XIKMADO KOOBAN : BY Mohamed Musa Sh. Noor

xikmdo kooban

GAFKA

Gafka waa mid ka mid ah afcaasha ama ficilada inaga dhaca, Xal kale ma lahan aan ka ahayn in dib loo saxo waxa gafku ku dhacay, kuwaas oo kala noqon kara wax ficil ahaan loo saxo iyo wax hadal ahaan loo saxo.

Gafka sidiisaba ma ahan wax lagu amaanay qaabkeena nolosha, sidaa ay tahayna wuu naga dhacaa mar walba, muxuu u dhacay iyo sababta uu dhacayba ma ahan mid haddii la is waydiiyo xalkiis lagu heli karo.

Xalkiisa waa laba mid in uu noqdaa, mid ficil ahaan loo sameeyo oo ah in waxaas lagu gafay lagu saxo ficil kale, si gafka uu meesha ugu dhamaado.

Midka kalena waa in Raali galin laga baxshaa, waa marka uu gafku ku dhaco si hadal ahaan ah, raali galintu waa u muhiim qalbiyadeena, marka aad qaldantahay oo aad raali galin bixiso qalbigaada xitaa waxbaa ka dagaya sida culays u eg, sidaas si la mid ah qofka aad ku gaftay oo isagana iska kaa cafiyo maadaama aad usoo noqotay, inkastoo dadku aysan isku mid ahayn, oo qaarkood marka la maslaxeeyo ay kasii daraan, ugu dambayn raali galinta ku dadaal marka ay tahay in aad wax raali galiso.

 

  DADAAL

Qofka dadaalka badan mar walba wuu ka horeeyaa kan aan dadaalin ama aananba isku dayin in uu dadaalo, nolosha sideedaba waa Tartan ka dhaxeeyo noolaha oo dhan, qof walbana waa in uu dadaal muujiyaa si uu u gaaro Hadafka uu tiigasanayo.

Dadaalka waa mid wajiyo badan ku kala yimaadaa, mararka qaar waa laga yaaba in Dad ka mid ah ehelkaaga ama asxaabtaada ay garab kugu siiyaan dadaal aad samaynaysay muddo, balse taas macnaheeda ma ahan in aadan dadaalin oo lagu caawiyay, waa dadaashay, miraha dadaalkaaga uu dhalay ayaadna waxaas oo Caawin ah ku heshay.

Hadaba marka aad dadaal suubinayso waxaa qasab ah maadaama aad Bani aadam tahay in aad khaladaad badan samayso, balse taas dhib ma lahan, muhiimadda waxay ahayd in aad dadaasho, isma aadan lahayn khalad suubi, waxaa lagaa doonayaa markaas in aad dib u saxdo khaladakaaga.

Sidaa darteed, dhib ma lahan qaladka aad suubisid inta aad ku guda jirtid dadaalkaaga ama tartiibinta dadaalkaaga uu ku socdo, wali waxaa tahay mid ka horeeyo qof walba oo aan dadaal suubin.

Hadaba dadaalkeena ku aaddan dhanka Nabadda waa in uu bataa, oo aan iska daynaa dadaal xumada natiijadeeda noqotay dhibka aan maanta dhex taaganahay, dadaalka sidiisaba dhinaca looga faaiidaysto ayuu noqdaa.

Hadaba dhanka wanaagsan aan ku dadaalno, waxa aan dadaalka ku bixinaynana ha inoo noqdaan wax xisaabtooda aan eegnay, natiijada kasoo baxaysana saadaalintaeeda ay inoo wanaagsantahay.

 

 

 WAXAA TAHAY QAALI

Waxaa tahay qaali, sida aad ku noqtayna aniga ayaa kuu sheegaya, waxayna tahay, waxaa tahay farsamada uu Alle sameeyay, waxaana ka mid tahay milkiyadda uu Alle leeyahay, wax walba oo alle leeyahayna waa qaali, sidaa darteed dadku waa kuwa iska moogaysiiya ama iska indha tira waxa aysan awoodin hanashadooda mararka qaarna iska diida, ayaga oo iska dhigaya in aysan u baahnayn, hubaashuna waa in ay u baahan yihiin, balse aysan awooddooda aysan u gaarayn.

Muhiimadda qoraalka ayaa ah in qof haddii uu ku diido, ama uu iska kaa indha tiro aysan la micna ahayn in aad tahay qof qofkaaska liita, ama aadan u qalmin, fakarka nuucaas ahna waa in aadan ku fakarin ee aad u fahamtaa in qofkaas aad ka qaalisantahay, balse uusan isagu kuu qalmin, micnaha uusan ka bixi Karin dalabaadkaaga xagiisa ku aaddan, sidaas darteed ayuu u muujinayaa isla waynida iyo Xaqiraadda isaga oo Madaxa Carada ka cesho is leh.

 

 

 QIIMAHA LACAGTA

Lacagtu waa mid qiima badan, micnaha waxaaba la oran karaa waaba Dunida oo dhan, qof walba maanta waxa uu u ordayo ayaa ah kasbashada Lacagta, wali lama sheegin qof ka dharga lacagta, qof walbana inta badan ee uu helo lacagta, waa inta badan ay sii siyaaddo dhibaatadiisa ama baahidiisa nololeed.

Qiima in ay leedahay lacagta wax su’aal ah kama taagno, balse qaabka qof walba uu u raadiyo iyo qaabka qofku uu u hanto ayaa lagu kala duwan yahay, dadka qaar ayay seejisaa noloshooda, raadinta ay raadinayaan lacagtaas darteed, ayaga oo u gala qataro fara badan oo naftooda ah, iyo kuwa ay u gaystaan nafta Dad kale ama Noole kale.

Sida badan marka lacag laga hadlayo qof walba si ayuu u macnayn lahaa, bals aniga waxaan oran lahaa waxaa jiro wax badan oo lacagta ay goyso iyo wax badan oo aysan lacagtu shuqul ku lahayn, sidaa darteed, waxaa wanaagsan in lacagta loo haysto si wixii wanaagsan ay goyn karto loogu isticmaalo, balse aan la lumin waxyaabaha qaaliga ah ee aysan lacagtu goyn, sida iimaankaaga, shaqsiyadda qofka kugu qaaliga ah, iyo naftaada ama nafta qof kale.

La yaabka ayaa ah in dadka qaar raadinta lacagta ay raadiyaan ay ka tuurto in ay gooyaan nafta qof ayaga la mid ah doonayana inta ay doonayaan, hadaba, qiimaha nolosha qofkaas ma fahamsana ayaa la oran karaa, Shilin aad u goysay Nafta qof kale waa hubaal in aadan ku raaxaysan Karin xaaladdu sida ay doonta ha noqotee, Dhiiga Aadanaha waa qaali, si fudud qofka ku gooyaana hubaal in uusan harsasho heli doonin. Hadaba aan qiimayno qiimaha lacagta iyo waxa ay inoo goyn karto sidaas si la mid ah qiimaha waxa aysan lacagtu inoo goynin.

Qore Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN