Sooyaalka Noloshii Sillooneyd Q 23AAD.

Sooyaalka Noloshii Sillooneyd Q 23AAD.

Samatar

Korneylkii oo dareemay in arrin murugsani jirto, ciidankiisana inuu furfurno u dhawyahay, haddii labada hoggaamiye isku dhacaan, laba colaadoodna ay dhex joogaan, mida koowaad oo ah, Tan Abu Salmaan iyo xertiisa iyo Barroow oo hadduu jaanis ku helo, aan caggo u dhigayn, ayaa aad uga xumaadey, balse hadal kama celine wuxuu go’aansadey inuu sugo inta uu ka imanayo taliyaha ciidanka Ilbir.

Qaare oo laftiisu dareensan in isbeddel jiro, balse aan uurxumo ku jirinoo ku kalsoon saaxiibkiis, ayaa ku tallamaya inuu runta u sheego, oo ay hadhoow arrinka ka wada hadlaan.

Ilbir oo hawl kale ku soo korodhay ayaa soo galay, xeradii isagoon qof la hadlina wuxuu garabka qabsaday, Korneylka oo uu gees ula baxay.Ilbir wuxuu uga sheekeeyey, Korneylka arrinta jirta, waxaana dhammaantood madax wareer ku keentay, waa kuma qofka la shaqeynaya, Abuu Salmaan.Iyadoo hadalkii la hayo, ayaa waxaa yimid Doolli, ka dib waxaa loo sheegay arrintii, Doolli waa dadka aad u aad ugu fiirsada wax walba oo cusub, wuxuu yidhi;

“ Mmmm, maalmahanba dareenbaa igu jirey,waxaanan aad uga shakiyey, Axmed Askari iyo Saaxiibkiis Daahir, waxay mar walba fadhiistaan, meel gooniya, sidoo kale, waxay haystaan, Moobil telefoonyo cusub, qaad badana waa cunaan, dhaqaalahaa waxaas oo dhan lagu helay, waa laba midkood, iney dadka dhacaan ama baad ka qaaddaan iyo iney yihiin kuwa la shaqeeyaa Abuu Salmaan.

Ilbir oo horre ula yaabanaa, kaartadii dagaalka ee Hanad iyo tii sahanka iyo dabagalka ee Doolli ayaa haddana Dooli mar kale keenay arrin ka yaabisay, Ibir wuxuu taagan yahay,” Dad laguma khasaaro, waayo ragguu korsaday maanta waa garbo uu ku duuli karo, haddana ka awood badan kuwii horre ula joogay, wuxuu is weydiinayaa, tolow Samatarna halkuu kaaga soo bixi doonaa? Labadan aragtey waxtarkoodii iyo dadnimadoodiibee, Ilbir ayaa yidhi, Doolli waxaan kuu xilsaarey adiga iyo ciidan kuu gaar ah wado, nimankaas dhaqdhaqaaqooda la soco iyo cidii kale ee shaki kaa gala, qaybta sirdoonka ee ciidankana adigaa masuul ka ah, laga billaabo saacadan.

Ilbir ayaa soo baxay wuxuuna u yeedhay Qaare:

“ Qaare ma ogtahay xaalada nala soo deristay iyo in qaar ka mid ah ciidankeenu sirta bixiyaan?

Qaare oo u qaatay ujeedada iyo waxaa loo guuxaya inay isaga tahay ayaa si cadho ku jirta u yidhi: “ Ma wax kale oo aad igu eedayso ayaad weyday, markaan Saaxiibaday, basaasayo ee aan dad kale u adeegayo, in la dilona ka shaqeynayo, isagoo xanaaqsan oo indhuhu guduuteen ayuu hadalkii kor u qaaday oo yidhi, waxaan kuu haystay nin aqoon wanaagsan ii leh, balse taa kaama fileyn, waana iska dhaqaaqay”

Ilbir oo ay filanwaa ku noqotey ismaandhaafka ayaa ka daba ordey oo is yidhi gacanta ka qabo, maxaase ka raacay, 7da Feedh oo darandooriya ayaa lagu boobey, markaasuu wareeray, afkana ka dhiigey, dhaawacyo dibnnaha iyo ka soo gaadhay ciridka, buu ka keenay, waxaa soo booday, Korneylkii iyo ciidamadii kale, waana la kala qabtay.

Ilbir markaan garoowsadey inuu qaldamay oo saaxiibkii ka xanaaqay, Qaarena wuxuu taaganyahay, “ Saca naasa adag iyo weedha maxaa kulmiyey” oo haddii ciidankii iyo dagaalkii laga reebay, haddana laga faqay, wuxuu u qaatay qofka la tuhmay inuu isaga yahay.Korneylka ayaa gooni ula baxay, una sheegay inuusan isaga tuhun iska daaye la soo hadal qaadin, xaalkana uu dejiyo, markaasaa isaga miyir ugu horreysay oo uu arkay inuu ceeboobey oo saaxiibkii la dagaallamay isagoon waxba hubsan.

Ilbir oo daamanku kuusan yihiin, Dibbinta sarena dilaacdey, ayuu u tegay wuu isku duubay, Ilbirna waa isku duubay, markii cabaar laysku dheganaa, ayuu galay inuu maro cad ka marmariyo meeshii, wuu qoslay Ilbir wuxuu soo xasuustay, Ilbir oo dhaawaca iyo isagoo dhaawaca, inay labadoodu is dhayi jireen, oo midba mar la dhayi jirey, Maadaama aysan suuragal u ahayn iney keligood is dhayaan.

Qaare ayaa yidhi:

“ Waxaan doonayey inaan kula hadlo, kaalana sheekaysto, arrintii ku saabsaneyd shirka Barroow, waayo wax shaqo ah kuma lahayn, Korneylkaa amarkaa i siiyey, anigu weligay kuma dhagrin, kumana dhagrayo waxaad tahay walaalkayga rumaad”

Ilbir ayaa is celin waayey markaasuu yidhi:

“ Saw ma ogid qofku qofka uu xanaaqo, waa qofuu lexejeclo ka leeyahay oo laxaw ugu jiro, qofka aannu dan ka lahayn wuu ka maarmaa, ama waa iska celsha, adiga waxaan is idhi, 13 sanno ka dib maxay tahay isbeddelka ku yimid, markaa waxaa ina kala galay tuhun xun ee aniga raali iga ahoow iyo aniga iyo ahoow”Ka dib ayaa looga uga warramey, weerarkoodii, sida wax u dhaceen iyo iney jiro ciidanka rag ka mid ah oo la shaqeeya kooxda Abu salaam, sirtooda gudbiya.

Qaare ayaa yidhi:

“ Ilbiroow hawshaas faraha kala bax, aniga ayaa aqaan sida aan wax uga qabanayo, raggaasina cidey doonaan ha noqdaane anigaa soo saaraya, kuwa hadda laga shakiyeyna anigaa dabagal iyo baadhitaan ku samaynaya, haddii shakigu rumoobana, waxay fallen anigaa ka soo qufaya, ka dibna ku soo wargelinaya”

Ilbirna waa ku raacay arrintaas aadna waa ugu farxay, maadaama uu culeys weyni ka degay, waxaa sidoo kale arrinta iyo is fahanka ciidanka dhexdooda la dhacay, Korneylka oo aad uga werweray. Markii hawshaas laga soo jeestay, ee la doonayo in la kala hoyaado,

ayaa waxaa Korneylka soo wacay, Barroow oo qaylinayaa, hadalkiisuna, dhaar, hanjabaad iyo buuq isugu jiro,Barroow ayaa yidhi: “ Waxaad wadey Cirfiidoow hosaasin iyo hododaamo markaad ila shireysay, aniguna, nin weyn oo odaya ayaan kuu arkay waana ku aaminey, Balse tan dhacdey maanta maaha mid aan ka dulqaadanayo, walaahi inta nafi igu jirtona inaysan dhacayn, iney riyada beenta ah ee wiilkaagu hirgasho.Lagamana yaabo inuu nabad ku daaqo ninkaasi, waxaadna haysataan muddo 24 saacadood ah, haddii kale dagaal u diyaar garooba”

Korneylkii oo aan fahmin, arrinkaas ayaa yidhi:“ War bal sidii nin weyn iila hadal oo sidee wax u jiraan, maxaa dhacay? Dadku haddey xitaa wax kala tirsanayaan sidan uma wada hadlaane”

Ilbir oo agtaagnaa Korneylka ayaa la yaabay, warka dhiillada leh, ee uu ka dareemay wejiga Korneylka, markaasuu weydiiyey adeer maxaa dhacay?Korneylkii ayaa gacanta ugu baaqay inuu aamuso oo sugo, ka dib waxaa Afka furtey Barroow oo yidhi;

“ Xaaskaygii ilaa saaka ilaa hadda guriga waa ka maqantahay, meel kalena kuma maqna, hadda ka horna naag gurigiina joogta ayaa telefoon u keentay, hawshaas oo dhana waxaa qabtey, Ilbir, isagaana xaaskeygii igala baxay, haddaan walaahi dhakhso laygu keenina, Maryo dhiiglaa la kala furanayaa”

Markii hadalkaasi dhegihiisu maqleen, ayuu afka kala qaadey, waayo wuu ogyahay inuusan, Ilbir hawshaas gelin, haddana sheekada gabadha ee loo sheegay, ayaa shaki kale gelisay, Korneylka, wuxuuna u fahmay inuu cid kale u adeegsaday oo la soo baxsaday, xaaskii Barroow ee Hodan.

Korneylka ayaa yidhi:

“ Ma hubtaa hadalkaad ku hadlayso, hadduu dhab yahay waa lagaa gar baxayaa, hadduuse been noqdo, hadduuse warkaasi beenoobo, colaada aad hurineysaa waa mid qasab ku dhici doonta, haddase waxaad I siisaa 2 saacadood oo keliya.

Barroow oo degay, markuu hadalkaa maqlay ayaa yidhi;

“ Anigu haddaan colaad wado waa kugu soo duuli lahaa, balse ergo iyo tabashaan kuula imid, haddaad waxba ka qaban weydona, daniba waa odhan in fooda lays daro.

Korneylka ayaa soo jeestay oo yidhi:

“ Laga billaabo saacadaa ma jiro, nin gurigiisa u hurdo tegayaa, Gaadhi walba ciidankiisu heegan ha noqdaan, dhammaan xuduudaha deegaankeenana hala xidho, cid walba oo soo gudbeysa, xitaa Jid caddaha waa in la baadhaa, dagaalna u diyaar garooba”

Waxaa  arrintani ka yaabisay, dhammaan ciidanka oo dhan, gaar ahaan labada taliye ,waayo ,weli ma dhicin Korneylka oo si toosa amarkaas u bixiya isagoon soo marsiin labadooda, sidoo kale ayuu intuu dhankooda u soo dhaqaaqay ayuu yidhi, Qaare, Ciidanka adigaa ka masuula, Hanad waxaad tahay Kormeerka iyo Heeganka hawlgalka, Doolli iyo Jabane, waxaad dirtaan dhammaan ciidaamada sahanka , Ontorleeyna ciidanka tiknikadda culus ee adag hala dhigo, laba raac oo is daba yaalna halaga dhigo, Dhammaan, goobaha difaaca, dusha sare iyo hoosba ciidanka hala buuxiyo.xeradiibaa uugaabtey mar keliya, gaadiidkii baa shiidaal shubis iyo Rasaas raris lagula dhaqaaqey, waxaana markiiba la dalbay, Gaadhi Qaad ah, sidoo kale, qolyihii cunta karinta iyagana waxaa lagu qasbay inay Raashin joogta ah, sameeyaan oo uusan hoyaatin jirin.

Ilbir oo aan hadlin ayaa  korneylku  ku  yidhi,“ Adiguna, aniga ayaad I raacaysaa”

Ilbir oo la yaaban waxaa soo kordhay, daalkii xalayna qaba ayaa yidhi;

“ Waayahay adeer, wax hadalana kuma darsan ee wuxuu u dhaqaaqay dhinaca baabuurka Korneylka”

 

La Soco Qaybaha dambe:

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

 

SHEEKOOYIN