Sooyaalka Noloshii Sillooneyd Q24AAD.

Sooyaalka Noloshii Sillooneyd Q24AAD.

 Samatar

 

Ilbir oo la yaaban waxaa soo kordhay, daalkii xalayna qaba ayaa yidhi;

“ Waayahay adeer, wax hadalana kuma darsan ee wuxuu u dhaqaaqay dhinaca baabuurka Korneylka”

Waa lays raacay waxaana toos loo abbaarey dhinaca guriga Korneylka, intii jidka lagu sii jirey ee baabuurka la saarnaa lama wada hadlin, Ilbir wuxuu is weydiinayaa maxaa dhacay tolow? Sidee wax u jiraan, balse, marnaba maankiisa ma soo dhicin, Hodan iyo hawl ku saabsan.

 

Hodan waxay mudadii ay xidhneydba ku mashquulsanayd, sidii ay uga baxsan lahayd nolosha adage e haddana xabsi guriga laga dhigay Hodan waxay muddoba ku hawlaneed sidii ay maalin uun xoriyad buuxda u heli lahay, waxay dhistay kaarto iyo hawlgal cajiiba, waxayna la heshiisay, gabadh ka mid ah, shaqaalihii guriga oo ay lacag badan u ballan qaadey, gabadhiina waxay dejisay qorshe ah inay tacsi ku dhacdey oo ay dad badani soo booqdaan oo asxaabteeda ah, kuwaasoo ay ku jiraan dumar xijaaban oo badan, waxay sidoo kale gabadhii qalqaashatey wiil ka mid ah ilaallada oo aad u jeclaayeen ayna u sheegtay inay heshay, lacagtay isku aroosi lahaayeen. Waxayna ku heshiiyeen, inay fakiyaan Hodan lacagtoodana qaataan.

gabadhii ayaa waxaa u yimid gabdho badan oo qaarkood sitaan xijaab qarsoon iyo indho shareer, kadib, markay cabbaar la joogeen ayaa waxaay soo baxeen iyadoo ay la socoto Hodan oo iyaduna soo qaaddatay, indho shareer iyo xijaab ay korkeeda oodhan ku dabooshay.

Hodan markay bannaanka timid ayaa baabuur lagu qaadey, waxayna tagtay, meel uusan awood ku tegi karin Barroow, sidoo kalena aysan ogeyn, saaxiibadeed maahine cid kale, Saaxibadeed luul waa qofta qarashka iyo hawsha waday, waana gabadhey shuraakada ku ahaayeen isbitaalka, luul waxay degantahay meel magaalada ka baxsan, waxaana ka taliya, Korneyl waraabe oo aysan badihiisa geli karin, Ilbir iyo Barroow toona, Korneylku waa nin caanka ah, Doonyaaley iyo nawaaxigeeda, hase yeeshee waa nin nabadeed lagu badbaado deegaankiisana ammaan iyo kala dambayni ka jirto.Barroow ma oga sida xaalku yahay, waxaa isaga ka dhaadhacsan in dumarka xitaa ay raacdey uu Ilbir soo dirsaday, oo hawsha oo dhan ilbir qabtey, wuxuuna ku maqanyahay gubbaabada tolkiis iyo ka dhaadhicinta duulaanka uu ballanqaaday.

 

Korneylka ayaa markay galeen guriga, sheekadii ka billaabay, war heedheh, Ilbir, waxaan ku weydiiyey miyeynaan ballamin? Maxaa kugu dhacay?miyaadan nin weyn oo wax isku falaya ahayn? Maxaa ku jaanjaamay?

 

Ilbir oo la yaaban canaanta Korneylka garana la’ meesha laga haysto ayaa ugu warceliyey:

“ Adeer sidee wax u jiraan, maxaase soo kordhay, ilaa hadda ma fahmin, amarada aad bixisay, qaabka aad iisoo kaxaysay iyo su’aalaha aad weydiineyso”

 

Korneylkii oo dareemay inuusan weli wax fahmin ayaa yidhi:

“ Ilbiroow waxaa la yidhi; “ Waayeel waayo? waxaana loogu warceliyey waa innagoo, is yeelyeelayna,   ma jirtaa inaad hadda ka hor gabadh ugu dhiibtey telefoon xaaska Barroow?.”

 

Ilbir oo waagu ku baryey wiishna ku yeedhay ayaa afka kala qaadey, Muu iyo maana ka bixi waayey! Ka dib ayuu yidhi:

“ Maxaad ku keentay adeer sheekadaas, sawnagii ka wada hadalney ee wax walba aan sida saxda kuugu sheegay”

 

Korneylka ayaa warkii shaadhka ka bixey, wuxuuna yidhi:

“ Ciidanka waxaan u diyaarshay inay Barroow inaga difaacaan, waxaynu haysanaa, in ka yar 24 saacadood, xaaskiisiina wuxuu u haystaa inaad adigu ka so af duubatey, sidoo kale xaaskiisii gacantiisa kuma jirto waana gartiis inuu ku tuhmo”

Ilbir ayaa amakaag isugu yimid, wuxuu is weydiiyey, meesha nasiib darradu ka daartay, wuxuu aad uga xumaaday naaneys xumada uu adeerkiis ku tilmaamay, waayo hadalada Korneylka oo fanfaniinka ah waxaa ka mid ahaa

“ Inta gabadh suleekha ah, carriga joogta miyeysan indhahaagu qaban, maxaa naag nin qabo kugu dul naanaabshay, mise haasaaweba ma taqaanide iyadaa ku shukaansatey oo waa gabadhii ugu horreysay ee dareen kuu galo”

 

Hadaladan iyo kuwa badani waxay dhaawaceen, dareenkiisa qofnimo, wuxuu arkay inuu dhexgalay, BEER MIINO ah, oo uu ku talaabsaday wax ka baxsan dhaqanka, weligiis ma arag, adeerkiis oo sidaa ula hadlaya, wuxuu is weydiiyey, haddii caawa 100 qof u dhintaan, arrin tuhuna oo ah inuu nin xaaskiisa afduubtey, masuuliyadeeda cida qaaddanaysa.Ilbir laba bogleyn ayuu la baaxadegayaa, dhinaca kale waxaabu ka shakiyey inuu dilay, Xaaskiisa Barroow oo badda ku tuurey, kadibna uu doonayo qaab uu u dambabaso oo uu rabo inuu isaga ku raadgato, yaa og?

Ilbir ayaa bannaanka usoo baxay, isagoo isla hadlaya maskaxdiisana buuq iyo bullaan ka dhex yeedhayo, ayaa wuxuu maqlay codka heesta Sahra Axmed qaaddo:

 

“Naf ku jecel adduunyada

Ba u wacan wax nololiyo

Nabad lala wadaagoo

Nimco lagula waaree.

 

Ma nugliye kalgacalkaa

Naariyo ka daran olol

Markuu Nudaygaa kaa galo

Nabar weeye halisee.

 

Ee taa nabdiga gali

Oo soo noqnoqoshada

Hayga moodin nacasnimo,

Anna haddii aan ku naawilay

Naqba waa la dhawraa

Nasiibku haygu kaa simo.

Isagoo baraad la’ ayaa Samatar yare u yimid wuxuuna ku yidhi, Walaal maad qabatid telefoonkaaga ayaa dhacaya, weliba heestan, aniga ayaa kuu saaray, Ilbir ayaa mar qudha qosol gariir ku dhuftay, mar wuxuu ku farxay, Samataryare aragiisa iyo hadalkiisa, marka labaadna heesta oo aad moodo in loo soo xulay.

 

Telefoonkii ayuu qabtey, markii labaad ee uu soo dhacay, mise waa Hodan.

Hellow Hellow:

Ilbir: Waa qofma?

Hodan: Waa Hodane maxaad iiga qaban wayday?

Ilbir: Xageed joogtaa maxaase kugu dhacay ma nooshahay?

Hodan: Hadda haa awalse ma ahayn qof nool.

Ilbir: ayaa uga warramey xaalada jirta una sheegay in laba ciidan iyada darteed isu horfadhiyaan.

Hodan: ayaa tidhi, sursuurtaan kasoo baxay, ilaahay iguma celsho, ee adigu go’aankaagu waa maxay?

Ilbir: Go’aan caynkee ah, saw kuuma sheegin,inaan wax naga dhaxeeyaa jirin, ilaa aad noqoto qof xor ah.

Hodan: Xor waan ahay, waxaan gacanta ku hayaa, lacag Hal milyan oo Doolar ah, oo saamigaan ku lahaa qaybtayda Isbitaalka oo layga iibsaday, waxaynu aadaynaa, Yurub ama Ameerika, haddii kale waxaynu aadeynaa Afrika oo aynu ka ganacsanaynaa, waddamo dowlad leh, aniguna waan iska fasaqayaa ninkan.

 

Ilbir ayaa yidhi:

“ Sug waa kugu soo celinayaa”

Darbi u dhawaa ayuu salka dhigay, Guriga buuq badan ayaa ka jira, agagaarkiisa oodhana ciidanbaa ku wareegsan, gudaha albaabka, Korkiisa, intuu neef si wanaagsan u qaatay ayuu siduu qof uu dhakhtar amarku siiyey si weyn hal mar u neefsaday.

 

Samataryare oo ag fadhiya ayaa yidhi:

“ Caawa waxaa iiga kaa muuqda daal, murugo iyo niyadjabe, anigaa walaalkaa ahe maad ii sheegtid waa intaasoo aan ku caawiyaaye!

 

Ilbir waa nin waxgarada, intuu qoslay ayuu yidhi waan kuu sheegayaa ee dhegayso:

“ Ilbir ayaa uga soo billaabey, maalintii la qabtey isaga ee ciidamada Barroow iyo barashadii Hodan iyo heerka ay mareyso caawa”

Samatar oo dhuuxayey hadalka, Samatar hadda nin 14 jir ah,oo wax badan dareensan ogna, sheekada dhibka soo marey Hodan markuu dhegaystay ayaa waxaa ku soo dhacay, Maalmo badan oo ooyay keligii intuu darbi isku nabay, balse dadka hareerihiisa maraya aysan maqlayn jirana cid waydiisay, wuxuu la ooyayo, wuxuu soo xasuustay maalmo badan uu jiraday aysan jirin, cid tidhi maxaad qabtaa, wuxuu soo xasuustay maalmo badan oo adduunyadu cidleysay oo uusan haysan wehel, wuxuu soo xasuustay maalmo badan oo uu arkayey cunto nooc walba oo hortiisa taalla haddana uu ka gaajeysnaa, wuxuu soo xasuustay, maalmo badan oo uu mugdi ku jirey, laakiin korkiisa iyo dushiisa qoraxda iftiinka badan taagnayd.

Samatar ayaa ilmo ka soo dareertay, markaasuu faruuryo qaniinsaday, wuxuuna ku yidhi:

“ Adduunyada iyadoo lagula joogo ayay mararka qaarkood cidla tahay, adigoo aan meel ku xanuuneysaa jirina waxaad tahay bukaan, adigoo meel ku xidhneyn waxaad tahay maxbuus”

Ilbir oo afkiisa daawanaya, garana dulucda sheekada ayaa yidhi:

“ Samataroow maxaad la ilmeysay, maxayse tahay dulucda iyo ujeedka biyadhaca hadalkaagu?”

 

Wuxuu yidhi:

“ Hodan waa dulmane, waayo nolosha ay ku jirtaa waa mid aan u lahayn macaan dhankeeda, ma kula tahay inuu Doolli noqon lahaa tuug dadka jeeb siiba oo allaabta ka xada hadduu haysan lahaa, Hooyo iyo Aabbe baahidiisa daboola? Mase kula tahay inuu Hanad noqon lahaa dibjir, hadduu haysan lahaa daryeel iyo wanaag?Makula tahay, inuu Ilbir noqon lahaa, Askari aan lahayn xaas iyo carruur noloshiisana xabbad iyo dagaal ku qaata, hadduu heli lahaa, Aabbe wanaagsan oo daryeela, koolkooliya, baahidiiisana daboolla?Ma kula tahay Samatar inuu noqon lahaa Samatar aan aqoon magaca aabihiis iyo muuqiisa haddaanu waqtiga iyo wacyigu ka hiilin?”

Samatar ayaa isagoo weli hadalkiisii wata yidhi:

“ Hodan waa gabadh sideena dulman oo waqtiga iyo waalidkeed dambi ka galeen, haddaad doonto ha guursan, balse isku day inaad u badbaadiso oo aan u samatabixiso, sidii aad annagaba noo samatabixisay”

Ilbir ayaa waxaa halkaas uga soo baxay, talo cajiiba, waa markii saddexaad 24 saacadood gudahood, ay Hanad iyo Doolli ka yaabiyaan maalinimadii, garashooda iyo hawlkarnimadooda, waxaase uu la sii tacajabay, hadalka iyo waayo aragnimada mugga weyn leh ee Samatar yare.

Ilbir wuxuu go’aansaday, inuusan cid kale wax u sheegin, samatarna wuxuu ka codsaday inuu afkiisa haysto, isaguna wuxuu u dhaqaaqay siduu 24 saacadood gudahood ku baajin lahaa colaad, sidoo kalena dambi ugu oogi lahaa Barroow oo colaad hor leh oo dhinac kale ah ugu abuuri lahaa, Hodana u badbaadin lahaa:

 

La Soco qaybaha dambe.

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

 

SHEEKOOYIN