KAASI WAA WIILKAYGA. (SHEEKO XIISE LEH). Qore Mohamed Musa Sh. Noor

sheeko

KAAS WAA WIILKAYGA

Qabytii 2aad

Waxaa dhacday in ay yimaadaan ciddii uu Cali ka dhashay, is marxabayn is waraysi iyo is barashab kadib, waxaa si lama filaan ah u cudurdaartay Aabahey oo si la yaab leh isku baddalay kadib markii uu si toos ah ugu sheegay Cidda Cali in uusan doonayn in gabadha laga soo doontay uu baxsho.

Meeshii waxaa ka dhashay is maandhaaf, xitaa adeeraday oo loogu yeeray in la I bixinayo ayaga naftooda kuma qancin waxa meesha ka dhacay la yaab ayeyba ku noqotay baa la oran karay, maxaa yeelay, waxa loogu yeeray iyo waxa meesha ka dhacay maba ahayn laba is leh.

Si hoose oo ay iskula hadleen aabe iyo walaaladii kadib ayay isku af garteen in Qorshaha guurkan la hakiyo, maadaama wax badan oo aysan jeclayn filayna ay soo baxeen, sidaa darteed guurka dib loo dhigo iyagana laga war sugo.

Sidii ayuu kusoo idlaaday fadhigii loogu tala galay in lagu go’aansho mustaqbalkayga, kaas oo noqday mid aan I farax galin, waxaan sugay inta adeeryaal ka dhaqajinayaan fadhiga si aan aabe ula hadlo waydiiyana sababta keentay in wixii aan rajaynayay ay suura gali waayaan.

Markii aan isku soo harnay waalidkey ayaan waydiiyay sababta, waxaana warka la iigu soo koobay in Cali uusan ii qalmin nolol ahaan iyo haybad ahaan taas oo ay ula jeedeen In aysan ku qancin Qabiilka uu kasoo jeedo Cali oo markii hore ogaal aysan u lahayn, balse marka fadhiga la isku waraystay kadib ay ogaadeen, sidaana ay ku go’aansadeen in guurka la baajiyo gabi ahaantiisba.

Waxaan waydiiyay sababta keentay in Qabiil dartii Wiilka aan calmaday la iigu diido? jawaabta la I siiyayna waxay noqotay mid aanan ku qancin, hadalna waxaa la iigu soo gaabshay in aan ahay Gabar la dhalay mas’uulna laga yahay waxa u wanaagsana aan garanayn oo Damac iyo Dareen been ah uu wado, sidaa darteed in la iga difaaco damacaas beenta ah ay waajib tahay, sababta ay guurka u diideena ay tahay bad baadadayda, calina sababta uu ii guursanayo ay tahay dhaqaalaheena dartiis, taas oo runtii gabi ahaanba aan ku diiday ciddeena.

Kadib markii ay dhacday dhacdadii lama filaanka ahayd ayay Cali iyo reerkooda go’aansadeen in dib dambe aysan reerkeena ugu soo laaban, calina waxaa lagula dardaarmay in uu iska key hilmaamo, bah dilaadda ku dhacday ciddiisana isaga ayaa dusha laga saaray, oo waxaa la yiri “Reer aan u bislayn bixinta gabadhooda ma ahayn in aad noo dirto”

Cali aad ayuu runtii ugu xumaaday dhacdada meesha ka dhacday, waxuuna go’aansaday in uu iga haro dib dambana uu noloshayda qayb uga noqon, balse aniga oo ahaa midda jacaylka daran u qabto, shan sanan cali uu ku beerayay jacaylkaas, aqbashayna in ay marwadiisa noqoto ayaa kula dardaarmay in mar walba ay waddo jirayso, waqtina uu ii siiyo hanashada waalidkayga, maxaa yeelay wali kama aanan quusan waalidkayga, oo waxaan is lahaa haddii waqti la siiyo arrintan in ay dhamaan karto.

Cali wuu iga aqbalay inkastoo aan wajigiisa ka dheehan karay Quus iyo Nacayb uu ciddayda u qabo, maadaama arrintii dhacday aysan ku ekayn oo kaliya Gabar la isku diiday ee ay meesha ka dhacday af lagaado loo gaystay shaqsiyaddiisa iyo Reerka uu kasoo jeedaba.

Aniga Hani ah waxaan arrintii kula laabtay waalidkayga, hooyaday oo ahayd midda xoogaa ii dabacsan ayaan la wadaagay arrinkayga una sheegay in wali aanan ka quusan Cali, doonayana in dib la iigu soo celsho damcayga ku salaysnaa noqoshada marwadiisa, taas oo ay hooyo ii muujisay in ay adagtahay suura galnimadeeda, taa baddalkeedana ayba ii sheegtay in la doonayo in dhawaan la iga dhoofiyo Waddanka oo waxbarasho ahaan la iigu diro xagaa iyo Dalka Talyaaniga.

Hammi badan oo nolosha ah waan lahaa, Riyada ah in mar uun aan Jaamacad dibadda kasoo dhigtana waa igu jirtay oo waan rabay, balse marka ay hooyo warkaas igu tuurtay halkii aan ka farxi lahaa waxay iila mid noqotay Waran la iiga dhuftay Caloosha, naxdinta aan naxay darted, Neef aanan carafteeda ku farxina afkayga waa kasoo baxday Naxadinta iyo Amakaaga aan ka qaaday arrintaas hooyo ii sheegtay darteed.

Dunida waa harka labadiisa galin, waa jirtay mar aan ku naaloonayay Hammiga nuucaas ah, haddase hammiga ii muuqda waa Cali, isaga ayaana ii noqon kara Iftiinka aan doonayo in aan usoo baxo, Alle muxuu Dareenku kolba Geed kula hoos fariistaa ayaan is waydiiyay!

Waxaa noqday mid ku dhex luntay rabitaanka qoyskeeda iyo midka wiilka ay calmatay, oo waxaa la oran karay aniga hani ah ay ayaa bartamaha u noday Dagaalka labada dhinac ee waalidkey iyo wiilka aan jeclahay ee Cali, waxaan ogaaday in Waddo kale oo ii furan aysan jirin in labada dhinac dhinac aan raaco mooyo.

Rabitaankayga meesha kama muuqdo, sidaas si la mid ah go’aan ka gaaridda noloshayda ayaa meesha ku luntay, Cali iyo reerkayga ayaan u dhaxeeyaa, waa Dagaal runtii aanan aniga awood u lahayn koontaroolkiisa.

Dhibanaha mar walba uu dhibka ku dhacayo waa iska daacad oo qof digtoon oo og halka dhibka uga imaan karo ma jiro, sidaas darteed ayaan u dhaxeeyaa, daacadna u wada ahay waalidkayga iyo wiilka aan calmaday ee naftayda ku raali noqotay.

Waxaa dhacday In aan mararka qaar is waydiiyo sababta aan Cali u xigsanayo, maadaama uu yahay wiil waqtiga I baray, waalidkaygana ay yihiin kuwa dunidan in aan imaado sababteeda leh qofka aan maanta ahayna iga dhigay, ilaa haddana waxa ay doonayaan ay tahay horumarkayga, waxaana mararka qaar is tusayay in aan cali maca salaameeyo, hadana waxaa jiray wax iga awood badan oo ii jiidayay dhanka Cali.

Cali isagu waa hore ayuu go’aan gaaray, go’aanka uu gaarayna wuxuu ahaa mid ku salaysan Aargudasho uu ka aarguto ciddayda, qofka uu waddadaas u isticmaalayana ay noqoto isla aniga, balse taas ma ahayn mid ku baraarugsanahay oo waxaa I indha tiray Jacaylka aan u qabo isaga.

Waxaa dhacday iyada oo lagu jiro diyaarinta bixitaankayga in cali uu isaaro cadaadis daran, kaas oo markii dambe uu ku guulaystay kadib markii uu iga dhaadhacshay in aan is Meher xadno, taas oo aan si indha la’aan ah uga aqbalay.

Mararka qaar marka aan soo xusuusto maalintaas oo ahayd maalin saamayn wayn ku yeelatay noloshayda inta ka dhiman waan iska ooyaa, maxaa yeelay haddii maalintaas aanan qaadan lahayn go’aankaas maanta ma ahaadeen sida aan ahay.

LA SOCO QAYBTA 3AAD ISNIIN WALBA INSHA ALLAH

W/Q: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN