Home Curis Madaxayga halkan ii dhig!.

Madaxayga halkan ii dhig!.

0
SHARE

Madaxayga halkan ii dhig!.

Bashiir Cali Xuseen sawir

Axmed-Yare iyo Muna- dheer, waxey si kalsooni iyo daacadnimo leh u wada abuureen jacayl qaan gaaray iyo guur ku dayasho mudan oo mira dhalay rabbina ay uga mahad celiyeen, waxeyna sanadkii 1999kii qaxootimo ku soo galeen dalka ingiriiska gaar ahaan magaalo madaxda  London, wuxuuna ilaah kala siiyay gabar curaddoodii koobaad noqotay, taasoo ay u bixiyeen «Kheyrto».

Muddo ka dib Axmed-yare, wuxuu noqday wade ka shaqeysta tagaasida isaga dhex gooshta bartama magaalada London, Muna-dheerna waxaa loo diray oo ay billowday barashada luuqadda afka ingiriisiga, qoyskuna sidaa ayuu farxad iyo baraare wadaag ku ahaa.

Axmed-yare howsha tagsi wadidda muddo dheer ku soo dhex jiray, ayaa maalin maalmaha ka mid aheyd garoonka diyaaradaha Heathrow London ka soo qaaday gabar soomaaliyeed oo safar dhanka carabaha ah ka timid. Jidka intii ay ku soo jireen bey is xog wareysteen, sheeko dheer baana dhex martay.

Axmed-yare oo ku qancay muuqaalka Jamaad, ayaa yiri «Walaal magacaa xaggeed ka timid, xaggeedse deggan tahay?».

«Abboowe magaceyga Jamaad baa la yiraa, waxaan ka imid imaaraadka carabta, waxaan degganahay East London» ayey Jamaad si xushmad leh ugu jawaabtay.

Axmed-yare oo aad u la yaabay qaab wanaagga iyo quruxda qancinta leh ee ka muuqata Jamaad ayaa damaciisu dareen geliyay, wuxuuna ku dhiirraday inuu Jamaad sheeko wadaag la noqdo  isaga oo leh «walaal adoo iga raalli ah su’aal aan ku weydiiyee, yaanan denbi geline, horta ma xaas baa tahay, mise kaftankeyga waad u madax bannaan tahay?»

«Maya abboowe leyma qabo oo xaas maahi, laba sano ayaan garoob ahay nin ii qalma oo aan nolosha la wadaagana ma aan arkin» ayey Jamaad ku jawaabtay, waxeyna Axmed sii weydiisay su’aal aheyd «Abboowe adiga ma xaas baad leedahay mise iskaabulo ayaa tahay? ».

Axmed-yare wuxuu ku jawaabay «Haa abbaayo anigu xaas waan leeyahay habeenkii oo dhanna waan shaqeeyaa gabar igu qaadaneysa inaan xaas labaad ka dhigtana waan waayay, laakin waan jeclahay inaan guurkeyga labeeyo» wuxuuna hadalkiisa sii raaciyay «Bal aan adiga ku weydiiyee nin xaas leh ma guursan laheyd?»

-Haa ninka i raba hadduu yahay nin anshax leh reerna dhaqi kara.

-Haddii uusan adiga waqti kugu filan kuu heli karin ka warran?.

-Taasi waa laga heshiin karaa laakin is af garadkaa muhiim ah.

-Anigu tagsiile ayaan ahay oo habeenkii oo dhan waan shaqeeyaa maalintiina inyar baan waqtigeyga ka helayaa ee haddii aan guur kaa codsado nolosha nuucaas ah ma igu geli kartaa?.

-Maalin walba dhowr saacadood haddaan helayo igu filan, waayo aniguba caruur baa guriga ii joogta inta ay iskuulka ku maqan yihiin un baan oori noqon karaa, in ay nin igu arkaanna ma rabo.

Axmed-yare iyo Jamaad waxey ku heshiiyeen in ay sidaa qudba sirada ah isku guursadaan kulan kooduna uu ahaado 10ka subaxnimo ilaa iyo 3da galabnimo oo ah inta iskuullada lagu kala maqan yahay.

Muna-dheer iyo Axmed yare gabadhoodii curadda aheyd 14jir bey gaartay barbaarinta dhaqankii soomaaliyeed ma ay helin afkeeda koobaadna ingiriisi buu noqday afsoomaali jajabanna wey ku hadashaa iyada iyo hooyadeedna waxey la yaabban yihiin aabbihii guriga oo beryahan qoyska u waayay inuu waqti la qaato!.

Guurkii qarsoonaa ee Jamaad ka dib Axmed-yare, dabeecadihii lagu yaqaannay wey is beddeleen, wuxuu billaabay inuu maalin walba sii socdo si uu u qanciyo Jamaad, hasa yeeshee xaaskiisa Muna oo uu shaki galay baa su’aashay howlaha uu maalin walba soo qabto maadaama uu shaqeeyo habeenkii oo dhan.

Axmed-yare oo been dhex rafanaya ayaa isku difaacay «Dad shirkadda kastamar u ah, ayaa la ii diraa oo aan maalin walba guryahooda Pizza ugu kala geeyaa, 10ka subaxdii ilaa labada duhurnimo magaaladuna waad ogtahayoo wey kala fog tahay jidadkuna waa ciriiri oo waqti badan baa halkaa igaga luma.

Markii uuu Axmed-yare muddo bil ah howshiisa iska sii watay ayey Muna-dheer oo aad u shakisan wacday shirkaddii tagaasida ee uu Axmed-yare u shaqeynayay. Nin hindi ah oo madax ka ahaa shirkadda ayey weydiisay shaqada uu Axmed-yare maalintii u qabto.

Ninkii hindiga ahaa ee shirkadda taksiyada maamulaha ka ahaa, wuxuu Muna-dheer ugu jawaabay «Annaga Axmed habeenkii buu noo shaqeeyaa maalintii waxba nooma qabto ee Sorry».

Maalintaa wixii ka danbeeyay Muna-dheer baaris bey billowday waxeyna ugu danbeystii soo ogaatay guriga iyo qofka uu maalin walbo u tago seygeeda, waxeyna go’aan kama danbeys ah ku gaartay in ay Axmed iska  furto oo seddexdeeda uu siiyo.

Maalintaa subaxii xigay Axmed-yare oo sidii u caadada aheydba isu diyaarinayay bixitaan oo labbis iyo is barfuumeyn ku jira ayey Muna-dheer albaabka u soo istaagtay iyada oo leh « Tuug la qabtay talo ma leh, waryaahee ninkaaganow maanta nagu kala saar gurigan oo madaxeyga halkan ii dhig!».

Axmed-yare intuu ku xanaaqay buu is yiri u indha guduudi oo bal canaan ku yara day wuuse uga sii daray. Qeylo iyo sawaxan baa cirka isku shareeray, gabadhoodii kheyrto aheydna wey ku daashay sey ugu dhex jirtay ugu danbeystii Muna intey toorrey soo qaadatay bey Axmed-yare kolleetiga ku dhegtay ku cel celisay «adiga oo aan madaxayga halkan dhigin albaabka ka bixi meysid!».

Gabadhii Kheyrto aheyd oo uu afsoomaaligu ku yar yahay ayaa ereyada ay hooyadeed ku hadleyso si qaldan u fasiratay, maxaa yeelay madaxayga halkan ii dhig, ayey u turjumatay in loo la jeedo madaxa iga goo, markaas ayey boliiska u yeertay iyada oo ku leh «fadlan na soo gaara hooyadey waxey rabtaa dhimasho, sababta oo ah aabbahay ayey ku qasbeysaa inuu madaxeeda dhulka dhigo!».

Durbadiiba gaari boliis ah baa yimid waxey arkeen Muna-dheer oo weli Axmed-yare kolleetiga ku dheggan mindina heysata, isla markaana ku qeylineysa ninkan inuu madaxayga halkan dhigo mooyee irridda kama baxaayo. Boliiskii oo u qaatay in ay waalatay ayaa markiiba mindidii ka qaaday ka dibna la cararay oo u geeyay dhaqaatiirta joogta isbitaalka dhimirka!.

Muna-dheer weli waxey ku qeylineysay «War aniga ma waalni, maxaa la ii jujuubayaa, war ninka yuu iga baxsanin, ninku naag kale ayuu qabaa ee i sii daaya, war i sii daaya, ninka madaxayga dhulka ha ii dhigee!».

Dhaqaatiirtii dhimirka qaabilsaneyd, markii ay Muna-dheer qeyladeeda iyo is waalkeeda u adkeysan waayeen, ayey cirbad ku dureen si ay u degto una huruddo, taasoo sahleysay in si deggan loo baari karo, dhabtiina Muna ma waalneyn ee qaabka turjumidda hadalka yaa qaldantay waxaana sii caawiyay hinaasaha Muna-dheer ay ka qaadday dhaqan xumada seygeeda iyo jacaylkeedii berisamaadka oo is beddelay.

Axmed-yare iyo gabadhiisa Kheyrto, waxey u wada tageen boliiska waxeyna u sharxeen waxa ay Muna ku hadleysay in ahaayeen oo kaliya ereyga ah «I fur» oo inanta yar ay si khalad ah u fasirtay. Boliiskii arrinkaa wey gareysteen, waxeyna farriin u direen isbitaalka dhimirka oo ay u sheegeen in aysan Muna waalneyn ee ay turjumidda khaldaneyd sidaa ayeyna Muna xorriyaddeedii dib ugu heshay gurigeediina loogu soo celiyay.

Jamaad oo dibadda ka maqashay waxa ku dhacay ninkii ay qudba sirada isku guursadeen ayaa tiri «Walaalow aniga kuuma guursan inaan reer dhisan dumiyo gabar asaagey ahna aan hinaase iyo waalli ku beero ee iska key fur, Axmedna wuuba ku farxay in sidaa la yiraa sidaa ayeyna ku kala tageen.

Axmed-yare iyo Muna wey isku soo noqdeen ka dib markii ay arrinkooda akhyaar soo dhex gashay, wuxuuna Axmed ballan qaaday inuusan maalin danbe albaabkaba ka baxeyn haddii la doonana shaqada habeenkii uu iska joojinayo, taasoo ay Muna ku qanacday dhismihii iyo farxaddii qoyskana dib u soo celisay. ( Dhamaad ).

Sheekadan gaaban, waxey noo sheegeysaa «Inuusan guurka qarsoodiga ah khasaare mooyee faa’iido dhaleyn iyo in ay wanaagsan tahay in ilmaha afkooda hooyo la baro si aanay turjumaad dhib keenta u dhicin».

Bashiir  Cali  Xuseen.

Barbaariye@hotmail.com

 

SHARE