Noloshii Sareeda!! (Dumar iyo dadaal- Qaybtii 1aad)

Sareeda waxa ay ku dhalatay tuula yar oo ku taalla gobolka Mudug, waxa ay ka dhalatay qoys sabool ah oo aan xoola badan laheyn.Waxa ayna dhalatay xilli abaar ah. Nasiib wannaag markii ay laba cisho ifka joogtay ayaa roob lagu diirsaday tuuladii ka da’ay. Dhaqan ahaan Soomaalida marka uu cunug u dhasho waxa ay la magac dhigaan hadba xaaladda taaggan marka. Sareedana sidaas ayuu waalidkeed ula baxay oo ka dhigan Barwaaqo.

Waxa ay ku barbaartay oo ay dugsi quraankana ku dhammaysatay tuuladii lagu dhalay. Sareeda waxaa la dhashay tiro wiilal iyo gabdhaba isugu jira. Reerka ayada uma weyneen, hasa ahaatee waxa ay ahayd gabar allah siiyay caqli oo si wanaagsan u fekerta, waalidkana baari u ah.

Aabbe Cali oo ahaa Sareeda aabbaheed waxaa u timid tii alle oo waa uu geeriyooday. Maalintii ay geerida Aabbe maqashayna, waxa ay Sareeda gashay xaalad aad u adag oo walwal iyo walbahaar wadata. Dhowr iyo toban beri raashinku kuma soconayn. Ugu dambayntiina waxa ay Sareeda go’aan ku gaartay in ay tuuladan isaga tagto oo magaalada aaddo si ay halkaa uga hesho waxbarasho maadama reerku ahaa ceyr aan xoola badan laheyn.

Hooya Xabiiba oo ah Sareeda hooyadeed kuma faraxsanayn bixitaanka gabadheeda waayo waa ay jeclayd oo in ay ka tagto ma rabin, haddana waxa ay is tustay in ay muhiim tahay inaanay gabadheeda ka hor joogsan hanka ay ka leedahay waxbarashada, si taasi ay u suurtagaliso in reerkoodan miyiga ku wada nool uu qof uun wax usoo barto.

Sareeda waxa ay timid magaalada Galkacyo oo aysan wax ehel ah ku ogayn, marka laga reebo reer ay tuulada daris ku ahaayeen oo magaalada usoo guuray. Waxa ay tilmaansatay guriga ay ku nool yihiin Maama Zeynab iyo caruurteeda oo ah reerka ay dariska ahaan jireen, sidaas ayayna gurigii ku tagtay oo lagusoo dhaweeyay.

Sareeda waxaa qol lala dajiyay gabdhaha reerka ay usoo martisay ee magaalada Gaalkacyo deggan. Maalma ka dibna waxa ay Maama Zaynab ka codsatay in ay reerka u shaqeyso waxbarashana laga dhiibo  codsigeediina waa lasoo dhaweeyay oo laga ogolaaday.  Halkaas ayayna Sareeda ka billowday waxbarashadii dugsiga hoose ee Iskuulka Cabdullahi Ciise oo magaalada ku yiillay, iyada oo gelinna dugsiga tagi jirtay gelinka kalena reerka ay la nooshahay guriga uga adeegaysay.

Waxay noloshaas adag  ku noolaataba waxa ay go,aansatay in ay hooyo iyo caruurta usoo rarto magaalada Galkacyo. Hooyo Xabiiba oo ay ku adkeed nolosha magaalada ayaa hadana is tustay in tuuladan aysan wax nolol ah ka jirin, xoola badanna aysan ku haysan.Waxa ay usoo ruqaansadeen qoyskii Sareeda magaalada Galkacyo.

Sareeda iyo qoyskeeda waxa ay dageen guri kira ah oo magaalada duleedkeeda ku yaalla. Sareeda waxa ay sii wadatay nolosheedii caadiga ahayd ee waxbarashada iyo teedii xoogsashada ahayd oo ay reerkeeda iyo iyadaba masruuf ugu raadinaysay. Hooyo Xabiiba waxa ku adkaatay noloshii magaalada. Xilliyada qaar gurigooda dab lagama shido.Waxa ay bllowday in ay gurigeeda ka sameysato ganacsi yar si ay u iibiso qudaarta oo markaa ay u arkaysay ganacsiga ugu fudud ee ay ka hirgalin kartay xaafadooda oo dadkuna u baahan yihiin.

Markii ay u gudubtay dugsiga dhexe, waxa ay Sareeda joojisay shaqadii booyaasanimada (Shaqaale guriga) ee ay guryaha reerka kale ka qaban jirtay. Waxa ayna gelinka waxbarashada mooyee inta kale billowday in ay ka shaqayso gurigooda si ay hooyadeed uga caawiso ganacsiga yare e ay hayso iyo maamulka gurigaba.  LA SOCO QAYBTA 2AAD.

W/qortay: Fartuun Xassan Cagay

Gaalkacyo- Soomaaliya

Email: luulxl2@gmail.com

Facebook: https://www.facebook.com/qaali.xasan.5?fref=ts 

SHEEKOOYIN