Yaa Khaldan? Yaana Dulman? Q.157-158aad. W/Q. Ahmed Hayow

received_10204784410466642

157.

Deeqa markay gashay gurigeeda oo cidla ah ayay daaratay heeso uu qaado Cumar Dhuule (AHN) heestaas oo ay dhowr jeer ku soo ceshatay.

 

Mudaba arrinbayga siya

Sun iyo oon baan qabaa

Sedkeeygiii baa beryahan

Samada lagu maalayaa.

 

Jaceylbaad ila sidaye

Saaceenii maxaa xanibay

Maxaa sacabadi furaa

Iyana xigigaha dul suray.

 

Malaha waa lagu sitaa

Suuldaarada hayga dayn

Seeftiyo ila gaad warmaha

Dabadeed seexoo hakicin.

 

Adduunku markuu samaa

Saadaashuna ii wacneyd

Adigoon cidna ila simeyn

Waataad boga igu sidaye.

 

Saabkii ku xiranaa wadnaha

Saaxiiboow maxaa bedelay

Taladi aan wada saxniyo

Maxaa samirkii ku dhacay

 

Malaha waa lagu sitaa

Suuldaarada hayga dayn

Seeftiyo ila gaad warmaha

Dabadeed seexoo hakicin.

 

Runbaa lagu wada socdaa

Maxaa isu kaa sawiray

Saboolnimadiyo fakhrigan

Miyaan isku seeganahay.

 

Waxbaad yar saluugsantee

Si fiican wax iigu sheeg

Haddii kale yaan sinaba

Sheekada leynaga sadheeyn.

 

Malaha waa lagu sitaa

Suuldaarada hayga deyn

Seeftiyo ila gaad warmaha

Dabadeed seexoo hakicin.

 

Deeqa kor ayay heesta ula qaaday ayadoo dhadhansaneysa (malaha waa lagu sitaa, Suuldaarada hayga dayn, Seeftiyo ila gaad warmaha, Dabadeed seexoo hakicin) ayadoo ay ilmadu ka daadaneyso ayay isku tuurtay sariirteedi.

Raage waxaa u yimaadeen qolooyin ka socda maamulka gobalka New York, waxayna u keeneen lacag mowdhow ah oo gaareysa 500 oo kun, waxayna u sheegeen inay bixinaayaan kharashka ku baxaaya daaweyntiisa oo dhan.

Laba sitimaan kadibna wuxuu ka soo baxay Cisbitaalki ayagoo diyaar u ah inay Soomaaliya u dhoofaan, weliba ayadoo aanay Layla ka warheyn qorshaha ay damacsan yihiin Raage iyo Yaasmiin, waayoo waxay sheekadooda dhammeysanaayeen inta ay Layla ku maqan tahay gurigeeda oo ay Yaasmiin lajoogto.

Raage wuxuu akhbaar ka helay Aabe Daahir oo siiyay nambarka guriga ay u guureen, Raagana wuxuu u sheegay inay gabadhiisa Deeqa soo wici doonto, ayadana markuu siiyay nambarka reerkeeda ayay ku tiri: “Raage waad ogtahay inaan reerkeeyga u illaabay adiga daraadaa oo aan haysan weji aan Aabaheey kula hadlo” Raage ayaa yiri: “anigaa kuu sameeyay weji aad kula hadli kartid, waayoo bil walba waxaan u diraayay lacag aad adiga ku qoran tahay” Deeqa ayaa tiri: “hadda soow lagama yaabo inaan dib dambe kuu arko?” Raage ayaa yiri: “inta aan bixin ka hor ayaan mar is arkeynaa, waayoo waxaan rabaa inaan warqadaada been beenta ah ku siiyo” Deeqa ayaa tiri: “waan diidaa inaad ifurto” Raage ayaa yiri: “taana dariiq loo maro ayay leedahay” Deeqa ayaa tiri: “hadda xageed joogtaa, ileyn dacwadi waa dhammaataye?” Raage ayaa yiri: “dacwadaas racfaan ayaa laga qaatay oo weli ma dhammaan, mana rabo in la iga dhigo qof howlahaas wax ka ogaa, haddana anigoo huba inuu Kamaal ka dambeynin waxa igu dhacay, laakiin aniga iyo adiga waan ku wada kulmi karnaa maxkamadda furiinka, wakhti aan ku kulano oo midkaas ka fiicana maba haayo” Deeqa ayaa tiri: “sawiradaadi ayaan guriga ku dhegsaday, sawiradaas oo uu ku jiro midki aad gacanta igu sawirtay” Raage wuxuu ka baqay inuu u sheego inuu sawiradeeda jeexjeexay, markaa ayay Deeqa ka codsatay inuu hal sawir la galo si ay xusuus uga dhigato, markuu ka diiday ayay waydiisay: “Yaasmiin ma isla sawirtay?” maxaa afkeeda ka keenay waayoo way qaracantay markuu u sheegay inay isla sawiran yihiin iyo inay isku sawireen Soomaaliya, Deeqa waxay ka bixi waysay calaacal iyo shallaay: “Alla naagtaan hoostaad igala waday, doqon ayaan ahay oo kuma fahamsaneyn” markay cabbaar iska catoowday ayuu ku yiri: “Deeqa qofka doqonka ahaa waa aniga ee adiga doqon ma tihid, laakiin hadda iska illoow sheekadaa oo dhan ee reerkaaga wac una sheeg inaan kala tagnay ileyn anigu waxba uma sheegine, waxaa kale oo aad u sheegtaa inaan Soomaaliya u socdo” Deeqa way diiday inay wacdo reerkeeda, markaa ayuu ku yiri: “haddii aan woco maxaan ku dhahaa?” Deeqa ayaa tiri: “waxaan rabaa inaad wacdo anigoo kula jooga” Raage wuxuu ku khasbanaaday inuu kulankaa aqbalo oo ay Deeqa timaado guriga Yaasmiin.

Maadaama uu Raage rajo ka laheyn inay Deeqa u sheegto reerkooda inay kala tageen, wuxuu go’aansaday inuu asaga u sii sheego, markuu guriga wacay waxaa ka qabatay Hooyo Aamina, markuu salaamay ayay Hooyo Aamina tiri: “waryaa waxaad tahay caasi weynaaday ee salaantaada ma rabee ii dhiib gabadheeyda” Raage oo raba inuu waydiiyo sida uu caasiga ku noqday, ayay Hooyo Aamina ku tiri: “war badan ma rabo ee ii dhiib gabadha aad gadaal marsatay oo aad reerkeeda nacsiisay, mar walbana xamaaliga kuu ah adigoo raaxeysanaaya oo reerkaaga kuugu yimaadeen lacagta ay gabadheena shaqeysay” Raage oo hadalkaa ka xanaaqay ayaa isceliyay, wuxuuna ku yiri: “Aado wax jira moogaa tahay oo kula yaabi maayo” intaa markay afkiisa ka sii dhammaaneysay ayay Hooyo Aamina tiri: “ma anigaad weliba icaayneeysaa oo aad i aflagaadeyneysaa! haddaad gabadheeyda sii qabto marada aan ku jiro naag kuma jirto” Raage ayaa yiri: “Eedo kuma caaynin, caayna kuuma quuro, Deeqana weli isma mehersan” asagoo hadalki wada ayay mashxarad kaga kala gooysay markaa ayay tiri: “waa guul haddii ay weli xur kaa tahay, haddana dib dambe u arki mayside ha ila soo hadasho, adigana dib dambe ha noo soo wacan” Raage oo yaaban ayay telefoonki ku demisay, Yaasmiin oo agtaagneyd ayaa ku qososhay markay ogaatay waxa kala qabsaday Raage iyo hooyo Aamina, markaa ayay uga sheekeysay wixii kala qabsaday hooyadeed iyo hooyo Aamina oo maalin walba dagaal diyaar ula aheyd hooyo Kiin, xataa ayadoo aan hubsan xiriirka dhabta ah ee ka dhexeeyay Aabe Daahir iyo hooyo Kiin oo diidaneyd inay guursato Daahir, ololihi ay reerka ku qaadayna inuu keenay inay xaafadda iskaga guuraan iyo marki ay yareyd inay hooyo Aamina ula caaytami jirtay sidi naag weyn, xataa kadib markay hooyadeed dhimatay.

 

158.

Yaasmiin ayaa Raage ku tiri: “Deeqa hooyadeed waan iska cafiyay oo wax dembi ah uma haysto, waxaana kaa codsanaa inaad adigana iska cafiso, sababtoo ah waxaa dhici karta inay khalad kaa fahamsan yihiin” Raage ayaa yiri: “waxaan ka baqaayay inaad adiga igu kaalmeyn waydo reerkaa oo aan filaayo inay aniga iga maarmi doonin, haddii aad sidaa ku fekereysana waa midda aan anigana ku fekeraayay” kadib ayuu Raage wacay Deeqa wuxuuna ku yiri: “berri subax ayaan kuu imaanaa, si aan reerka ula hadalno, kadibna aan u aadno maxkamadda furiinka” Deeqa ayaa tiri: “furiinka waxaan ka qabaa dood” Raage ayaa yiri: “furiinka adigaa hore u dalbaday, hadda haddii aad diidana awalba been been ayuu ahaa, midda kale waxaan kuu sheegaa inay hooyadaa igu eedeysay inaan aniga kaa horjoogay oo aan kuu diidanahay inaad reerkaaga la hadasho, reerkana waa kuu baahan yihiin ee la hadal, anigana haddii aad iga diiday inaan maxkamadda tagno, waxaan iska baxaa anigoo been been kugu qaba, taasna waxay kuu keeneysaa inaad nin kale guuraan wayso” Deeqa ayaa tiri: “madaxeyga iskala tag haddii aad rabto, waayoo inaad isiiso wax muraad ah kama lihi mana rabo inaan guursado nin aan adiga aheyn” Raage ayaa yiri: “reerkaaga intaad la hadasho ma u sheegeeysa waxa jira? mise anigaa u sheega?” Deeqa waxay tiri: “haddii aan kaa furneyn oo aad weli iqabtid maxaan reerka u sheegaa?” Raage ayaa ku yiri: “anigaa u sheegaayo inaan ku kala tagnay guurki been beenta ahaa ee cafis iyo masaabax” Deeqa oo ooyneysa ayuu telefoonki ku dhigay, markaa kadib ayuu wacay reer Daahir si uu ugu sheego xaqiiqda jirta, waxaa ka qabatay Ayeeyo Mulaaxo oo kaligeed guriga joogtay, markuu salaamay ayay isla markiiba codkiisa fahamtay, kadib wuxuu Raage u sheegay wixi jiray oo dhan, Ayeeyo Mulaaxo ayaa tiri: “maandhoow inay wax jiraan waan dareensanaa, laakiin adiga wax shaki ah igama kaa gelin” Raage ayaa ku yiri: “Ayeeyo khaladka dhacay anigaba waxbaan ka leeyahay, sababtoo ah waxay aheyd inaan goor hore idin soo woco” Ayeeyo Mulaaxo ayaa tiri: “inaad noo soo sheegin waad ku saxneyd, waxaadna ku ogaatay Deeqa” markaa ayuu u sheegay inuu Soomaaliya aadi doono, Ayeeyo Mulaaxo ayaa ku tiri: “Raage anigana waxaan rabaa inaan dalki ku laabto, waayoo halkan waan ku curyaamay” Raage ayaa ku yiri: “markaan Soomaaliya tago, ayaan kuu soo diraa tigid aad iigu timaadaan haddii ay reerka ku soo raacaayaan, haddii kalana adiga kaligaa ayaan kuu soo diraa, haddii aad ila joogeyso” Ayeeyo Mulaaxo ayaa u duceysay, waxayna ka ballan qaaday inay Daahir iyo Aamina la socodsiineyso, markaa ayuu Raage ku yiri: “waxaan kuu qoraa telefoonka Deeqa” Ayeeyo Mulaaxo ayaa u soo yeeratay wiil yar oo deris la ah si uu nambarka ugu qoro, kadibna waxay Raage ka codsatay inuu la soo xiriiro markuu dalkii tago.

Raage ayaa Yaasmiin ku yiri: “Yaasmiin hadda wixii ka dambeeya diyaar ayaan ahay ee walaalkaa Saacid miyaan kaa doontaa?” Yaasmiin intay qososhay ayay tiri: “Saacid hore ayuu ii kaa siiyay, haddana haddii aad rabto waad iweydiisan kartaa” wixii ka dambeeyay waxay Raage iyo Yaasmiin isu diyaariyeen safar aan laga maleysaneynin oo laga war helay laba maalmood markay ka dhineyd bixitaankooda, waxayna ku heshiiyeen inay Soomaaliya ka dhigtaan xafladooda arooska, arrintaa waxaa aad uga qaracantay Layla oo ku dhawaatay inay waalato, inkastoo uu Raage u sheegay inay tahay gabar yar oo uu u qadariyo sidi walaashiis ka yar oo kale, hadalkaas Layla kuma qancin, waxayna Raage u sheegtay inay uga daba imaaneyso Soomaaliya oo laga keenay ayadoo seddex sano jirta.

Wuxuu Raage uga tegay walaalkiis lacag gaareysa 50 kun, maalinta ay baxaayeen ayay Deeqa ka war heshay, ayadoo ay soo weceen reerkeeda oo ay u sheegtay inay ayada masuul ka aheyd ka warqab la’aantooda, Raagana uu wax dembi ah ku laheyn, Aabaheed markuu intaa maqlay ayuu gabadhiisa ka qancay, Deeqana waxay nasiib u yeelatay inay aragto Raage iyo Yaasmiin oo u sii socda diyaaraddi ay raaci lahaayeen, waxayna ka soo laabatay ayadoo ka ciil qabta sida ay Yaasmiin ugala wareegtay Rr.

 

La soco qeybaha dambe.

 

 

SHEEKOOYIN