XIKMADO KOOBAN : BY Mohamed Musa Sh. Noor

xikmdo kooban

SHALAY IYO MUSTAQBALKA

 

Laga yaabee in noloshaada saddex meel marka loo dhigo meel ka mid ah in ay ahayd Nolol aan xusuus lahayn, marka aan sidaa leeyahay waxaan ka wadaa nolol xusuusteeda ay Mugdi tahay oo ka kooban wax walba oo xanuujin kara qalbigaada.

Hadaba ma ahan in taariikhdaada hore ee Mugdiga ahayd ay dhibaato u keento ama saamayn ku yeelato rajadaada Mustaqbalka, maxaa yeelay inta ku sugaysa iyo inta aad soo qabatay xisaab ahaan mar walba waxaa badan inta ku sugaysa nolosha, sidaa darteed mustaqbalka waa wax ku sugaya, taariikhdaada shalayna way ahayd oo ma ahan mid kugu soo laabanaysa.

Marka waxaa lagaa doonayaa in aad horey u socoto oo ogaataa in xusuustaada la tiri karo, balse mustaqbalkaaga uusan u qalmin in uu maro Ciqaabta wixii shalay aad gaysatay.

Hadaba wax walba xaqooda sii, noloshaadana ugu noolow hab waafaqsan Dulqaad, Naxariis, Caddaalad iyo Taxaddar.

 

 

ISKU DIYAARI

Si aad u garato qiimahaaga nolosha waa in taariikhdaada hore ee Mugdiga ah shalaytadeeda aad yaraysaa, waqti xaadirkaagana aad kula noolaataa si kalsooni ku jirto adiga oo dib u eegayn wixii kaa dhacay shalay cabsina aadan ka qabin qaladaadkaagi hore ee murugta ku dhaxalsiiyay, intaas waxaa sii dheer u diyaar garow aad u diyaar garowdaa mustaqbalkaaga dambe cabis la’aan.

 

HA IS CAJABIN

Laga yaabee in Waqti xaadrikan aad ku naaloonayso hadalo xikmadaysan, Ficillo wanaagsan iyo fakar wacanba, hambalyada dadkana ay iska soo daba dhacayso, hadaba waxaa lagaa doonayaa in aysan ku cajab galin dareenka wanaagsan ee kaaga imaanaya ama aad ka helaysid xaga Dadka, bal is waydii ilaa intee ayay dadku ku amaanayaan?  ilaa inteesa ku naaloon kartaa waxa aad maanta tahay? ma moogtahay in sida xilliyada oo kale ay dadku isku baddalaan oo qofkii maanta kor ah uu bari hoos imaan karo?

Ha yaraato is cajabintaada, u qaado Waqti walba sida uu kuugu yimaado, ficil aad suubisay ama hadal wanaagsan oo aad tiri dartiisna ha isku cajibin, mar walba maankaaga ku haay in aad tahay qofka u baahan wanaagaas lagugu amaanayo, naftaadana aad u suubisay sidaas oo aadan u suubin dadku ha ku amaanan.

 

XAGEE UGU WANAAGSAN EE LA AHAADAA?

Waydiimaha ku saabsan halka ugu wanaagsan ee la ahaado Aakhiro iyo adduun ayaa batay, qof walbana si ayuu ku cabiray jawaabta su’aashaas, iyada oo qof walba iimaankiisa iyo garaadkiisa uu kaashanayo, dadka su’aalahaas la waydiiyayna Bani aadam ayay wada ahaayeen oo looma eegin Issirkooda iyo diintooda, maadaama su’aashu ay daboolaysay dhamaan wax ku saabsan Aadanaha, qof walbana si ayuu u qeexay, halkan kuma soo koobi karo dhamaantood, balse, jawaabta iila qiimaha badnayd ayaa noqotay sidan.

Halka la ahaado dunida waxaa ugu macaan badan in qof maankiisa aad noqotaa, oo mar walba waxa uu ka fakaro aad adiga tahay, taas oo laga eegay dhanka Dunida.

Wali dhanka dunida ayada oo wax laga eegaya ayaa hadana la yiri “ halka la ahaado ee ugu nabad galayda badan dunida ayaa ah qofka qalbigiisa”

Labada qof ee jawaabtaas kala baxshay waxay wax ku cabirayeen hankooda iyo qiimaha ay markaa is lahaayeen waad u baahantahay.

Hadaba aniga waxaan ku dari lahaa aniga oo ka mid ah dadka dunida ku nool ee jawaabtaas laga doonayo, waxaana oran lahaa sidan

Halka la ahaado dunida waxaa ugu macaan  badan  halka ay daacadnimada hareesay

Halka  la ahaado dunidana waxaa ugu nabad badan awaamirta Alle oo see tahay loo qaato.

Aakhiro marka laga hadlayan Jannada ayaa ugu maqaam wanaagsan meel ala ahaado.

 

 Waxaasaa kaa jacayl ah

Wuxuu waydiiyay gacalisadiisa inta ay jeceshahay isaga, bal in ka badan in ay nafteeda jeceshahay?

Waxay ugu jawaabtay Gacaliyo “maxaan jeclaadaa? wax nool ayaa la jeclaadaa, wax jiro ayaa wax kala lala bar bar dhigaa, natayda maxaan kaa jeclaadaa? maba jirtee, miyaadan ogayn in naftayda ay waa hore dunida ka hayaantay? waa hore ayaan dhintay, ma ihi qof ku nool dunidayda, waxaan ku noolahay dunidaada oo kaliya.

Miyaadan ogayn in aan waa hore kala qarsonnay dunida aad igu sheegayso? miyaadan ogayn in xushmadda  iyo ogaashiyaha aad naftayda ku tuhmayso waa hore ay ii ahayd markii aan ku noolaa dunidayda? Dunida aan hadda ku noolahay waa taada oo kaliya, ma ahan duni kale, adiga oo kaliya ayaa ii muuqda , waan hilmaamay wax walba oo aan lihi u lahaa, waxaan xusuusanahay oo kaliya in aan milkiyaddaada ahay, wax aan barto ma jirto, waxbarashadayda waa adiga, Mutacalim ayay naftayda ku noqtay aqoontaada.

Maalin iyo habeen waxa aan ka fakaro, sakan walba qalibgayga waxa uu la gad gadoomo waa dareenkaaga, waa hore ayaan lumay, ma ogi halka aan ka imid, balse halka aan joogo waan aqaan, igumana jiro safar kale oo aan ku baadi goobayo wax iga maqan, waxaan aaminay in wax walba oo iga maqnaa ay agtaada ii yaalaan ama aad adiga ii tahay!

Waxaa luntay awooddayda oo dhan, balse awoodda uu I siiyo dareenkaaga ayaa ah midda ay quutaan Xubnaha Dareemada kulul kacsha ee jirkayga, xillliga aan doonayo in aan awood yeesho waa xiliga aan xusuustayda dib ugu celsho jacaylkaaga, xilligaas oo aan aminsanahay in cid iga awood badni aysan jirin.

Jacaylka naftayda waa jacaylka aan adiga ku jeclahay.

Jacaylka aan adiga ku jeclahayna waa midka naftayda aan jeclahay

 

 DASTUURKA WAHELKAAGA

Labada Qof ee wax wada wadaagaya mar walba xiriirkooda jiritaankiisa iyo muuqaalka uu yeelanayo waxay ku xirantahay hadba shuruucda dastuurka ay degsadaan oo ku aaddan qaabka ay nolosha u wada wadaagayaan.

Kala duwnaashaha dhanka Fakarka ah mar walba wuu jirayaa, maxaa yeelay labada qof sida ay laba qof u kala yihiin, qaab kala duwana ay nolosha usoo arkeen, uguna soo bar baareen ayuu mar walba u kala duwanaanayaa fakarkooda.

Balse waxaa jirta Dan guud oo midaysa labada qof, taas oo uu qof walba baahi gooni ah u qabo ugana baahan yahay wehelkiisa kale, Baahida aan ka hadlayo ee labada qofood isaga baahan yihiin ma ahan oo kaliya midda ku timaada Jinsiga, ee waa mid dhinacyo badan oo kale ka timaada.

Dadka wada nool waxaa jira Baahiyo badan oo ay isaga baahan yihin oo aan halkan lagu soo koobi Karin, balse waxaa wanaagsan in qof walba uu ogaadaa waxa uu Xaq ugu leeyahay kan kale iyo waxa isaga xaq loogu leeyahay.

Si xiriirku u noqdo mid guulaysta oo gaamura micnaha saldhig wanaagsan yeesha, waxaa wanaagsan in la dagsado Qawaaniin labad qof kala xaddidaysa, qof walbana waxa uu xaq u leeyahay ama loogu leeyahay garansiin karta, si looga maarmo isku dhac iyo isku xad gudub dhex mara labada qof ee nolosha shirkada ku ah.

Hadaba inkastoo qawaanintaas lagu kala duwanaan karo qof walbana uu sharcigiisa ama dastuurkiisa dagsan karo, waxaa ila wanaagsanaan lahayd waxyabahan aan aas aaska uga dhigay xiriirka labada qof si loogu guulaysto horumarinta iyo sii jiridda xiriirkaas

1 qof walb waa in uu qofka kale iimaanka ku qabaa oo uusan ku fakarin in lamaanihiisa nolosha uu xaqiisa dudsiinayo ama gacan bidixaynayo, waana in qof walba kan kale u arkaa in uu yahay hoygii uu kusoo hoyan lahaa kuna nabad gali lahaa, haddii taas aysan jirin waa adagtahay in uu sii jiro gurigaas ama xiriirkaas aan ka hadlayno, sidaa darteed sharciga ama dastuurka koowaad waa is aaaminaadda ama isku iimaan qabka.

2 waa in qof walba qofka kale dareensiiyaa in uu jecelyahay baahi badana loo qabo, taas haddii ay dhacdo hubaal in hamuunta la isku qabo ay sii balaaranayso, qofka marka uu dareemo in loo baahan yahay ama la jecelyahay, markaas waxaa galaya Daganaan qalbi, qiimaha iyo kalsoonida uu naftiisa kusii qabana waa mid sii balaarata, taas oo marka dambe dhaxalsiisa in qofku marka uu gurigiisa kusoo hiiranayo uu mar walba farxad dareemo.

3 Xushmadda, is addeecidda, is dhagaysiga, is qiimaynta iyo is marxabaynta ku salaysan jacaylka waa mid sii baahida kalgacalka labada qof isku qabaan, waxaa kaloo taas sii dheer in qof walba qofka kale ka ilaalsho wax walba oo keeni kara dhaawac qalbi, intaas marka lagu guulaysto waxaa  suura galaysa in xiriirku  uu sii yeesho xiddido adag oo goyntooda aysan fududayn.

Qore Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

 

 

SHEEKOOYIN