Home Curis Sooyaalka Noloshii Sillooneyd Q28AAD.

Sooyaalka Noloshii Sillooneyd Q28AAD.

1
SHARE

Sooyaalka Noloshii Sillooneyd Q28AAD.

Samatar

Ilbir ayaa waagu ku baryey, wuxuuna yaqiinsaday inay dhab ka tahay Abuu Salmaan, wuxuu sameeyo ayuu garan waayey, waxaana ku dhacay niyad jab laxaad leh.Abu Salmaan hadalka waxa ku koobay,haddaad sidaad doonayo yeeli wayday, dhagax baan ku dilayaa, wuxuuna u qabtey muddo cayiman, hadduu kaga soo bixi waayo shuruudaha lagu xidhay, in gurigiisa hortiisa la keenayo qoorta Hodan.

Ilbir ayaa wuxuu isku qaaddey, gurigii Korneylka, markuu u tegayna isagoo war isu haynin, ayuu sheekadii dabada qabsaday, si miyir iyo miisaan leh ayuu korneylku u dhegaystey, markuu dhammeystay ayuu kornaylku waydiiyey:

“ Maxaa inaga inaga galay Hodan, saw ma ogid inay tahay Oori nin kale u dhaxdey oo masuuliyadiisa ay saarantahay? Miyeynaanse arrinkan horre uga wada hadlin? maxaase gabadha adeerkaa dhalay ee aad ogtahay silica iyo saxariirka ay martey sababi kara inaan Hodan ku beddelano?, maxaabiista aan haysanaa, saw ma ogid, in Hanadna nolol iyo geeri u dhaxeeyo Qaarrena dhintay, raggaas dhintay iyo gabadha iyo wiilka yar ma waxaa kaala mudan Hodan?”

Ilbir ayaa waagu ku baryey,mana hayo jawaab qudha oo uu ka horgeeyo waydiimahan adage e uu korneylku su’aalay? waxaana la hordhigay xujo adag, hase yeeshee kuma qanacsana oo xaalkiisu waa nin meeli u caddahay meeli ka madoow,Ilbir waxaa indha tirey jacalka Hodan, mase oga in jacayl hayo, wax riixaya iyo waxa jujuubaya ma yaqaanno, wuxuu noqday xadhig lama sitaan, waxaadna moodaa in la yidhi waxaa lagugula xisaabtamayaa, nolosha iyo geerida Hodan xil gaar ah ayaana kaa saaran, wuxuu ilaaway dadkuu ku dhex jiray,ka dib, wuxuu cabbaar aamusnaado, wuxuu ka codsadey, Korneylka in la siiyo, Ciidan ilaa 50meeyo ah, iyo Afar gaadhi oo dagaal, Korneylku ugama jawaabin, waxooga  dib Ilbir oo bannaanka guriga fadhiya,ayaa Abu Salmaan soo wactamey, ka dibna wuxuu yidhi, Subaxnimada 9:00 markay saacaddu isku dultaagto, haddaad iman weydo, iska illow Hodan.

Ilbir oo cataabaya oo leh; Maya maya sidaa ha samaynin, iga warsug, weli xal raadis baan ahay, ayuu Korneylku isa soo dul taagay wuxuuna gacantiisa kala baxay telefoonkuu ku hadlayey Korneylka oo aad u cadheysan ayaa yidhi;“ Kumaad tahay? Maxaadse ku hadlaysaa? Sheeg ujeedkaaga.”

Abuu Salmaan ayaa naxay waayo wuu yaqaana Korneylka inuusan ahay nin hadal lagu celin karo wuxuuna mooday inuu hortaaganyahay, sidoo kale wuxuu gaaday in arrinkiisu fashilmay oo uusan luuq ugu jirin Ilbir ee arrinkiisa la ogyahay.

Abuu Salmaan ayaa isagoo isku dhex daadsan yidhi:

“ Aniga ninkaasa iga gardaran isagaana, Xaaskayga iyo ilmahaygii yaraa iga qaatey, sidaa awgeed aniguna gabadhuu jeclaa baan gacanta ku dhigay, waa dagaal noo dhaxeeya aniga iyo Ilbir, adigana waxba nagama dhaxeeyaan”

Korneylka ayaa u dhaartay, wuxuuna u sheegay inuu dhammaan falalkii fuleynimada ahaa iyo weeraradii gardarada aha inuu san uga hadhayn, uuna cidhibtiri doono,isaga iyo kooxdiisa dhuumaaleysanaysa, sidoo kale, wuxuu korneylku u sheegay inuu ilaawo in ciidan loo keenayo, saacad ka dibna dhammaantood la laynayo, wax la sii deynayana aysan jirin, xaaskiisana loo diray waddan iyo wiilkiisii dibadda ah, isaguna u diyaar garoobo, dagaal ilaa uu ka dhimanay ama gacanta lagu soo dhigayo.

Abu Salmaan waxaa niyad jab ku noqotey inuu madaxdii isaga ka sareysay ugu bushaareeyey inuu keenayo ciidamadii maqnaa, sidoo kale xaaskiisii loo keenayo, waxaa loo dabaaldegay guul, balse, arrintan dambe ee isbeddelka Korneylku keenay ayaa Abuu Salmaan werwer ku dhalisay ah, in xitaa isaga la khaarajiyo maadaama uu u been sheegay Khulafadiisii, waxaana ku caddaatey talo, meel walba waxaa kaga timid quus.

Abuu Cusaama Salmaan kala tashaday arrinta haysata wuxuuna u shegay inuu   Salmaan inuu toos ula xidhiidho ganacsade Baroowe,Salmaan wuxuu wacay, nin ka mid ah, madaxdii wuxuuna la socodsiiyey, arrinka iyo inay qoladii munaafiqiinta ahayd is beddeleen, balse, uu hayo qorshe cusub, markuu arrinkii u faahfaahiyey ayaa Abuu Bardaawi waxaa usoo baxay, fursad lagu adeegsan karo, Barroow loogana takhalusi karo Ilbir iyo Adeerkii Cirfiid.

 

Waxaana loo diray nin dilaal ah oo la xidhiidhay una sheegay iney xaaskiisa   qolo noocaas ahi haysato, lagana doonayo madax furasho iyo dhaqaale badan.Barroow arrintani kama nixine waa ku farxay waayo werwer iyo walaahoow ayuu wehel ka dhigtay, maalintuu Hodan la hadlay, wuxuu waalidkeed u sheegay inay is maqleen oo ay shuruud uga dhigtay furriin, balse, dib dambe uma maqal.Arrinkanina wuxuu sii dhaliyey shaki ah, inuu isagu meel ku xidhay iyo inuu dilay, ugu dambayn waxaa sii ballaadhay murugii iyo ismaandhaafkii arrinta Hodan waana laysu birro lisanayaa.

Barroow waa ganacsade, wuuna yaqaana hawlaha ganacsiga nooc wanaagsan iyo kuwa xun xunba, waxaa halkaa uga soo baxday, fursad ah, inuu xaaskiisa soo badbaadiyo, sidoo kale Barroow waxaa ku laba jibaarmey jacayl uusan shalay u qabin, Hodan markuu arkay in xaaskiisu nin kale jeceshahay, maantana Barroow Hodan wuxuu u yahay diyaar wax kasta oo uu ku heli karo, sidoo kale waxaa uu doonayo inuu awoodiisa iyo sumcadiisa dhulka u sii socota ku iibsado wax walba , wuxuuna oggolaaday dhammaan shuruudihii heshiiska oo dhan, heshiiska oo ahaa, boqol kun oo doolar oo kaash ah iyo badeeco hub iyorasaas,balse, ka codsadey in lagu soo wareejiyo xaaskiisa, ka dib ayaa loo sheegay iney gabadh kale la socoto, Barroow waxaa usoo baxday fursad kale oo ah iney gabadhaasi tahay, tii xaaskiisa ka xero bixisay ee Ilbir usoo dirsan jirey, wuxuuna doonaya inuu inta laga qaaday hadhoow uga qaato Ilbir iyo Korneylka.Waana laga oggolaaday, waxaana lagu ballamay, Subaxnimadii magaalada qoorigeeda in laysugu yimaado oo gaadiidka oo raran uu keeno, isagana Marwadiisa iyo gabadha kale lagu wareejiyo.

 

Ilbir wuxuu diray Doolli inuu soo tabaaso oo soo oggaado, meelaha ay ku sugan yihiin, Abu Salmaan iyo ciidankiisa. Doollina wuxuu soo ogaaday, dhammaan xarumaha ay joogaan wuxuuna helay xog rasmiya , Halka lagu hayo Hodan oo ah, bannaanka magaalada Beero ku yaalla iyo meel yar oo Buulooyin ah iyo ciidanka jooga tiradooda.Doolli waa nin magaalada ka caan ah, waa Aftahan dadka oodhami jecel yihiin, bulshada nooc kasta waa la saaxiib, waana nin naxariis badan, waa nin dadka qof walba sida uu yahay ula dhaqma, mar waxaad arkaysaa, isagoo cunto u qaybinaya lana fadhiya oo la sheekaysana, carruurta, Xabaglayaasha ah(Koolistaha) iyo caseeyayaasha, isagoo u kala garqaaddaya, una samaynaya maamul iyo masuuliyiin, sidoo kale ka war haya xaaladooda caafimaad iyo nololeed.

 

Marna waxaad arkaysaa isagoo qaybaha kale marba koox la shiraya, Ganacsatada, baabuureyda, dilaaliinta, suuqleyda, xamaalka IQB, qof weliba fadhiga ayuu uga kacaa, balse, wuxuu awooda saara, taageerada iyo kaalmeynta dadka dhiban, rag iyo dumar haba u badnaadaan, Waayeelka iyo dhallaanka dhibaateysan.Tani waxay Doolli u fududeysaa inuu la xidhiidho cid walba, si xuuraansi ahna u oggaado qof allaale qofkuu doono, Hanad waa laga baqaa oo waa sida Ilbir, Doollise lagama baqo, sidoo kale wuxuu u fulliyaa ganacsatada inuu u gudbiyo lacagaha badan maadaama aysan jirin cid isaga soo hungureynaysa, mararka qaarkoodna waxba kama qaato, sidaasey dhammaan bulshadu ku jeclaatey, waana nin sheeko badan oo dadka ka qosliya.

 

Korneylku waa u oggolaadey inay ku duulaan Abuu Salmaan, weliba isagoo noolna u keenaan, goor ay tahay habeen badhkii, goor sheegtaduna abbaareyso, 3:00 Habeennimo ayaa duulaan lagu qaaday,waxii mudo la soo socdaba markii loo dhawaaday ee la dul tegay Buulladii,Abuu Salmaan ciidankiisu joogeen.Ayaa Ilbir joojiyey baabuurkiisa oo ugu horreeyey, wuxuuna ku amrey iney baabuurta dagaalka la damiyo oo la riixo, si aan loo dareemin jabaqdooda iyo guuxa gaadiidka sidoo kalena aan loo arkin nalka iyo kaaha baabuurta.

 

Ciidankii dhulkana waxaa lagu amrey inay hareereeyaan Buullada oo waxaa loo sameeyey tilmaan iyo baaq ay isku fahmaan.Ciidankii Abuu Salmaan waa rag nabad ku seexdee, wax ilaalo ahi ma aysan jirin, waxayna ahaayeen ciidan aad u tiro yar marka loo eego, ciidanka ku soo duulay.Ciidan ayaa buullada guri guri u galay, ugu dambayn, si fudud ayaa waxaa lagu helay, halkii ay ciidanka Abu Salmaan deganayeen, Hareerahaa laga maray hubkaana laga dhigay, balse, lama helin Abuu Salmaan wuxuu ka tegay habeennimadii, isagoo looga yeedhay magaalada Doonyaaley si uu ugala xaajeystaan arrinka Barroow, sidoo kale loogu mahadceliyo, saamaynta uu ku leeyahay hawlaha ciidanka iyo ururka, wuxuuna ku maqnaa maqnaa hawshaas.hase yeeshee waxaa gacanta lagu dhigay 22 nin oo ciidankiisa ah, hubkiisii oodhan iyo wixii saanad iyo gaadiis uu haystay.

 

Hodan iyo Saaxiibteed Luul ayaa iyagana laga soo saaray meel Mutul ah oo ay ku xidhnaayeen, iyagoo duruuf iyo rafaad ka muuqdo, Hodan waxay illowday 100 ciidan ah ee ku xeeran waxayna isku duubtay Ilbir.Saaxiibadeed Luul iyo ciidankii ayaa wada yaabay Ilbirna far nuuxsataa la waayey.

Buulladii dadkii joogay waxaa lagu ifiyey nalalka Baabuurta,bannaanka ayaa loo soo saarey, sidoo kale, wixii rag ahaa iyo wixii dumar ahaa waa la kala soocey, Oday weyn oo waayeel ah, ayaa qeyliyey isagoo dareemay ifafaalaha ciidanka ayuu aad u qaylodhaamiyey.

“ War hana leynina war nana dilina, ilaahay ka cabsada, annagaba nimankani xoog bay nagu haysteene, war carruurta iyo dumarka hayga dilina”Ilbir oo garoowsaday hadalkaa ayaa u yimid oo yidhi:

“ Adeer intaannu qoryaha ku qabanay maahine qof kale ma rabno, ee waxaad noo sheegta halka aannu ka helayno, Abuu Salmaan”

Odaygii baa yidhi:

“Abuu Salmaan iyo Abuu Cusaama waa baxeen, waxayna degan yihiin, Xaafadda Dhuurta, guriga Xaaji Madar, halkaasaa laga xukumaa, ninkaa dheerna waa ku xigeenkiisa Cusmaan baa la yidhaahdaa ee carruurta iyo maatida ii nabadgeliya”

Oday Sabriye wuxuu ku mintidey inuu dadkiisa badbaadiyo, wuxuuna kala soo dhex baxay dhammaan wiilashii deegaanka, balse, waxaa laga diiday, laba ka mid ah, oo ka mid ahaa raggii qoryaha lagu qabtay.

Oday Sabriye dedaal waa sameeyey, wuxuuna ku guuldarreystay inuu labadaa wiil badbaadiyo, markaasuu ku calaacaley, imisaan idin lahaa, nimankaan ka hadha, waa taas maanta maxaan idiin qaban karaa?

Ilbir oo ka diiday Oday Sabriye ayaa waxaa uu arkay, Hooyo meel gaar ah intey dhulka fadhiisatey Hooyo barrooraneysa oo leh, alla wiilkayga miyaa caawa laygu hor dilaya,alla ilaahayoow ii gargaar aabbihii baa laygu hor dilay maantana ma   agoonkeygii baa la dilayaa!

Ilbir iyo dhammaan ciidankii ayaa xaaddu istaagtey, markaasay Hodan iyo Luul ka baryeen inuu usii daayo, dabadeed intuu u tegay ayuu ku yidhi, “ Hooyo uma iman halkan inaan ku dhibaateeyo,balse, nimankani walaalahay bay dileen, gabdhahana waa soo af duubteen.

Ilbir ayaa amar ku bixiyey, in dhammaantood la istaajiyo, wuxuuna hooyadii ooyeysay ku yidhi kala soo bax wiilkaaga, balse, waxay wada naxeen markey arkeen qiyaasta wiil yar u dhaxeeya 14 jir ilaa 15 jir, markaasey isku ooyeen hooyadii, waana loo sii daayey.

Ilbir ayaa arkay mid kale oo aad u yar wuxuuna weydiiyey dadki tuullada ya yaqaan kan, waxayse yidhaahdeen ma naqaano,   markaasuu isaga weydiiyey,aaway reerkiinii wuxuu u sheegay, inuu ilaahay dartiis uga yimid, wuxuu yidhi, Orodoo iska bax, Oday Sabriye ayuu weydiiyey aaway wiilka ee aad dadkaaga ahaa, waa la tusay mid da’diisu aysan gaadhin 20ka oo kurey ah, markaasuu yidhi kaxayso adeer, markaasuu u duceeyey Oday Sabriye oo yidhi, waad na xoreysee alle haku xoreeyo, waadna qiimeysee alle haku qiimeeyo.

Waxaa la kaxeeyey intii soo hadhay waxaana la dul geeyey, Meel god ah oo laga qodaye, War biyood, ka dib ayaa mar qudha lagu billaabay xabbado kala duwan, kuwa qoryaha fudud iyo kuwa baabuurta waaweyn ee boobayaasha Culus, maalintaa waxaa halkaa waxaa ku qudh waayey tiro gaadhaysa 20meeyo dhallinyaro ah oo si naxariis darro ah lagu dilay , gar iyo mag la’aan kuwa dilaya iyo iyaga midkoodna uusan ogeyn waxay u dhinteen, dhallinyarada ayaa u dhimatey aragtida guracan ee Abuu Salmaan oo aaminsan Jihaad iyo inuu dhibaatada dadka ku janno tegayo.

Maydkii oo is dul saaran ayaa dadkii tuullada waxaa lagu qasbay inay aasaan oo ciida ku rogaan, hubkoodii iyo dhammaan waxay hanti haysteena waa laga soo furtey xitaa saacad gacmeed kuwii la dilay jeebabkooda ayaa la baadhay, kabahana waa lagala baxay, inkastoo aan dadkii deegaanka waxba la yeelin, waxaase isagana laga reebay oo aan la dilin, ku xigeenkii Abuu Salmaan, Cusmaandheere( Dulyadeyn) waa dil u joog, waxaase laga rabaa in sir laga helo.waaberigii ayaa waxaa soo hadlay, Abuu Salmaan oo aan ogeyn wixii dhacay, wuxuuna usoo wactamey, inuu la socodsiiyo, ballanta iyo goobta taliye ku xigeenkiisa Cusmaan.

Ilbir ayaa ku amrey Cusmaan inuu la hadlo, ka dib Cusmaanbaa dhegta loo saarey telefoonkiina codkaa loo furey, Abuu Salmaan ayaa warbixin buuxda siiyey soo kaxeeyo gabdhaha iyo ciidanka oo uu Sarta dheer ee bannaanka magaalada keeno, 9:00 Subaxnimo, Abuu Cusmaana wuxuu yidhi waayahay sidaasaa inoo ballana”

Abuu Salmaan iyo Madaxdiisii, waxay u soo carceersadii markey Salaadii subax tukadeen ee soo quraacdeen, meeshii ballantu ahayd, dhinaca kalena Barroow oo farxada ka muuqata aan cidina qiyaasi karin, ayaa usoo jiheystay, halkay ballantu ahayd.

Korneylkii ayaa loo sheegay in meeshaa lagu ballansan yahay, isaguna ciidanka awoodiisii ayuu soo kaxaystey, waxaana loogu talo galay in dhexda la gashado, Qoladii duulaanka kale ka soo noqotey, ayaa waxaay kaga yimaadeen jihada waqooyi, iyo Galbeed qoladii kalena waxay isu qaybisay, Koonfur iyo Barri, waxaana laga ootey dhammaan waddooyinkii.

Barroow inuu meesha joogo ma ogga Ciidanka Korneylka iyo kuwa Ilbir balse waxay ogyihiin meesha lagu ballamey keliya, waayo Abuu Salmaan uma sheegin asxaabtiisa in Hodan la kala wareejisanayo, waa sir ciidan, sidaa awgeed, Ilbir iyo Korneylkuna waxay fursad u arkaan, inay soo afjaraan dagaalka Abuu Salmaan sidoo kale ay helaan oo qabtaan madaxda ka dambeysa Abuu Salmaan.

 

La soco qaybaha dambe

Cabdiraxiin Hilowle Galayr.

Galayr1977@hotmail.com

 

 

SHARE

1 COMMENT

Comments are closed.