Gabayga; GUHAAD Curiso; Amino Abdullahi Yusuf

Gabayga; GUHAAD

Gabayga; GUHAAD

 

  1. Adduunyada kolley garannay, oo way gebidhacyeeysaa e
    Gaajiyo harraad iyo marbaad, oon la gubataa e
    Marbaa galal xareed ku gashaa, lagu garguurtaa e
    Gacmahaaga aad uga baxdaa, gaajo iyo oon e
    Galladaa ne Eebba leh iyo, guusha libineed e
    Waxan uga gollee yahay kolley, waad i garataa e
  1. Garaad badan haddaad igu ogeyd, waanigaas guray e
    Geesinnimo haddaad igu taqiin, waan gabbanayaa e
    Afki baa gam yiri oo ka tagay, gabayadeydii e
    Garan waayay xaajadu halkey, geesku leedahay e
    Ila guri Fogaad Maxamadey, galinba waa heer e
  1. Gacalkii i garanaayay wey, iga gadoodeen e
    Bar in aan galoofey la tahay, guran sidiisii e
    Barne in aanba gaabinahayiyo, godob u qaateen e
    Anigune gaddii an ahaa, Guullahaa garan e
    Bal haddii gujeyn leyga heli, gaawaha i siiya!
  1. Duul aan gabdhiyo wiil u harin, oo doon ku wada gooshay
    Duul gabannadoodi badweyn, guratay jiirkoodi
    Oo ay gasiinteen naflaha, Guulle ku abuuray
    Oon ka guban dhibtoodaan nahay e, sow ma garanneysid?
  1. Kuwa Yurubta soo gaaray oo, guusha wada sheegan
    Sida geel horweyn ee la dhacay, gabannadii joogay
    Goblan ubadki laga qaaday oo, giigle baa badan e
    Oo guri madow soo fadhiyo, Guullehey magan e
    Ilaahow gargaarkaagii sii, goor iyo ayaan ba
    Oo gacantaada ugu soo hannee, meel un bey go’ane!
  1. Waa guuldarreeysteen kuwii, Yaman gargaar mooday
    Gunnimey ku caan yiin, Islaam uma garaaban e
    Gabdhahii cafiifyada ahaa, ee gacalka soo mooday
    Waa kaa gondihii ay wada xirtoo, gaday jiirkoodi
    Anigow guhaadaye tolkood, garani maayaan e
    Gurmadkaagi Eebbow ku bixi, gube naftaydii e.
  1. Colaadaha gundheeraaday arrag, saan u kala gaabtay
    Arag cadawga ii soo galoo, gacalka i sheegtay
    Gobol gobol siduu iiga dhigay, iine kala gooyay
    Gucleheyga maa aragtid iyo, garasha la’aanteyda
    Sida uu u gaashaaman yaahay, guniyo baar fiiri
    Gawaankaan ku cararaayo iyo, geed li’ida fiiri
    Gacmo raareceeygiyo i arag, gaarka igu meersan
    U ekaa dad dabargo’ay markaan, gees walba u eeg eegay
    Guulloow Ilaahoow baryada, kama gaboobeeynno
    Adigaan gallado kugu ognahay, geed sidii baxo e
    Nagu soo gufee Waaxidow, meel wal baa go’an e.
  1. Gaalkaan madow oo dhulkii, gallabayeynayo
    Cadawgaan guyaal badan lahaayn, godobti loo daa’ e
    Gobolladi horuu haystay baan, cidi ka goobeeyn e
    Gunta Xamar markii uu galaane, lagu gariifeynnin
    Caleemaha la soo goyay baa, loo gilgilayaa e
    In uu guuldareystuhu waxtari, geesh dhan baa qabo ee
    Isagune u guux waa kanaa, guray hubkiisii e
    Oo guluf colaadeed diree, gees walba u qaadye
    Jiilaalka maatida ku go’ay, haadku guranaayo
    Rabbiyoow ka soo gaar adey, kuu gudboon tahay e
    kane gooso aaqiro kuwii, gaalada u yeeray.
  1. Sida gumarro xoolaad kuwey, Keenyo gadataa e
    Guryahane habeen ugu dhacdoo, gaban ma dhaafan e
    Xabsiyada intaa lagu guraa, lagu garaacaa e
    Kuwo goostay baa iyane jiro, oo gaalnimo u baxaaye
    Oo Furqaanki gaws dhaafsadiyo, googo‘ lacageed e
    Ilaahoow na soo gaar gunnimo, waa la qaayibay e
  1. Gacma furan halkii aan ka rabay, gacan in ley siiyo
    Iyagaa isgoobanahayoo, gudinta soofeystay
    Gurigeygi waa kaa haddaan Taangi lagu guuxi
    Gucunlaha Amxaariyo haddaan, cadaw gucleeyneynin
    Gabdhihii gaduudna sarwaal, laguma giigsheen e
    Cadaw baa gacmaha loo hayaa, kii ka gubanlaane
    Oo ka guure Soomaalidi, garasho ii maanki.
  1. Intaas oo gubtaanyo ah iyado taallo garabkeyga
    Gobannimane guumays ka ahay, gurne filaneynin
    Gacalow bal ii sheeg maxaan, gabay ka hootamin
    Adigaba gartaa qaad Islaam, waw gudboon yahay e
  1. Guleed sharduu noo dhashiyo ina Gureey miiran
    Gaashaanqaadne ay wada noqdaan, geesi wada dhaarsan

    Garmalleyti waan necebahay e, uu jilbaha gaaro
    Sarwaal kane u wada gaaban yahay, goor iyo ayaanba
    Oo godobti raacdeeynayiyo, gobolladii aasmay
    Siyaasadaha garacyadu dhaleen, diido ganacdooda
    Maalintaa markaan gaaro baan, soo gabyi lahaa e
    Sida wabi Ganaanoo kalaan, gees la bixi laa’ e
    Gayigaa ka sheekeeyn la haa, gaafafkaan dhige e
    Rabbiyoow i garsii adey, kuu gudboon tahay e.
  1. Kuwa galabta joogane, Allow gaalo ha u loogin
    Oo nagu gargaar waa inagaas, goob walbaba naal e
    Wax dhan baan u guuxay e, Allow gacanta noo hoori.
  1. Ilaahow guddoonsaday gafkaan, geystay oo idil e
    Ilaahow waxaan galo ma jiro, amase gooyaa e
    Ilaahow gacmaha taagtay oo, gorodda laadlaadshay
    Ilaahoow gargaarkaagi baa, loo galliin yahay e
    Ilaahow go’doon baan nahaye, galabta noo hiilli
    Oo dhulkeenna gees iyo ka gees, nabadda gaasheeyso
    Oo guga u soo raaci iyo, roobka gobbo’diisa
    Oo colaada waa ina gubtay e, galab ka sheekeynno.

.Dhammaan.
.
.

 Qormo: “GUHAAD”
 Wq Amino Abdullahi Yusuf

SHEEKOOYIN