Maansadda SUUBAN.

 

Maansadda SUUBBAN, waa maanso wiil iyo gabadh si lama filaana ku kulmay,  ka dibna, haasaawe dhexmarey, iyagoo weliba dabaqaya dhaqanki Soomaaliyeed,  Wiilkii ayaa ka hadlaya,  habkii iyo qaabkey u kulmeen,  waa maanso farshaxankeedu sareeyo, dhinacna xog warran iyo  sheeko ah, dhinacna, madadaalo iyo maaweelo bulsheed ah,  Maansadan waxaa Curiyey, Hal abuur Bashiir Cali Barre. Bogasho wacan.

Maansada;  SUUBAN.

Saaka goor arooryaa

Samaaleydii ciideed

Subaxduna jumca ahayd

Sow uma aan soo bixin

Inaan sigiska gaaroo

Saaxiibo gaariyo

Dad aan sabanno moogaa 

ugu tago salaannoo

Kama soofin minankii

Aan seexday xalayoo

Surwaal ii tolnaa iyo

Koorkiisi iyo suud

Surka maanan suran TEEY 

Dhexda Suun kamaan xiran 

Socodkana ma boobsiin.

Saddex mirir gadaasheed

Soo suubban gabaroo

Saxanoo hannaankiyo

Sanqaadka wacaniyo

Sara joogga muuqiyo

Suuraddeeda weynuhu

U sameeyey qaab wacan

Saatir siiyey dheeraad 

Samo iyo hufnaaniyo

Hiddihii sugnaa jirey

Iyo Dhaqankii soomaal

Saameeshay idilkood,

Sarajoog hal gerileey 

Seedkaan maraayiyo

Iyadoo sin gudubkeey

Soconeysa maan arag.!

Solan maahan caataa

Mana ahan mid sabarweyn

Saablaha u qara weyn

Silikh maaha midabkee

Qaanjeer sirgacanee

Maariin sinqaniyiyo

Sedka quruxda saamiga

Sawraciyo jaahaba 

Soomaali weeyaan,

Rabi siiyey heemaal

Iyo Qurux la saanyado

Sadriga iyo laabtiyo

Wadnahaa siraatoo

Lay saaqyey gebigey

Yartu waa i sidataa!!!

Siyar baan u milicsaday.!

Waxaan saa u eegaba

Garabkaan la soo simay 

Salaan diirran dabadeed,

Sifa heer sarreeyoo

Samihii gobaadna leh 

Sariig iyo xishoodna leh

Sahal iiga gudoontoo

Salow iyo dagaaliyo

Sas ka maysan qaadine

Soo dhawoow ayey tiri.

Isla simaney socodki

Quryar qaadney saanti

Sarney hadalka dulucdi

Qofba saaf ujeedada

Hadba seere loo guur

Saban hore dad kala lumey

Saaxiibo nala mood.

Kaftan soohdin laawoo

U badnaa Sarbeeb iyo

Suuldhabaale waayeel

Isa suranta sheekada

Ku wadaagney sama oo

Isa seegna muu iman.

Sareeda iyo faraxiyo

Saymo hooreey weeyaan

Saadaashu waa guul

Sadrigaan ka leeyahay

Soof yey wadaagaan

Saba yaa la dega oo

Sawjadiisa noqotaa

Sureer qurux u dhalatiyo

Saracaa bislaadoo

Sanadkeedii joogtiyo

Toban iyo Sideed weli.

Waa suleeqo inanoo

Suubbanoo I deeqdaye

Sawdkeeda dahabkaa

Wadnahayga sarayoo 

Ku sakhraamey bilicdeed.

Sideen kuu helaa iri

Saafiyey i deeqdaye

Iyaduna samaaloow

Sarta guudka weynloo

Rakhamkeedu suganyoo

Soddoniyo sagaalkaa 

Sabadeydu weeyee

Na soo booqo bay tiri

Balan saase ii dhiib

Sawd tebiyahaagiyo

Telka seef gareysoo

Saxanow is barashada

Ha sumeynin bay tiri.

Sabanadan ragbaa badan

Suud beena qaatoo

Hablahan sadqeeye

Samo wade noqey tiri.

Anna saaxi baan ahay

Nin saluugla baan ahay

Saxardiida baan ahay

Saddex marey walaahida

Samo iyo caweey tiri

Rugta suuqa weyniyo

Sahanbaan ahaayee 

Waa noo saadambaan iri.

Haye iyo saxeex tiri

Salaama iyo guuliyo

Kulan sii socdey tiri.

Midba seemay meeshi

Iyo socod ujeedkii.

Ayana suuqa Teeysiir

Saasiiga bayrtoo

Mac salaama igu tiri.

Curiye:- Bäshîîr Cälî Bärrè 

Tirshay:- 25/09/2015

 

SHEEKOOYIN