KAASI WAA WIILKAYGA. (SHEEKO XIISE LEH). Qore Mohamed Musa Sh. Noor

sheeko

 

KAAS WAA WIILKAYGA

Qabytii 6aad

Waa Magac qurux badan ayay hani ugu jawaab celisay, farxaana waan dhihi lahaa wiilkan yar marka aan arkay sida uu u qurux badan yahay una farxaan yahay, Xaawo Haashim ayaa ku tiri “Naag Arxan daran ayaa dhashay oo dariiqyada kusoo xoortay, maxay u dhashay haddiiba ay wiilkan yar sidaa u galayso?

Hani oo aan ku faraxsanayn isla markaana dhaawac ahaan u dareentay hadalkaas ayaa ugu jawaabtay Maama Xaawo “kollayba Duruuf ku kalliftay ayaa jirta arrinkan hooyada wiilkan dhashay, wax ay ahaataba Khalad in ay samaysay waa wax jiro, balse aan ka fakarno waxa ku kallifi kara in ay sidaa yeesho hooyo dhan”

Maama Xaawo oo hadalka sii wadata ayaa tiri ma jirto duruuf ku kallifi karta, waxaa laga yaabaa ina ay ka mid ahayd Dumarka jirkooda ka ganacsada oo aan jeclayn in ay ilma dhalaan, kana uu khalad caloosha u galay sidaasn ay tahay sababta ay usoo xoortay, Beerka Allaha ku dhufto ayaan dhihi lahaa ayay maama Xaawa hadalkeeda kusoo gunaanadday.

Hani Qalbi ahaan Eray walba oo ay hooyadaas dhahdo meel ayuu ka taabanayay hadana way is ogayd oo adkaysi ayay muujinaysay ku aaddan xaalkeeda, waxayna naruuro u aragtay in malain walba ay soo booqato wiilkeeda qorshaheedana sidii loogu tala galay uu u socdo.

Hani ayaa iskaga soo tagtay galabtaas iyada oo ku qanacsan qaabka ay wax u dhaceen balse ka xun waxa ku dhacay wiilkeeda iyo iyadaba iyo hadalada dhaawaca lahaa ee ay tiri Xaawo Haashim, inkastoo xaawo haashim aysan is lahayn ku dhaawac Hani, hadana waxay muujisay dareenkeeda ku aaddan islaanta cunuga dhashay ee hadana Dariiqa soo dhigtay.

Wax walba sida la rabay ayay ugu socdeen Hani, si lama filaan ah ayaa waxaa Magaalada usoo galay gabadhii ay hani ku dagtay ee saaxiibaddeed ahayd, taas oo booqasho ugu timid Hani, balse nasiib darro hani galabkaa Xaafadda ma joogin.

Xaafadda hani galabkaa waxaa joogay waalikdeed waa aabaheed iyo hooyadeed salaam kadib ayay waydiisay in ay hani joogto iyo in kale, waxaa loo shegay in aysan hani joogin, waxaa la waydiiyay magaceeda waxayna u sheegtay in Abyan la dhaho, ayna Cidda si fiican u taqaano, maxaa dhacay ayay tiri hooyo iyo aabo ima garanaysaan miyaa?

Waxaa loogu jawaabay in aan la garanayn, markaas ayay tiri abyantii waxaan ahay ay hani isku fasalka ay ahaayeen ee xafaddan imaan jirtay maxaa dhacay ma is baddalay? inta aan loo jawaabin ayay iyada isku jawaab celisay oo tiri haa waa la duqoobay ilmana waa la dhalay.

Waalidka Hani ayaa ka raali galshay aqoon la’aanta, balse Wey is baddashay muuqaal ahaan Abyan Hilib badana wuu koray, sidaas darteed ayey u aqoonsan waayeen, ayaga oo kaftamayana waxay usii raacsiiyeen in marka la duqoobo ay xusuusta yaraato.

Sheeko dheer kadib ayay Abyan tiri “aaway cunugii yaraa ee Hani? isla markiiba waalidka waa ay yaabeen waxayna dhaheen hal mar cunugee? Abyan oo garan la’ sida wax yihin ayaa ugu jawaab celisay wiilka ay hani kusoo dhashay gurigayga aaway, horta ma koray wiilkii, maxaa loo baxshay? Dhowr s Su’aalood ayay is daba dhigtay, markaas ayuu aabaha hani inta fahmay halka wax u socdaan si dareen la’aan ah ku yiri “haa Wiilka iyo haniba meelaha dhow ayay jiraan”.

labada waalid wajigooda wuu is badalay waxna waa tuhmayaan hadana caddayn ma hayaan, oo wiilka la sheegayo ayayba la yaaban yihin halka uu ka baxay ma dhintay ma nool yahay haduu nool yahayse aaway xaguu jiraa? waa su’aalaha ay is waydiinayeen.

Abyan waa iskaso dhaqajisay iyada oo is leh meel busteeja ah gaari ka qabso ayaa isla busteejada waxaa gaari uga soo dagay Hani halkaas ayayna isku arkeen, is waraysi kadib Abyan ayaa tiri naa galabta xalwadaydi Ayaan soo doontay ciddina waxay iila ekaadeen cid aan warba kaa hayn, cunugii yaraana ma arag ee ma saqiiray mise aabihiibaa kaa qaatay?

Hani isla markiiba Dhidid Kulul ayaa shabkax kasoo yiri, waxaana u sawirmay waxa ay ku jawaabi doonto marka su’aashan ay wayddiiyaan waalidkeed, balse Waalidka hadda arinta ma joogto oo waa saaxiibadeed waxa hortaagan ee waydiinaysa su’aashan.

Abyan oo la yaaban sida gabadha wajigeeda isku badalay ayaa tiri Hani side wax u jiraan ? Hani xoogaa cabaar ah ayay aamusnayd oo dhexdeeda ayay iskala sheekaysanaysay iyada oo marba wax sawiranaysa, Abyan oo la yaaban aamusnaanta iyo dhididka ka socda ayaa mar labaad ku tiri Hani maxaa kugu dhacay?

Hani maba is dhibin oo Xaqiiqda runta ah ayay taabsiisay, balse Been ayay sheegtay, taas oo ahayd in uu ka qaatay wiilka aabihii, Abyan oo iska fahantay Xaaladda Hani ayaa aad uga xumaatay waxa galabta ay suubisay ha yeeshee isma lahayn wax Kharib oo Gaf ayay wax walba ku dhaceen.

Hani ayaa guriga timid markii ay timid laguma dag dagin oo habeenkii sida loo wada cashayn jiray ayaa loo wada casheeyay, Cashada kadib ayay labadii dhashay u wada yimaadeen, waxayna wax ka waydiiyeen warka jira ee ay galabta Abyan la timid.

Hani runta ayay iska sheegtay wax walbana sidoodi ayay ugu sheegtay waalidkeed, wiilka ay dhashayna uu yahay wiilka uu Xaaji Ciisi ka helay Albaabka gurigiisa, aad ayaa loo wada yaabay Aabaha Hani iyo hooyadeed ayaa hal mar wada yaabay.

Aabaha hani ayaa yiri in aad sidaa samayso ma ahayn balse waa dhacday hadda soo celi wiilka yar ee  aan waalidka u nahay, Hani ayaa ka biyo diidday arrinkaa, iyada oo ka codsatay waaldkeed in hadda ay ceebtooda asturantahay khaladkana uu yahay mid iyada ku qaas ah ayna u suubisay si ay u difaacdo sharafta qoyskeeda.

LA SOCO QAYBTA 7AAD ISNIIN WALBA INSHA ALLAH

W/Q: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN