Laba weershe iyo aniga!!

Marka aan Wiil Xamar ahay, Weershe waxa aan u aqaanaa qofka ay indhihiisu kala qalloocaan ee meesha uu fiirinayo maahee meel kale u jeeda.

Labo nin ayay ahaayeen oo aan mid kastoo ka mida si fiican u garanayo. Kii horreeyay ayaa isaga oo wajigiisu igusoo beegan yahay ila hadlay oo yiri “Waryaa fanaaniinta la xiray maxaa idinka galay. Nabadda iyo dowladnimadeena ayaad waligiinba cadaw ku tihiin. War waan idinka tagnay ee tashada oo tiina uun eega wax dhintay baad tihiine”

Intaan indhaha taagay oo aan afka laba taako furay, gamcahana madaxa saartay ayaan niyadda iska iri “Toloow ninkaani ma adiguu kula hadlayaa mase qof ku gadaal taaggan. Indhihiisuna waa kuwan kugusoo jeedee. Malaha waa dadkii Weershaha lagu sheegi jiray ee meesha ay eegayaan maahee meel kale u jeeda”.

Intaas markaan marayo, ayuu ku kale oo aan asna garanayo gadaashayda ka yimid oo qaylo iyo fara taag taag ila dul maray asagoo kii hore xaggiisa usii kuf kufaya. “Waryaa ninka ha caayin ma gaarayside. Ninkani waa Soomaali. Adna Soomaali diid xun baad tahay. Isagu waa gob. Adna gun baad tahay. Waligeedba ninkan iyo tolkiisa ayaa wax maamuli jiray adna tolkaagu waa kuwa la maamulo. Sidaad doonto u buuqday ee car bal ninkaas iyo dadkiisa ka maaran”.

Af kala taag ba hadduu koow yahay. Niyaddii markii hore guuxaysay hadda way gariirtay. Is waydiintii gudahayga ka socotayna way sii darsatay. “Toloow kanna weershe gadaal indha ku leh miyaa?”. Waxaan is iri “Raggani midkoodna adiga kaama hadlayeen toloow dooddoodu yay ku socotaa”, In uu Jinni meesha ka dhaw yahay baan is tusay.

Naftu orod ayay kugu aamintaaye, intaan gadaal gadaal u socday, ayaan meel luuq ah oo lagu cararo raadsaday. Markaan luuqii ku dhawaaday ayaa inta aan surwaalka laabtay aniga oo orod isku diyaarinaya cod dheer ku iri “Laba weershoow, wallee midkiinna iima doodin, oo midkiinna igama doodine jinni baad la dooddeen”. Fakatax kama fatuuro.

Ima yaqaanaane anigu anigaan ahay.

W/qoray: Maxamed Cabdullahi Abukar (Dhaaley)

Muqdisho-Soomaaliya

Facebook: https://www.facebook.com/mohamed.dhaaley 

Email: mohammed_dhaley@hotmail.com

SHEEKOOYIN