GUURKA GABADHIISA AYUU XABSI U GALAY! Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

sheeko

GUURKA GABADHIISA AYUU XABSI U GALAY!

(SHEEKO KOOBAN)

Waalidnimada ma ahan wax fudud runtii, waa Imtixaan la maro inta la nool yahay kan ugu daran, maxaa yeelay, waxaa lagaa doonayaa in aad dunida usoo saartid Qof sida adiga oo kale ama ka wanaagsan u hanan kara waxna kusoo kordhin kara.

Hubaal dhamaanteen in uusan nagu jirin Qof jecel in sida uu kusoo koray ay ilmihiisa ku koraan, taas oo aan uga dan leeyahay in qofka Xaalado wanaagsan iyo kuwa xunba uu kusoo kori karo, hadana sidaas ay tahay uu doonayo in noloshiisa qaabka ay ahayd ay kasii wacnaato midda Owlaadiisa.

Waa xaqiiq jirta in qof walb uu doonayo in ilmahiisa martabadda uu gaaray meel ka saraysa ay gaaraan, Waddada loo maraya middaas ayaasa ah mid aanan inaga go’aansan Karin, balse, doorashadeeda aan leenahay.

Ilmaha marka ay dhashaan Wiil iyo Gabar mid walba culayskiisa ayuu leeyahay waa marka laga xisaab qaato dhaqamada kala duwan ee dunida, qaar ayay isugu mid yihiin oo ay u yihiin ilmo, balse dadka qaar waa u kala duwan yihin, qaar ayaa Gabdhaha aad uga hela, qaarna Wiilasha, qaarna wax macna ah oo sidaas ah kuma hayso, oo waxay eegaan cunugba Cunuga uu ka dadaal badan yahay, kii dadaal badan ayay ku dadaalaan.

Diin marka laga hadalayo Awlaadda waa Awlaad, waana Deeq Rabbi xagiisa ka timid, in isku si loola dhaqmana ay waajib tahay, balse, yaa dhagaysanaya waanadaas Rabiga xagiisa ka timid, waxaad moodda in Dhaqanka iyo Diinta marka la is barbar dhigo ay dadku dhaqanka ku xoog badan yihiin, inkastoo Garaadka Dadka uusan Alle isku mid ka dhigin oo kala duwnaaashaha Garaadka mar walba lagu kala duwan yahay.

Guurka gabadhiisa ayuu Xabsi u galay, waxaa laga yaabaa marka Cinwaanka qoraalkan aad aragto uu qalbigaagu is waydiiyo dhowr su’aalood, balse waxaan taa kaa dhihi laahaa , waxba ha mashquulin qabigaada, Dulqaad u yeelo Qoraalka dulucdiisa, kadib waad ogaan kartaa halka ay ku qotonto Diiradda qoraalka cinwaanka looga dhigay.

Dadku waa Baahane mar walba u baahan Deeqda Rabbi, maadaama mar walba in uu qofku baahan yahay lagu garto in wax allaale iyo wixii baahida ka bi’in karaa uu si kasta u raadsho, hadana waxaa Cajiib leh marka uu helo waxaas in markaas ay ku dhalato Fikir kale oo ah waxaan wax kaloo ka fiican ayay ahayd in aad ku fakarto ama hesho, oo uu hilmaamo muhiimadda  iyo Baahida ay u lahayd waxan uu haysto inta uusan helin ka hor, taasise ma ahan wax Eed ay ku leeyihiin Bani Aadamka, maadaama ay yihiin Daciif baahidoodu badantahay, mar walbana wax uun u baahan.

Sida uu ku guursan lahaa ayuu hammigiisa ahaa marka hore dadaal dheer iyo Alle tuug kadib wuu guursaday oo wuu gaaray mid ka mid ah Hadafyada uu Nolol ahaan tiigsananay, markii muddo lix bilood ah uu joogay oo ay islaantii wax siyaada ah yeelan la’dahay ayuu bilaabay is baasaysi naftiisa iyo midda xaaskaba ah.

Balse ma ahayn Nin xun oo sidaa uga fog Alle xagiisa, mar walba wuxuu Alle ka tuugi jiray in Cadkiisa uu u kala baro, micnaha uu Alle owlaad siiyo, nasiib wanaag ducadiisa Alle wuu aqbalay, oo Alle wuxuu ku mananaystay Gabar.

Baahidiisa waxay ku koobnayd helidda owlaad sidii uu ku heli lahaa oo ma lahayn doorasho uu wax ku kala doorto Wiil iyo Gabar, isagu waxay uun ka ahayd mar uun wax dhal, Allana wuu uga shukriyay farxadda uu gurigiisa kusoo biirshay, balse Bulshada uu ku dhex noolaa oo ahayd Bulsho aanan ku farxin gabdhaha, oo u arka in ninkii Gabar loo hibeeyaa uu yahay Nin Nasiib daran, Sharaf xumana madaxa ay uga duubantay.

Bulshada aad ku dhex nooshahay ee aad ka tirsantahay mar walba saamayn ayay kugu yeelataa wanaag iyo xumaanba ah, aabahan cusubna saamaynta ay ku lahayd gabadhan uu isag hadda uun ku curtay bulshadiisa ma ahayn mid ku cusub, sidaa darteed wuxuu bilaabay in uu ku fakaro in gabadhan yar ee hadda dunida kusoo biirtay aysan noqon mid sharaftiisa disha, iyadana nolosheeda baabi’isa.

Waxaa taa usii dheerayd oo Cirka kusii shareeray Shakiga iyo Dhibka uu qabo halka uu ku noolaa oo ahayd mid ka mid ah Waddamada Galbeedka, halkaas oo laga yaabo Caruurta marka ay 10 xagaas u dhaafaan in Galmada sharci darrada ah ay caadi ka tahay, oo ay dhif tahay in la helaa Gabar Bikro ah.

Waa aabe lagu soo bar baarshay dhaqanka Baadiyaha misana diinta aad loo baray, balse Diinta uu aqoonteeda leeyahay waxaa kala xoog badnaa dhaqanka uu aaminsan yahay ee ah in Gabar halka ay ku dhalato ay fidno ka dhalato, misana ay taas usii dheertahay halka uu ku noolyahay oo ahayd meel fidnada iyo waxa uu ka cararayo Dumarka ay u sahlantahay oo iskuulka uu gayn doono gabadhiisa laga yaabo in Xiisadaha ay waxbarashada ku qaadato mid ka mid ah ay tahay waxa uu kala cabsanayo gabadhiisa.

Dadaal dheer kadib gabadhiisa waxay jirsatay 12 Sano, balse marka muuqaal ahaan la eego intaas waa ka wayntahay oo waa qof lagu qayaasi karo sida Da’da 18 jirka, Dumarka isku mid ah maahan qaarbaa intaas ku baaluqa, qaarna intaas ka yar ayay ku baaluqaan, qaarna waxaa laga yaabaa ayaga oo 15 jir ah in aysan wali baaluqin.

Ma ahan tilmaanta aan bixinayo gabdhaheena Soomaalida ah, oo waasa layga yaabaa in qaarkood ay intaas kala mid yihiin gabadhaha Dunida ee korriimada iyo Nafaqada fiican helay. Gabadhaas yar aabaheed waxaa ku bilowday isla markiiba Walwalkii uu awal qabay ee ahaa in gabadhiisa ay ku dhacdo Macsida caadiga ka ah meesha uu ku nool yahay waa Galbeedkee.

Wuxuu go’aansaday in uu gabadhiisa ka qariyo Macsida ay hadda usoo if baxday ee barta ay ku nooshahay caadiga ka ah, wuxuu ku dadaalay in uu u helo Guur gabadhiisa, isla markiiba wuxuu u cid dirsaday dadkiisa ku dhaqnaa Waddankii uu asal ahaanta kasoo jeeday, wuxuun ku guulaystay in loo helo Wiil uu dhalay mid ay ilma adeer yihiin kaas oo ku farxay markii loo sheegay in gabahda adeer hebel uu guursan doono.

Wiilka isaga kama warqabin inta ay jirto Gabadha Da’ ahaan, oo waxay ugu koobnayd oo kaliya in gabadhu tahay Gabar guur gaartay isagana uu yahay ninka loo dooray, sidaa darteed ayuu isku diyaarshay in uu  u dhoofo dhinicii ay jirtay Xaaskiisa cusub, iyada oo loo fududeeyay wixii uu ku gaari lahaa halka ay ku nooshahay midda loo calmay.

Odayga awal ayuu ka dhaadhacshay isaga iyo xaaskiisaba gabadha yar in ay Aroos mar dhow tahay, iyadana maadaama ay ahayd gabar yar oo aanan fahamsanayn waxa uu yahay guur macnihiisa, Caqli ku filana oo ay iskaga caabiso cadaadiska kaga imaanayay labadeeda Waalid ayay iska aqbashay guurkii loo igmaday.

Markii uu yimid wiilkii isla markiiba waxaa la diyaarshay Arooskii, kadibna waxaa loo galbiyay Hotel loogu tala galay in ay ku aqal galaan ugana baxaan Toddobada, balse Dad ka mid ahaa dadka kasoo qayb galay arooska oo ka warqabay gabadhan yar da’deeda ayaa war galshay Qolyaha Nabad sugidda, waase goormee? waa mar laga baxay toddobadii oo gabadhiina ay noqotay Marwo, isla markiibana halkaas ka qaadday Uur intii lagu guda jiray maalmihii Malabka.

Aabaha gabadha oo isagu isku arkayay in Waran uga taagnaa Laabta laga siibay isla markaana aad ugu faraxsanaa in gabadhiisa uu ka badbaadiyay macsidii uu kala cabsanyay nolosheedana uu dhanka wanaagsan u dhisay ayaa waxaa si lama filaan ah albaabkiisa Xilli ay tahay Galab Casirliiq ah oo Axad ahayd usoo garaacay qolyahay nabad sugidda oo isaga ku raad joogay waayadan, balse xaqiiqsanayay in waxa la sheegay ay run yihiin, Dacwad dhamaystiran ay kusoo oogi karaan ninkan.

Mararka qaar ficilada aad samaynaysid adiga oo u samaynaya wanaag dartii ayay  kugu noqon karaan kuwa aan la mahdin ciribtooda dambe, saamayn xanuun badana inta ka dhiman noloshaada kugu yeelan kara, balse, ma ahayn wax uu horay uga fakaray Odaygan, wuxuuna is lahaa ma ahan in aad Cid kala tashatid gudashada waajibkaaga.

Waxaa kaloo la dhihi karay dhaqanka halka uu kasoo jeedo oo aan Ceeb ama Xadgudub ka ahayn in Gabar yar oo intaas la eg loo guursho Nin ka wayn ama ku laba jibaarma cimrigeeda, balse wuu ka warqabay dunida uu ku noolaa in waxaas ay Sharci darro ka tahay Ciqaabna lagu mutaysto, sidaas darteed ayuu dadka ciddiisa ka mid ah oo kaliya ugu koobay Arooska gabadhiisa, Nasiib darrase isla dadkii uu aaminay qaar ka mid ah ayaa ku wargalshay dowladda iyaga oo markaa u arkayay in dhaqanka nuucaas ah oo ay bulshadooda caadaystayn uu yahay mid mudan in la cirib tiro.

Aniga ah Qoraha sheekadan runtii iguma soo dhacdeen in gabadhayda oo intaas jirta aan ku dhiiri galsho ama ku qasbo in aan u guursho Nin aan u dhigmin iyada Jismi ahaan iyo Caqli ahaanba. Xaaladda sida ay doontaba ha noqotee.

Qofka marka uu dunida yimaado sida uu noqon lahaa wuu noqonayaa oo ma jirto cid hor istaagi karta, waxa kaliya ee qofka u baahan yahay ayaa ah Baraarujin laga baraarujiyo Xumaanta oo dhan, lana tusiyo Qatarta ay leedahay iyo Cawaaqib xumida Macsida ama Galmada sharci darrada ah.

Inaga haddaan Muslim nahay Galmada sharci darrada ah waxaan u naqaana midda aan guurka ku imaan, balse, dunida kale ee aan muslimka ah ahayn waxay u yaqaanan galmada sharci darrada ah midda lala suubiyo ilmaha aan qaan gaarin, ayaga oo aan u eegayn in galmadu tahay mid guur ku timid iyo mid kalaba.

Aabihii gabadhaas waxaa lagu soo eedeeyay Dambi ah in uu gabadhiisa u bandhigay Galmo sharci darra ah, isaga oo ka dhaadhacshay in ay aqbasho guur aysan garaadkiisa wali yeelan, sidaa darteed waxaa lagu soo eedeeyay laba dambi oo ah in uu ka ganacsaday Galamada sharci darrada ah iyo waliba in uu gabadhaas yar nolosheeda burburshay, oo Guur aysan gaarin qoorta u galshay.

War la iskuma haya isaga waxay ka ahayd gabadhaada xumaanta ka difaac, balse dambiga lagu soo eedaynayo marka loo eego dhaqankiisa iyo diintiisa ma ahan damb uu mutaystay, way ahayd in uu xoogaa sugo inta gabadhiisa Garaad wacan ay u yeelanayso Guurka uu kula dag dagay, balse ma ahan mid galay ama mutaystay Ciqaabta la dooanyo in uu maro.

Su’aalo badan ayaa ka yimaada inta Gabadha ay ku garaadsato Guur ahaan, dadka qaar ayaa qaba in gabadhu haddii Jir ahaan ay yeelato inta Qof dumar ah laga doonayo, jirkeedana uu iska celin karo jirka ninka ay wajahayso, markaas gabadhaas waa ay gaartay Guur, waa sida dadka qaar ay ku doodayaan, halka dadka qaar ay qabaan Fakar ka gaddisan kaas, oo ay dhahayaan ma ahan Guurka mid ku kooban kulmidda la kulmiyo jismiga labada qof, ee waa mid u baahan Garaad iyo garashada Guurka.

Labada dhinacba qolo walba fakarkeeda wuu la saxan yahay anigase waxaan qabaa fakarka qolada dambe oo ah in guurka uusan ahayn jismi la kulansiiyo, ee uu yahay mid u baahan garaad iyo garshada qiimaha guurka, si qof walba uu u hanto dhadhanka guurka.

Waxaa lagu xukumay aabahaas 8 Sano oo Xarig ah, halka wiilkii guursada gabadha lagu xukamay 7 sano oo xarig ah isaga oo ku doodaya in uusan ka warqabin waraysana Da’da ay gabadha jirto odaygana uu ahaa adeerkiis, maadaama uu isagu u yaboohay guurka gabadhiisana uu isagu sidaa ku guursaday, guurkuna uu ahaa mid ay soo hagaajiyeen Ehelka labada dhinac, waa isaga iyo gabadhaas yaree.

Gabadhii yarayd oo Uur lahayd waxaa la go’aamiyay in laga qaado waalidkeed oo meel gaar ah lagu xanaaneeyo inta ay ka dhalayso, waalidiinta dhashayna waxaa lagu eedeeyay in ay yihiin Dad aan mas’uul ahayn, sidaa darteed ay Qatar tahay in ay gabadha sii hayaan.

Sidaas waxaa ku bur buray Riyada uu lahaa aabahaas, wax uu wanaag u arkayay ayaa ku noqday Cuqdad uu la noolaado inta ka dhiman noloshiisa, Qatarta uu gabadhiisa kala baqayay mid ka darana ay wada wajahayaan isaga iyo gabadhiisa iyo xaakiiskaba ama qoyskiisa oo dhan.

Hadda wuxuu wajahayaa in inta ka dhiman uu la noolaado in gabadhiisa laga ilaalsho, Taariikh ahaana uu noqdo Nin u bandhigay gabadhiisa Qatar, intii uu isgu noqon lahaa kan ka difaaco, waasa sida laga aaminsayahay Dunida uu ku noolyahay.

Gabadhaas yar Iyana waxaa ku qasab noqonaysa in ay la noolaato in waalidkeed darteed uu intaas oo Ciqaab ah u maro darteed Waalid la’aana ay garaadsato, iyo sidoo kale laga dhaadhacsho in aabaheeed uu Qatar ku yahay nafteeda iyo jiritaankeeda, uuna ahaa midka sababta u ah Xaaladda ay maanta marayso nolosheedana in ay sidaas noqoto isagu uu yahay kan lagu eedayo.

Kalgacalkii ka dhaxeeyay qoyskaas ayaa noqday mid lagu kala dareero oo qof walba ay noqonayso in xanuunkiisa uu gooni ula noolaado, ma ahayn wax ay wada filayeen dhamaan saddexda qof uu qoyskaas ka koobnaa, waasa dhacday waana qasab in ay wajahaan Xaqiiqda ah in ay noqdaan kuwa isku arka in qofna uusan qofka kale noloshiisa raali ka ahayn waa labada waalid oo dhinac ah iyo gabadhaas yar iyo wiilka uga yimid Qaaradda kale in uu Qoys ku yagleesho.

W/Q: Mohamed Musa Sh Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

SHEEKOOYIN