Sooyaalka Noloshii Sillooneyd Q22AAD.

Sooyaalka Noloshii Sillooneyd Q22AAD.

Samatar

Waxaa loo dhaqaaqay, Dhaawac gurid iyo Mayd aasid, Ilbir farruurta ayuu ruugayaa waa gaadmadii labaad, waxaa horre loo dhaawacay Korneylka, haddana waxaa loo socdaa waa isaga iyo labada wiil, sidoo kale waxaa gacantiisa laga bixiyey walaashiis oo magan u ahayd oo uu ballan ka qaaday.

Ilbir xaalkiisu dhinacna kama degana, waxaa soo wajahay maalmo kale oo madoow, isagoo iska tirtirey xasuustii qadhaadheyd ee uu ku soo korey, wuxuu dhaar ku marey, inuusan nasan oo jiifsan ilaa uu god ku oggaado, Abu Salmaan iyo Dalmar.

Waxaa isu yimid ciidankii oo dhan, waxaana la billaabay tabaabulsho, markiiba waxaa la furey maqaasiinadii rasaasta, waxaana qoryihii cuslaa lagu wada qorey sidii loogu kala xirfad badnaa, ciidanka waxa jira kooxo dibad jooga, oo marka xaalku xumaado buunka loo yeedhiyo, inta kale danahooda gaar ahaaneed iyo kuwooda qoys wata, kuwiina waa la keenay, waxaa la xidhay dhammaan wadooyinka soo gala, ama ka baxa magaalada, waxaana weerar iyo baadhid loogu dhaqaaqay meel kasta oo ay joogaan.Goor ay fiid tahay ayaa waxaa la sheegay in ciidankaasi magaalada ka baxeen oo aysan joogin, hase yeeshee marnaba lama joojin baadigoobka, habeenkan magaalada waxaa ka dhacayey, hujuumo iyo weerar lagu qaaddayey cid walba oo laga shakiyo, waxaana halis galay, dadka sida wadaada u lebisna oo fatash iyo su’aal nafta looga qaadday.

Caawa waxaa ciidanka hoggaaminaya Hanad, hanad waa nin gaashaanqaad ah labaatan jirsaday, wuxuu noqday laba lafood geesiya oo aan ishiisu libiqsan, haddana wuxuu aad ugu ciil qabaa, inuu nolosha ku qabto, Dalmar si uu su’aallo badan oo naftiisa gubaya u weydiiyo inta aannu dilin.Hadda xaalku walaalnimo iyo saaxiibnimo waa ka gudbey, waxay taagantahay is ugaadhsi, maadaama uu tirroba saddex jeer isku dayey inuu shirqoolo Hanad, hadda isaguna wuxuu taaganyahay, aragtidaa naga dhaxaysa, sidoo kale waxaa qaybta kale hoggaaminaya Doolli.

Doolli waa nin adag, balse ciidanku waxay ku jecelyihiin, waa furahooda farxada, ma daalaan intuu la joogo, waa nin majaajilo badan, waa nin kaftan badan, waa nin dacaayad badan, waa nin aan mar qudha sheekadiisa laga caajisayn. Mar walbana wuxuu ka sheekeeya, Jabkii markuu yaraa iyo siduu wax u xadi jirey, inta jeer ee bellaayo qabsatay, Doolli isagu ma jecla in Dalmar la dillo wuxuu jecelyahay in la qabto oo la xidho, ka dibna wax la fahansiiyo, balse wuu ogyahay go’aanka la qaatey inaanu waxba ka beddeli karin, maadaama Dalmar Korneylkana dhaawacay, sidoo kalena uu duulaan culus caawa soo qaaday.

Waxaa ka maqan hoggaanka ciidanka Qaare, Ilbir shaki weyn baa ka galay Qaare oo uu naftiisa ka jeclaa aadna u aaminsanaa, ka dib markuu dhacay, shirkii Barroow iyo Korneylka ee uu ka qariyey.Qaare waxaa looga tegay dhaawaca iyo xerada inuu ammaankeeda sugo, taasoo wax u dhimaysa, kaalintiisii hoggaamineed, maadaama Hanad oo wiilyar ah lagu aaminey hoggaaminta ciidanka oo weliba uu isagu tababarey.Qaare ma necba Ilbir, sidoo kale Hanad, balse waxaa dhacdey, is fahandarro iyo kalsooni xumo, uu Ilbir u arkay inuu isku dirayo isaga iyo Korneylka hawshana uu isagu wado.

Habeenkii waxba lama arag, maalinnimadii waaberigii ayaa Doolli waxa loo sheegay in guryo xaafad meel gees ah ku yaalla, Baabuur iyo ciidan joogaan, oo shalay fiidnimadii yimaadeen.Doolli waa nin magaalada yar iyo weyn yaqaanna, wuxuu markiiba u dirsaday laba gabdhood oo xijaaban, wuxuuna yidhi gurigaas ii soo hubiya, mid ka mid ahi way taqaana Dalmar, oo waa gabdhihii yaryaraa ee suuqleeydu dhashay.Gabdhihii ayaa guriga garaacay, waxaa markiiba ka furtey haweenay, waxayna u sheegeen, inay u baahan yihiin, Musqul ay ku xaajo ku gutaan iyo biyo ay cabaan, wax dhibaato ah looma arkin, waa la soo dhaweeyey, markii ay hawshooda guteen, ayay aragtey, Dalmar oo meel jiiro ah, Telefoon la taagan oo leh, caawa ayaan soo baxaynaa, weli waa nalagu raad jooga, laakiin waa guuleysanay, cadowgiina waa jebiney, rag badan ayaan ka dilney, Wiilkii Salmaan iyo Hooyadii Sacdiyona waa haynaa, gabdhihii markay warkii soo sugeen, ayay wadada soo qabsadeen, waxayna telefoon u soo direen, Doolli iyagoo u sheegay inuu Dalmar meesha joogo, iyo hadaladii uu telefoonka ku sheegayey, Doolli markuu warkaas maqlay,   isla markiiba wuxuu xogtii u gudbiyey, Ilbir, Ilbirna wuxuu amar siiyey Hanad, si uu tallaabo uga qaaddo, wuxuuna u raaciyey, maanta waa la arkayaa guushaada iyo guuldaradaada.

Hanad oo ordaya ayaa ciidanka dhex yimid wuxuuna isugu yeedhay, Darawaladii baabuurta iyo taliyayaashii unug walba iyo hurin walba, wuxuunna kala hadlay, kaartada dagaalka ee ay ku gelayaan guriga sahankoodu soo arkay.Hanad waxaa laga doonayaa inuu gacanta ku dhigo, Abu Salmaan iyo Dalmar, sidoo kalena badbaadiyo, Sacdiyo iyo Salmaan yare.Hanad ayaa durtadiiba wuxuu dalbaday, laba “Gaadhi dameer” oo raran oo magaalada soo gelaya, in la qabto, dadka wata lacagta xamuulka la siiyo, ciidankana laga dhigo dad reer miyi ah oo magaalada soo gelaya, Hanad waa kaartadii ciidan ee ugu horreysay, wuxuu yidhi Joojiya, tiknikada, kadib wuxuu ciidankii 10 ka mid ah ka beddelay, dharka wuxuuna saarey, Laba gaadhi dameer caws iyo allaabo xamuula sida, iyagoo hubkoodii cawska dhex gashadey.

Sidoo kale xaajiyaddaha dadweynaha qaadda ee u kala goosha magaalada iyo tuullooyinka ayuu lab ka mid ah, iyagana ciidan ku rarey, tiradoodu dhawr iyo toban tahay, oo hubkoodii shiraac ku duubay iyagoo iska dhigaya rakaab u socda tuullooyinka, Saddex gaadhi oo raaxo ahna wuxuu ku sii daayey wadooyinkii dhinacyada ka marayey si aan loo dareensan oo keli keli u socda.Ilbir oo aamusnaa ayaa aad ula dhacey, xeelada ciidan ee uu adeegsanayo, waxaa mar qudha lagu ballamey, in weerar gaadmo ah lagu qaaddo.

Gaadhi dameerkii ugu horreeyey ayaa markuu gaadhay albaabka guriga istaagay, waxaana la socotey gabadh lagu soo badhxay oo kaartada ciidanka wax ka ogeyd, waxaa la istaajiyey guriga hortiisa, waxaana dhacey muran iyo qaylo, Gabadhii ayaa nin ka mid ah kuwii gaadhi dameerka saarnaa, ku dhegtay, iyadoo ku qaylineysa:

“ I sii meherkayga, halkan ila dhaafi maysid maantoo dhan been ayaad igu wadaa iyo waa wareey hayaay”

Raggi gaadhi dameerka saarnaa kala celcelis iyo waanwaan bay galeen.

Waxaa markaas ku soo baxay, dhawr ka mid ah ilaalada guriga Abu Salmaan iyagoo ka codsaday inay buuqa joojiyaan, gaadhi dameerkoodana fuulaan, hase yeeshee codsigaasi waa shaqayn waayey, markaasaa mid ka mid ahi xabbad riday.Xabbada markuu ridayna waxaa ku billaabay kuwii gaadhi dameerka kale saarnaa oo mar horre hubkooda la degay luuqyadana u sii kala galay, isla markiiba waxaa iyaguna, hubkooda la soo degey oo guriga hareeraha uga daatay, qolyihii xaajiyada saarnaa, waxayna gacanta ku dhigeen, Laba gaadiidka dagaalka oo guriga dhexyaalley.

Waxaana xaga dambe ka yimid ciidankii Abuu salmaan oo isku dayey inay yaacaan, baabuurtii raaxada, oo dib u soo laabay, markaasaa waxaa ku dhacay, jab iyo argagax ay u qaateen ineysan jirin meel ay u baxsadaan, 10neeyo ka mid ah waxaa lagu qabtey nolosha, , guriga dhexdiisi, ayaa Bombo iyo Baasuke lagu dhuftey dusha sare kuwa saarnaana waa daateen.Hal mar ayaa dabka lays geliyey oo gugagaca iyo sanqadha rasaastu isu yeedhay, gurigiina Uuro iyo ciiro is qabsatay,  yalowga iyo yuuskuna isu baxay, waxaana ku dhacay ciidankii Abu Salmaan argagax iyo gaadmo culus iyagoo jihadu ka luntey, cid hoggaamisa oo kala hagtana waayey, ninba dhinac u harjadey oo habqankoodu holaca xabbadu leeftey , ciidanka gudaha ku jiray wuxuu gaadhayey 30meeyo, waxaa meeshii la dhigay ugu yaraan 15 mayd ah.

Abu Salmaan markuu arkay sida xaal yahay, wuxuu markiiba gashaday dhar haween, sidoo kale Dalmar ayuu ugu baaqay, naftu waa ma xishootee Dalmarna waa qaatay, wuxuu si hoose u weydiiyey” Sheekh Salmaan, saw nacdali inagu dhici mayso, ileeyn haween baan isu ekeysiinee, Dalmar waa daacad, xadiiskii ayuuna dabaqayaa, balse Salmaan waa nin ruwaayada fahansan, wuxuuna ku yidhi, Daruuri weeyaan hadda, marka nacdali ma jirtee waa ineynu badbaadinaa nafteena, haddii kale, Munaafiqiinta waa guuleysanayaan.Dalmar iyo Salmaan oo laba shuko intey gashadeen ayay haweenkii dhex ordeen, Nasiib wanaagse waxaa la helay, Salmaan iyo Sacdiya oo bed qaba.

Ciidankii ka dhaawacmeyna waa la qabqabtey, keliya waxaa fakaday labadii hoggaamiye Abu Salmaan iyo Dalmar oo ku dhex dhuuntay haweenkii u khidmaynayey.Ilbir guushii uma dhammeystirna, waayo wuxuu ogyahay nimankii duulanka labada jeer ku soo qaadey ineysan sida ku hadhayn.Waxaa isu yimid, Hanad oo qoriga loo yaqaan, “ Dabajeex, Dabamiinshaar ama Badh dalool” sita gaadadiisana, Silsiladda rasaastu ku wareegsantahay oo bus iyo boor oogadiisa qariyey, waxaa isku duubay Ilbir, isagoo dhinac ka faraxsan inuu helay, nin uu naftiisa ku halayn karo, oo walaalkiis ah, sidoo kalena Halyeeynimo iyo maskax isku darsaday.

Baabuurka ayay afka horre ka soo raaceen, waxayna lafa gureen sidey uga guuleeysteen, ka dib Sacdiya ayaa tidhi, Ma ogtihiin, in qaar ka tirsan ciidankiinu lacag qaateen oo aniga iyo wiilkayga isoo sheegeen? ee aannu Salmaan ogeyn meesha aannu joogno, sidoo kale in ciidan yari joogo, ay basaaseen, sidaasna nalagu soo weeraray.Arrinkii ayaa Afkala qaad dhaliyey, waxaana mar qudha lays weydiiyey, waayo iyo waa kuma?

Korneylkii oo loo sheegay sida weerarku u dhacay soona aaday, xerada ayaa u yimid, Qaare oo maqaaxi iska fadhiya, markaasuu yidhi:

“ War Qaare, ma jirantahay maxaa kaa reebay, ragga iyo weerarka?

Qaare aya ugu jawaabay:

“ Maya ee waxaa amar igu siiyey, Ilbir, waxaana ciidanka hoggaaminayey Hanad!

Korneylkii oo dareemay in arrin murugsani jirto, ciidankiisana inuu furfurno u dhawyahay, haddii labada hoggaamiye isku dhacaan, laba colaadoodna ay dhex joogaan, mida koowaad oo ah, Tan Abu Salmaan iyo xertiisa iyo Barroow oo hadduu jaanis ku helo, aan caggo u dhigayn, ayaa aad uga xumaadey, balse hadal kama celine wuxuu go’aansadey inuu sugo inta uu ka imanayo taliyaha ciidanka Ilbir.Qaare oo laftiisu dareensan in isbeddel jiro, balse aan uurxumo ku jirinoo ku kalsoon saaxiibkiis, ayaa ku tallamaya inuu runta u sheego, oo ay hadhoow arrinka ka wada hadlaan.

lbir oo arrin kale ku soo korodhay ayaa soo galay, xeradii isagoon qof la hadlina wuxuu garabka qabsaday, Korneylka oo uu gees ula baxay.

 

La Soco qaybaha dambe.

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

galayr1977@hotmail.com

 

 

SHEEKOOYIN