KAASI WAA WIILKAYGA. (SHEEKO XIISO LEH) Qore: Mohamed Musa Sh Noor

sheeko

KAAS WAA WIILKAYGA

Qabytii 7aad

Wiilka celintiisana aan hadda lagu dag dagi Karin maadaama Xaaji Ciise uu Wiilka aad u jecelyahay wiilna uu ka dhigtay iyadana ay go’aansatay in sidii ay shalay u siisay ay ugu dayso wiilkaas, maadaama uu nacay Aabihii dhalay, Aabana uu u yahay Xaaji Ciise, ilmihiisana uu ka mid yahay, arintana sida ay hadda tahay lagu daayo, wiilkana si gooni ah loogu dhaqaaleeyo halka uu joogo. 

Waalidiinta Hani aad ayay arintaas uga caroodeen waana la is mari waayay dooddaasna habeenkaas waa lagu xallin waayay, Hanina waxay codsatay in Waqti la siiyo xallinta arrinkaa.

Dood dheer oo maalmo socotay kadib Hani iyo waalidkeed waxay isla garteen in arrinta sideeda loo daayo, oo wiilka maadaama uu xoogaa koray hadana uu noqday Nin wax kala garan kara in uu sii joogo xaafada Xaaji Ciise, arintana ay noqoto Arrin Sir ah oo sida ay hada u qarsoontahay ay usii qarsanaato, balse, Hani si dadban ay u dhaqaalaysato wiilkeeda, labada waalidna sidoo kale ay kor kala socdaan Xaaladda Wiilka.

Waalidiinta Hani kuma qanacsanayn Fikrada Hani, balse waxay sidaa u suubinayeen qancinta gabadhooda, maadama iyadii oo dhashay ay sidaa ku adkaysatay, sababta dhacdadan xanuunka badana ay gabadhooda ugu dhacday ay tahay daryeelka sharafta qoyskooda oo kaliya, waxay dhinac kale iska tuseen in aan loo arkiin in uu Cali ka guulaystay cidda Hani.

Waa arimo la yaab leh oo dhacay runtii, aniga Maxamed ah marka ay hani sheekadan ila wadaagaysay waxyaabaha qaar ee ay ii sheegtay ma rumaysan Karayn, idinka sheekada aqrinayana waxaa laga yaabaa in aad is waydiisaan Su’aala badan oo ku saabsan Sheekada, balse runta ayaa waxay tahay, in sheekada ay tahay sida ay iigu sheegtay gabadha ay ku dhacday, lagana yaabo in wax badan oo aan munaasab ku ahayn shaqsiyadeeda in ay iga qarisay waana ugu garaabayaa runtii, anigana kuma adkayn oo ma waydiinayn waxa ay ka wareegsato sheegistooda ama aysan jeclaysan.

Farxaan wuu koray isaga oo u yaqaana Hani sida in ay tahay walaashiis, maadaama Xaafadda ay ka ahayd Gabar la saaxiib ah  gabadhaha Odayga dhalay, Farxaan wuxuu hooyo iyo aababa u aqoonsanaa oday Ciise iyo Xaawo Haashim, hanina wuxuu u aqoonsanaa walaashiis ka wayn oo maba jirin dareen  hooyanimo, iyadana  maba rabin intaas laga shakiyo ama la ogaado

Hani waxay si gaar ah u dhaqaalayn jirtay Farxaan, sirta meesha ku jirtana waa mid iyada qaas u ahayd, waxay ahayd mid usoo gadda farxaan Dhar, Dhaqaala hoose iyo naxariisna ugu deeqi jirtay, taas oo keentay in uu farxaan si gaar ah usii jeclaado Hani.

waxay ahayd mid kor ka eegi jirtay ama kala socon jirtay xaaladdiisa nololeed iyo dhaqaalaba, Waqtigu wuxuu is guraba waxaa dhacday in Hani uu Guur u bandhigo aabaheed, isaga oo la damacsanaa in uu ku daro Wiil ay ilma adeer ahaayeen, balse Hani waxay aabaheeda ka codsatay in iyada iyo wiilka uu la rabo ay dhex marto Sheeko labadooda qaas u ah si ay isku fahmaan.

Hani waxay go’aansatay in ay si gooni ah ula showrto(ula shirto) Ninka la doonayo in ay guursato oo C/Xakiin lagu magacaabi jiray runtana ay u sheegto, maadaama sida  sawirkeeda guud ee banaanka uu bixinaya aysan ahayn xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta nafteeda.

Waxaan ahay Garoob soo martay Guur hoose oo fashilmay, Cid Ila og ma jirto maadaama adiga aad guurkayga doonaysana in aad I ogaato waxa aan ahay Xaq ayaad u leedahay walalakey, marka waxaan kaa codsanayaa aniga oo doonayn in aan kusii fogaado arrimahaygaas hore in aad igu aqbasho sida aan ahay, haddii kalana aad ii Ceeb asturto maadama cid I og awal aysan jirin ayey hani ku tiri.

C/xakiim wuu ku farxay sida daacadnimada leh ee ay wax ugu sheegtay wuuna ku aqbalay runtii sidaa ayuuna ku guursaday, balse Hani uma sheegin wali in ay Wiil ku dhashay guurkeedii hoose ee fashilmay,  sababta ay sidaa ugu sheegina waxay ahayd, iyada oo ka baqanaysa in wax badan ay sii qarxaan oo howshu waji kale ay yeelato, sidaa darteed waxay garatay in waqtiga uu u saamixi doono in ay arrintaas mar kale soo shaac bixiso, balse marka hore ay doonayso in ay kasbato kalsoonida ninkeeda cusub ayna dareensiiso in uusan kusoo khaldamin, ee ay tahay mid u dhiganta ama u qalanta, qaybta uu ka rabana buuxin karta.

Hani way la aqal gashay C/Xakiim, waxayna noqotay Marwo sharfoon oo ka sharfoon xaga waalidkeeda iyo xaga saygeeda cusub, Hani guurka ay guursatay kama hor istaagin in ay illowdo wiilkeeda, sidaas ay tahayna mar walba oo ay booqasho ugu timaado waalidkeeda ama xaafaddoodi hore waa soo booqan jirtay.

Farxaan isaga wuu koray wuxuu noqday Nin wax barta aadna u fir fircoon, Saaxiibtinimo gaar ahna ay kala dhaxaysay Hani, isaga oo u aaminsanaa in ay ahayd walaashiis dariiskiisana ah xaafaddana ay isla daganaayeen, maalinka la aroosayayna wuuu ka qayb galay.

Adduunyada waa taa, midda wiilkaas ka dhigtay in uu hooyadiisa dhabta ah u aamino sida saaxiibtiis oo kale wax dareen ahna ku abuuri wayso in uu fahmo waxa dhabta ah ee kala dhaxeeya gabadhan uu saaxiibtinimada u aaminsan yahay.

Hani iyada wax walba waa ogayd oo iyada ayaaba qorshaysay waxaan oo dhan, wax walba sida ay u dhacayaana waxay ka ahayd maleegaha ama fikiraha dhabta ah ee ka dambeeya, sidaa darteed, Xiriirka kala dhaxeeya Farxaan mar walba waxay ku dadaali jirtay in uu heerkiisa sarreeyo, iyada oo maalin walba oo Jimca ah ku marti qaadi jirtay xaafaddeeda si uu ula qadaeeyo.

Hani caruur kale ayay dhashay, Qoys kale ayay tacbatay, farxaana wuu qaan gaaray oo wuxuu jiraa markan Da’da 16aad hadana xiriirkooda wali waa mid sii jira, maxaa yeelay, Farxaan maalinka uu dhashay ilaa hadda ayuu arkayay Hani, wuxuuna u aaminay sida walaashiis oo kale, oo maba aaminsanayn in ay Ajnabi ka tahay, wax walba ayay wada wadaagi jireen.

Waxaa si lama filaan ah u geeriyooday Xaaji Ciise, balse intii uusan geeriyoon Xaaji Ciise ayuu dar daarmay iskuguna yeeray ilmihiisa oo dhan, isaga oo qof walba si gooni ah ugu waramay una sheegay waxa uu ka doonayo Mustaqbalka dambe.

Xaaji Ciise waxa uu u sheegay farxaan bilowga noloshiisa iyo in uusan ahayn aabaha dhabta ee dhalay ee uu ka helay gurigiisa hortiisa, balse uu la mid yahay caruurtiisa uusanna garanayn waalidkiisa waxa ay yihiin iyo halka ay daganyihiin Baladkan, balse taas aysan ku abuurin Calaacal iyo Calool xumo, Xaaji Ciise ayaa ku samirsiiyay Farxaan Boos uu ku lahaa meel aan ka fogayn Xaafadda, wuxuuna kula dar daarmay in uu kasii mid ahaado qoyskiisa uuna u sii ahaado wiilkiisa sida uu haddaba u yahay.

LA SOCO QAYBTA 8AAD Isniin walba insha Allah

W/Q: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN