Tixda: Tacliin Tirintii: Cabdi Nuur “Waddani”

11188152_355843237956152_8543956209520714718_n Tixda: Tacliin   Tixmaal iyo maahi Abwaan tarar dheere Waxbeygu tawiilay Inaan tirsho maanso.   Tubaal dheri saaran Inuu taqtaqeeyo Tallaahi dhab weeye.   Tifoow iyo Tiibbi Ninkii lagu tuuray Inuu asna taaho Tabtaasina waa dhab.   Tasoow nin ahaaday Inuu tuhun qaado Miyaa turjum dooni!   Tif baa igu taagaan Waxbeygu taqlaalan Waxbaan tebayaaye Tixdaan mari doono Bashiir, tebiyoo qor Haddaan tubta dhaafo Galayr adna toosi.   Tafsiirka Quraanka Ninkaan u dhegtaagin Miyuu ku tisqaadi? Toowxiidka Ilaahna Ninkii is ka tuura Ninkaan Rabbi tuugin Ninkaan taqwa keensan Miyuu heli toowbo? Runtaa la tebshaaye Miyuu janna taabban?.   Intaasi tussaalo Tusmeyn hadalkeey dheh Haddaan u tallaabo Waxaan u tacbaanay Waxaan u tahriibno Tacliin la’a weeye!   Talyaani ku tuugso Tacaadiga Liibi Tarxiilka Sucuudi Waxey nagu taagay Tacliin la’a weeye!   Teendhooyinka taagan Tanzaaniyadooda Turkida la maraayo Tripoli heedhe Waxaa na agtuuray Tacliin la’a weeye!   Dadkii tol ahaaye Hal tiir ka askuumay Wixii ka la taagay Wixii ka la tuuray Wixii toban dowlad Bashiir ku tiqraaray Tacliin la’a weeye!   Tuu-aan ka tibeyne Tummaamti dhacaaya Waxaan ugu toogaan Maskiinka tabaalsan Tacliin la’a weeye!   Anaa talinaaya Anaa tolka toosin Anaa tunka weynle Anaa ina taar ah Anaa tujinaaya Anaa calan taagi Anaa xiran tuute Anaa tirakoobi Waxaan ugu taahno Tacliin la’a weeye!   Towxiidku qir weeye Tahliishu cab weeye Waxaan u tafxeytay Bashiir talo weeye.   Si aad u tanaaddo Tacliin baro weeye.   Haddaad rabto taajir Inaad faqri tuurto Tacliin baro weeye.   Haddaad turuq xoogle Lixaad togan dooni Tacliin baro weeye.   Si aad u tallaasho Ubuur tayo fiican U tiigsato maanta Adduunyada taagan Tacliin baro weeye.   Tasbiixda salaadda Sunnaha la tilmaamay Si aadan u tuurin Tacliin baro weeye.   Facaa la tillaabso Garaadka bal tuuji Si taama u maaxi Tusaale ha dhaafin Tusmada ha illaabin Filkaa tartankooda Tubkooda ha seegin Tacliin baro weeye.   Waxaad tacabtaana Waxaa ugu taamsan Tacliinta dadyoowe War tiigsada khayrka.   Curintii:   Cabdi Nuur “Waddani”

         

Top