Gabayada Silsiladdi” Gedo aan taageerno”

Maalinta_Calanka

Gabaygan ayaa waxaa igu dhaliyay qoraal uu soo gudbiyey Saaxiibkay Mohammed Hassan oo xusayo inay reer GEDO ku dhiiradeen, inay Gumaysiga umaddii Soomaaliyeed Hebedka ka wada dhigay laga gilgisho, isagoo Tusaale usoo qaatay, Halku dhegii Abwaan Salaan Carabeey ee ahaa: Nin dhirbaaxo quudheed dugsaday, Dhaqayadeed maal. Ka dib ayaa waxaan u gacan haadiyey, Hal abuurka iyo Gabyaaga Soomaaliyeed iney ka hadlaan, waxaanan Tixdan kooban ugu magac daray.

Gabayga: Gedo aan taageerno.

 

Godka lama huraayiyo dadoow, Geeri kuu timide

Goor ay ahaataba marbaad, Guuri oo tegiye

Gunimada inaan qaayibnaa, Waa gef aan hadhine

Intuu Gocor inoo talin lahaa, Geeridaa mudan.

Gobollada dalkeenaan rabaa, Inay gudoontaane

Guluf iyo dagaal baan rabaa, Inay gorfeeyaan

Galab lays galaa baa rabaa, Cadowgu guuraaye

Geyigoo xornimo gaadha iyo, Calanka guudkeena

Inagoo dagaal gelin ha sugin, Goobi waa weliye.

Gobonnimo Gawaan lagama helo,Geesigoon dhiman

Galowdoo la hura bay rabtaa, Gacan la qaadaaye

Guubaabo gacal baan rabaa, Goob ka tirinteede

Gedigoood Gabyaagaan rabaa, Inay ka goohaane

Guurtida dalkeenaan rabaa , Inaw Garowstaane

Geylan iyo ragiisaan rabaa, Goob ka curinteede

Geeraaradii baan rabaa, Geesi Xaayoowe

Bulxanoo Godladay baan rabaa, Gabayadiisiiye

Inta Ruux garaad laan rabaa, Guula dhalintood.

Gendigaa dalkeenii ku degay, Godobna noo geeystay

Gafanaha jidhkeenii ganiyo, Hilibka guudkeena

Gabdhaheena kuwa hoojiyee, Galaba xayn duuban

Kuwa gubaya gacalkeena ee,Gudub inoo toogan

Kuwa geerideenii badshaye, Gooyey madaxeena

In amxaarku guuraan rabaa, Gebi ahaantiise

In Keenyaaku goostaan rabaa, Gebi ahaantoode

Amisonna Gudubtaan Rabaa, Gebi ahaantoode.

Gobta reer Gedaan doonayaa, Garab istaagoode

Geesinimo ayay muujiyeen, Laga garaabaaye

Heeryadii gunimaday rideen, Ganafki ceebeede

Gobonnimo ku faan bay dhigeen, Gob iyo xaalkeede

Gobollada hadhaan doonayaa, iney gudoontaan.

Sharax:

Geylan, waa Hassan Geylan

Xaayoow: Ahmed Hayow

Bulxan waa: Hassan Bulhan

Gabyaaga aan ku ogahay, Soomaalinimada iyo waddaniyadu aad bay u badan yihiin, balse saddexdan waan ku soo halqabsaday Mahadsanidiin dhammmaan.

*******************************************************************************************************************************************************

Waa baaqii markiiba ka soo jawaabceliyey, Cqadir Weheliye oo Gabay aad dhumuc iyo miisaan culus u leh ku taageeray, Falkii iyo gadoodkii Shacabka Reer Gedo. wuxuu yidhi:

 

Gabayadu mar beey kuu yihiin. gaawe iyo xoore

Gaashaan mar beey kuu yihiin. guluf colaadeede

Gasiin kaad cuneeysiyo mar waa. gaaja tira weeyne

Marna godob la aaseey tixuhu. soo gadaal fagane

Godka damanihii jiifay baa . soo dur durin goore

Guubaadeey uumiyhu. libin ku gaareene

Inta garasho ii nooshahaan. ehelka gaarsiine

Garka waxaan ka haayaa xaqii. guulaheen dhigaye

Isagaana goor iyo ayaan. ii gadaam noqone

Gidmashada sabiil kaa u daran. gooh talamadeede

Raboow carabka guul iiga yeel. gaax lisaan ahaye .

Afartaa galeeyr duulayiyo. Haad gariireed dheh

guja nabar ibleeys loo sidiyo. Taah gal galadkood dheh

Gaaleefta waran kuu sahmiyo galalacdiisii dheh

Afar kale gob hiil weeyda iyo. Gooman hadal keey dheh.

Soomaali gees iyo ka gees. waa gal iyo daabe

Gobolkoow ahaadaba kufrigu. wuu gadaal dhigaye

Rag gadooday baan garanayaa gacal ha yeeshaane

Raga gaala leeyn tood bartaan. gaar u xusayaaye

Gedo iyo dad keedaan rabaa. Inaan gar gaaraye

Gedo iyo dad keedaan rabaa. Inaan gar siiyaaye

Gedo iyo dad keedaan rabaa inaan go’ saaraayee.

Geesiyada amxaar leeynayaan. gool u qalayaaye

Giir yaale maahoo waqood. Gedaf ma yeelaane

Waa niman go’ aan koodu yahay. nacabka goo gooye

Haween kooda baa garabka suray. gumac risaaseede

Gabdhahooda weey garanayaan. Gunufka keenyaade

Giirkiyo bidhaan teey didaan. ganash amxaareede

Guclaheey ku tadiyaan ileen waa ibleeys go’aye

Guushood ilaahoow ka yeel. Midaan gariifoobin .

Afartaa cirkoo kuu gugciyo. Gululucdiisii dheh

Afar kalana goob xaarashiyo. Gogol dhigeey gii dheh.

Wax la yiri galayroow rag waa.garasha dheeraaye

Maan kaad saluugtaa guniyo . Garab la siiyaaye

Gafuur kood ka tooh daaba waa. Amarka gaadeede

Gololkaba xiskaa ii fur fura. gibishu waa meele

Gooda sheega kuma soo bixiyo. Guun tilmaameede

Gardareey ku biqishaa kolkii. geel lagaa dhaco’e

Soomaalidaa gaabisee. Nacab ma guuxeene.

Gedo iyo dadkeedoo kalaa. geeysh la dumiyaaye

Ganaceey duleel sheen tigree. Waaya soo galaye

Sawaxiliga guureey nayey. Gaadmo dila yeenee

Guushood ilaahoow ka yeel midaan gariifoobin

Arar lama giriir shee waxaan. Hadal ku soo gooyay

Soomaliyeey gaafka iyo. Guri dhiskaa jooja

Oo gaalka idin weerar riyo. Garas lahaa ceeyrsha

Gurmadkana udira reer Gedood. Waa gob dirireene.

Reer gedo waa gob hiil weeyday

By (Cqadir Weheliye )

********************************************************************************************************************************************************

Waxaa Soo saddexeeyey qaylodhaantii iyo Gubbaabadiina cirka ku shareeray, Hassan Geylan wuxuu yidhi:

 

Waa guul ku faan mudan warkaa, Gedo kasoo yeeray

Waa gacal Illaahay dumayoo, jebiyey gaalkiiye

Rag gedooday waa gubi karaan, xabashi gayshkeede

Waxsen gooha aan damin lahaa ,amase guulguulka

Somali gebigeedba waa, gacal walaala ahe

Mar inay gartaan ooy midnimo, gacanta saaraane

Markii geesiyaal daafacoo, geyfan laga waayey

Genbi oo hadana qaybi sow, laguma soo goynin

Reer galbeedka iyo xabashibaa, gaadmo noo degaye

Qabyaaladina way garabgashoo, gool ayey dhaline

Gocoraalayaal taabacoo, daba guclaynaaya

Iyo qaar ganbooray dhulkii, gacan ka saareene

Ayaguna bulshadii gaasiroo, waabay gadayaane

Dhallintii geyiga ee la rabay, inay wax goostaana

Bar gumeystihii baa diliyo, gaala raacyadi’e

Shabaabkuna barbay gacanta iyo, luqunta gooyeene

Ayagoo gawaan raacayoo, wada galiilyeysan

Goonyaha aduunkay tahriib, badi ku gooyeene

Gortin-berg waa kaa ka dhacay, goosankii haraye

Ragse waa go’aayoo dhintaa ,waa xaq geeriduye

Gunimadase lama qaato iyo, gaalo taladeede

Reer Gedo sidoodaas dhammaan, gumuca maan qaadno …

Abwaan Galayr Hilowle Cabdiraxiim mahadsanid … Alle ha ku sharfo reer Gedana Illaahay ha guuleeyo iyo somali weyn oo dhan ********************************************************************************************************************************************************

Waxaa soo galay, Gabyaaga waddaniga ah ee Hassan Bulhan, oo Galka Seefta kala baxay, si wanaagsana u kala gurey, isagoo sii ambaqaadayaa, arrintii ahayd, GEDO AAN TAAGEERNO, wuxuu yidhi:

 

Garashada cuddoon waa runtood gole ka sheegtaaye

Ma gaar marin gallayr taladan uu goobta soo dhigaye

Garaadkii waddanigana fahmadu waysu gorortaaye

Isku gees ayay ka arkayaan xaajo guda-weyne

Damiirkii godlanayaa ka dida damaca gaalaade

In gumaysi uu dagay geyiga garay abwaankiiye

Maan-gaabna wuxuu moodayaa guul la hiigsadaye

Guufanayskan gaagaaban ee guriga noo jooga

Amisom waxay geysatiyo shacab gumaadkooda

Gabdheheeni waxa lagu falaan geeri dhaafsaniye

Geyigaagi duul kugu gumee yeele gawracane

Asaagaa hakuu gooddiyee gorodda laalaadi

Inaad iil gashaa kaaga wacan loxod guddoontaaye

Gardarrada itoobiya waddiyo gocorka keenyaana

Haddaan gumuca lala qaabilayn gaasir baa nahaye

Ha galaa bexee daa goor kalaan daba gelaynaaye.

********************************************************************************************************************************************************************************************

Waxaa ku soo biirey Silsiladii Gedo aan taageerno, Axmed Xaayoow, isagoo soo tiriyey, “Garbahaareey Aa Noo Ballana” wuxuu yidhi:

 

Gadgadoon adduunyooy maxaad, Galaba meel joogtay

Waa’ soo guduutaba muxuu, Gabbalku sii liicay

Cududihi gamuuraa maxay, Gacanti naafoowday

Garneylkiyo rasaastii maxaa, Gamas ka soo reebay

Geyshkii mideysnaa maxaa, Goob u kala xaaray

Gurmad iyo maxaan looga helin, Geesi diriraaya

Gassa iyo sideedii maxaa, Dhagaxa loo goobtay

Gumeystihi madoobaa muxuu, Nagu dul geeraaray

Gurboodkiyo carruurtii maxaa, Geliyay liishaanka

Gabre iyo maxay noo amraan, Gabinki Kiinyaati.

Ugaandheyska gaajeeysan iyo, Burundi gaagaabta

Gaadiidka xoogiyo hubkaa, Saaran garabkooda

Annagaa kuweenii gubnoo, Godadki aasmeene

Bal maxaa Guuleed iyo Galayr, Gudinta loo siiyay.

Garba siman hadday wada yihiin, Gobi ma liicdeene

Geesinimana waa lagu yaqaan, Gayiga Soomaale

Kaaraha gurguurtiyo kuwaa, Haysta gumuceeda

Geesaha haddii lays daroo, Galawgu fooryaayo

Laba gelin inay qaadaneyn, Gebi ahaantoodba

Waa midaan gef iyo igu aheyn, Gabaya faankiisa

Gasar-kaa na wada gaabiyee, Galaba meel jooga

Markuu saca guduudne cunee, Gowska ku ogaado

Gabalkaa inuu dhacay ogoow, Waadan garaneyne.

Galguduud haddaad faalashiyo, Gayigi Buuhoodle

Gedo inaad gargaarteey aheyd, Gelinka maantaahe

Gacal wadajir diidaa waqii, Meel unbaa go’ane

Is guhaadsha oo xaajadaa, Yaan la gobaleynin

Yaan gidaarka laga daawan iyo, Wararka goos gooska

Gacan dhiibtayaa iyo nimmaad, Ugu gargaartaaba.

Garbahaareey aa noo ballana, Gabarya wiilkeena.Haddaba

 

 

Cabdifitaax Maxamed Xaambe oo ah Hal abuur ka mida kuwa ugu Tixaha culus dhallinta maanta ayaa yidhi:

 

Soomaalida ka Geesiyo ka Gees, Gobol kastay joogto

Godimada Waqooyiyo Galbeed,Taniyo Baar-geelle

Gobonnimo hal kii lagu dhalshiyo, Gaalkacyiyo Saylac

Gal-gaduud salkeediyo Dhulkii, Geela Badan joogey

Badda guuxda Geedaha Cambaha, gudaha Dayniile

Geddigeedba soomaaliyuu, gaaray Gabaygiiye

Galayroow fariintaadibeey, Faallo galiyeene

Guurtidii Go’aan qaadatoo, gooye Taladiiye

Gabanada Hubqaatkaa ayuu, Dhiigu gubayaaye

Gabdhihii Gubaabiyo u kece, xaajo galideede

Goobtaa istaagtaba hadeer, Gaasasbaa tubane

Gaardisiyo waxay muujiyeen, Guluf colaadeede

Gardareey ka dhiidhiyi hayaan, Gobiyo xaalkeede

Gunnimana waxay doorbideen, Geeridiyo Mowde

Hadii Gu’gii Hillaacoo, Midnimo Gugaceed soo yeeray

Kenyaan iney Guurayaan, waa la garaanaaye

Ku Gumaada meeshay galaan, Gowracna u raacsha.

Qof garaad leh oo Maangu Gurin,Miirna Gabal joogo

Gabre inuu Gar-gaar noo wadaa, waa midan galine

Gafuur duub asaa nooga daran, Ganeyna jiirkeene.

 

Waxaa iyana ku soo biirtey, Hal abuurada da’da yar, ee Hodan Sh Cumar Hodan waxay ku ammaanantahay, waa gabdha keliya ee maanta suugaanteedu billow iyo dhammaad ku aadan tahay, hiilka iyo horumarinta dadkeeda, Hodan waa Hal abuurad waddaniyadeedu gaadhsiisantahay heer qof Soomaali ahi waddanimo ka gaadho waxay tidhi Hodan:

 

Abwaankii murtida loo guntoow, geedka aad xaadhay

Iyo gogashi aad fidisayee, Gado ku taageertay

Iyo gabannadii gole ka fuul, kuugu gacan haatay

Guubaabadii aad qorteen, garasha dheerooyin

Sidii roob go’eed oo ku da’ay, guri abaareystay

Oo xareedda goonyaha dhigoo, daadku gabi dhaafay

Oo laga gurtoo, geelu dhalay, gayi barwaaqeeey

Ineey gaadhay Xamar baan maqliyo, geeska Oodwayne

Oo guud ahaan geeshka yagu, gumaca soo qaatay

Mahad gaara iga hooya oo, idinna guuleysta.

 

Afartaa godkii aad dagteen, garab is taaggiis dheh

Arar gaaban, soo galid silsilad, geenyo danankeed dheh

Godal qaadka maan gaaxsanaa, gaagax diidkiis dheh.

 

Afar kale gaddii aad dhigteen,guda galkeedii dheh

Dulucdoon ka geeraaro iyo, gun iyo baarkeed dheh

Marka horese iga gura fartaan meel ku godayaaye.

 

Aan soo guursho maahmaah gu’wayn Idin garwaaqsiiyo

Qalad garab og, gaajada og guri, lagama guuleysto

Waxaan uga golleeyahay kolleey, wayla garateene

Inta Gado ka duuleyso badi, maynan garan wayne

qaarbaa gadaal noo dhigoon, guul ka dhalin waynay

Gaalkaba kuwaa noola jira, saacad iyo goore

Gacalkeen haddaanuu wax siin, naguma goosheene

Gaal iyo islaam maleh dulligu, waa halkuu galo’e

Isu gees halaga Maro wixiii, dhagar la goohaaya.

 

Gado dhiidhigii ay gashiyo,gaalka kicintiisa

Gulufkeey billaabeen darraad, geesi nimo weeye

Gobanimadii soomaali oon, quursi galin weeye

Garbo iyo dadkii joogay oon, waaga go’in weeye

Caqligii gumeeysiga nacoon, waaga gurin weeye

Hillaac galac leh, mayay soo gugciyo,dhool galbeed weeye

Gargar iyo waxay doonayaan, garab un weeyaane

Gacma wadajirkaas Dowladnimo, gaabis ka ogaada

U bareera geerida illeen, dhimasho waa goore

Inta goolku uu dhalan hayana, aan gunnimo diidno.

 

Weli fari kama qodna, Gabayada loogu talo galay, Taageerada Shacabka iyo gubaabinta umadda Soomaaliyeed inay isku tashadaan kana maarmaan, Ciidamo shisheeye iyo talo shisheeye, Dhaqaale shisheeye iyo Faragelin shisheeyeba.

SHEEKOOYIN