Kaalay aan isu sheegnee!!

Waxaa jiray wiil magaciisu ahaa Garaad ​ oo aan aniga iyo isaga ahayn laba walaalo oo uu oday qura dhalay. Kala hooyo ayaan ahayn. Mid kasta oo inaga mida waxa uu ku dhashay gurigii hooyadiis lagu guursaday. Aabbaheen waxa uu safray innagoo aan wali dhalin. Meel uu u kacayna la inooma sheegin. Dadka qaar baa yiraa wuu nool yahay, qaarna waxa ay sheegaan in uu dhintay. Waxaan kornay labadeena walaalo oo aan is arag. Illaa iyo hana-qaadkeeniina xiriirka kaliya ee aanu leenahay waxa uu ahaa isdhaafsiga farriimo koo kooban oo uu midkeenba usoo dirayay midka kale. Laakiin nasiib xumo farriimahaasi ma ahayn kuwo aan annaga gacmaheena ku qorayno, Mana ahayn kuwo aan indhaheena ku arkayn. Mana ahayn kuwo aan afkeena ku akhrinayno!!

Farriima is dhaafsigeenu waxa ay u socdeen sida ay sanaduhu u socdaan. Sanadba sanadka ka dambeeyana farriinta aan kala helayno waxa ay ka kululayd kana xumayd farriinta sanadkii hore. Asaga (Garaad) ma ogi sababta uu farriimaha xun iigusoo dirayay, maalinna ma dhicin in aan su’aashaas si toos ah u waydiiyo. Laakiin aniga ayaa is ogaa farriinta aan dirayo waxa ay tahay.
Dadka inoo dhaxeeya ayaan u yeeri jiray si ay farriin iiga qaadaan. Waxaan ku oran jiray intan iga qora ee walaalkay u geeya “Walaalkayoow waan kuu xiisay, mar walbana waan kaa fekeraa. Waxaana ka fekeraa maalinta aan ku arki doono”.

Marka ay igu soo noqdaan kuwii farriinta iga qaaday, waxa ay ii akhrin jireen farriin ay sheegayaan in ay walaalkay ka timid. Waxa ay noqon jirtay mid aan ka naxo. Waxa aan is waydiin jiray maxaysan farriinta walaalkaa u ahayn mid la mida tii aad adgu dirtay. Muxuu uga hadlayaa wax aadan adigu ka hadal. Toloow muu waalan yahay? Muxuu ula jeedaa hadalkiisa sidan u dhigan “Tuug ayaad tahay. Walaalo ma nihin. Waad i dishay. Waad i dhacday. Waligayana ma heshiin doonno”.

Sidii ay maskaxdaydu waaya badan isula guuxaysay oo isu waydiinaysay is maandhaafka aniga iyo walaalkay aanan waligay arag na dhex yaalla, ayaan markii aan waynaaday go’aansaday in aan u dhaqaaqo jihadii la iigu tilmaamay guriga walaalkay. Wixii aan socdaba waxaan tagay aqal la i yiri waa halka uu walaalkaa ku hoydo. Albaabka ayaan garaacay, misa waxaa iga furay nin aan markuu i hor taagnaa mooday in aan isla anigii muraayad hor taagan ahay oo is eegayo. Aad buu iigu ekaa. Meel aan ku kala geddisan nahayna may jirin, marka laga reebo midabada dharka aan kala xiran nahay. Si dhaqsa ah ayaan u gartay in qofka i hor taagani yahay wiilkii aabahay ee waqtigu na kala geeyay. Isna sidii buu u gartay. Aniga cabsi baa igu jirtay oo intaan dhoola caddeeyay ayaan markaan damcay inaan xaggiisa u dhaqaaqo si aan u salaamo hadana soo xusiistay farriimihii kululaa ee uu walaalkay iigusoo jawaabi jiray. Aayar aayar buu afkaygii u daboolmay oo dhoola-caddayntii usii dhammaatay. Isagana sidaas oo kale ayuu noqday. Markaan in cabbaar ah is eegayno, ayuu walaalkay dhiiraday oo su’aal igusoo boobay. Wuxuu yiri “Walaal haddii aad tahay wiilkii Aabbahay ee aan waligay farriimaha usoo diri jiray, maxaad mar kastoo aan wanaag kuusoo qoro xumaha iigusoo jawaabi jirtay?”.

Inta aan indhaha kala furay oo aan aadd uga yaabay su’aashaas anigaba maankayga ka guuxi jirtay ee uu isagu iiga hor maray, ayaan si deg deg badan ugu hal celiyay “Adiga ayaaba xumaan iisoo qori jiray ee ma anigaa waligay hadal aan walaal ahayn kusoo dhahay”. Aniga maaha iyo aniga maaha ayay dooddeenu noqotay. Waxaan isku raacnay in uu nin walba lasoo baxo warqadihii ay farriin wadayaashu isugusoo keen gudbin jireen. Markan waxa ay ahayd goor aan akhriska iyo qoristaba baranaye, haddii aan waraaqihii eegnay, mid qura oo uu hadal wanaagsan ku qoran yahay baan ka waynay. “Alla aniga sidaan ma dhihin. Anigaba sidaas ma dhihin. Qoraalkani waa been. Kan xitaa waa been” sidaas ayuu warkeenu noqday anagoo qaylinayna oo gacmahana madaxa saaranay amakaag dartii. Markii aan in yar aamusnayn, ayaan iskusoo jeesanay. “Hadaba walaal wixii aad soo dhihi jirtay hadda i dheh” ayaan ku iri walaalkay. Isna markuu erayo aad u macaan oo qalbiga qaboojinaya dhagahayga ku shubay ayuu intii oo kale igu yiri “Walaal adna wixii aad soo dhihi jirtay hadda igu dheh”. La inoo kala sheeg ee kaalay aan isu sheegno.

F.G: Waxaan ku hal qabsaday Yoonis Gajoome (Garaad) oo ah nin dhalinyaraa oo aan saaxiibbo nahay fekerna wadaagno.

W/qoray: Maxamed Cabdullahi Abukar (Dhaaley)

Mogadishu-Somalia

Email: mohammed_dhaley@hotmail.com

Facebook: https://www.facebook.com/mohamed.dhaaley

 

SHEEKOOYIN