lLMADA CABDI YARE EEDDEDA YAA ISKA LEH? Q2AAD W/Q Nimco Noor

10610740_785074081553423_8656686345126248203_n

lLMADA CABDI YARE EEDDEDA YAA ISKA LEH? Q2AAD

 

Asli warkii wuu gaaray, in Cali dal doorsaday, waxayna markiiba soo xaqiijisay gabadha uu guursaday iyo in arrinku uu dhab yahay. Maba aysan sugin, inta uu ka soo noqdo, ee waxay markiiba tagtay maxkamadda, warqaddii furriinka ayayna dalbatay. Way sii dhaqaaqdoo waxay u tagtay qolyaha qaabilsan arrimaha qoysaska, oo waxay u sheegtay, in ay ninkii iska furayso, oo guriga ay ku soo harayaan iyada iyo inankeeda. Ku ma qaadan asbuuc, markii ay hawlahaas, oo dhan, kala meelaysay, caradeedu waa mid aad u sarraysa.

Dumarkii ay daynta ku lahayd, ayay ku war galisay, inay si dagdag ah iskaga keenaan lacagaha ay ku leedahay. Cid ka la hadli kartaa ma jirto, arrimaha iyada iyo Cali, oo oran kartaa; waxani waa wax Rabbaani ah ee dulqaado, balse, kuwa la sii jiibiya ee yiraahda “Alla ma gabdhaadii sidii la ogaa u dadaali jirtay, ayuu naag la guursaday oo haddana, hantidii ay wada shaqaysteen ayuu qaaday, oo mid aan u soo dhididin ku raaxaysanaysaa!’’ qofkaasi waa saaxiibka ugu wanaagsan ee Asli.

Markii uu soo noqday Cali ka dib, seddex billood, oo uu safar iyo aroos ku maqnaa, Cali wuu yimid, waxuuse la kulmay, wax uu horayba u filayay, loona sii sheegay, in uusan xaalku ahayn siduu ku ogaa, markani waa NABAR AAD FILAYSO NAXDIN MA LEH.

Maslaxo iyo waanwaan dhammatay, sidii ayay reerkii ku kala tageen. Cali waxuu u wareegay Ingiriiska oo uu deegaan ka dhigtay magaalada London.

Cabdi Yare waxaan ku iri:

“Kaalay halkan soo fariiso, bal ii sheeg habaryaro waxa aad sidaa u samayaysid? Waxuuse ii sheegay, in ay casharrada ku adag yihiin, oo uusan fahmin.

“Maxaad macallimaddaada ugu sheegi waysay, maadaama iskuulka ilmaha waxii ku adag lagu baro saacado dheeraad ah, si baahidiisa loo kabo?” Ayaan sii weydiiyey. Wuuse ii sheegay, inuusan taasna xiisaynaynin.

“Waa yahay, ee maxaa dan kuu ah habaryaro? Ayaan ku iri.

“Seddex sanadood ayaa ii haray ka dibna waan iska shaqaysan” ayuu hadalkii ku soo koobay.

“Oo haddadan waxbaran habo ma adigaa shaqo helaya? Sow adiga khaladkaan samaynaya maahan ee dukaanka wax ka soo xadaya. Habaryaro maxaa waxaas oo dhiba ah kuu geeyay bal ii sheeg?” Ayaan ku iri. Waxuuse ii sheegay, in uusan doonayn inuu ii sheego arrimihiisa uusanna doonayn inuu halkan sii joogo.

Cabdi yare hooyadii kaligiis ayay awlaad ka eeganaysaa. Waa qalqaali dhib badan, haddana, wuu qalbi wanaagsan yahay. Ma uu jecla in aad aragtid isagoo qalad ku jira.

Asli iminka waa aroos waxay guursatay 2 rag, oo ka danbeeyay Cabdi yare aabihiis. Waa gabar xarrago badan, maradii soo baxdana dusheeda ayaa laga eegaa. Waxay aad u dhexgashay aaladaha internetka. Mar walbaa waa mashquul.

Waxuu ii sheegay Cabdi yare, in maalin dhaw uu abti ooga imaan doono Oslo Norwey, kaasoo ah, ninka cusub ee ay Asli guursatay. Ku ma uu qanacsana, oo waxuu dareemayaa in hooyadiis ay waqtiga siinayso ninka ay guursatay.

Waxay diyaarinaysaa xafladdii arooskeeda, oo dumarkii xaafadda ayay ku mashquulsan tahay, sidii ay ooga soo qaybgalilahaayeen. Waqti u ma hayso ay kula xiriirto iskuulka iyo waxa ku soo kordhay xaaladda wiilkeeda, qofkii u sheegana waxay u qaaddaa colaad iyo xumaan, reerkooda qaar badan is ma salaamaan, warna iskuma hayaan. Wiilkeeda ay kaligiis carruurta ka haysato xaalkiisa iyo dhibkiisa midna ma diiriyo, ka mana murugooto.

Cabdi yare waxuu inta badan maalintii la joogaa asxaabtiis, marmarna waaba uu la hoyadaa. Asli iyadu wax dhiba u maba aragto.

Caawa waa habeenkii arooska ay dhiganaysay Asli. Waxaa meelo kala duwan ooga yimid, marti si ay ooga qaybgalaan arooska, qaar ninka ayay kala yimaadeenn Norwaw, qaarna waa Asli saaxiibbadeed, oo ay ku casuuntay inay yimaadaan.

Goobta si fiican ayaa loo qurxiyay, wax walbaana way ku dhan yihiin. Billowgii iyo cayaartii ka dib, waxaa soo galay arooskii iyo aroosaddii, sidii hore si ka xamaasad badan, ayaa markaan loo tumayaa, heesaha iyo cayaartaba. Dadku waxay ka soo wada kaceen kuraasta, dumar badani waxay leeyihiin; iga leexo aan arko maxay xiran tahay, si loo ogaado bal aroosyadeedii hore iyo kan midkii ay heersarrayso.

Si aad u wanaagsan ayay ku dhammatay xafladii, farxad iyo raynrayn ayay u tahay Asli iyo saaxiibbadeed, laakiin, Cabdi Yare waxuu dareemay, in aan cid danaynaysaa jirin.

Caawa waxuu aaday hooyadii saaxiibbadeed, oo lahayd wiilal ay isku da’ yihiin Cabdi, si habeenkaas iyo kan ku xigo, uu u la seexdo, maadaama ay tahay labadii maalmood, ee nasashada toddobaadka, aroos cusubna ay tahay.

Wiilka yar ma haysto dhar iyo kab wanaagsan. Waxaad ka dareemaysaa, in daryeelkii isaga ay siin lahayeen waalidkiis uusan helin. Asli ma disho, oogadiisa wax dhib ah ka ma muuqdaan, balse, qalbigiisu waa mid dhaawac wayn gaaray, haddii aad eegto, waxaad arkaysaa, in uusan ku laba joogin miyirkiisu, oo uu ka fakaraayo noloshan iyo sidii uu uga bixi lahaa.

Cabdi yare saaxiibbadiis maahan dad wan wanaagsan, waxay ku caan baxeen dukaammo xadidda, waxuu mar walbaa la socdaa, ilmo aad ooga wayn da’diisa, sidoo kale, hooyadiis u maba aragto, in wax halis ah ay jiraan, maadaama uu waddankani yahay nadab dhibka oogu wayn, ee ay ka baqdaa waa nabadgalyo xumida, balse, kama baqdo in dhibaatooyin kale jiraan mana ku baraarugsana. Waxay in badan ku andacootaa, in ay ilmo yihiin, oo ay maalin dhaw iska dayn doonaan, markay waynaadaan oo ay caqlisadaan.

 

La soco qaybta saddaxaad.

 

F.G: Qoraalkan lama qori karo, lamana daabacan karo, lama beddeli karo oggolaasho la’aan.

 

W/Q  Nimco Noor

SHEEKOOYIN