XIKMADO KOOBAN. by Mohamed Musa Sh. Noor

xikmdo kooban

 

XIKMADO KOOBAN

   IS ILAALI

Laba xaaladood marka aad ku jirtid waa muhiim in aad naftaada si gaar ah u ilaaliso

1 marka aad kaligaa tahay fakarkaaga ilaali, si aadan ugu dhicin God Mugdi ah, maxaa yeelay Qofka marka uu kaligiis yahay Go’aanada  uu qaato sida badan waa kuwa Khatar ku salaysan, sidaa darteed taxaddar.

2 marka aad Dad la joogtana ilaali Carrabkaaga, maxaa yeelay carrabkaaga haddii duul duulkiisa bato, waxaa laga yaabaa in uu kugu rido meel aadan mahdin.

Waxaa la yiri “qofka waa carrabkiisa, taas oo looga jeedo in qofka mar walba gudihiisa waxa ku jira ay asturanyihiin haddii uusan carrabka soo tufin, sidaa darteed ka taxaddar Erayadaada marka aad ku dhex jirtid Bulshada ama aad wax la wadaagaysid.

 

   Saddex Talaabo

Saddex talaabo qofka in uu noloshasiisa ku saleeyo waa u muhiim, haddii uusan saddexdaas ku salayn qaabka uu u noolyahay waxaa laga yaabaa in uu ku dhaco Jahwareer, kaas oo sababa in qofku isku dhex yaaco, oo wax u dhadhamaa aysan jirin, hadaba saddexdaas talaabo waa maxay?

1 qofku waa in uu awood u yeeshaa koontaroolidda naftiisa mar walba, iyo Xaalad walba, ma ahan in qofka ay bad baddalaan Xaaladaha Nolosha, waa in uu qofku leeyahay sugnaasho dhab ah, uuna garan karo waxa uu doonayo iyo waxa laga doonayo.

2 waa in qofku ku tacaluuqiyaa hadafkiisa Nolosha hal ama laba sheey oo uusan wax ka badan qorshaysan, waa laga yaabaa in is bad baddalka xaaladaha ay keenaan xaalada kale oo aan lagu tala galin, balse, ka hor inta aysan xaaladahaas imaan, waa in uu qofku habaysnaadaa, hadafkiisuna uu yahay mid meel kusii jeeda, waxa uu doonayo gaaritaankoodana ay noqdaan wax xaddidan, haddi qofku uusan sidaas isku xaddidin, wuxuu noqonayaa qof la socda Dabaylaha oo waxa uu u socdo aanan aqoon sidaasna ay ku dhamaato noloshiisa isaga oo waxba gaarin.

3 iska illow wax walba oo ku dhaawici karaa, waa qaybta ugu dambaysa taladeena ka kooban saddexdan talaabo, Dhaawaca qofka Jismi ahaan ama Maskax ahaan usoo gaaro waa mid xanuun badan haba ugu darnaado kan Maskaxda, sidaa darteed, waa in uu qofku iska ilaalshaa wax walba oo dhaawac u keeni kara.

 

 

Wehel ka dhigo

Wehel marka laga hadlayo siyaabo badan ayuu ku yimaadaa, ha noqdo wahelka Lamaananimo iyo mid Saaxiibtinimo sidii la rabo ha loo dhigo. Wahelka nolosheena qayb muhiim ah ayuu uga jiraa, waana muhiim in qofku lahaado Wahel, balse, waxaa is waydiin mudan kumaa ku haboon wahelnimada?

Wahelnimada waxaa ku haboon qofka mar walba garabkaaga taagnaa karo, oo fahmi kara waxa aad doonaysid iyo waxa aad tabanaysid marka ay tabasho kugu jirto, sidaa darteed wahelkaaga waa in uu noqdaa midka aan soo sheegay, ma ahan in uu wahelkaaga noqdaa mid mar walba kuula soo dirriya Dhibaato iyo Walbahaar kale. Hadaba la Wehel noqo qofka soo saari kara wanaaga kugu jira ee xumaantaada aan faag faagin, Wehel lagama dhigto midka Buuqa mar walba kula dul taagan.

 

 

 Nasiib xumada

Nasiib xumada waa qayb ka mid ah Xaaladaha nolosheena la soo darsa, sidaa darteed ma ahan in uu qofku isku eedeeyaa Nasiib xumo, hadda ka hor ayaan la kulmay Qof mar walba ku hadaaqaya in uu nasiib xun yahay, oo wax walba oo uusan doonayn noloshiisa ay ku dhacaan.

Is eedaynta nuucaas ah uma wanaagsan qofka Iimaanka leh, inta aanan iimaan la gaarin umaba wanaagsana ayaa la oran karaa qaab nololeedka qofka, maxaa yeelay, nasiib iyo nasiib darraba waa kugu dhacaan noloshaada, marka aad xisaabinayso nasiib darradaada, aaway xisaabta inta nasiib wacan ee kusoo martay? waa iska Dabeecadaha Aadanaha in Wanaaga ku dhaca uusan u xisaabsnayn, ee waxa xanuujiyaa mar walba ay yihiin Xumaanta.

Hadaba waxaa wanaagsan in qofka marka uu wax tabanayo uu Miisaan saaro waxa uu ka cabanayo iyo waxa uusan ka cabanayn, hubaal in Noloshu ay miisaamantahay, mana jirto qof si gaar ah loogu beegay nasiib darro ama xumaan, wax walba waa Labo, sida uu alle sheegay qof walbana labada dhinac wuu la kulmayaa.

Sidaa darteed wax nasiib darro la dhaho ma ahan in uu qofku isku eedeeyaa, maxaa yeelay nasiib darrada qofka ku dhacda ma ahan mid Wakiil ka noqon karta ama wax ka dhimi karta, amaba wax kusoo kordhin karta Qaddarta qofka Rabiga xagiis looga qaddaray, sidaa darteed haddii aad ka mid tahay Dadka aaminsan in nasiib darro ay la dagtay, ka saar madaxaaga Quraafaadkaas, oo dib u xisaabi inta nasiib wanaagsan ee kusoo martay.

 

 

Dhaawaca Dadka

Marka ay dadka qaar kuu gaystaan dhaawac aadan ka mudnayn, kasoo qaad in ay la mid yihiin wax aan qiimo lahayn, waa laga yaabaa in ay Xagasho yar kuu gaystaan, balse, ma ahan kuwa wax yeelayn kara waxa aad u dhalatay ee wanaag ah, ugu dambayntana ayaga ayaa qiima la’aan ku dhamaada adigana qiimahaaga ayaa saa’ida.

Qore Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN