Home Sheeko QOOREY W/Q; Shaakir Maxamed Cabdullaahi

QOOREY W/Q; Shaakir Maxamed Cabdullaahi

1
SHARE

shaa

QOOREY

 

AFEEF

Sheekadani waa mala-awaal (fiction), dhacda kasta oo run ah oo sheekadani ay u ekaato waa wax isku soo beegmay si kama ah. Cid nool ama dhimatay oo ay ku saabsantahay ma jirto..waa shaqo-faneed (literature work).

Barre Gaabow magaciisa saxda ah waxaa ka shaacsan naanneystiisa caanka ah -Qoorey. Waxayna ugu baxday dhaawac xanuun badnaa oo qoorta kasoo gaaray waqti 15 sanno laga joogo. Ciddii dani kasoo gasho oo “Barre Gaabow” ku heybisa qof u tilmaama ma arkayo jeeruu ‘Qoorey ma aragteen?’ ku yiraahdo. Qoorey xaafadda uu deggenyahay wuxuu kaga tilmaamanyahay ninka ugu caansan ee ugu magaca dheer. Sannadkiisii saddex iyo soddonaad ayaa galay. Waa nin dherer xiga oo dhuuban. Midabkiisu waa maarriin. Wuxuu qabaa timo aan jileec iyo jareer midna ahayn oo markuu shanleeyo hirar yeesha. Labdiisa indhood had iyo jeer waa casaan aad mooddo in dhiig uu ka socdo. Tobankiisa farood ee labada sacab midbaa go’an. Farey waa la dhihi lahaa ee dhaawaca qoortiisaa horreeyay. Qoorey shaarka uu qabo iyo qoriga deegta u suran waa isugu ahmiyad. Qori la’aan qaawanaan buu u haystaa. Wuxuu leeyaha koox saaxiibbadiis ah oo isaga uu tusaale u yahay. Amarradiisa in ay yeelaan waxaa geyeysiiyay qabiidnimada, dad dilka iyo arxan darrada uu qabo. Qoorey markuu qof dilayo waxaa la maleeyaa in uurkiisa dhibic naxariis ah aysan ku jirin. Laba maalin ka hor ayay dhacdo arrintaasi daliil u ah dadku arkeen. Xaafaddiisa laamiga hor maro, ayay isaga iyo saaxiibbadii jid-gooyo, ay baabuurta baad uga qaataan u tiil. Aroortii hore ayay soo fariisteen geed laamiga dacalka ku haya oo hareerihiisa rag iyo dumar badani meherado iyo dukaammo ku haystaan. Baabuurkii soo maraba 3,000 oo shilin ayay ka qaataan. Mar ay tahay 11-kii barqannimo ayay baabuur caasi ah joojiyeen. Sida caadiga ah wadaha ma dhiibo lacagta ee kirishboyga ayaa bixiya saa isagaa lacagta gacanta ku haya oo rakaabka ka uruuriyee. Qoorey dhagax weyn oo geedka hoos yaal buu ku fadhiyaa; ciidankiisa ku ka mid ah ayaa baaddii u doonay. Kirishboygii iyo mooryaankii oo murmaya ayuu ku baraarugay Qoorey. Fadhigii ayuu kasoo booday una yimid labadii dhallinyaro oo ilaaqtamaya. Wuxuu ku yiri isagoonba cid kale wax warsan ‘Waraa yarow lacagta ma na sii hee mise na sii meysid?’ Kirishboygii oo rajo uga jirto in uu mooryaanka weyn ku qanciyo in socodkaan laga cafiyo ee kan kale uu bixiyo ayaa yiri ‘saaxiibow hadda dhow aan soo shaqo galnay…marka soo noqodka aa ku siiheennaa ee naga qalleey.’ Qoorey intaas markuu maqlay hoostiisa ayuu in door ah fiiriyay isagoo aamusan, dabadeed saddex tallaabo ayuu gadaal u qaaday, qorigiisa ayuu si deg deg ah ugu aaddiyay kirishboygii oo hor taagan. Intaas markuu sameeyay ayay dadweynihii hal mar isla dheheen ‘Alla ha dilin!’ Weertaas calaacalka ah waxaa ku xigay shan xabbadood oo baas ah oo jirkii kirishboyga dhanka kale uga baxday! Laan geed ah oo meel sare masaar lagaga soo gooyay oo kale ayuu wiilkii yaraa laamiga dhinaciisa si dadab ah balaq ugu yiri!

Dhawr iyo toban jir kolkuu ahaa ayuu Q oorey fuulay tiknikada ay reerkiisu leeyihiin isagoo berigaa dugsi ka carar ah. Muddo yar gudahood qori ayuu garabka surtay kana qeybgalay dhawr dagaal. Dagaallada si fudud ayay magaalada uga qarxi jireen. Mar walba oo laba reer ay miyiga ku dagaallamaan dirirtu baladka ayay usoo gudubtaa.

Mararka qaar Qoorey wuxuu gacantiisa ku dili jiray nin dhakhtar, injinneer, macallin ama  ganacsade ah oo ku abtirsada reerka ay dagaashanyihiin. Maalin baa la tusay nin miyiga ka yimid loona sheegay in uu yahay reerkii ay dirirtu ka dhaxeysay. “Waryaa istaag” ayuu ku yiri isagoo qoriga ku taagaya. Ninkii intuu sasay ayuu jihadii uu u jeeday u cararay. Roob ayaa da’ayay dad fara badanna jidka ma socon. Waa ay is ceyrsadeen. Dhawr xabbadood ayuu ka daba riday, laakiin nasiib wanaag kuma dhicin. Ninkii reer miyiga ahaa wuxuu is yiri jidka ka leexo oo xaafadaha ku dhex carar, gees markuu isku weeciyay ayuu  god yar oo dac leh ku kufay! Qoorey oo neef tuuraya ayaa dul yimid. Isagoonba erey dhihin ayuu si arxan darro ah dhawr xabbadood dhulka kula nabay! Dhiiggii ninka iyo dacdii baa isku darsamay. Falka noocaas ah markuu sameeyo Qoorey wuxuu isku arkayaa halyey ilaaliyay sharafta reerkiisa deyn lagu lahaana ka guday.

Subax kasta isbaaro ayuu usoo kallahaa Qoorey, duhurkii marka la gaarana wuu ka rawaxaa oo qaad ayuu suuqa u doontaa. Isaga iyo saaxiibbadii qayilaad bay u fariistaan waxayna ku gaaraan xilli danbe oo habeenkii ah; in yar ayuu jiiftaa oo hurdo fiican ma helo. Sidaas darteed ayay indhihiisu mar walba guduudanyihiin. Balse dadka xanta waxay dhahaan dhiig daadinta ayay la casaadeen idhihiisu. Meerta-nololeedka noocaas ah Qoorey wuu ka daalay. Aad buu qalbigiisa u gubtaa marka uu dad xoolahood dhaco ama qof uu kaw ka siiyo. Hayeeshee muddo gaaban dabadeed wuu halmaamaa oo argagixintii dadka iyo dhaca maalkooda meesheedii ayuu kasii miisaa. Wuxuu muddo badan is weydiiyaa MAXAA KUGU QASBA DILKA IYO DHACA? Sabab kasta oo kale marka uu iska fogeeyo oo uu is dhaho alleylehe waxaa la gaaray waqtigii aad towbo keeni lahayd ayuu ogaadaa in qaad cunista uusan iska dhaafi karin. Kaligiis intuu isla hadlo ayuu dhahaa ‘isbaaro haddaan iska dhaafo qaad xaggeen ka helaa? Ma shaqaysto, dibadda lacag laygama soo diro… cid qeybta jaad ii qaadeysa ma helayo. Jid aan dhaca ahayn ma hayo oon qaad ku heli karo.” Qoorey si kasta ayuu isuga dayay wax kastana wuu sameeyay laakin wuu kari waayay in uu qayilaad iska dhaafo. Subax buu hurdada ku daahay. Barqadii ayuu toosay. Bille-daye ayuu wejigiisii ku eegay. Indhihiisa ayuu la yaabay sida ay u cas casyihiin. Afka ayuu kala qaaday si uu gawsihiisa u arko. Mise waaba xorshosh madow qadiid ah leh. Ilkihii kale, midab huruud iyo casaan-ka-warqab ah ayaa lafta ka galay ood mooddo in lagu milay. Midabkiisii maarriinka ahaa wuu qayirmay. Aad buu naftiisa uga naxay. Markuu is dhaho ‘hawshan xun maad ka hartid’ naftiisa xun iyo sheydaanka baa ku dhaha ‘jidkani meel fog baad ku gaartay…sahalna loogama soo laaban karo.’

Qorraxdii baa soo baxday oo haddana makhribkii dhacday, habeen caddaa la galay oo mugdi baa xigay, roob baa da’ay oo jiilaal baa raacay. Ilmihii uurka lagu siday baa dhashay oo dugsi u dareeray. Waqtiga wuu socday oo cidna ma sugin. Qoorey wali meertadii caajiska iyo niyad-jabka badneyd ayuu ku noolyahay,  afartan gaad ayuu noqday oo da’diisii waa korortay. Wali sidii buu dadka u dilaa, isbaaro u dhigtaa una qayilaa. Ilkihii qaar baa ka jajabay, dhaawacyo kale ayaa addimada hoose ka gaaray. Sidaa ay tahay wali qorigii iyo qaadkii ayuu dabada hayaa. Qoorey berigii hore ayuuba roonaa oo uu is canaanan jiray naftiisana la hadli jiray. Immika caqli, maskax iyo miirba waa ka tagay. Waxaa la moodaa meyd iska socda oon fool iyo jiho lahayn. Madaxiisa dil, dhac, qaad, iyo xumaan kale uunbaa durbaan ku tumata. Markii ugu danbeysay oo uu miyir lahaa wuxuu is weydiiyay YAA KA MASUUL AH SIDAAN INAAN NOQDO? YAAN EERSANAYAA OO JIDKAAN XUN INAAN QAADO IIGU WACAN? Qoorey wuxuu garan waayay cid uu eedda saaro. Ma waalidkii dhalay? Ma macallinkii dugsi Quraanka? Ma darawalkii waday tiknikada uu geesta ka fuulay? Ma saaxiibkii mooryaanta kale baray? Ma odayga reerkooda ee dagaalka qabiilka geliyay? Ma bulshadii u sacab tuntay sidii halyey qaran? Qoorey noloshiisii sidaasi ayuu hoggaanka uga hayay ilaa uu ka noqdo mooryaan weyn oo ruugcaddaa ah. Mooryaan laga cabsado oo magaciisa ciyaalka lagu seexiyo. Mooryaan horor ah oo la isku baqdin geliyo. Mooryaan haddii la doono la gadan karo oo qofkii xunba dan xun uu ku qunsado. Qoorey afartan buu gaaray isagoo sidaas ah. Isagoo wali sidii u indho guduudan oo xumaan oo dhan tusaale u ah. Qoorey wuxuu ku niyad qabowsan jiray marka uu arko mooryaan kale oo fara badan oo sidiisa jidka toosan uga weecmay, wuxuu hoos ka dhihi jiray ‘kaligaa miyaa xun? Kaligaa miyaa dad dila?’ Haddii uu wacdi wadaad maqlo oo aakhira xusuusiya wuxuu dhahaa ‘aakhiro hala gaaro.’  Sidaa ay tahay mar kasta oo uu miyir yeeshana wuxuu is weydiin jiray JIDKAN QALLOOCAN INAAN RAACO YAA KA MASUUL AH?

 

DHAMMAAD

Shaakir Maxamed Cabdullaahi

shaakirmc@gmail.com

 

SHARE

1 COMMENT

Comments are closed.