeyna hoos dhigay.

Afartaa go’ iyo hirig

Sir gamboodsaneed ebid

Galac iyo ma dhigay doox

Gobtii ay ku idishahay.

Afar kalena gidib iyo

In gunaanadeey haray

Nin kastaba garaadkii

Xeel iyo gun baarkii

Giblo iyo ciyaartii

Mid is gooman riixiyo

Ganta Waan ka sugayaa

Ineey maan ka gocatee

Gujisooy is dhiibtoo

Gondahana is gelisoo

Geeraaro tirisee

Inta gefiyo qalad

Godob qaadan jaallow

Horta garo Qofkaan ahay

Qabiilkeeygu Waa geed

Gumar iyo sarmaan iyo

Dhashi goowlalaan ahay

Cidna gaar ma daaqsado

Gayigaan usimanahay.

Curiye; Cabdiqaadir Ibraahim Weheliye

sandhool-yare@hotmail.com

SHEEKOOYIN