Sooyaalka Noloshii Sillooneyd Q26AAD.

Samatar

 

 

Samatar yare oo goor duhur ah intuu Iskool ka soo baxay usoo socda dhinaca, guriga ayaa arkay, Hodan iyo saaxiibteed oo indho shareeran, Hodan baa isu sheegtay, waxayna tidhi hay sheegin, Samatar waa xog ogaal, markaasuu uga warramay in xaalladu xuntahay, waxayna ka codsatey inuu ka caawiyo, qaabka ugu fudud ee ay ku tegi karto dalalka deriska ah, si ay socodkeeda usii ambaqaado, waxayna farriin u fartey, Ilbir inuu habeenimada meeshaas ugu yimaado.

Markii Odayadii, ka tageen korneyl Cirfiid oo ay gaadheen gurigii ganacsade Barroow ayay u sheegeen in laga aqbaley wada hadalkii, aadna Korneylku soo dhaweeyey, balse, korneylkuna ugu dhaartay una caddeeyey in uusan ogeyn meel uu ku sheego gabadhaas balse uu dhinaciisa ka raadin doono.

Samataryare ayaa u yimid durbadiiba u yimid Ilbir oo farriintiina gaadhsiiyey,Ilbir wuxuu ku mashquulsanaa, kiis baadhka nimankii loo haystay inay gudbiyeen sirta ciidankiisa ee la shaqaynayey Abuu Salmaan wuxuu helay xog badan waxaana loo sheegay xaruntooda, dad badan oo ganacsato ah oo suuqa Bardaaley jooga oo caawiya lacagtana loogu dhiibo, fadhiisamadooda magaalada iyo qaabka ay u shaqeeyaan.Ilbir isagoo hawshaas meel ku soo oggaadey una qorshaysantahay inuu berry duulaan ballaadhan ku qaaddo, ayuu soo kaxaystay saddex ka mid ah, gaadiiskiisi dagaalka, iyo mid aan qori saarnayn oo isaga iyo Hanad iyo Qaare wada saaran yihiin si uu ula kulmo Hodan arrintana ugu balballaadhiyo.

Samataryare, ayaa gurigii korneylka soo aaday, intuu dhexda soo socdayna waxaa ku soo dhacay aragti iyo feker cusub, Samatar waxaa ka go’an inuu xal u helo, Hodan Hiirad siday xor ku noqon lahayd, iyada oo aysan cidi dhiman, sidoo kale wuxuu aad ula dhacay,shaxda cusub ee Ilbir adeegsaday, ka dib markuu ka war helay in xujo looga dhigay inuu Hodan meel ku sheego raq iyo ruux qaanna loo haysto, Samatar waxaa halkaas uga soo dhex baxdey fekrad kale oo lagu qasbi karo Barroow inuu Hodan madaxeeda siiyo, haddii ay Hodan ka yeesho, wuxuuna markiiba degdeg u garaacay nomberkii ay soo siisay.Isla markiiba waxaa ka qabatey Hodan oo sugaysay in Ilbir soo waco, , Markay ka qabatey ayuu u sheegay inuu Ilbir farriintii gaadhsiiyey, sidoo kale wuxuu ka codsadey, inuu arrin cusub doonayo inuu kala hadlo haddii ay ka oggolaato,waxayna ka ballanqaaday,iney ka oggolaaneyso wax walba oo wiilkeeda Samatar usoo jeediy waxayna tidhi:

“waa yeelayaa wixii wiilkayga Samatar iisoo jeediyo, waxaadna tahay wiilkaygii curad, adduunkana qof aan kaa jecelahay ma saarno ii sheeg maxay tahay talada aad iisoo jeedinaysaa”

Samatar oo erayadaasi qalbigiisa qaboojiyeen aadna ula dhacay ayaa yidhi i dhegayso Hooyo:

“Ilbir wuxuu direy adeerkaa Carraale ayuu la hadlay wuxuuna u sheegay inaad maqantahay oo aan meelna lagugu ogeyn raq iyo ruux,arrintiina aabbaha ayay gaadhay,waxayna gar u dhigteen Barroow in raqdaada iyo ruuxaaga la sheego, haddana arrinku meel adag iyo ayuu marayaa , waxaana laga rabaa Barroow burrito inuu laba midkood keeno oo kala ah: adigoo nool ama maydkaaga, haddii labadaa uu waayona waxaa ku soo wajahan dagaal iyo duulaan beeshiinu ku soo qaaddo.”

Hodan oo si wanaagsan u dhegaysanaya sida habsamida iyo waayeelnimadu ka muuqato ee ilmaha yari ugu warramayo, maskaxda iyo maanka wanaagsan ee uu kula socdo, waxa hareerihiisa ka dhacayaa ayaa tidhi:

“ Hooyo maxaad hadda igula talineysaa? Ma inaan u tago Barroow mise inaan dhuunto, sidee ayaad xal u aragtaa”Samatar ayaa markuu dhawaqaas maqlay u dhawaaday inuu farxad dillaaco ayaa yidhi:

“ Hooyo saw ma haysid, Telefoonka Barroow? Wac oo la hadal una sheeg, inaad imaneyso oo bannaanka usoo baxayso, haddana aad waddanka ka baxdey, nomberkana qarso, sidoo kale u sheeg, inaad sii baxayso u sheeg oo aanu weligiis arkayn, balse, ay mid qudha ku badbaadin karto taasoo ah, inaad shuruud uga dhigto inuu ku furo, warqadaada furriinkana uga dirso, dad aad ku kalsoontahay, iyadoo qoran maragna adigu samayso, isaguna ha keeno”

Hodan ayaa ilmo ka soo qubatey daamankeeda qoysey ilamadan oo ahayd ilmod laxaw iyo farxad xambaarsan, waxayna aad ula dhacdey talada uu siiyey wiilkii yaraa ee ay habeenka usoo jeeday, oo ay noqotey hooyadiis, waxayna niyada ka tidhi:

“ Allow ku daa wallee nin garasho dheer baad tahay, aniguna kuma khasaarin daryeelkaaga iyo barashadaada, waana ii cawo iyo ayaan haddaan hooyadaa booskeeda kuu galo, allow hayga kaa qaadin”

Hodan ma laba labayn arrinkii waa ka yeeshay Samataryare, waxayna ku dhaqaaqdey talaabooyinkii uu soo jeediyey, iyadoo weliba, si karoox iyo cadho ku jirto ula hadlaysa waxay tidhi:

“ Barroow waxaa kula hadlaysa, Hodan Hiirad, ee dhegayso warkayga, adiga iyo aniga waa inoo kala dhammaatey, ee waxaa habboon inta aan dhibaato intaas ka badan ku soo gaadhin inaad warqadeyda iyo madaxeyga I siiso, haddii kale xitaa noloshaada inta ka dhiman i maqli maysid”

 

Barroow inta aysan la soo hadal, waxaa ku furmay albaabkii quusta ugu dambeeyey, kadib markii loo sheegay tolkiis, inaan cidina ku taageerayn, dagaal uu ku qaaddo, Hodan beeshooda maadaama aysan jirin garab kale oo u hadhay, sidoo kalena aysan kala qaybin dhexdooda marnaba ku taageerayn.Barroow waa keligiis, waxaa keliya oo badbaadadiisu ku jirtaa waa inuu, Hodan iska furo, iyadana ka codsado inay timaado oo la arko, waase ka diiday inuu furo, isaga oo aan arag.

Hodan waxaa ku soo korodhey marxalad kale, waxayna tidhi:

“ Anigu kuma dhagrayo ee waa iga dhab, ee waxaan ku soo noqon karaa, adigoo dalqadeyda I maqashiiya meherkaygana I siiya, ka dib ayuu yidhi:

“ Waxaan kaaga dhigayaa marag Aabbahaa iyo Adeerkaa, balse, waa inay codkaaga maqlaan”

Hodan waxay tidhi waxba kama qabo, ee waa inoo berri saddexda Galabnimo ayaan kula soo hadlayaa, markay hodan telefoonka ka dhigtay, ayaa waxaa soo wacay Ilbir oo u sheegay inuu soo socdo una imanayo halkay ku ballameen.

Ilbir wuxuu u haystaa inuu dhammaan helay raggii ku dhex jiray, nasiib darrose waa nin ciidankiisa rag badan lagu dhex samaystaye, mid ka mida kuwii uu horre usoo kaxaystay ayaa waxaa uu gudbiyey inay joogaan meel, lana oggaaday taliskooda Abuu Salmaan oo raggii kale la qabtey, isaguna uu soo goosanayo, balse, lagu caawiyo inuu dilo, Ilbir, Qaare iyo Hanad, Abuu Salmaan ayaa arrinkaas ku farxay, waxaana lagu ballamey in markay xabbada ku billaabaan, uu isaguna gaadhiga ku dhufto qoriga loo yaqaan, RPG-7 ee Baasuukaha maadaama ay hal gaadhi wada saaran yihiin.

Muddo markay socdeen, ayaa waxaa soo raacay gaadhi yar oo CAROLA ah, oo muddo daba socdey, balse, Hanad baa ka shakiyey baabuurka daba socda oo intuu u degay oo gaadiidkay wateena joojiyey, isagoo oo kor u qaylinaya ku amrey inay nalka damiyaan, qoladii baabuurka yar saarneydna markay arkeen in la fahmayay, ayaan go’aansadeen iney dagaallamaan waxay ahaayeen afar nin isla markiiba waxay xabbad ooda kaga qaadeen, jihaduu ka soo socdey Hanad, , waxayna kaga xabbadihii ka haleeleen, Garabka midig iyo docda bidix, dhulka ayuu isla markiiba ku dhacay, ka dib waxaa iyagii oo raba inay dib u baxsadaan lagu garaacay qoriga DHASHIIKAHA oo saarnaa gaadiidka dagaalka, gaadhigoodiina waxaa laga dhigay baa’ba, balse mid ka mid ah oo dhaawac ah ayaa la qabtey.Lama oga ciidankani inuu Barroow soo direy iyo iney yihiin ciidamadii Abuu Salmaan, balse markii telefoonadooda la baadhay ayaa laga helay, Shuutiye nomberkiisa.

markii lays yidhi baadhana waa la waayey, oo waa baxsaday, balse kama foggaan ee qorigii RPG-7 ayuu la degay gurmadna waa dirsaday, waxaana hareeraha ka soo galay, Ciidankii Abu Salmaan, isaguna gaadhigii buu Gubey, waxaana halkaas ku dhintey, taliye Qaare iyo darawalkii Gaadhiga iyo ridihii qoriga.Ilbir ballantiisi waa baaqatay, balse dagaalkii laysla galay, qoladii Abuu Salmaan waxaa lagu qabtay nolosha 7 qof waayo, waxaa dagaalka soo galay, Dhallinyarada xaafada oo gaashaanbuur la ah ciidanka Ilbir maadaama ay nabad ku wada noolyihiin, oo guryaha kala soo baxay hubkooda, dhabarjebin culusna ku sameeyey, sidoo kale waxaa gacanta lagu dhigay Shuutiye.Doolli ayaa isku dayey inuu dilo, nasiib wanaag, waxaa ka diiday raggii kale, Hanadoo dhiig baxay ayaa waxaa loo qaaday, isbitaalka, sidoo kale waxaa habeennimadiiba la diyaariyey maydkii oo la kanfay iyadoo loo ballamey in waaberiga la aaso.

Raggii la qabtey waa la xidhxidhay waxaana la geeyey xabsiga xerada Ilbir, nasiib wanaag, waxay laga helay, xog badan oo ku saabsan arrimaha Abuu Salmaan, waxaa arrinkii loo sheegay Korneylka, balse, waxay isaga iyo Samatar yare isu raaceen isbitaalka oo Hanad ugu tageen ilaa habeenkiina meesha kula baryeen, iyadoo Samataryare noqday qofka keliya ee ku dhiiga ah nooca loo yaqaan(AB) oo aad ugu yar dadka Soomaalida ah.

Hanad waa miyir doorsoomey, mana oga wax ku dhacay, Samatarna Oohin baa ka dhammaan weyday, Samatar oo ilmada iska duugaya, bannaankana ka hiqle, ayaa arkay gabadhyar oo miskiina oo meel jardiina ah ku ooyeysa, ugu badnaan waa 17 jir, wuu u yimid, wuxuunna weydiiyey waxaa ku dhacay, balse uma jawaabine waa ka sikatey, haddana wuu la hadlay, wuu ilaaway dhibkiisii, wuxuuna isku dayey inuu ku qanciyo inuu caawin karo, wayse ka diiday inay wax jawaaba siiso, intuu is celin waayey ayuu la ooyey, wuxuuna u sheegay in adduunka aysan cidi u joogin aan ka ahayn, dadkaa garab qabtey walaalkiisii keliya ee uu ku xisaabtamayeyna uu isbitaalka jiifo.

Wuxuu u billaabay sheekadiisa, Hooyaday markay dhimatey waan ooyay, waxaanan u ooyey maxaay wax kuu siin weydey,   Ayeeydeyna markey dhimateyna waan ooyey waxaanan u ooyey maxay u toosi weyday.

 

La Soco qaybaha danbe

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

 

SHEEKOOYIN