Qandho jaceyl iyo guur qasab ah

Qanjo jaceyl iyo guur qasab ah

Qeybtii 2aad

quotescover-JPG-61

Sanado badan ayaa ka soo wareegay markii Suleeqo loo keenay adeerkeed Samatar. Haatan waa gabar weyn oo qaan gaar ah. Waa tanoo misna dhiganeeysa sanadkii labaad ee dugsigii sare, waxeey ku hammineeysaa ineey jaamacad aaddo. Qorshaheedii ayaa ah iney noqoto mutacalimad heeysata shahaado jaamacadeed si ay mustaqbalkeeda u noqoto gabar isku filan nolosha.

Reerkii soo gacan qabtay iyadoo rajo iyo agoon ah kuma abaal dhicin oo sidii looga dhigtay gabar la dhalayey ayey iyadana uga soo baxday kaalinteedii gabarnimo ee looga fadhiyey. Waxaa ay leedahay dabci u gaar ah oo aan cidi la wadaagin. Ma ahan gabar hadal badan marka loo eeggo saaxiibadeeda kale ee fasalka la dhigta ee soomaali iyo ajaaniba leh. Waa gabar ka adag daruusteeda heeysatana dhibco badan oo gaarsiin kara hankeeda fog ee jaamacadeed.

Waa goor barqo ah, waa maalin sabti maalin sabti ah oo shaqada iyo iskuulladda laga yahay fasax. Waa xilli ka mid ah xilliyadda qaboobaha ee Sweden. Waa waqti kala orodka aadanaha ee noloshiisa la xirriira tahay mid dhaq dhaqaaq badan.

Waxeey suleeqa dhex fadhisaa mid ka mid ah maktabadaha buuggaagta ee ay wax ku akhristo inta badan. Waxaa ku jira feker iyo isla hadal badan oo la xirriira cabsi ay ka qabto nolosha. Iyadoo is ogeyn ayey jaceyl indho l’aan ah u qaaday wiilkii adeerkeed dhalay ee C/kariin. Waxaa ku taagan walbahaar iyo sideey u wajihi laheyd dareenka cusub ee ku soo kordhay. Haddeey saaxiibteed u sheegi laheydna waxaa ay ka baqday ineey tiraahdo ”ma walaalkaa hadana?” Sow walaalku ma ahan mid aan guursan karo, ma isagaa aabbaheey iyo hooyadeey dhaleen? Ayey iskula hadashay Suleeqa oo isla hadal marxalad ah ku jirta. Misna weey naxdoo su,aalahaas ayeyba ka baqday ineey jawaab sax u weeeydo.

Iyadoo weli is dhex yaac ku jirto ayey wacday saaxiibteed Muna oo ay ku balansanaayeen ineey cashiradda isla akhristaan. Waxaa ay dhararsatay daaheedda tiradda badan. Inteeysan ka qaban taleefanka ayey Muna oo dhowr talaabo u jirto ku tiri cod dheer ”saaxiib iska dhig kaama dheeriye gadaashaa lee marooyaa!” Suluueqa inta saaxiibteed si xun u fiirisisay iyadoon ka sugin hadal kale ayey ku tiri balanta kuma fiicnid maxaa waqtigaa socotid? Saacad baan kuu fadhiyey meeshee? Ma mooda lafteeda ineey meesha wax badan fadhisay?

Saaxiibeey daqiiqado leen kaa soo daahaye dad aa ogahay ayaad ugu noqotay oo su’aalo badan. Kaalay xalay si fiican uma seexan ayaan u maleynaaa indhahaaga ayey ka muuqdaan ayey isaga difaacday hadaladdii Suleeqa.

La soco qeybta 3aad haddii Alla idmo….

Waxaa qortay; Ikraam Cali-kaar
ikraam_calikaar@hotmail.com

SHEEKOOYIN