KAASI WAA WIILKAYGA Qabytii 8aad Qore:Mohamed Musa Sh. Noor

sheeko

KAASI WAA WIILKAYGA

Qabytii 8aad

Farxaan maadaama uu nuugay Naaska Xaawo Haashim, wuxuu la ahaa Walaalo dhab ah Gabdhaha Xaaji Ciise, dardaaran dheer kadib waxaa sidii ku geeriyooday Xaaji Ciise, Farxaana wuxuu goostay in uu kasii mid ahaado qoyskiisa maadaama uusan lahaynba Qoys kale.

Geerida Xaajiga soo korsaday Farxaan ma aysan farax galin, inakstoo uu qoys haysto uusana dareemayn Cidlo ama Xin iyo wax la mid ah, hadana Qalbi ahaan wuxuu mar walba si dagan wax walba ula wadaagi jiray Hani, talada ugu wacana wuu ka qaadan jiray.

Waxaa jirtay Su’aalo u qaas ahaa Farxaan oo ku dhashay Geerida Xaaji Ciise kadib maadaama awal uusan ka warqabin ogaalna uusan u lahayn in Waalid ay ka maqan yihin ama uu waalid aan Xaaji Ciise iyo hooyo Xaawo ahayn leeyahay ayuu Hani horteeda isku wayddiyay suaasha ah, aaway waalidkey? maxayse saan iigu galeen? maxaansa ku mutaystay in la igu soo tuuro Albaabka Cid islaameed.

Hani marka uu Farxaan intaa lahaa Ilmo ayaa ka qubanaysay indhaheeda iyada oo dhahaysay “Farxaan sidaa ha oran, waxaa laga yaabaa in waalidkaa aysan ku necbanayn, balse ay jiraan Duruufo ku kalifay arrinkaa” sidaas oo ay tahay farxaan wuxuu sii waydiiyay su’aala kale oo ay ka damqanaysay jawaabahooda.

Hani wixii maalinkaa ka dambeeyay waxay ka baaraan dagaysay sidii ay wiilkeeda Niyadda ugu dhisi lahayd uguna sheegi lahayd waalidiintiisa in ay noolyihiin, balse qaabka ay u marayso arrinkaa waxaan ka ogaan doonaa qaybaha kale ee sheekada.

Cali markii ay isku dhaceen Hani ayay iibsadeen Booskii ay Xaafadda ku lahaayeen sidaas ayay xaafadda uga guureen, muddo fog ayaa kasoo wareegtay la isma soo raadsan waa Hani iyo caliba, Cali wuu ogaa in ay Hani Uur u lahayd, balse, iskuma mashquulin in uu soo ogaado waxa ay u dhashay, maadaama Xarkaha la kala furtay laguna ballamay in Qof qofka kale soo raadshaa uusan jirin, qof walbana uu is dabbaro dhibkiisana u si gooni ah u xallisto.

Cali wuxuu yeeshay Qoys kale, Caruurna waa uu dhalay si la mid ah sida Hani, sidaa ay tahay ogaal ahaan Hani waa ay ka warqabtay halka uu ka dagan yahay Magaalada, balse iskuma mashquulin jirin, wayna ogayd hani in Maalin maalmaha ka mid ah loo baahan doono Cali, waqtigaase waa midka ay wali sugayso.

Hani waxaa kusoo batay Cadaadiska uga imaanaya Farxaan Yare, maadaam uu mar walba ula imaanayay Dareen ah in u Baahi u qabo ogaanshiyaha waalidkiis, iyo in uu doonayo in uu ogaado sababta ay sidan ugu galeen iyo Duruufaha ku kallifi karay in ay sidaa labada dhashayba ay u dayacaan, dib dambana Cid usoo raadisaa aysan jirin.

Farxaan Yare isagu Hani waa sida Gabar walaashiis ah oo ay isku xaafad ahaayeen uuna yaqiin ilaa yaraantiisi, balse, marnaba kuma soo dhacsanayn in ay hooyadiis tahay, mar walba oo uu la wadaago dareenkiisana wuxuu ula wadaagaa sida walaashiis oo kale, balse, Hani sidaa waa ka duwanayd.

Hani waxay go’aansatay in ay raadiso Cali, si ay ugu sheegto arrinkan ku saabsan wiilkan ay wada dayaceen, raadin kadibna waa ay heshay Cali, waxayna u sheegtay in uu jiro Wiil ay labadooda wada dhaleen, iminkana uu yahay qaan gaar uusana xitaa aqoon waalidkiisa, balse, markan uu aad ugu baahanyahay in uu ogaado waalidkiisa.

Hani waxay u sharaxday Cali sidii ay suubisay iyo Xaaladda ay soo martay, iyo sida ay kor uga eegaysay wiilkooda iyada oo si aan la fahmi Karin Cid dariskooda ah Faraqa ugu galisay, sidaana ay kusoo koriyeen.

Cali aad ayuu uga cudur daartay Khaladkii uu sameeyay, waxayna isla wada qireen in khaladkan ay si wada jir ah u wada galeen, Dhibanaha dhabta ah ee khaladkan uu yahay wiilka ay dhaleen ee Farxaan, sidaas si la mid ah Hani nafteeda oo dhib badan kasoo martay soo gaarsiinta arrinkan ay soo gaarsiisay heerkan.

Hani waxay Cali u sheegtay in xitaa xaafaddooda aan laga ogayn in ay wax dhashay iyo in kale oo ay xagooda Gabar ka tahay, marka laga reebo waalidkeed oo ay u sheegtay, balse Qaraabada iyo Bulshada Xaafadda aysan la socon arinkeeda.

Cali wuxu si gaar ah Cafis u waydiistay Hani, hanina waxay tiri muhiimada ma ahan wixii dhexdeena ka dhacay, hadda waxaa u baahan in la Saxo waa Khaladka aan wada galnay oo dib inoo ugaarsanaya, Naf aan khaladkan waxba ku lahayna ciqaabteeda ay marayso, micnaha waa Farxaan waxa khaladka natiijadiisa marayo.

Ugu dambayn si fiican ayaa la isku afgartay waxaana la isla dajiyay Caqligiii uu wiilkaas ku ogaan lahaa waaliddiintiisa, si loo soo gunaanado guuxan iyo gartan gorfaynteeda aan wali la galin, dhibanaha dhabta ahna markan uu u muuqdo Farxaan Yare.

Farxaan iminkan wuxuu jiraa 18 sano, waxaa ku dhashay Qorshe Guur wuxuuna doonayaa in qaabkii uu wajihi lahaa kala tashado saaxiibtiisa Hani ama walashiisa waa sida uu isagu aaminsan yahay, isaga oo doonaya in uu Hani dhankeeda Fakar iyo taakulaba ka helo.

Hani Iyana waxaa ku jiray Qorsha ah gunaanadka arrinkan ku saabsan Waalidka Farxaan, si ay iyadana u nafisto oo ugaarsigan muddada 20 ka Sano ku dhow soo jiitamayay uu mar uga haro, xaalkuse waa faanoole fara kama qodna, Hani marka ay la tacaasho xallinta Farxaan, waxaa usii dhiman ninkeeda iyo ilmaheeda sida ay uga dhaadhicin lahayd wiilkan Xaafadda laga wada yaqaan ee gurigana mar walba lagu marti qaado.

C/Xakiin oo ahaa Ninka Hani wuu dareensanaa in wiilkan uusan dhanka hani ka fududayn, balse maadaama inta uusan guursan ka hor xitaa Hani wiilkan ay sidaa u dhaqaalayn jirtay una xiriirin jirtay iskuma sii mashquulin waxa ka dhaxeeya.

Hani waxay maalin Jimca ah gurigeeda ku marti qaaday Farxaan, qof walba qorshe ayuu watay, isagu martiqaadka Hani wuu ku faraxsanaa, waxaase u qarsoonaa Qorshe uu tala uga doonayo Hani in uu maalintaas meesha uga faaidaysto.

LA SOCO QAYBTA 9AAD ISNIINTA SOO SOCOTA

W/Q: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN