KAASI WAA WIILKAYGA. (SHEEKO XIISE LEH). Qore Mohamed Musa Sh. Noor

sheeko

KAAS WAA WIILKAYGA

Qabytii 4aad

Hani waxay ahayd gabadha Kaliya ee cideeda wax badana laga rajaynayay kalsooni badana lagu qabay, waana ku adkaatay runtii in ay ciddeeda u sheegto in ay Uur u leedahay kii Cali ahaa ee hada ka hor ciddeeda sheegeen in uusan u qalmin ayna ku saxsanaayeen ciddeeda markii ay sidaa dhahayeen iyadana ay ku khaldantay markii ay u furtay labadeeda lugood sidaana uu ku kala fur furay  albaabadeeda Qufulada adag ay ku xirnaayeen.

Hani waxaa lasoo darsay Xaalad adag, Cali iyo iyadiina sidii ayay ku kala tageen isla markiiba meesha ayuu ku furay taas oo kusii noqotay Quus, una sii caddaysay in ay ku dhacday God Mugdi ah, sida ay uga bixi lahaydna ay kali ku tahay in ay ka fakarto iyada oo qof caawinaya uusan jirin.

Fakar dheer kadib waxay go’aansatay in ay ka haajirto gurigeeda, magaaladeeda, asxaabteeda, iyo cid kasta oo aqoon u lahayd, nasiib wanaaga kaalmeenayay ayaa ahaa in uurkeeda uu ahaa Uur ay qarsan kartay oo markaa sida ay sheegtay ahaa mid Kalliyaha ka galay, maadaama awal ay ahayd Qof xoogan oo hilib leh,  waxeedana sidaa ku qarsatay.

Waxay tagtay Magaalo kale oo ay ku tuhmaysay in lagu qabo Gabar ka mid ahayd asxaabteeda hore ee iskoolka oo Kalkaaliso caafimaad ka ahayd goob lagu dhalsho Dumarka caruurtana lagu daweeyo, gabadhaas oo ay isku galaas ahaayeen, Qorshaha markaas ay lahaydna wuxuu ahaa in ay kusoo dhasho meel aan laga garanayn, balse maadaama mar walba Bani Aadmaku uu u baahan yahay Caawin ayay door bidday gabadhaas, maadaama ay is yaqiineen isku magaalana aysan ahayn ay arrinkeeda halkaas ku xallisato.

Muddo gaaban kadib Hani Alle wuu kala keenay, waxayna ku curatay Wiil, Waxay kusii jirtay isbitaalkaas yar ee Dumarka ku dhalaan muddo 3 bari ah kadibna waa kasoo baxday.

Gabadha ay saaxiibada ahaayeen isma lahayn mana ogayn in Hani in ay qarinayso uurkan iyo cunugan ay dhashayba, hanina uma sheegin sida wax u socdaan, sidaa ayayna ku noqotay dareen la’aan, oo waxay u haysatay maadaama waa hore ay iskuulka dhameeyeen, isla yadana ay Marwo tahay in hanina sidoo kale ay marwo tahay, sidaa darteedna ay jeclaatay in ay soo booqato iyada, nasiib wanaagse ay meesha ku dhasho.

Hani markii ay baxaysay ciddeeda waxba uma sheegin Xaalka oo ku cuslaa dartiis, go’aanka ay gaartayna way ku qasbanayd ayaa la oran karay maadaama in waxba aysan u sheegin ciddeeda ay go’aansatay, hadana ay ka cabsoonaysay in inta la ogaado arrinkeeda uu hirgalo qorshaha Cali, qorshaahaas oo hani ay aad uga soo horjeedday, oo ma aysan doonayn in Damaca Cali ee ah in dadkeeda ay hoos galaan isaga, sidaa darteed ayay door bidday in ay isaga haajirto magaaladeeda muddo kooban si ay arrimaheeda usoo xallisato.

Hani haddii ay shalay la wal walaysay Uurka iyo sida lagu qarin lahaa maanta waxaa kusoo biiray nolosheeda Wiil aan qarsoomayn, sidaa darteed waxaa lagama maarmaan u noqtay in ay ka fakarto waxa ay samayn lahayd iyo qaabka ay wiilkeeda uga qarin lahayd dadkeeda iyo caliba, isagana uu nolol u heli lahaa, iyadana uusan uga ag fogaan lahayn.

Intii ay ku jirtay maalmihii hore ee Umusha ayay ka fakaraysay waxa ay samayn lahayd iyo sida ay u qaadi lahayd talabaabada xigta ee qorshaheeda ku aaddan nolosheeda dambe iyo wiilka ay dhashayba, waxaana usoo baxay Qorsha ah in wiilkeeda ay haysato, balse ay ku haysato meel aysan iyada ka fogayn, cid og aan Alle ahaynse aysan jirin.

Hani waxay dhex maquurtaa xaalad aan la saadaalin Karin, nolosheeda oo dhan ayaa is baddashay, inta qof ee taqaan waxay u kala baxeen dad u haysta Xaas waa marka laga eego dhanka cali iyo gabadha ay ku ag dhashay, balse Bulshada Xaafadda iyo waalikdeeda waxay u tahay gabar dhowrsoon oo wali ka asturan dhibaatooyinka dhalinta yar ku dhaca sida Zinada iyo Meherxadka, xaalkuse ma ahan sida uu dadkaa ula muuqdo, Hani nafteeda ayaa ku kala nool laba nolol oo mid ay aaminsantahay in ay tahay Gabar, midna ay aaminsantahay in ay tahay Hooyo dhashay Wiil uu Cali aaba u yahay.

Xaaji Ciisa Lugeey waa mid ka mid ah Odayaasha Xaafadda daganaa, waa oday u dhawaa guriga Hani saaxiibana ay ahaayeen gabdhihiisa iyo hani, wuxuu ahaa Oday aad u wanaagsan oo naxariis badan, wuxuuna u kallihi jiray subixii hore Salaadda Subax, Ilmo wuxuu ka lahaa 4 gabdhood iyo wiil, gabadhahana waxay ahaayeen kuwa koray balse wiilka ayaa ah Wiil 12 jir ah.

Hani qorshaha ay ku fakartay ayaa ahaa in ay wiilkeeda ag dhigto gurigaas aroorta hore inta uusan Xaajiga salaadda usoo bixin, waa Qorshe ay aad aad uga fakartay, maxaa yeelay gurigaas wuxuu ahaa guri ay galitaankiisa aad ugu badnayd saaxiibna ay la ahayd gabdhaha odaygaas dhalay, odaygana ay ku ogayd in uu yahay Nin Naxariis badan kuna Barbaarin kara wiilkeeda Barbaarin Wanaagsan, maadaama kii dhalay uu ku guul daraysatay daryeelkiis iyo barbaarintiisa, uusana u qalmin in uu Aaba u noqdo.

Sidi ayay ugu suura gashay in ay hor dhigto Aroortii hore cunugeeda Albaabaka Xaaji Ciise, iyada oo markaa isku nabaysay meel aan sidaa uga fogayn Goobta ay hor dhigtay wiilkeeda, nasiib wanaag waxaa isla markiiba soo baxay oo maqlay Oohinta cunugaas yar Xaaji Ciise oo markaa isku diyaarinayay in uu Salaadda u kallaho.

Meelaha ayuu xaajiga eeg eegay, Dhaxan daran ayaa dhacaysa, cunugan yarna oohin daran ayuu ooynayay,  wuxuu isug wacay intii uu wici karay ee Dad ahayd, waa qoyskiisa iyo odayaal kale oo markaa Masjidka u socday oo ay goobta ku kulmeen.

Goobtii ayaa lagu go’aanshay in uu Xaajiga wiilka yar meesha ka qaado inta laga helayo wixii dhalay, taas oo markaa aysan ififiaalaheeda muuqan, Hani inta waxaas oo dhan ay dhacayaan meel ayay ka eegaysaa oo Cid arkaysa ma jirto, qorshaheedana wuu u hirgalay ayaa la oran karay.

Subixii aroor hore ayay Hani gurigooda ku laabatay iyada oo soo kabsatay muuqaal ahaan, albaabka markii ay garaacdayba waxaa ka furay aabaheed oo isla markii uu arkayba Farxad la dhacay maadaama muuddo Bilooyin ah ay ka maqnayd Cidda sababta ay ku maqnaydna aan la aqoon.

Hani Su’aalo badan ayaa u yiil, aabaheedse wuxuu go’aansaday maadaama ay hadda timid una muuqato qof daalan in marka hore ay iska nasato kadibna la guda galo halka ay jirtay, sidii ayaana subaxaa loogu kaadshay.

LA SOCO QAYBTA 5AAD ISNIIN WALBA INSHA ALLAH

W/Q: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN