Tixda: Tacliin Tirintii: Cabdi Nuur “Waddani”

11188152_355843237956152_8543956209520714718_n

Tixda: Tacliin

 

Tixmaal iyo maahi

Abwaan tarar dheere

Waxbeygu tawiilay

Inaan tirsho maanso.

 

Tubaal dheri saaran

Inuu taqtaqeeyo

Tallaahi dhab weeye.

 

Tifoow iyo Tiibbi

Ninkii lagu tuuray

Inuu asna taaho

Tabtaasina waa dhab.

 

Tasoow nin ahaaday

Inuu tuhun qaado

Miyaa turjum dooni!

 

Tif baa igu taagaan

Waxbeygu taqlaalan

Waxbaan tebayaaye

Tixdaan mari doono

Bashiir, tebiyoo qor

Haddaan tubta dhaafo

Galayr adna toosi.

 

Tafsiirka Quraanka

Ninkaan u dhegtaagin

Miyuu ku tisqaadi?

Toowxiidka Ilaahna

Ninkii is ka tuura

Ninkaan Rabbi tuugin

Ninkaan taqwa keensan

Miyuu heli toowbo?

Runtaa la tebshaaye

Miyuu janna taabban?.

 

Intaasi tussaalo

Tusmeyn hadalkeey dheh

Haddaan u tallaabo

Waxaan u tacbaanay

Waxaan u tahriibno

Tacliin la’a weeye!

 

Talyaani ku tuugso

Tacaadiga Liibi

Tarxiilka Sucuudi

Waxey nagu taagay

Tacliin la’a weeye!

 

Teendhooyinka taagan

Tanzaaniyadooda

Turkida la maraayo

Tripoli heedhe

Waxaa na agtuuray

Tacliin la’a weeye!

 

Dadkii tol ahaaye

Hal tiir ka askuumay

Wixii ka la taagay

Wixii ka la tuuray

Wixii toban dowlad

Bashiir ku tiqraaray

Tacliin la’a weeye!

 

Tuu-aan ka tibeyne

Tummaamti dhacaaya

Waxaan ugu toogaan

Maskiinka tabaalsan

Tacliin la’a weeye!

 

Anaa talinaaya

Anaa tolka toosin

Anaa tunka weynle

Anaa ina taar ah

Anaa tujinaaya

Anaa calan taagi

Anaa xiran tuute

Anaa tirakoobi

Waxaan ugu taahno

Tacliin la’a weeye!

 

Towxiidku qir weeye

Tahliishu cab weeye

Waxaan u tafxeytay

Bashiir talo weeye.

 

Si aad u tanaaddo

Tacliin baro weeye.

 

Haddaad rabto taajir

Inaad faqri tuurto

Tacliin baro weeye.

 

Haddaad turuq xoogle

Lixaad togan dooni

Tacliin baro weeye.

 

Si aad u tallaasho

Ubuur tayo fiican

U tiigsato maanta

Adduunyada taagan

Tacliin baro weeye.

 

Tasbiixda salaadda

Sunnaha la tilmaamay

Si aadan u tuurin

Tacliin baro weeye.

 

Facaa la tillaabso

Garaadka bal tuuji

Si taama u maaxi

Tusaale ha dhaafin

Tusmada ha illaabin

Filkaa tartankooda

Tubkooda ha seegin

Tacliin baro weeye.

 

Waxaad tacabtaana

Waxaa ugu taamsan

Tacliinta dadyoowe

War tiigsada khayrka.

 

Curintii:

 

Cabdi Nuur “Waddani”

SHEEKOOYIN