XIKMADAHA JIMCAHA. BY Mohamed Musa Sh. Noor

xikmdo kooban

Qof walba waa Taariikh

Qof walba oo dunidan ku nool waa taariikh socota, Af kala qaadka dadk ayay ku xirantahay, qof walbana meel uu ka yimid iyo meel uu u socdo ayaa jirta , sidaa darteed, ma ahan in aad ku dag dagto xukminta dadka inta aadan aqrisan halka uu qofku ka yimid iyo halka uu tiigsanayo iyo sababta uu u marayo xaaladahaas uu ku dhex jiro ee xukmintooda aad ku dag dagayso.

 

 

 

  Aargudashada

Aargudashada ma ahan mid wax soo kordhisa, bal waxaaba la oran karaa wax bey sii kala fogaysaa ama sii kala dhantaashaa, qofka dhibka kuu gaysta ee mudan in aad ka aargudato haddii aad Cafis ugu baddasho isla isaga ayay u tahay xanuujin, balse marka aad isku daydo in aad ka aar gudato wali waxaa tahay mid kusii dhiiri galinayo in uu fal kale oo xun kuu sii gaysto, sidaa darteed waxaan oran lahaa aargudashada waa mid kusii dhiiri galisa qofka in uu ficilkii xumaa ama dhaawicii uu horey u gaystay uu mar labaad mid ka xun kusii fakaro gaysashadiisa, balse marka la cafiyo ama laga haro ma heli karo waddo uu xumaan kale kuugu sii gaysto ama ficil ku dhiiri galsha in uu xumaan kale kusii fakaro, inaga Aadana ahaan waxaanu u samaysanahay in sida badan qofka na dhaawaca aan ka aar gudano, inaga oo uga aar gudana si xad gudub ah oo mararka qaar la dhihi karo, waa mid sii abuurta kala fogaanta dadka ama musiibooyin ka dhasha afcaasha aargudashada ee la is dhaafsado.

Hadaba ku dadaal in cafiskaagu bato, in kastoo ay adagtahay oo mar walba dhaawaca kugu dhacay xanuunkiisa uu ku bado in aad garan waydo halka aad taagantahay ama mudantahay.

 

 Toosnaanta iyo dhabta

Raadinta aad raadiso toosnaanata dhamaystiran ma ahan in marark qaar ay kaa lumiso dhabta aad ku dhex jirto, micnaha aan uga jeedo ayaa ah in qof toosan uusan jirin, balse uu jiro qof naxariis badan hadana mararka qaar leh Iin aan ku farax galin, sidaa darteed, inta aad raadin lahayd qof aan iin lahayn waxaa wanaagsan In uusan kaa lumin qofka ku hortaagan ee xaqiiqda ah, waana qofka wanaagsan balse khaladaadka yar yar ay ka dhacaan.

Saxsanaanta ama toosnaanta qofka waa mid ku xiran xaaladaha ama is baddalka waqtiga, balse u dhalashada wanaaga qofka waa mid ah xaqiiq jirta oo aan la inkiri Karin, sidaa darteed, waa la samaysan karaa qof wanaagsan, balse in la helaa qof uusan khalad ka dhicin waa adagtahay, wanaaga waa u dhalasho, inkastoo mararka qaar xaaladaha uu qofku ku sugan yahay ay keenaan ama saamayn ku yeeshaan muuqaalka qofka kasoo baxa.

 

 

  Xiisaheenu waa xigtadeena

U xiisoonaanta aad qof u xiisoonaato ama waayitaanka aad qof wayso, waxay caddayn u tahay in qof wanaagsan oo u qalma in laga fakaro uu kusoo maray, mar walba dareenkena waxaa ku hara inta wanaagsan ee qalbigeenu jecelyahay wahelkooda, balse inta aan qiimaha lahayn ee na xanuujisa ama na badda xanuunka qalbiga kuwaas wax xusuus ah kuma yeeshaan qalbiyadeena umana xiisno, xiisaheena waa inta xigtada ku noqota xabadkeena,

 

 

 Dhamaystirka

Dhamaystirka nolosha waa wehelka, haddii wahel uusan jiran hubaal in nolosha qofkaas ay tahay qabyo, wahelka noloshaada dhamaystirase ma ahan wahel kasta, ee waa midka ku dareensiiya waxa aad tahay kaana soo saara wanaaga kugu jira.

 

 

  Kuma dag dagayo

Aniga kuma dag dagayo tilmaantaada, mar walba waxaan garansanahay in ay jirto sabab ka dambaysa halka aad taagantahay iyo qaabka aad u dhaqmayso inkastoo aanan aqoonteeda lahayn, hadana waa mid aan dareensanahay, taasna waa sababta aanan ugu dag dagayn xukmintaada.

 

 

  Sugnaanta

Sugnaanta ama hubsashada waa mid mar walba kaa fogaysa shallaysto in aad gasho, inta badan aad wax sugtaa dulqaadna u muujisaa, waa inta badan aad heshaa wax ku farxad galsha, sidaa darteed aan iska dhowrno ku dag dagidda waxyaabaha qaar.

 

Wanaag iyo xumaan

Wax walba waa in aad ku cabirto dareenkaaga dhabta ah adiga oo aanan eegayn Maslaxadda Hebel ama raali galintiisa. wixii xun waa xun yihiin kuma baddali kartid afkaaga, wixii wanaagsana waa wanaagsan yihiin oo kuma xumayn kartid afkaaga, wanaag iyo xumaan sida ay dhawaq ahaan u kala duwan yihiin ayay mar walba macna ahaan u kala ahaanayaan ma ahan mid aad afkaaga ku baddali kartid, hadaba u wajah wax walba sida ay yihiin adiga oo dhigaya arrin walba halka ay ku haboontahay.

 

  ogsoonow

Laga yaabee in aadan haysan inta aad nolol ahaan u baahnayd, balse waa in aadan hilmaamin oo maankaaga ku haysaa, in, in badan oo aad ka fiicantahay ay jiraan, in badana ay ku taamayso inta aad haysatid in ay helaan ay gaaraana heerka aad maanta joogta waqtiga ay doontaba ha ku qaadatee, sidaa darteed ha hilmaamin in aad noqoto mahad naqe og waxa uu yahay iyo waxa laga doonayo.

 

 Damaca badan

Damaca badan wuxuu keenaa iimaan xumo iyo in aad mar walba isku dhacdaan dadka aad macaamilaysaan, intii aad dooni lahayd wax badan, waxaa wanaagsan in aad ku faraxsanaataa waxa aad haysato ama aad heshay, intaas marka ay kaa suurowda waxaa u dhawaanaysaa Dariiqa aad ku garan karto in aysan waxba kaa maqnayn ama Baahi badan aysan ku hayn.

 

 

QALIBGA, BALANTA, AAMINAADDA

In qofku aamin noqdo waxay marka hore anfacdaa isaga, kadib ayay Bulshada saamayn ku yeelataa, marka qofka haddii uu aaminaadda naftiisa uusan ka bilaabin uma gudbin karo bulshada kale,  sidaa darteed waa in aaminaaddu aysan jabin, si shaqsiyaddaada aysan u jabin.

Ballanta dhinac walba oo dunidan waa lagu amaanay waxay qayb wayn ka qaadataa hor u socodka Nolosha, waana lagu hormaraa runtii, Qofka balanta oofiya mar walba wuu ka shaqsiyad wacan yahay kan burriya.

Balanta oo la oofiya waxay yaraysaa isku buuqa dadka ka dhex dhaco ama qofka shaqsiga ah ku dhaca, maxaa yeelay qofka balanqaadka badan hadana ay ku yartahay oofinta balanta mar walba waa mid isku buuqsan oo cadaadis aan la aqoon uu saaran yahay, sidaa darteed si aad u hesho Qalbi dagan, Dad ku jecel iyo naftaada oo aad is jeclaataan, ku dadaal oofinta balanta aad qaadid mar walba.

Qalbiga waa in laga ilaalshaa dhaawac kasta oo ku imaan kara, maxaa yeelay waa bart ay ay kasoo butaacanto nacaybka iyo jacaylkeena, si taa looga fogaado, qalbigu maadaama uu u nugul yahay dhaawaca, mar walba waxaa wanaagsan in aaminaadda iyo balantiisa oo la oofiyo lagu dadaalo, labada kore haddii la sameeyo hubaal in qalbigu uu dagayo.

 

W/Q: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@hotmail.com

SHEEKOOYIN