Yurub: Hoygii Haddimada!!!

Yurub: Hoygii Haddimada!!!

quotescover-JPG-27

Waxaan ku dhashay kuna barbaaray, deegaan Muslimiin dagan yihiin ku dhaadashada Islaamkuna noloshooda udub dhexaad u tahay, xishoodka ama sariigashaduna tilmaan laysu aqoonsado tahay, carruur iyo ciroolana ay ku qanacsan yihiin wixii wanaag iyo nacfi eebahood siiyay . Waxaan ahay qof diini iyo maadiba illaa xad bartay kuna hammiya meel sare inuu bulshadiisa ka galo, han weyn baan lahaa waana lay hanweeynaa.

Waxaan ku noolaa nolol caaqilka u ah naxariis, cawaanka iyo wax-magaratadana uga dhigan gabal dumay, nolol u baahan ka faa´iideysi ee aan u baahneyn salfudeyd, kala mudan waayuhu kalana xasuus wacan, alla buufisow maxaa ii kaa soo arkay!!!. Dharaar madow baa balag la ii lulay, har iyo hoyaad baan ka tagay, war iyo wacaalna waxaan ku soo aruurshay xaalkayguna wuxuu isugu soo uruururey, halkudhegii Abwaan Kaahin feedhoole ee ahaa” TOLOW HALAY DHOOFSHO.”

Waxbarashadii ka seg seegay goobihii cilmiga iyo culuumtana waxaan ku beddashay la sheekeysiga dadka dibedda u jeel qaba, waxaan rukun ka noqday goobaha internetyada si aan huuhaada dibedeed ula jiibiyo duul dantaydii i seejiyey, waxaan bartay iridiha wadan kasta laga galo si sharci ah ama sharci dara ahba.

Waxaan ka mid noqday la taliyeyaasha arrimaha buufiska- ma is tiri waxaan ahay wasiir aan lacag qaadan oo fiisayaal afka ah baxsha!!! Waxaan ammaan iyo wanaag u hayaa cid kastoo nolosha galbeedka ii ammaanta sidaas si la mida waxaan cadaw iyo xaasid u qaataa cid kastoo talo iga siisa hammigaygan hawtul-hamagga ah. War laliye aan loo war heyn baan noqday, bar kulanka barbaarta buufiskana haddaananba agaasime guud ka aheyn ku xigeen la iguma heysto. La ii caal waa, talana waxay dhaafi weyday in la i dhoofsho maadaama aan xasiloonidii caadiga ahayd ka tagay, ma doonayo inaan qoralkaygan sii dheereeyo oo aan ka sheekeeyo dariiqii aan u soo maray balse gunaanadkii Ilaahay waa i samo keenay dhulkii aan u heystay jannadii adduunyada.

 

Imaanshahaygii Beertii Raaxada!!!!!

Waagii aan iskuulka dhigan jiray ayaan maqli jiray maah maah ingiriisi ah oo tidhaahda “ wax kasta oo dhal dhalaala dahab maahan“. Daaro dhaadheer oo kastana abaar loogama baxo daawashadooda ama ag joogoodai!!! Usbuucii koowaad ayaanba hammigaygii liqay, markaan arkay dad waddankii u dhashay oo hoy la´aan ah (homeless), sariigasho la´aanta ummaddu ku dhaqmayso oo waxaadba arkaysaa dadka qaarkii oo dariiqyada isu orgaynaya, xaaraan qaaddashada oo dadka qaarkii aysan wax dhiba u arkin, cibaadada oo salaaddu ugu horeyso oo shaqadu ka muhiimad weyn tahay, waalidka hadalkiisa oo aanba tixgelin weyn loo heyn. Tamashlaha iyo fawaaxishta

qaarkeed oo raaxo nafsiyeed loo arko, haddii aad damacdo inaad wax ka tidhaahdana qof dambeeyaa laguu yaqaan (backwarded).

 

Boorsadaydii madhneyd wali waa diyaaar oo maal adduun in laga buuxshey sugi, kala maan baannu nahay ee allow yaa wax u sheega!!!! Hammi adduun baan la jiifaa misna wadadeediiba ma hayo, muddo yar baad wax tabci uun baa igu daabacan balse wadiiqada loo maraaba wareysi hor leh u baahan ee arrinku caawa dhal caawa dhiiq maba ahan sidii maladeydu aheyd, waagii baa ii dilaacay oo ra´yigaan qabay dhaan dabagaaluu ahaa.

Bal dhabta u soo dhaadhac oo riya maalmeedka meel soo dhigo, la jaanqaad waqtiga oo noloshaada iyo tan qoyskaagaba soo dhici. Jawigu waa mid aad u qabaw oo xoog iyo la qabsi kaliya uma baahnee ku adkaysasho joogta ah ayuu rabaa. Waxaan ka imid bulsho aan kala sareyn dhanka jinsiyada iyo midabka ( gender and racial equality) oo qof waliba awoodda uu Ilaah siiyay ku caano maalo ee maanan aqoon bulsho midabka ku kala sareysa oo caddaan, madow iyo gaduud loo kala hor mariyo. Ra’yigaan la imid ee ahaa beertii raaxadaad maquuran wuxuu isu baddalay dhabanno-heys iyo inaan hoygii haddimada salka u fadhiistay.

Lacag Soo Dir ( send money)

Laba kala bariday kala war la´, ballan qaadayadii faraha badnaa ee aan soo sameeyay oofintoodii baa la iiga fadhiyaa, teleefanku maba damo , adeer xawaaladee aadnaa? Imisaad soo diri?? Iyo waad is baddashay miyaa haddiiba aad lacag iyo shaqo heshay oo inteenii diihaalka iyo gaajada waad ka yara dhuumanaysaa?? Eedaynta iyo wax weydiintu waa tallantaali anna godkeygii baa biyuhu iigu soo galeen, hohey!!!! Allow yaa dadkaa qaarkii caawa ii keena dhadhanka noloshaan ha ila arkaane.

Dhaarta iyo calaacalka aan ridayo cidi igama hoos qaado oo xasad iyo nin wax hagranayaa la ii arkaa, dadku dadkiisuu ku nool yahay ee ma adigaa wax ma taraa mase wax kalaa jira ayaa maalin kasta dhagahayga ku dhaca, tolow waa halkee meesha aanan garaneyn ee maalka laga soo diq diqeynayo? Mase waa runtoodoo anaa dhoohane lacagtu darbi walbay taal!, talaa igu waabariisatay. Nafteydaan hiifid ku bilaabay, werwer baa ila darsay sababtoo ah baraf ma soo doonane jeebka soo buuxi baan islahaa, sheekaduse waa kala maan oo isku meel uma wada socoto oo markii mid koofur u hadlo midka kale bari buu u hadlayaa, dadku waa wada xeyraansan yahay oo wajiyadooda naxariisi kama muuqato, laysuma calool sama oo midba kan kaloo ka eed tirsanayaa, malaha ciqaab adduun baa dadkan haysa ayaan is iraahdaa tolow tii aakhirana soo meel ma taal tanna nuucaan maahan. Allow ur u bixi

La soco qeybta labaad kol dhaw insha alaah.

W/Q: Maxamed Xaaji Xasan

kacdoon@gmail.com

 

SHEEKOOYIN