Gabayga: “Ka la mudan” Curiye: Cabdi Nuur “Waddani”

11753272_407581792785865_4043140117631554681_n

Gabayga: “Ka la mudan”

 

1. Gabay miid ah, maansiyo arar, mihindis suugaana

2. Muusoow anaa marin jiroo, Maalig ii dhigaye

3. Masalooyinkeygii haddaan, miimka ka higaadsho

4. Malmalluuqi maayee, haddaan, weliba miisaamo

5. Murtiyahanku wuu garan micnaha, muluqsa yeelkiiye

6. Bal aan mariyo maantoo kalaan, madar istaagaaye.

 

7. Kala mudan, abwaan miiggan iyo, meeris kaan orane

8. Kala mudan, maraay dhuux leh, iyo muruga geedka ahe

9. Kala mudan, nin maangaaba iyo, meel fog kii arage

10. Kala mudan, mayaay rooba iyo, madow abaareede

11. Kala mudan, nin qaran maamuliyo, tuug mucaaradiye

12. Kala mudan, masaajiidda iyo ,moowlac culumeede.

 

13. Kala mudan, minguba kii qabiyo, muuna dumareede

14. Kala mudan, mallaay iyo ninkii, shabaq maleegtaahe

15. Kala mudan, mur deebaaqa iyo, malabka doocaane

16. Kala mudan, muxaafiidka iyo, caami marawayne

17. Kala mudan, majnuun iyo nimaan, madax adeegeyne

18. Kala mudan, mashaa’iikhda iyo, muusik kii tumaye

19. Kala mudan, miskiin tuugsadiyo, muruq nin maalaaye

20. Kala mudan, colaad lays miriyo, nabad mushaaxeede

21. Kala mudan, midkii macangagiyo, muuminka Ilaahe

22. Kala mudan, mirqaan iyo wadaad, diinta mariyaahe

23. Kala mudan, nin maatida baxshiyo, miina kii dhigaye

24. Kala mudan, maxaad ii gashiyo, mahadin waayeele

25. Kala mudan, madoow iyo caddaan, muuq haddey tahaye

26. Kala mudan, nin waanada maqliyo, muran ku xoogluhuye

27. Kala mudan, nin maansooda iyo, kii mutuhiyaaye

28. Kala mudan, miskiin bidixa iyo, midigtu muusoow’e

29. Kala mudan, mu’diga tuugga iyo, magan nin dhawraaye

30. Kala mudan, Masiixiga xuniyo, Maxamed diintiise (csw).

 

31. Afartaa minkeedii murtida , muuno ma uu yeelay

32. Macno yari tix layskama marshee, marin maqaadsiiyay

33. Maansada rag baa maali jiray, muran la’aantiiye

34. Mucdii Shuuriyiyo moosinkii Jurun, ma raacsiiyey.

35. Mudanoow Suldaaniyo sidii, Muumin ma u yeedhshay

36. Ma muuneeyay nimanbaa maldaha, maalin iyo leyle

37. Ma’dii aan ka qaadiyo miyaan, marinki dhaafsiiyay

38. Malab weeye teyduye miyaan, meeris uga dheelay.

 

39. Afarkalana suugaan muglaan, idin ku maansheeyne

40. Waxa aan u muusoonayaan, idin mihiimsiine

41. Maqalkiina ii fura run waa, miidiyoo kale

42. Maahmaah hor loo yiri, haddaan, mariyo

jeerkaanna

43. Mergi weeye hadal baa la yiri, muuqyadii badane

44. Nin kastaa siduu maaganyuu, ugu macneystaaye

45. Maanmaalku wuu garan halkuu, moosinkay yahaye

46. Maskax yare inuu maag ka galo, muran la weeyaane

47. Bal aan miiso, waxa maanku tebay, doqoni waa mooge.

 

48. Kala mudan, wixi igu malkaan, miiska soo dhigaye

49. Masal iyo tilmaamaan arkaa, muuqa shaabbahaye

50. Allahayoow in laga maago tali, kuu martaan nahaye

51. Murti maalka xaajada raggaan, lagaga maarmeynin

52. Ma huraanka guurtida haddaan, madasha loo tuumin

53. Milliq iyo qallooc lagama boxo, waana loo marage

54. Maxastaya intii liidatiyo, maatidow darane

55. Alloow yaa halkeey mudanyihiin, uga makaan yeela

56. Magli warana seeftaya middida, mudacya toorreydu

57. Midba meel ku toosan iyo howlihii, loo mihiibsadaye

58. Yaan maqasha neylaha xeryaha, meerto lala oodin

59. Ku munaasib maahoo durduro, wey makalayaane

60. Meeriskeyga gabaygaa waxaan, miimka iyo woowga

61. Ku majiirey hadal waa murtiyo, madal godkiisiiye

62. Maseyrkiyo hinnaasaha ka taga, malaha Sheydaanka

63. Midigtaba mataanteedu waa, waa bidix miciinkeede

64. Midnimiyo iskaashaa ka mudan, maalin kala guure .

 

 

Curiye:

Cabdi Nuur “Waddani”

SHEEKOOYIN