Yaa Khaldan? Yaase Dulman? Q. 155-156aad. W/Q Ahmed Hayow

received_10204784410466642

 

155.
Dooli wuxuu ku laabtay Minneapolis, asagoo walaashiis soo arkay, nasiib wanaagna ay dhashay inti uu la joogay, wuxuu ka fekeraayay su’aalo uu waydiiyay Xasan Rooble, habeenki ay labadooda kaliya aadeen guriga Yaasmiin oo markaa la joogtay umusha, su’aalahaas oo u badnaa aqoonta uu u leeyahay reer Daahir iyo reer Yaasmiin Axmed, Dooli wuu fahamsanaa muraadka uu seedigii ka leeyahay ogaanshaha labada reerood, balse wuxuu ugu soo koobay inay yihiin reero aad u wanaagsan, inkastoo uu Xasan rabay faahfaahin intaa ka ballaaran.
Layla maalinti ay ka soo baxday imtixaanki ugu dambeeyay ee waxbaxbarashada aasaasiga ah, waxay degdeg u aaday cisbitaalka uu Raage jiifay, inkastoo ay mar kale ku gashay si dhib leh, haddana kama soo tegin oo waxay go’aansatay inay daqiiqad faaruqin agagaarka Raage, si kasta oo laysugu dayay inay xaafadeeda aado oo ay soo nasatana way diiday, waxaa intaa kala muhimsanaa inay Yaasmiin waydiisato inay wada guursadaan Raage oo maqlaaya, Yaasmiina waxay tiri: “Layla horana waa kuugu sheegay inay jirin naag ogolaaneysa in ninkeeda lala guursado, haddana waa kuugu calinaa” Layla ayaa tiri: “xilligaas waxaad igu tiri Raage ka soo dhammeyso, asagana wuxuu igu yiri Yaasmiin ka soo dhammeyso, waana taa sababta aan kuugu soo rogaal celiyay” Yaasmiin ayaa fiirisay Raage, markaa ayuu Yaasmiin ku yiri: “Layla waxay iga ballan qaaday inay amaan nasiiso haddii aad seddex jeer u diido ujeedada ay leedahay” markaa ayay Yaasmiin tiri: “Layla run miyaa?” Layla ayaa tiri: “haa” Yaasmiin ayaa tiri: “waan diiday, waana diiday, marki seddexaadna waan diiday, haye ka waran hadda?” Layla waxaa loola dhaqmay sidi qof iska ciyaaraaya oo kale, markaa ayay tiri: “laba jeer oo kale ayaa ii hartay” Yaasmiin ayaa tiri: “sidee kuugu hartay, soow seddexdaadi hal mar kuma siin?” Layla ayaa tiri: “seddexdaa waxay la mid tahay hal dalqad” Raage intuu qoslay ayuu yiri: “Layla waxaan u socdaa Soomaaliya, Yaasmiina way iraaceeysaa, sidaa daraadeed iska illoow sheekada jaceylka” laakiin Layla waxay niyadda ka go’aansatay inay sidaa ku harin, xataa haddii ay 100 jeer Yaasmiin u diido.
Deeqa markuu u soo dhammaaday safarki ay Yurub ku tagtay, waxay ku soo laabteen Mareykanka, diyaaraddi siday markay hawada Mareykanka soo gashay ayay soo wacday Cawil, waxayna waydiisay akhbaarka uu uga haayo Raage, wuxuu u sheegay inay Layla la joogto cisbitaalka iyo inuu caafimaad qabo, markaa ayay Deeqa waydiisatay inuu siiyo telefoonka Layla, markuu u qoray ayay Layla soo wacday, Laylana waxay ka qabatay ayadoo ka fekeraysa go’aanka ay ka qaadan laheyd diidmada Yaasmiin ay u diiday inay la wadaagto Raage, markay telefoonki qabatay ayay Deeqa tiri: “Layla ii dhiib Raage” Layla ayaa tiri: “yaa waaye adiga?” Deeqa ayaa tiri: “naa codkeyga maad garan weyday?” Layla ayaa tiri: “Deeqa cod kale ayaad ila yeelatay ee sug aan Raage waydiiyo inuu kula hadlaayo iyo in kalee” markaa ayay Layla dhegteeda ka qaaday telefoonka, ayadoo ay Deeqa ku qaylineyso: “naa ii dhiib ayaan ku iri, ha faxas lahaane” Raage iyo Yaasmiin oo maqlaayeen codsiga Deeqa, ayuu Raage diiday inuu la hadlo, laakiin Yaasmiin ayaa tiri: “Raage la hadal oo u sheeg inay reerkeeda u baahan yihiin inay la hadasho” Raage ayaa yiri: “weli reerkeeda kama helin telefoon laga heli karo oo ay kala hadasho, laakiin markaan helo meel ay kala xiriirto kadib way ii sahlan tahay inaan ayada raadiyo oo siiyo nambarka reerkeeda” si dirqi ah ayay Deeqa sheekadaas telefoonka uga maqleysay, inkastoo ay samaacada Layla gacanta ka saartay, ugu dambeyn waxaa laysku raacay inuu la hadlo, Raage markuu yiri: “hallo” ayay Deeqa tiri: “ma waxaan kaa gaaray inay Yaasmiin kugu qanciso inaad ila hadasho?” Raage ayaa yiri: “Yaasmiin waa tii aad adigu igu qancisay inaan sawirkeeyga ka soo qaado, meesha aad adiga waagaa taagneedna Yaasmiin ma taagna, sababta ay hadda iigu qancineyso inaan kula hadlana waxay tahay reerkaaga daraadood” Deeqa ayaa tiri: “Yaasmiin maxaa reerkeeyga ka galay?” Raage ayaa yiri: “waxay Aabahaa u dirtay lacag uu isku soo daaweeyo, ayadoo magacaaga ku qortay si ay sumcad kaaga sameyso” Deeqa ayaa tiri: “sumcad ugama baahni Yaasmiin, reerkeeygana waxay uga baahan yihiin ma jirto” intaa markay tiri ayuu Raage hadalki uga dhexgalay: “waxaan kuu sheegaa inay reerkaagu kuu baahan yihiin iyo inaad la hadasho Aabahaa oo codkaaga aad ugu baahan, telefoon aad kala xiriiri kartana anigaa kuu soo sheegaayo” markaa ayuu telefoonki u dhiibay Layla oo ay Deeqa ku tiri: “telefoonka iigu celi Raage” balse Layla ayaa ku tiri: “wuu diiday” Deeqa oo jecleyd inay telefoonka deminin ayuu kabtanki diyaarada wuxuu rakaabka ku amray inay demiyaan qalabka isgaarsiinta, maadaama ay goor dhow caga dhigan doonaan garoonka diyaaradaha JFK.
Deeqa markay garoonki ka soo baxday ayay mar kale soo wacday Layla oo ku tiri: “Deeqa waan kuu sheegay Raage inuu hadda rabin inuu kula hadlo” Deeqa ayaa tiri: “adiga ayaaba difaac ugu jira, waa yaabe Yaasmiin miyaa Raage kula wadaagtay?” Layla ayaa tiri: “Yaasmiin waxba iima ogola, difaacna uma ihi Raage, laakiin asaga ayaan rabin inuu kula hadlo” Deeqa ayaa waydiisatay: “anigaa u imaanaayee, cisbitaalka ii sheeg” Layla waxay fiirisay Raage iyo Yaasmiin, markay waydiiyeen waxa ay Deeqa ka rabo oo ay u sheegtay, ayuu Raage ku yiri: “ii dhiib” marki loo dhiibay ayuu ku yiri: “Deeqa waxaad markhaati ka tahay kiiska laygu khaarijin lahaa, adigoo difaacaaya shirkadda rabtay inay aakhiro ii dirto, waxaadna la safan tahay dhinaca kale, sidaa daraadeed isma arki karno ilaa uu kiiskaas ka dhammaado” Deeqa oo rabta inay tiraahdo, maxaa iska galay dacwadda socota iyo xiriirkeena, ayuu Raage ku dhigay telefoonki.

156.
Deeqa waxay mar kale soo wacday Layla oo markaan wicisteeda qaati billaahi ka taagan, waxay ku tiri: “ii dhiib Yaasmiin” Layla ayaa tiri: “Yaasmiin adiga ayay Deeqa rabtaa inay kula hadasho” Yaasmiin markay ka qabatay ayay Deeqa ku tiri: “waxaad ii daba socotay waxay aheyd inaad hooyadaa u aarguddo, laakiin waxaan kuu sheegaa haddii aadan Raage iskaga harin, inaad naftaada ku wayn doonto” Yaasmiin ayaa tiri: “Alla dilaa dhinta, Raagaba wuu ka kacay xabadihi sunta lahaa ee lagu dhuftay” Yaasmiin oo weli hadalki wada ayay Deeqa uga dhex gashay: “naa hooy idhegeyso, waxaan kuu sheegaa in lagugu dhufanaayo kuwo aadan ka kicidoonin” Yaasmiin hadalkaa ma maqlin, waayoo waxaa telefoonka ka qaatay Raage oo maqlaayay, dhaarta ay Deeqa ugu dhaaraneyso Yaasmiin, markaa ayuu yiri: “Deeqa waxaad ku biirtay gangistarada Shirkadda u furtay inay isdhaafiyaan qofka amarkooda diida” Deeqa oo isku naxday ayaa tiri: “Yaasmiin waa isaga handadaayay maahine kama mid ihi kuwa rabay inay iga kaa dilaan, haddii ay Shirkadda lug ku lahaan laheyd, oo aanay ahaan laheyn qorshe Kamaal u gaar ah, ayaga ayaan ku markhaati furi lahaa, waayoo qofka damcay inuu ku dilo wuu iiga xun yahay qof raba inuu aniga idilo” Raage ayaa yiri: “amaanka noogu dadaal aniga iyo Yaasmiin” Deeqa ayaa tiri: “ayada miyaad igu doorsatay?” Raage oo ka aamusan ayay ku tiri: “Raage waxaa lagaa dhaadhiciyay inaan ku jecleyn, waxaadse ogaan doontaa inaan ku jeclaa, markaad Yaasmiin iga hor guursato oo aan nolosheyda ku dhammeysto guur la’aan, mana dheceyso inaan naagtaas kaa daba guursado, sidaa daraadeed haddii aad ii hayso wax yar oo naxariis ah, waxaan kaa baryaa inaad guursan Yaasmiin oo aad guursato Layla ama middi kale oo aad rabto, middaas oo ah rajada kali ah oo aan kaaga dhursugi karo” Raage ayaa yiri: “haddii aad ijeceshay marnaba kuma fekerteen inaan gabar kale kula guursado, iska daa inaad adiga minyaro iigu noqotide, taasina waxay ii caddeysay inaad wax dan ah iga laheyn, maalinti aad igu tiri waxaan kuu raadinaa gabar aad sii guursato ayaan niyadda kaa gooyay, haddana waxaan weli kuu haayaa wanaag walaaltinimo, kaasoo haddii aad iskaga cayaartana aan kaala laaban doono” Deeqa way iska ooysay, laakiin ooyintaan waxba uma tarin, waayoo Raage uma muuqato ilmada ka soo daadaneyso indhihi uu jeclaa, midda kalana ma oga inay Deeqa dhab ka tahay hadalka ay leedahay oo ah go’aan dhab ah oo ay Deeqa gaartay.
Waa markii ugu horeysay ay Deeqa maqasho go’aanka Raage, intii ka horeysay waxay islaheyd dacwada markay dhammato oo ay Kamaal ku caddaato inuu asaga shirqoolay, wuxuu Raage aaminaa inay Shirkadda wax lug ah ku laheyn, markaana waxaa loo qaadanaa booska uu Shirkadda kaga jiray Kamaal Kaahin, waxaadna dhex muquuran doontaan badweynta milyinaarada, sidaa ay tahayna weli kama raja dhigin siday Raage ugu qancin laheyd inay isku soo kaabtaan.
Layla oo maqlaysay hadalka Raage, kaasoo u muuqday inuu raali ka aheyn ogolaanshaha ay Deeqa ogolaatay inay isla guursadaan, ayaa tiri: “Raage haddii aad Deeqa niyadaada uga jartay inay ogolaatay inaan kula wadaago, maxaad Yaasmiin iigu dirtay oo aad seddexda fursad ii siisay?” Raage ayaa yiri: “waxaan kuugu diray inaan ogaado inay kaa yeeleyso iyo in kale, laakiin seddexdi fursadoodba hal mar ayay ku wada siisay” Layla waxay tiri: “waxaa ii caddaatay inaad been ii sheegeysay” Raage ayaa waydiiyay: “adiga ma jeceshahay in ninkaaga lagula guursado?” Layla waxay fiirisay Yaasmiin, markaa ayay tiri: “aniga Deeqa haddii aan kaaga hor maro, waxaan rabay inay ila kaa guursan” Raage intuu qoslay ayuu yiri: “gabar yar ayaad tahay, xataa Yaasmiin kama xishooneysid oo ayada horteeda ayaad wax walba ka leedahay, waxaan ku leeyahay iska illoow sheekada aad wado” Layla ayaa tiri: “weligeey ma ku illoobaayi mana ku illoobi karo” waxay sii raacisay: “sideen Yaasmiin uga xishoonaa ayadoo aan hore ugu sheegtay jaceylkeeyga oo ay og tahay inaan ku jecelahay, waayoo ayadaba waxay ku jeclaatay adigoo Deeqa saaxiib la ah” Layla warkeeda waa cadyahay, sidaa daraadeed ayuu Raage iskaga aamusay, markaa ayay Layla tiri: “aniga inaad Deeqa ila guursatid ma rabin, laakiin Yaasmiin waxba kama qabo oo ayadaa noo hayneeyso carruuta, anigana waxaan ka adeegaa guriga” labadooda oo aan midna hadlin ayay Layla tiri: “wallaahi beenteey maaha oo Yaasmiin waan jecelahay waana la heshiin karaa”
Maalinti maxkamadda waxaa Kamaal lagu xukumay shan sano oo xarig ah, Welesna waxaa lagu xukumay laba sano, markaa ayuu Aabe Kaahin racfaan u qaaday wiilkiisa, Kamaalna waxaa lugta looga xiray qalab lagala socdo oo haddii la arko inuu magaalada ka baxaayo laga soo qabanaayo meesha uu joogo.
Aabe Kaahin iyo Qareen Ajay ayaa isla garteen inay Yaman aadaan, si ay u soo ogaadaan xaqiiqada runta ah ee ka jirta inuu Kamaal shirqoolay Deeqa Aabaheed, furahaas yar oo u furaaya albaabka dacwada, waayoo Deeqa ayaa aad ugu adkeysay dacwadda, waxayna ula muuqatay inay ka xun tahay dhibka waalidkeed loo geystay, balse haddii ay arrintaa been noqoto, Aabaheedna uu runta u sheego, waxay aaminsan yihiin inay Deeqa ka bexeyso markhaatiga ay Kamaal ku fureyso.

La soco qeybaha dambe.

SHEEKOOYIN