XIKMADO KOOBAN : BY Mohamed Musa Sh. Noor

xikmdo kooban

FAHAN DANTAADA

Inta nafta ay kugu jirto ma jiraan wax la dhaho Qasaaro iyo Quusasho, maxaa yeelay waxaa mar walba jaanis u haysataa in aad dib u hanato wixii kaa qaasaray, dibna aad iskugu daydo waxa kugu dhaweeyay in aad quusato ama aad ka niyad jabto. Hadaba ka dhig maalin walba maalintaada adiga oo darsaya waxa u wanaagsan noloshaada iyo waxa aan u wanaagsnayn.

 

XUSUUSNOW INTA KAA LIIDATA

Si Qalbiga aad Qani uga noqota mar walba waxaa kula gudboon in aad xusuusnaato inta aad haysato ee aadan ku faraxsanayn in, in kasii yar ay qof uun faraxa galiso, tusaala ahaan saddex waqti ayaad Afka wax galisaa, balse kuma qanacsanid qaabk ay tahay cuntadaada, waa in aad maanka ku haysaa in uu jiro qof hal waqti haysto, waxa uu waqtigaas cunana ay yihiin wax ka liito waxa aad halka waqti qaadato. Xusuusnow in mar walba ay jiraan Dad kaa liito, si qalbigaada deeqtoonaantiisa ay  u baahdo.

 

 

XAGEE KUU ROON

Isaga oo kaalma I waydiisanaya ayuu ii yimid maalin, nasiib wanaag wixii jeebkayga ku jiray ayaan u dhiibay, kolkaas ayuu damcay in uu sheeko yar ila wadaago,markaas ayuu yiri “adduunyo, hadda waxay iga taagantahay in aan u laabto dhalin yaranimadayda, maalin aan ogaana waxaan ku hammin jiray in aan koro oo noqdo Nin wayn oo dunidiisa lagu hoydo”

Wuxuu yiri damaca Aadanaha kolba waa halka uu taagan yahay halkeeda kale, maxaa yeelay, ma lahan meel u roon, maanta waxa uu haysto kuma qanacsana oo wuxuu u hanqla taagaa waxa uu barri heli lahaa ama noqon lahaa, marka uu barri gaarana wuxuu dib ugu hammiyaa wixii uu shalay kasoo tagay, taas oo uusan u noqon Karin ama heli Karin, hadalkiisa ayuu kusoo gunaanaday xagee u roon aadanaha?!

 

 

Damaca waa in la wadaagaa

 

Damac marka uu kusoo galo waa in aad la wadaagtaa qofka uu kaa gaalay, ha u qaadan in uu dareemi karo ama ogaan karo u sheegis la’aantaada. Damaca waa wax la wada wadaago oo ay wadaagaan qofka uu ku hormaro iyo qofka uu ka doonayo in uu la wadaago, sidaa darteed, Xiriirka damaca ku dhisan waa mid saldhigiisa la doonayo in uu noqdo mid  iska warqabkiisu baahsan yahay oo wax walba oo akhbaar ah la wada wadaagaa, ma ahan in uuu noqdo wax Cabir ahaan la iska maleeyo oo loo qaateen ah.

 

 

NIYAD JABKA

Niyad jabka waa qayb ka mid ah qaybaha tacliiminta ah ee uu Alle inoogu tala galay inta aan ku jirno nolosha dunida, waana  cashar nalagu barayo Dulqaadka si iimaankeena uu u sugnaado, ama aan awood ugu yeelano gaaritaanka Horumar ama Farxad.

Runta marka laga hadlo, qalbi jabka ama niyad jabka Aadnaha ma ahan wax u roon, balse waa nooc ka mid ah nuucyada uu Alle ku baro Bani aadamka dulqaadka, taas oo sida badan la macna ah, inta badan ee aad dulqaad u yeelaataa Niyad jabka kugu dhaca, waa inta badan oo ay awooddaada korortaa wax wanaagsana aad nolosha ka hesho ama wax wanaagsan aad gaarto.

Hadaba niyad jabka waa mid ka yimaada Alle xagiisa sababtiisana sida badan aan inaga leenahay, waxaasa hubaal ah  in qofka dulqaadka badan uusan Alle hoojin, oo wax ka wanaagsan waxa uu ka niyad jabay loo yabooho, sidaa darteed, dulqaadkeena ha bato, aana ugu noolaano nolosheena hab Iimaani ah. Micnaha waafaqsan iimaanka iyo ku kalsoonaanta Alle.

 

 

TAAJIRNIMADA LACAG MAAHAN

Taajir marka aad maqashid waxaa u sawirmaya qof walba Qof Hanti badan leh oo Nolol ahaan dagan, balse xaqiiqda taas ma ahan, taajirnimada ma ahan oo kaliya sida loo kala xoola badan yahay ee waa sida loo kala iimaan badan yahay, hubaal qof walba in uu Alle si gooni ah Deeqtoonaan u siiyay, taas oo dadka uusan kala mid ahayn, balse waxay ku xirantahay sida qofka uu u fahmo deeqtoonaanta lagu mananaystay naftiisa, inkastoo Dadka qaar ay isku arkaan in ay Faqrinimada ku dhasheen kuna dhiman doonaan, taas oo ah fikir aad u khaldan, Alle waa caddaalad sameeye, wax aad, aad u doonaysay oo aan lagu siin haddaad aragto, waa in aysan kuu wanaagsanayn ama aadan ka bixi Karin.

Hadab waxaan  ku dhihi lahaa, laga yaabee in aad Taajir ahayn marka laga eego xaga Xoolaha ama Dhaqaalaha, balse waan hubaa in aad taajir ku tahay wax badan oo Lacag ka qiima badan, ha ahaato xag caafimaad  iyo dhinacya kalaba.

 

LAHAANSHIYAHA NOLOSHAAD.

 

Marka laga hadlayo muhiimadaha Nolosha ma ahan wax halkan lagu soo koobi karo dhinac walba, balse waxaan jeclaa lahaa in aan ku soo qaato afar qodob oo aan is leeyahay waa u saldhig nolosha qofka Aadanaha ah, afartaasna waa

Jacayl:

Daacadnimo

Runta ama xaqiiqda

Xushmadda

Intaas qofka haddii uusan haysan qofka wax uu haysto ma jiraan noloshiisa, wax uu dareemi karana haba sheegin.

 

Qore Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN